HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISH ITMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA LUULYO 2018-KA

0
Tuesday July 24, 2018 - 09:51:16 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISH ITMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA LUULYO 2018-KA

    QM IYO NOSOJ OO ISKA KAASHANAYA ILAALINTA XORIYADDA SAXAAFADDA SOOMAALIYA Kulankan oo ahaa mid xog isweydaarsi ah, loogana hadlayay sida la'isaga kaashan karo sidii looga shaqeyn lahaa nabadda iyo dimoquraadiyadda ayaa shalay ka dhacay magaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM IYO NOSOJ OO ISKA KAASHANAYA ILAALINTA XORIYADDA SAXAAFADDA SOOMAALIYA Kulankan oo ahaa mid xog isweydaarsi ah, loogana hadlayay sida la'isaga kaashan karo sidii looga shaqeyn lahaa nabadda iyo dimoquraadiyadda ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaana ka qeyb galay xildhibaano, wasiiro, xubno ka socday beesha caalamka iyo qaar ka mid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan ee dalka. Xoghayaha guud ee Ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka hadlay u jeedka kulanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhowro xoriyadda hadalka, sidoo kalena laga wada shaqeeyo nabadgalyada dalka.

Mr Macalimu ayaa intaasi ku daray in weli Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan marxalado adag, sida dilal iyo hantadaad joogta ah oo lagu hayo xiliiyada ay ku guda jiraan howlahooda shaqo, taas oo ka dhan ah xoriyadda hadalka iyo dimoquraadiyadda.

Dhinaca kale wakiilka Qaramada Midoohbay ee Soomaaliya AMP. Michael Keating oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in looga baahan yahay in saxaafadda Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadato sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo dimoquraadiyadda dalka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan tacadiyadaha ka dhanka ah arrimaha Xuquuqul Insaanka, kuwaas oo inta badan loo geysto dadka biri mageydada ah oo ay qeyb ka yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo shalay la kulmay 

guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa shalay la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa Guddigaan kala hadlay arimo kala duwan oo ay ka midtahay arimaha Xajka oo maalmihii dambe cabasho ay ka muujinayeen Shacabka Soomaaliyeed kadib markii muran xoogan uu ka dhashay qaabka loo aadayo Xajka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa xubnahaan faray in si deg deg ah looga jawaabo cabashada dadweynaha ee ku aadan arimaha Xajka.

MOWJADAHA KULEELKA AH OO KASII DARAY DALKA JAPAN

Jabaan-620x330 Heer kulka Japan ayaa waxaa uu gaaray meeshii ugu sarreeysay, iyadoo Saraakiishuna ay soo saarayaan digniino cusub si dadku u badbaadaan.

Maalamaha Mowjadaha kuleeylka ah ay ka jiraan Japan dad ayaa ku dhintay, Dadka dhintay oo tiradoodu markii hore ay ahayd 15 ayaa hadda lasheegay in ay gaartay 40.

Shalay oo Isniin ah heerkulku waxaa uu gaaray 41.1 Darajo, taasi oo jabisay kaydkii goonida ahaa ee Qaranka oo heerkulka ugu badan uu gaaray 41 darajo Sanadkii 2013 kii.

In ka badan Magaalo ayaa sidoo kale herku waxaa uu maryaa 40 Darajo.

Heey’adda maareeynta musiibooyinka ee japan ayaa sheegtay in Dadka looga baahanyahay in ay jku jiraan meelaha Qaboojiye yaaashu ay ka shidan yihiin.

MUUSA BIIXI IYO SAFIIRKA UK EE SOOMAALIYA OO KAWADA HADLAY SIDII DIB LOOGU BILAABI LAHAA WADAHADALADII SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka waddanka UK u qaabilsan dalalka Soomaaliya Ambassador David Concar oo booqasho ku tagay deegaanada Soomaaliland.

Kulanka ayaa madaxweynaha iyo safiirku waxay kaga wadahadaleen arrimo badan oo khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee horay ugu socday oo in muddo ah hakad ku jirey iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa markale, islamarkaana hannaankii wadahadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada dhinac.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo ka warbixiyay kulankaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha iyo safiirka UK ay ka wadahadleyn arimo kale dhowr ah oo ay ka midtahay Doorashooyinka Soomaaliland Madaxweyne Muuse Biixine uu safiirka u caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashooyinkaasi xilligoodii ku qabsoomaan.

Ugu dambayntii waxa uu afhayeenku sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safiirka uga mahadceliyey doorka uu waddanka UK kaga jiro horumarka Somaliland, isaga oo safiirkuna dhinaciisa madaxweynaha ku bogaadiyey horumarka uu ku hogaamiyay Soomaaliland.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO DIGNIIN U DIRTAY HAY’ADAHA KA SHAQEEYA WACYI GELINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigalinta gudniinka Fircooniga.

Agaasimaga guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ayaa sheegay in Wasaarada ay siyaasad ahaan ugu jirto sidii ay u ciribtiri laheyd gudniinka Fircooniga,islamarkaana sheegay in arrimahaas ay iska kaashan doonaan Wasaarado badan.

Sidoo kale waxaa uu sheega Agaasimaha in ay jiraan dad badan oo sheeganaya Hay’ado, islamarkaana dhaqaalo ku soo qaatay sidii ay ugu hortigi lahaayeen gudniinka Fircooniga,isaga oo dhaliil u jeediyay dadkaasi.

Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ayaa yiri "waxaa maalin dhaweyd arkaaye qolo dhaheysa waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya dhaqaatiir iyo Culimo la isku keenay si loo joojiyo arrimaha gudniinka fircooniga” ayuu yiri Agaasimaha.

Waxaa uu sheegay in sharciyo la diyaariyay, islamarkaana Baarlamaanka la horgeeyay,waxa uu nasiib daro ku timaamay in hay’ad walbo dalka iska timaado oo ay ka hadasho arrimaha gudniinka Fircooniga.

Agaasime Xaashi ayaa dardaaran u jeediyay dadka ka hadla arrimaha gudniinka Fircooniga,waxaana uu kula dardaamay in ay la tashiyo la sameeyaan Wasaaradaha ku shaqada leh arrimahaasi.

CIIDAMADA SOOMAALIYA OO BURBURIYAY SHABAKADAHA ALSHABAAB EE GOBOLLADA KOONFUREED

Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya ayaa waxay ku dileen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Maxamed Maxamuud Gutaale ayaa u sheegay raadiyaha ay dowladdu leedahay ee ah howlgalkii milatari ee lagu bartilmaameedsanayay xoogagga xagjirka ah ayna si guul ah u burburiyeen qalabkii argagixisada.

"Howlgal milateri oo wanaagsan oo qorshaysan ayaa burburiyay shabakadaha alShabaab ee gobolkaasi Sabtidii, waxaan qabannay qaar ka mid ah xagjiriinta intii lagu jiray howlgalkii argagixisada loo adeegsaday diyaarinta walxaha qarxa,” ayuu yiri Gutale.

Ma uusan faallo ka bixin tirada xagjiriinta lagu qabtay intii lagu jiray hawlgalka SNA ama tirada dhaawacyada ee ku wajahan SNA iyo haddii ay ahaayeen iskaashiyo caalami ah oo la socday hawlgalka ilaa hadda.

Gutale ayaa sheegay in kooxda xagjirka ah ee Janaayo ay si buuxda u burburisay mid ka mid ah laba buundo oo waaweyn oo ku yaalla magaalada Qoryooley oo ay ka mid yihiin qarax miino. Buundada ayaa aad muhiim ugu ahayd dhaqdhaqaaqa dadka iyo alaabta gobolka

GOS OO TABABAR MUQDISHO UGA FURTAY TABABARAYASHA KUBADDA KOLAYGA SOOMAALIYA…

Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay tababarka tababarayaasha kubadda Kolayga darajada Koowaad (Technical Course For Basketball Coaches Level One, waxaa tababarkan soo qaban qaabiyay Guddiga Olombika Somaaliyeed oo kaashanaya Olympic Solidarity waxaana tababarkan bixinaya qabiir ka socda Xiriirka kubadda Kolayga Adduunka( FIBA ).

Xafladda Furitaanka oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay Wasaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga , Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo XSKK, waxaana ugu horreyn goobta ka hadlay Guddoomiyaha XSKK Mudane Cabdullaahi Nuur Maxmed Cadaani waxuuna sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahya orsho sanadeeka Xiriirka uu uguo talo galay Horumarinta macallimiinta isagoo kaashanaya GOS.

Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale tilmaamay in Ujeedka tababarkan uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiinta kubadda Kolayga dalka si ay usoo saaraan kooxo tayo leh, sida heerarka Iskuulada, Degmooyinka iyo gobollada dalka, waxuuna mahad celin u jeediyay Olympic Solidarity , IOC, FIBA , iyo Guddiga Olombika Soomaaliyeed oo u istaagay suurtogelinta Koorsadan waxuuna Macalimiinta kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka isla makaana laga doonayo macalin walba uu aqoonta kula laabto halkii uu kayimid soona saaro ciyaartoy dhaxalgal ah.

Macalinka tababarkan Bixinaya oo u dhashay dalka Masar ,Samy Elsharony, oo xaflada ka hadlay ayaa yiri” Waan ku faraxsanahay inaan imaado Soomaaaliya oo dalkayga oo kale ah isla markaana taariikh wanaagsan ku leh kubadda Kolayga qaaradda Afrika, waxaana doonayaa in ay siwanaagsan ugu faa’iideeyo macallimiinta dhallinarada u badan ee korsada ka qayb galaya.”waxaana ka rajaynayaa in koorsadan ay wax wayn kusoo kordhin doono xirfadooda macallinimo, sarena u qaadi doonto macalimiinta kubadda Kolayga Soomaaliya.

Madaxa Arimaha Xiriiirada GOS Xaaji Maxamed Axmed Colow ayaa dhankiisa tilmaamay in tababarkan uu ka mid ah qorshaha GOS ay sanad kasta ugu talo gashay horumarinta Qaybaha kale gedisan ee xiriira Isboortiga dalka, macalmiinta nasiibka u yeeshayna laga doonayo in ay ka faa’iidaystaan una faa’iideeyaan dhallinyarada Soomaaliyee ee jecel kubadda Kolayga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada Isboortiga Isaaq Xaaji Jimcaale oo tababarka furay, ayaa GOS ku amaanay dadaalka ay ugu jirto soo saarista macallimin tayadeeu sarayso, waxuuna macallinta kula dardaarma in ay si hufan uga faa’iidaystaan macalinka qabiirka ah.

Tababarkan oo ay ka qayb galayaan 25 Macallin ayaa socon doona muddo todobaad ah iyadoo lagu baran doono qaabka xeeladaha kubadda Kolayga iyo heerarka aasaasiga macallinka ku diyaar karo koox guulaysata.

SHIRWEYNAHA CILMIBAARISTA SOOMAALIDA OO KA FURMAY HARGEYSA

Xarunta Jaamacadda Hargeysa waxaa shalay ka furmay shirweynaha caalamiga ah ee daraasaadka Soomaalida, kaas oo saddexdii sanaba mar la qabto.

Madashaasi ayaa 40 sano ka hor waxaa lagu aasasay magaalada muqdisho waa 1978.

Shirweynahan waxaa ka qeybgalaya ilaa 150 aqoonyahan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib qaaradaha caalamka ka kala yimid.

In ka badan 60 daraasadood oo ku saabsan taariikhda Soomaalida, dhaqanka, afka, suugnaanta iyo xaaladda siyaasadda ayaana lagu soo bandhigayaa.

YUUSUF DABAGEED”SIYAASIYIIN IYO GANACSATO AYAA DAGAAL KA HURINAYA G/HIIRAAN

Siyaasiga Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) marna soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka HirShabeelle ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalada ka soo cusbnooday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed,oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xiiasadaha colaadeed iyo dagaalada marwalba ka dhaca Gobolka Hiiraan ay masuul ka yihiin Siyaasiyiin,Ganacsato iyo Odayaasha dhaqanka,isla markaana ay hurinayaan.

"Maleeshiyaadka dagaalka ma wadi karaan ee waala hurinayaa,siyaasiyiin,Odayaal iyo Ganacsato ayaa dhaqaalo ku bixinaya,runtii waa nasiibdarro maalin lala xisaatamo ayaa imaan doonto ayuu uiri siyaasi Yuusuf Dabageed.

Deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac,waxana socda waan waan lagu xalinaayo dagaaladaas.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE OO LA KULMAY XUBNO KA SOCDA GOLAHA NAAFADA QARANKA..

Kulankan uu Guddoomiyaha golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay xubnaha ka socda golaha naafada qaranka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka C/laahi Macalin Axmed oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Taariikhda naafada qaranka ay soo mareen iyadoo Guddoomiyaha golaha aqalka sare uu ka codsaday inay arkaan qoraalka hindise sharciyeedka Hay’adda daryeelka naafada.

"Naafada qaranka waxay lahaayeen guryo ay degaan, goobo ay wax ku bartaan, tan kale hindise sharciyeedka golaha daryeelka naafada waxaan u baahanahay in aan aragno inta aan la ansixin, ee Hay,adda daryeelka naafada la samaynayo madaxdiisa ma la magacaabayaa mise doorasho ayay ku imaanayaa”ayuu yiri C/laahi Macalin Axmed. Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Baarlamaanka sharci uu sameynayo ayna ku dadaali doonaan samaynta sharci u dooda xuquuqda naafada oo ay talooyin badan ku yeelan doonaan.

"Baarlamaanka wuxuu sameynayaa sharci ilaaliya xuquuqdiina balse ku dadaala in aad noqotaan dad mid ah oo isku duuban”

MURANKA KA TAAGAN ARRIMAHA BASAASNIMADA RUUSHKA UU KU SAMEEYEY MAREYKANKA OO CIRKA ISKU SII SHAREERAYA

Iyadoo ay jiraan eedeymo ku aadan in Ruushka uu basaasay xiligii ya dhacaysay doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Mid ka mid ah kaaliyaashii hore ee siyasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Donald Jey Trump ayaa sheegay eedda loo soo jeediyey ee ku saabsan inuu dowladda Ruushka inuu 2016ka uu la shaqeeyey ay tahay "marin habaabin”

Hay’adda Dembi barista ee Dalkasi Mareykanka ee loo yaqaano FBI ayaa waxay aaminsantahay in Carter Page uu wakhtigaa "iskaashi iyo la talinba” uu la lahaa dowladda Ruushka,inkastoo dowladda Ruushka ay arrimahaasi jawaab diidmo ah ay ka bixiyeen. Xiriirka lagu soo eedeyey Mr Carter ee ah inuu saraakiisha sirdoonka Ruushka uu xiriir dhow la lahaa ayaa lagu muujiyey dacwadda maxkamadda iyada loo ilaaliya si aad u sarreysa.

Madaxweynaha Mareykanka Mr Trump ayaa sheegay in ay u muuqato in ololihiisa doorashada si sharci darra ah loogu soo qabtay,Hase yeeshee, ma bixinin wax caddeyn ah oo xoojinaya eeddaasi loo soo jeediyey Carter.

Codsiga cusub ee maxkamadda ee la sii daayey waxaa cusbooneysiiyey garsoorayaal kala duwan oo fadhiya maxkamad awood loo siiyey iney eegto cosiyada sirdoonka dibadda (Fisa0.

Awoodo dheerada ah ayaa la siiyay Maxkamadda si ay arrintooda baarto arrimaha la xidhiidha sirdoonka dibadda ee hay’adaha ama shaqsiyaadska ay geystaan, maxkamadda oo ah mid si weyn looga aqoonsan yahay dalka Mareykanka.

Hay’adda FBI ayaa sii daaysay dukumiinti hore oo qarsoodi ah habeenkii sabtida kaddib markii ay soo codsiyo ku saabsan xorriyadda xogta oo ay soo diyaariyeen dhawr hay’adood oo Maraykan ah.

Waxaa Dukumantiga oo ka kooban 421 bog oo ka kooban sir iyo xog aad u culus aadna loo ilaalinayey oo marki dambe dib loo cusbooneysiiyey iyo waraaqo muujinayo baaritaannada lagu sameeyey Mr Carter.

Dowladaha ruushka iyo Mareykanka ayaa waxa ka dhexeeya khilaaf dhanka diblomaasiyadda ah,taasi oo laga dheehan karo.

DOWLADDA OO QORSHEYNAYSA IN AMMAANKA MUQDISHO LAGU WAREEJIYO CIIDAMO MILLITARI AH

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ku aadan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo markaan la sameynaayo isbedel dhanka ciidanka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay qorshaha socda inuu yahay in ammaanka Magaalada lagu wareejiyo ciidamo Militari ah oo loo sameynaayo talis gaar ah si loo adkeeyo ammaanka Magaalada.

Intii badneyd ciidanka xasilinta ayaa laga qaaday wadooyinka Magaalada Muqdisho waxaana la isugu geeyay xarunta Xisbiga ee Degmada Warta Nabadda.

Kulan xalay ka dhacay madaxtooyadda Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sida lagu diyaarin karo istaraatiijiyada cusub ee suggidda ammaanka Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in ay u badan tahay ammaanka Magaalada in loo dhiibo Saraakiil quburo ah oo ka tirsan Militariga Soomaaliya si loo yareeyo culeyska amni ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laamaha amniga ku canaantay inay keenaan istaraatiijiyad cad oo ku aadan hanaanka suggids ammaanka Muqdisho.

Qorshaha ugu wayn ee suggida ammaanka Muqdisho ayaa noqday dhagxaan iyo caro wadooyinka jidcadyaasha ah lagu wada jaray, inkastoo hadda uu socdo qorshaha dib u eegista ammaanka Magaalada.

Al Shabaab ayaa Bishan gudaheeda laba todobaad oo isxigay weeraro toos ah iyo isqarxin ku kala qaaday Xarumaha ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo sidoo kale xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya, xilli wadooyinka caasimadda ay xirnaayeen, inkastoo hadda la furay.

BOGGA CAYAARAHA

 

NEYMAR JR OO KA SAARAY CRISTIANO RONALDO KOOXDIISA RIYADA EE KA KOOBAN 5 CIYAATOY OO KALIYA

Xidiga kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr ayaa la hadlay saxaafada kadib markii uu ka qeyb galay tartan loogu magac daray "Neymar Jr’s Five” magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, kaasoo ay kooxdiiba ka kooban tahay kaliya 5 ciyaaryahan oo kaliya.

Neymar Jr ayaa wax laga weydiiyay kooxdiisa riyada ee ka kooban 5 ciyaartoy si uu kaga garab ciyaaro tartankan oo kale wuxuuna durabadiiba kaga jawaab celiyay.

"Dabcan waxaan kaga garab ciyaari lahaa, xidigaha Lionel Messi, Dani Alves, Thiago Silva, Gabriel Jesus”.

Taasoo ka dhigtay in Neymar Jr uu doortay saaxiibkiis horey ee kooxda Barcelona ee Messi iyo saddex xidig ee reer Brazil ah, laba ka mid ah waxay ka wada ciyaaraan PSG, kuwaasoo kala ah Dani Alves iyo Thiago Silva.

Wargeyska reer Brazil ayaa shaaca ka qaaday sida ay layaab ula noqotay in magaca Cristiano Ronaldo uusan kusoo darsan Neymar Jr kooxdiisa riyada ee ka kooban 5 xidig. Maadaama ay dadka intiisa badan aaminsan yihiin inuu yahay kan ugu fiican kubada cagta aduunka xiligan isla markaana uu sidaas kala siman yahay Lionel Messi.

JAMES RODRÍGUEZ "KOOBABKA UGU FIICNAA NILOSHEYDA WAXAAN KULA GUULEESTAY REAL MADRID…

Xidiga caalamiga ah ee reer Colombia ee Bayern Munich James Rodríguez ayaa dib u soo celiyay xiisaha uu u qabo inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Real Madrid inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

27 jirkan ayay wararku xaqiijinayaan inuu si aad ah u xiiseenayo dib ugu laabashada garoonka Santiago Bernabéu, gaar ahaan ka dib markii uu ka tagay tababaraha Faransiiska Zinedine Zidane.

Zinedine Zidane ayaan si buuxda fursad u siinin James Rodríguez inta uu ku sugnaa garoonka Santiago Bernabéu.James Rodríguez ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu kaga hadlay sida uu wali u xasuusan yahay guulihiisa kooxda Real Madrid.

"Real Madrid waxa ay aheyd kooxdii goolasha ugu badan aan ku dhaliyay, 32 gool waxaan ku dhaliyay Porto, halka 36 gool aan ku dhaliyay kooxda Real Madrid”.

"Sidoo kale wax sahlan ma ahan, inaan ku sameeyay 42 kubad cawineed”.

"Shaki kuma jiro in Real Madrid ay tahay kooxda koobabka ugu badan aan kula guuleystay”.

"Ilaa iyo haatan waxaan ku suganahay Bayern Munich, xili ciyaareedka ugu horeeyay wuxuu ahaa mid cajiib ah ee aad u wanaagsan, waana ku faraxsanahay, waxaan dareensanahay in jamaahiirta iyo kooxda ay inbadan I jecelyihiin”.





SOMALIA MARKA MAREYKANKA - OGAYSIIS WAXAA KA HELAA

 

SOMALIA

DIGNIINTA MARKA - OGEYSIISKA QALABKA

_______________________________________________________


OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD., Shirkad abaabulan oo ay hirgeliso sharciyada Japan, of6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Fasalka 12aad

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta laba gawaarida leh; maraakiibta iyo qaybahooda iyo fiilooyinka; guntooda iyo farsamoyaqaannada maraakiibta; guntooda iyo farsamoyaqaannada maraakiibta; guntooda iyo cagajuglayaasha doomaha; Qashin [qashin ama saani ah]; caag-dabiici ah; xirmooyinka baakooyinka warshadaha ee caag ah; shoogga wax lagu dhufto ee caag ah; alaabooyinka caagga ah ee loogu talagalay isticmaalka shoogga nacasta; xirmooyinka caagga ah ee loogu talagalay rakibidda rukumada; alaabada laga sameeyey caag ah si loogu isticmaalo xakamaynta qalalaasaha; alaabta laga sameeyay caag ah si loogu isticmaalo qulqulka guntinta; dildilaaca darbiga ah ee lagu rakibay daroogada si looga hortago khasaare gaarsiisan, markab iyo weelal.

 

OGAYSIIS WAXAA KA BIXINAYaa in dacwad sharciyeed lagaga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama si kale u jebiya xuquuqda shirkaddaas.

 

SOMALIA MARKA MAREYKAN - dacwad sharci ah ayaa laga qaadi doonaa qof kasta ama shirkad 

isticmaala calaamada ganacsiga

 

SOMALIA

DIGNIINTA MARKA - OGEYSIISKA QALABKA

________________________________________________________

 


OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay 

calaamadda ganacsiga ee:

 

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD., Shirkad abaabulan oo ay hirgeliso sharciyada Japan, of6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

 

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

 

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta laba-calaamadood leh.

 

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.

SOMALIA MARKA MAREYKANKA - OGAYSIISKA QALABKA ee calaamad ganacsiga kor ku xusan waa calaamad ganacsi ee:




SOMALIA

DIGNIINTA MARKA - OGEYSIISKA QALABKA

_______________________

 


OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

 

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD., Shirkad abaabulan oo ay hirgeliso sharciyada Japan, of6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta laba gawaarida leh; maraakiibta iyo qaybahooda iyo fiilooyinka; guntooda iyo farsamoyaqaannada maraakiibta; guntooda iyo farsamoyaqaannada maraakiibta; guntooda iyo cagajuglayaasha doomaha; Qashin [qashin ama saani ah]; caag-dabiici ah; xirmooyinka baakooyinka warshadaha ee caag ah; shoogga wax lagu dhufto ee caag ah; alaabooyinka caagga ah ee loogu talagalay isticmaalka shoogga nacasta; xirmooyinka caagga ah ee loogu talagalay rakibidda rukumada; alaabada laga sameeyey caag ah si loogu isticmaalo xakamaynta qalalaasaha; alaabta laga sameeyay caag ah si loogu isticmaalo qulqulka guntinta; dildilaaca darbiga ah ee lagu rakibay daroogada si looga hortago khasaare gaarsiisan, markab iyo weelal.

 

OGAYSIIS WAXAA KA BIXINAYaa in dacwad sharciyeed lagaga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama si kale u jebiya xuquuqda shirkaddaas.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip