
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA LUULYO 2018-KA
Xaafada Soomaalidan lagu dilay oo ah xaafad isku raran ah ayaa waxaa degan dadka madowga ah, waxaana dhalinyarada la dilay lagu kala magacaabaa Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow oo fiidnimadii xalay la dilay.
Sidoo kale isla magaalada Cape Town waxaa lagu dhaawacay Saddex dhalinyaro oo Soomaali ah, kuwaasi dhaawacooda kadib laga qaatay lacag ay lahaayeen oo u tiilay dukaanka ay ku sugnaayeen.
Bishan July keliya waxaa magalooyinka Koonfur Afrika lagu dilay inka badan 10 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaasi.
Dilalka ugu badan ee Soomaalida loo geysto ayaa waxa ay dhacaan xilliyada fiidkii oo ganacsiga xoogiisa uu socdo, inta badan goobaha tuulooyinka waxaa ku yar saldhigyada Booliska, marka ay wax dhacaan keliyay ayay Booliska tagaan oo badanaa aanan ku guuleysan inay qabtaan burcada dilalka geysata.
Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu dhaliilaa inay gabi ahaanba ka gaabisay wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
KHILAAFKII ARRIMAHA XAJKA OO XAL LAGA GAAREY & SHIRKADAHA KA QEYB QAADANAYA OO LA SHAACIYEY
Wasaaradda Diinta Awqaafta iyo
Arrimaha Diinta Soomaaliya iyo Shirkadaha Diyaaradaha ee ka qeyb galaya
Arrimaah Xajka ee Sanadkaan ayaa waxa ay hehsiis ka gaareen khilaafkii ka
dhashay arrimaha Xajka.
Kusimaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga iyo Madaxda Shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaareen khilaafkas,isla markaana Shan shirkadood ay Sanadkaan Duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.
Farxaan Sheekh Maxamuud Sarkaalka Safaaradda Soomaaliya ee loo xilsaaray Arimaha Xajka oo Wareysi siiyey Habeen hore Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Shanta Shirkadood ay duulimaad labo ka mid ahs ida Jubba iyo Daalo ay sitoos ah Muqdisho uga qaadi doonaan halka Saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti,isla markaana ay wakiisheen in halkaasi ay ka sii qaado Diyaarada ya leeyihiin Shirkado Caalami ah.
Waxa uu sheegay in tirada Guud ee Visaha Sanadkaan Xujeyda Soomaaliya ka imaaneysa ay tahay 9300 ,waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in waqtigii loogu talo galay Xujeyda ay waajibadkooda gudan doonaan,isla amarkaana Wasaaradda ay soo afjartay shuruudihii looga baahnaa Xajka Soomaalida.
Si kastaba murankii ka dhashay arrimaha Xajka ayaa sababay in ay xilalkiiku waayaan Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Maareeyihii Duulista Hawada.
DIYAARADA SACUUDI AIRLINE OO DAABULI DOONTO XUJEYDA SOMALIA XILLI LA XALIYEY KHILAAFKII ARRIMAHA XAJKA
Gelinkii dambe ee Shalay ayaa siwadajir ah waxay xal uga gaareen Madaxda shirkadaha duulimaadyada dalka iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta khilaafkii ka jirey Xajka taas oo sababtay in uu culeys ka yimaado.
Tan iyo burburkii dalka waxaa Xujeyda Soomaaliya ka baxeysa geynayey Xajka Diyaaradaha Jubba iyo Daalo,balse Sanadkaan ay codsadeen in ay ku soo biiraan Saddex Diyaaradood oo kale taas oo keentay in uu waqtigii loogu talo galay dib u dhaco,soona ifbaxo khilaaf.
Dadaal badan oo la sameeyey ayaa lagu guuleystay in xal laga gaaro,waxana dhawaan si toos ah u bilaaban doono Duulimaadyadii Xajka ee Sanadkaan.
Shan diyaaradood ayaa ka qeyb qaadan doona Duulimaadka Sanadkaan ee Xujeyda,waxana Saddex ka mid ah loo ogolaaday in ay tagaan Sacuudiga halka Saddexda kale ee ku soo biiray ay Xujeyda geynayaan Jabuuti iyo Kenya.
Sanadkaan Soomaaliya waxaa loo ogolaaday in ay ka baxaan 9300 oo Qof,waxana xusid mudan in Saddexda Diyaaradoodamarkii ay Jabuuti iyo Nairobi geeyaan xujeyda ay sii qaadi doonto Shirkada Diyaaradaha Sacuudi Airline,xiili khilaafkii xajka xal buuxa laga gaarey.
Dadka soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey xalka laga gaarey khilaafkaas,xilli wal wal laga qabay in Sanadkaan uu baaqdo Arrimaha Acmaasha Xajka ee soomaalida ka baxeysa dalka Soomaaliya.
IN KA BADAN 20 RUUX OO KU GEERIYOO DAY KEYMAHA GREECEGA OO GUBA NAYA
Keymaha Wadanka Greeceka ayaa waxaa ka huraya xilligan Dab baaxaddiisu weyntahay oo ilaa iyo hadda ay maaro u la’adahay Dowladda Greeceka.
In ka badan 20 qof ayaa Geeriyooday sida ay sheegay dadka ku mashquulsan daminta dabkan, dadkan ayaan intooda badan waxa ay ahaayeen dadka ilaalinayay keeyntaa iyo kuwa Tamashle Hoowdka u aadan oo dabku uu qabsaday.
Boqolaal qof oo ku shaqa leh dab daminta iyo Qalab aan tiro yareen ayay Dowladdu geeysay Keeymaha, waxa ayna umuuqataa in dabka ay umaara la;ayihiin madaama uu Xoowli ku socda.
Halka ay Keymahani ka Gubanayaan ayaa Caasimadda Athens waxa ay ujirtaa 40km uun Waqooyi bari ayayna kasoo kulaaleeysaa.
Dhaawaca ayaa kor udhaafay 100 qof Dowladda Greecegana waxa ay dalbanaysaaa Caawimaad Caalami ah.
GOLAHA AQALKA SARE SOOMAALIYA OO KA DOODAYA SHARCIGA NAAFADA QARANKA
Kulan looga doodayay dardargalinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday Ururrada Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.
Cabdullaahi Macalin Axmed oo ku hadlay afka Naafada Qaranka ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Naafada Qaranka ay soo mareen, waxaana uu Aqalka sare uu ka codsaday in ay arkaan Qoraalka hindise sharciyeedka hay’adda daryeelka naafada.
"Naafada qaranka waxay lahaayeen guryo ay degaan, goobo ay wax ku bartaan, tan kale hindise sharciyeedka golaha daryeelka naafada waxaan u baahanahay in aan aragno inta aan la ansixin, ee Hay'adda daryeelka naafada la samaynayo madaxdiisa ma la magacaabayaa mise doorasho ayay ku imaanayaa”ayuu yiri Cabdullaahi Macalin Axmed.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Baarlamaanka sharci uu sameynayo ayna ku dadaali doonaan samaynta sharci u dooda xuquuqda naafada oo ay talooyin badan ku yeelan doonaan.
"Baarlamaanka wuxuu sameynayaa sharci ilaaliya xuquuqdiina balse ku dadaala in aad noqotaan dad mid ah oo isku duuban”
Dhawaan ayeey Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ansixyeen xeerka dhismaha Hay,adda daryeelka naafada waxaana loo gudbiyay Golaha Shacabka BFS iyadoo ugu danbayna loo gudbin doono golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya marka ay meel mariyaan loo gudbin doono madaxweynaha dalka.
DOWLADA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN LA YAREYNAYO ISKUULADA TIRADA BADAN EE MUQDISHO
Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay ka qeyb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo Waxbarashada dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa si qoto dheer ugu hadlay Waxbarashada iyo qorshaha dowlada ugu dagan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ku yaalaan iskuulo waxbarasho oo tiro badan, kuwaas oo tayadooda waxbarasho aysan gaarsiisaneen heerkii looga baahnaa,xiligaan.
Sidaas daraadeedna ay dowladu bilowday qorshe ay arimahaas ay wax ugu qabaneyso, wuxuuna sheegay inay jiri doono in la yareeyo iskuulada tirada badan ee magaalada Muqdisho ku yaala.
Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa yiri ” baaritaan ay
sameysay Wasaarada Qorsheynta waxaan ku ogaanay in dadka Soomaaliyeed 40% ay
wax aqrinkaraan waxna qori karaan, halka 90%dadka Soomaaliyeed ay fursad u heli karaan in ay waxbartaan sidaas
daraateedna sanadka 2020ka Qorshaha dowlada u dagan in uu yahay in dadka wax
qorikara waxna aqrin kara in la gaarsiiyo heer aad u sareeyo”.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY WEERARKII CUSLAA EE DARAADKA DHACAY BAARSANGUUNI
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso weerarkii cuslaa ee Aroornimadii hore ee Isniintii daraadAlshabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ee deegaanka BaarSanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sii warhayeen laguna jabiyay xoogaggii weerarka soo qaaday oo markii hore ku bilaabay weeraarkooda gadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.
"Guul darro weyn ayeey kala kulmeen Alshabaab dagaalkii daraadka dhacay BaarSanguuni walina ciidamada oo iskaashanaya waxaa ay ku raad joogaan firxadka kooxihii weerarka soo qaaday ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.’’
Aadan Isaaq Cali oo ah kusimaha xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii daraadee BaarSanguuni lagu dilay 87 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland u suurtagashay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta saldhigyadii lagu dagaalamay, taasoo macnaheedu noqonyo in Alshabaab markii hore u suurtagashay in ay qabsadaan saldhigyada ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Alshabaab dhinacooda Afhayeen u hadlay waxaa uu sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ku dileen 27 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhigay BaarSanguuni.
LABA BOQOR OO CAAN AH OO KA QE YB GALAY BANDHIGGA BUUGTA HARGEYSA
Weriyaha caanka ah ee ka tirsaneyd BBC da Mary Harper ayaa soo qaaday sawirka labo boqor oo ka qaybgalayay munaasabadda bandhigga buugaagta Hargeysa.
Waxayna kamid tahay bandhigyada carwada suugaanta ee bariga Afrika lagu qabtay, gaar ahaan kuwooda ugu caansan uguna shacbiyadda badan.
Boqorka beesha Gabooye ,Axed Iimaan Warsame ayaa kamid ahaa dadkii ka qayb galay bandhigga buugaagta.
Weriyaha ayaa intaasi ku dartay in kaarka uu ku galayay munaasabadda ay ku qornayd ‘Boqorka geeska Afrika’
Waxaana sawirka sidoo kale ka muuqdaa boqor ka socdo beel degto koonfurta Suudaan oo lagu marti qaaday munaasabadda.
DUQA MUQDISHO” CIDDII KA FAA’IIDE YSAN WEYSA CAFISKA MADAXWEYNA HA GACAN BIR AH AYAAN KU QABAN EYNAA”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ahna duqa Muqdisho aya isaga oo ku sugan Magalada london waxa uu ka hadlay
arrimaha Amniga Caasimadda iyo dadaalka dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso.
Waxa uu sheegay in Ciidamada amniga ay sitaxadar ah u xaiiqjiyeen amniga Caasimadda,isla markaana sidoo kale loo diiday in Gawaari sida waxyaabo lidi ku ah amniga in ay koontoroolada Magalada Banaankeeda ah ka soo galaan Caasimadda.
Waxa uu Guddoomiye Yariisow soo hadal qaaday dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto AlShabaab,waxa uuna sheegay in lag doonayo in ay qaataan cafiska Madaxweynaha hadii kale tallaabo laga qaadi doono waa sida uu hadalka u dhigay.
"Anaga waxan rabaa qof walba oo Soomaaliyeed xataa kuwa la qalday ee Shabaab ku jira in ay ka faadiideestaan cafiska madaxweynaha cidii diidana gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa ayu yiri gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ah in ay kaalin weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.
QAXOOTI SOOMAALI OO LOO DIIDAY DI BUDEJINTA DALKA MARAYKANKA
In ka baadan 1,500 qof o oay ku jiraan in ka badan 120 carruur ayaa ku harsan Jesiiradaha Manus iyo Nauru oo ay Dowladda Australia maamusho, iyadoo kalabar dadkaasi yihiin Qaxooti ka soo jeeday dalalka Muslimiinta ee laga mamnuucay inay gudaha u galaan dalka Maraykanka.
Qaxooti kale ee lagu hayo Xeryaha ku yaalla Jesiiradda Manus iyo Nauru, kana soo jeeda dalalka kale ayaa la sheegay inay badankooda Dibudejin ka heleen dalka Mraaykanka.
24 Qaxooti ku jirtay Xeryaha ay
Dowladda Australia maamusho waxay daraadu duuleen dalka Maraykanka oo ay ka
heleen Dibudejin.
Kooxdaasi qaxootiga ee loo qaaday Maraykanka waxaa ka mid ahaa 2 qoy oo u dhashay Muslimiinta Rohingya, oo ay wehliyeen 5 carruur oo ay dhaleen.
Afhayeenka Isbahaysiga Waxuqabadka Qaxoottiga lagu hayo Jesiiradaha ay Australia maamusho, Ian Rintoul oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka u diiday Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa u dhashay Iiraan Dibudejinta Maraykanka labadii isbuuc ee la soo dhaafay.
"Ma jiro wax Heshiis ah oo lala leeyahay Dowladda Maraykanka oo ku aadan in Qaxootiga ugu badan ee lagu hayo Jesiiradaha Manus iyo Nauru dibudejin ka helaan Marayknak” ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa uu ku eedeeyey Dowladda Australia inay Xiisad Aadminimo ka abuurtay Xabsiyadda ay ka samaysatay Xabsiyo ku yaallo meel ka baxsan Xeebaha, oo lagu hayo Qaxootiga Magangel yodoonka.
Afhayeenka waxa kal e oo uu xusay inay qaadi doonaan Tallaabo Degdeg ah, siQaxooti gaasi ku nool Jesiiradaha Manus iyo Nauru loogu soo daadgureyn lahaa gudaha dalka Australia
Si kastaba ha ahaatee, Qaxootiga Muslimiinta ee lagu hayo Jesiiradahaas waxay rajoxumo ka muujiyeen qaabka ay Dowladaha Australia, Maraykanka iyo kuwa kale u hayb takooraan Qaxootiga ka soo jeeda Dalalka Muslimiinta ee uu Madaxweyne Donald Trump ka mamnuucay inay cagta saaraan dalka Maraykanka.
Xigasho: brinkwire.com
WASIIRKA GANACSIGA OO KU DHAWAAQ AY DIB U HOWLGELINTA DHISMAHA HAY’ADDA TAYODHOWRKA
Hay’addan ayaa noqoneysa mid ka hortagta badeecadaha khatarta ku ah caafimaadka dadka iyo degaanka, sidoo kale keenista iyo isticmaalka badeecadaha dhacay ama tayadoodu Liidato si loo ilaaliyo badqabka nolaleed iyo caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan dalka ay u leedahay Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale u magacaabay 5 xubnood oo Hay’adda Tayodhowrka iyo badqabka badeecadaha dalka soo gala.
Xubnaha Guddiga Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin:
1: GuddoomiyeAadan Xasan Barre
2: CabdillaahiSalad Xasan Xubin
3: Ibraahim Naxamed Xasan Xubin
4: Fartuun Siidow Macalin Cabdi Xubin
5: Cabdi Saqaawe Cismaan Xubin
Hay’addan ayaa hoostageysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha dalka.
RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA DAL KA OO DAAHFURAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE WAXBARASHADA SARE
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxam ed Guuleed (Khadar) ayaa shalay daahfuray shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.
Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto, qabanqaabadiisana ay leedahay jaamacadda umma dda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxa ana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarash ada sare.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka
Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda
ummadda Soomaaliyeed qabanqaab ada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna ka qayb
galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo sedaxda maalin ee
shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare
ee dalka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa shirgudoomiyay kulankii labaad oo looga hadlayo qorshaha horumarinta hawlaha dekadda Muqdisho kaas oo daba socday go'aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaar adaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24saac ku shaqeyn karto Dekedda Muq disho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
CARRUUR KU SUMMOOBAY INDHOKUUL AY MARSADEEN
Illaa 3 carruur ah ayaa isbitaalka la dhigay dalka Australia kadib markii ay isticmaaleen indhakuul sumaysan oo lagu sameeyay dalka Pakistan.
Saraakiisha caafimaadka ayaa indhakuusha ka heley maadada Leadka loo yaqaan , waxayna ku jirtaa xad dhan 84% boqolkiiba, waxaa kale oo ku badan biro halis ah.
Dowladda waxa ay sheegtay in si sharci ah loogu dhoofiyay dalkaas, balse macluumaadka dusha kaga qoran baakadka alaabta ayaa ah mid aanan sidii saxda ahayn aanan loo qorin.
Alaabaha ay soo saarto shirkadda Hashmi ayaa laga mamnuucay dalka Maraykanka, waxaana horey u jiray digniino horey ay dalal kale uga soo saareen.
Dadka reer Australia ayaa loo sheegay in ay joojiyaan isticmaalka alaabaha la’isku qurxiyo ee shirkadda Hashmi oo ay indhakuusha ka mid tahay.
Maaddooyinka kale ee caafimaadka halista ku ah ee alaabahan laga heley waxaa ka mid ah Arsenic, cadmium, chromium, iyo mercury, kuwaas oo dhammaantood ah curiyeyaal biro iyo waxyaabo kale isugu jira, kuwaas oo aanan loogu talogalin isticmaalka bini’aadamka si aanan habboonayn.
Maadada Leadka ayaa waxa ay keentaa halis dhinaca maskaxda iyo kilyaha ah, gaar ahaan carruurta, xitaa haddii xad aad u yar ay ka isticmaalaan.
Shirkadaha ku xad gudba jaangooyada caafimaad waxa ay wajigi karaan illaa $800,000 kun oo ganaax ah gudaha dalka Australia.
DUQEYN KA DHACDAY MEEL KU DHOW DEEGAANKA QALIMOW EE GOBOLKA SH/DHEXE
Wararka ka imanaya deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30km dhinaca Koofur ugaga beegan magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dhowaaqa jug culus laga maqlay duleedka Qalimow.
Dhowaaq culus ayaa la sheegay in la maqlay deegaanka Qalimow waxyar kadib markii ay halkaas ay ka baxeen dagaalyahano ka tirsan AlShabaab oo maqribtii habeen hore gudaha u galay deegaankaas.
Hase yeeshee majiro warar xaqiijinaya in ay duqeyntan ay waxyeelo gaarsiiyeen gaadiid ay wateen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo qiyaastii 8dii fiidnimo habeen hore isaga baxay deegaanka Qalimow kadib markii ay muddo labo saacadood ah ku sugnaayeen.
Dad ku sugan deegaanka Qalimow ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ay shacabkadeegaanka Qalimow ay kula tukadeen masaajidka ugu weyn deegaankaas ayna kala hadleen inaysan wax xiriir ah la yeelan ciidamada dowlada iyo maamulka Hirshabelle.
Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in duqeyntan lala beegsaday dagaalyahanadii ka baxay deegaanka Qalimow balse aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray.
Dhowr jeer ayay hore ururka AlShabaab gudaha u galeen deegaanka Qalimow oo ah deegaan ku yaal wadada laamiga ah ayna saldhig ku leeyihiin meel u jirta 5km ciidamada nabad ilaalint AMISOM.
TALIYE GAARI IYO HUB KALA BAXSADAY MADAXTOOYADA PUNTLAND
Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Yamani oo la sheegay in uu ahaa taliyihii laanta socotada ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu waramayaa in 22kii bishan uu gaari iyo hub kala baxs aday madaxtooyada Puntland, kaddib markii uu ka warhelay in xilka laga qaadayo.
Warkan oo lagu daabacay Shabakada PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in sarkaalkan uu kala baxsaday madaxtooyada gaari noociisu ahaa Lancheser V8, 6 qori oo AK47 ah iyo 5 Baastooladood.
Taliyaha ayaa gaariga iyo hubka uu kala baxsaday madaxtooyada Puntland la tagay markii danbe dhinaca deegaanka Balli –Busle ee oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Hasse ahaatee odayaasha deegaanka ayaa markii danbe dib u soo celiyay gaariga oo ay ka qaadeen rag ganacsato ah oo sheegay in ay ku iibsadeen gaarigan lacag dhan $ 40 Kun oo dollar.
Gaarigan waxaa uu ka mid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo dowladda Imaaraatka Carabta ay ugu deeqday Puntland, kuwaa oo intooda badan la sheegay in laga iibiyay dad ganacsato ah oo ku sugan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Puntland ayaa horay u sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta gadiidka iyo guud ahaanba hantida dowlad gobolleedka, hasse ahaatee waxaa muuqata in gadoodka saraakiisha iyo ciidamada Puntland uu meesha ka saaray go’aanka mamulka ee ah in la ciqaabi doono cidii ku xadgudubta hantida maamulka oo uu gaadiidku ka mid yahay.
Ma jiro wali wax war ah oo maamulka Puntland uu ka soo saaray sarkaalkan la sheegay in uu kala baxsaday madaxtooyada gadiidka iyo hubka XIGASHO:HIIRAAN.COM
ITOOBIYA: HUB IYO MALAAYIIN DOLLAR OO LA QABTAY
Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.
Howlgallo laga fuliyay gudaha iyo dibadda caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la sheegay in lugu soo qabtey ku dhowaad $ 10 milyan oo doolar oo caddaan ah, iyo hub gaaraya illaa 1,000 oo isugu jira qoryaha fudud ,kuwa darandooriga u dhaca iyo 80,000 oo rasaas ah.
Taliyaha booliska federaalka Itoobiya, Zeenu Jemal ayaa xaqiijiyay howlgalka lugu soo qabtay hubka iyo lacagta caddaanka ah inay ka qeybqaateen hay'adda sirdoonka iyo amniga qaranka Itoobiya ee NISS iyo bilayska gobolka Oromia oo taageero ka helaya dadweynaha, wuxuuna inta ku daray in la qabtay dadkii watey lacagta iyo hubka, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan.
Booliska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in hubka loo soo galiyay Itoobiya, dalalka Suudaan iyo Jabuuti si ay u abuuraan xasillooni la'aan,waxaana dhacdadaan ay ku soo aaddaysa xilli ay taagantahay xiisad dagaal oo u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya.
BOGGA CAYAARAHA
MOURINHO OO CADEEYAY IN PAUL POGBA YAHAY LAACIB XUL
Tababaraha Manchester United Jose
Mourinho ayaa aaminsan in xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba uu ku haboon yahay
ciyaarista Koobka Adduunka.
Jose Mourinho ayaa ku eedeeyay Paul Pogba inuusan kufaraxsaneyn waqtigiisa Manchester United ka dib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka.
Tani ayaa su’aaal ka kentay mustaqbalka xiddiga Faransiiska uu ku leeyahay garoonka lagu magcaabo Old Trafford oo ay ku ciyaarto Manchester United.
Pogba ayaa ku dhibtooday inuu si joogta ah ugu ciyaaro United, laakiin xiddiga qadka dhexe ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xulkiisa Fransiiska ee ku guuleystay Koobka Adduunka.
25 jirkaan ayaa lala xiriirinayaa inuu ku laabto kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus, waxaana uu dhaliyay gool kulankii France 4-2 kaga badiyay Croatia.
Pogba qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee xulka France ayaa yimid ka dib xilli ciyaareed adag oo uu ku qaatay Manchester, markaasoo xitaa uu kursiga keydka la fariisiyay labadii lug ee wareega 16ka Champions League kooxdiisa wajahday Sevilla.
BALE OO LOO BALLAN QAADAY DOORKIISA REAL MADRID
Sida
laga soo xigtay jariiradda Daily Mail, tababaraha Real Madrid Julen Lopetegui
ayaa u xaqiijiyay weeraryahanka reer Welsh Gareth Bale inuu weli qeyb ka yahay
qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda.
Ciyaaryahankii hore ee Tottenham ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo xagaagan kooxdiisa ka dib markii uu kursiga keydka kusoo bilowday inta badan xili ciyaareedkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, ku biirista Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa haatan keentay in Bale fursad fiican uu ka helo garoonka Bernabeu.
Manchester United ayaa ah kooxda ugu xoogan ee lala xiriirinayo Bale, iyagoo diyaar u ah inay 28 jirkaan isbuucii siiyaan £ 350,000.
Ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah finalkii Champions League kooxdiisa garaacday Liverpool, Bale wuxuu qiray inuu ka tagayo caasimada Spain.
"Waan ka xumahay inaanan kusoo bilaaban ciy-aaro muhiim ah,” ayuu yiri waqtigaas.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah, wadahadaladii u dhexeeyay Bale iyo Lope-tegui ayaa la isku fahmay in xiddiga uu lasii joogo kooxda.
NATIIJO YAAB LEH OO LA HELAY KADIB BAARITAAN LAGU SAMEEYAY JIRKA CRISTIANO RONALDO
Naadiga
Juventus ayaa ku iibsatay 33 jirka Cristiano Ronaldo horaantii xagaagan lacag
waali ah, laakiin sida laga soo xigtay natiijooyinka caafimaadkiisa, wax walwal
ah lagama qabo awooda jirkiisa.
Inkastoo qaar ka mid ah wararka ay sheegayeen in xiddiga reer Portugal hoos u dhacay jirkiisa hadana fa-kir-kaas ka duwan ayaa soo baxay.
Sida laga soo xigtay warge-yska ingiriiska ee The Mirror, natiijooyinka ka soo baxay baaritaanada caafimaad ee la marsiiyay Ronaldo waqti-giisii ugu horeeyay kooxda Old Lady’ ayaa muujiyay in jirkiisa uu sameyn karo wax u dhigma isla lacagta ciyaa-ryahan ahaan lagu iibsaday.
Ronaldo wuxuu ku faanayaa haatan in boqolkiiba 7% kamid ah jirkiisu uu yahay kaliya Dufan, taasoo ah 3% wax ka hooseeya celcelis ahaan ciyaartooyda kale ee kubadda cagta.
Ronaldo ayaa sidoo kale heysta 50% awooda muruqaha jirka, waana 4% wax ka sarreeyaa celceliska ciyartooyda kale, halka xawaaraha ugu sarreeya oo ah 33.98km saacadiiba uu orday Koobkii Adduunka waana in ka dhaqsiyo badnaa ciyaaryahan kasta.
Ronaldo ayaa hore u sheegay in uu yahay mid dareemaya sida inuu yahay kaliya 23 jir, taasoo la micno ah inuu u ciyaari karo heerkiisa sare ee kubadda cagta afar sano kale.
Laakiin sida laga soo xigtay AS, caafimaadka xid-diga uu ku maray magaaalada Turin wuxuu muujiyay inuu seddex sano oo kale sii wadi karo xirfadiisa sare.
ITOOBIYA IYO ERATREYA OO CIYAARI DOONA KULAN CIYAAREED SAAXIIBTIN NIMO OO TAARIIKHI AH
Kaddib isbaddalkii ku yimid dalalka Ethiopia iyo Eriteria waxaa fur furmay siyaasad ahaan dhaqaalle ahaa iyo bulsho ahaan labada dhinac.
Xiriirka kubadda cagta Ethiopia ayaa balamiyay kulan ciyaareed dhex mari doona labada dalkaas oo ka dhici doona magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.
Labada dal ayaanan ciyaarin kulan kamid ah ciyaaraha tan iyo sannadkii 1998-kii, markaas oo uu dhacay dagaalkii xadka ee labada dal ay ku kala irdhoobeen.
Tababbaraha xulka Qaranka Ethiopia Abraham Mebratu ayaa looga fadhiyaa in uu shaaca ka qaado xilliga uu qa-bsoomi doono kulanka labada dhinac, kaas oo noqonaya mid taariikhi ah oo labada dal u dhaxeeya.
Xulka Itoobiya ayaa qaadacay cayaar ay la yeelan rabeen xulka Eritrea sannadkii 2000 iyo cayaaraha bariga Afrika ee CECAFA sannadkii 2010-kii ee lagu qabtay magaalada Asmara, balse xulka Eritrea waxay ku guuld-araysteen inay qayb galaaan cayaaraha CECAFA ee sannadkii 2015-kii.
Si kastaba ha ahaatee labada bulsho ayaa noq-day kuwa isku furan oo aad isku dhex galaya tan iyo markii uu la wareegay dalka mudane Abiy Axmed
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA LUULYO 2018-KA
DHALINYARO SOOMAALIYEED OO LAGU DILAY KOONFUR AFRIKA Laba wiil oo Soomaali ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu dilay xaafad ku taalla Galbeedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, sida ay inoo sheegeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee