
Deg Deg:- Al-shabaab oo Weerar Caawa ku qaday Saldhiga Degmada Hiliwaa
Weerar Qarax ku Biloowday ayaa Caawa lagu qaaday Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana Saldhiga Dhowr Jaho ka soo galay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya Ciidamada Ilaaliya Saldhiga Degmada Hiliwaa iyo Al-shabaab uu halkaa ku dhexmaray Dagaal Fool ka fool ah.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Al-shabaabkii Weerarka ku soo qaaday Saldhiga laga Itaal roonaaday,iyadoo ilaa Shaleemo Cabdi waayeel ay isla gaareen Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday.
Inkastoo aan la ogaan karin Khasaaraha dhimasho ee kala gaaray Labada Dhinac,ayaa Ciidamada ku sugan Saldhiga Weerarka lagu qaaday waxaa ay noo sheegeen in Saddex ka mid ah Al-shabaab uu Meydkoodu yaallo Saldhiga oo ay ka Carareen.
xigasho:-radiokulmiye .com


0 



Deg Deg:- Al-shabaab oo Weerar Caawa ku qaday Saldhiga Degmada Hiliwaa
Weerar Qarax ku Biloowday ayaa Caawa lagu qaaday Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana Saldhiga Dhowr Jaho ka soo galay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.