
Qaybta cusub ee lagu kordhiyay BBC News Somali TV oo todobaadkan soo socda bilaabanaya
30-ka daqiiqo ee barnaamijka cusub ee Caawa iyo Caalamka ee BBC News Somali TV wuxuu billaabanayaa Isniinta 30 July.
Barnaamijka oo maalin walba hawada gali doona Isniin-Jimco wuxuu isugu jiraa warar, wareysiyo iyo falanqeyn. Qaybtan cusub waxay wakhti dheeraad ah siin doontaa wararka aan meelaha kale laga sheegin.
Tusaale ahaan qodobada toddobaadyada soo socda daawadayaashu filan karaan waxaa ka mid ah:
* Warbixin eegeysa dhibaatada mindiyaha ee saameynta ku haya dadka Soomaaliyeed ee qurbaha
*Sheeko ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo dharka xayeysiisa oo xirata xijaab oo caalamka caan ka noqotay
*Wareysi aan la yeelanay Majid Majid – Duqa magaalada Sheffield oo ah Soomaali da’yar oo saxaafaddu hadal heyso Yurub.
Waxaa laga daawan karaa Telefishinada BBC News Somali TV ay wada shaqeynta la leedahay.
SBC: Isniin – Jimco 8.00 Habeennimo
STN: Isniin – Jimco, 9.45 Habeennimo
Qaybta cusub ee lagu kordhiyay BBC News Somali TV oo todobaadkan soo socda bilaabanaya
BBC News Somali tV ayaa todobaaska soo socda soo gudbinaysaa doodo gaar ah, warar aan horey loo maqal iyo codad kala duwan oo Soomaali ah.