
Dhalinyaro u fariisatay imtixaanka Leyli Sarkaal iyo Sarkaal Xigeen
Goobta Imtixaanaadka lagu qaadayey, ayaa waxaa goob joog ka ahaaa gudigga imtixaanadka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Turkey.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali Jaamac Xuseen oo ay wehliyaan, ayaa maanta kormeeray xarunta dugsiga tababarka ee TurkSom oo ay ka socotay qaadista imtixanaadka Sargaal iyo sargaal xigeenada ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka.
Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mid mid u xog wareestay Ardeydii galeysay imtixaanaadka, isaggoona weydiiyay sida ay u arkaan ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka.
Saraakiisha Ciidamada dawladda Turkiga ee gacanta ku hayo Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom, ayaa waxay Taliyaha Ciidanka Xoogga u faah faahiyeen qaabka loo kala xulay Ardeydaasi, waxaana Taliyaha Saraakiisha qaadeyso imtixanaadka uu ka dalbaday in ay ku shaqeyaan si cadaalad ah.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa dawladda Turkiga ugu mahad celiyay kaalinta muuqato ay ka qaadanayaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Dhalinyaro u fariisatay imtixaanka Leyli Sarkaal iyo Sarkaal Xigeen
Inku dhow shan boqol oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa maanta u fariisatay magaalada Muqdisho imtixaanka Leyli Sarkaal iyo Leyli Sarkaal xigeen ee ciidamada xoogga dalka oo lagu qabtay dugsiga tababarka ee TurkSom.