HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 23-KA LUULYO 2018-KA

0
Monday July 23, 2018 - 09:15:23 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 23-KA LUULYO 2018-KA

    ILAA LIX QOF OO KU QARIQMAY XEEBAHA BADDA PUNTLAND Ilaa Lix qof ayaa shalay ku qariqmay xe-ebaha Badda Puntland, kuwaasi oo Hal Doon wada saarnaa, sida ay inoo sheeg-een masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland. Dadaalo badan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ILAA LIX QOF OO KU QARIQMAY XEEBAHA BADDA PUNTLAND Ilaa Lix qof ayaa shalay ku qariqmay xe-ebaha Badda Puntland, kuwaasi oo Hal Doon wada saarnaa, sida ay inoo sheeg-een masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland. Dadaalo badan oo la sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in la soo helo meydka Hal ruux oo Badda ay soo caariday, waxaana lagu ogaaday raggan inay Badda qaaday, kadib markii la waayay xilligii ay shaqada ka soo bixi jireen.

Weli waxaa la la’yahay Shantii qof iyo Doonidii ay wateen, waxaana socda dadaalo badan oo dadkaasi lagu raadinayo, xilliyadan oo kale waxaa jira Dabeylo aad u xoogan oo dhanka Badda ah, taasi ayaana sababtay in dadkan la wayo.

Dhalinyaradan oo ka soo kala jeeda gobolada dalka ayaa waxa ay ku shaqeysan jireen xoogooda, iyaga oo nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray Badda, weliba aanay heysan qalab casri ah oo bad baadin kara marka qatar nuucaan oo kale ah ay jirto.

Kalluumeysato aad u fara badan ayaa ku tiirsan ka kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya inkastoo xilligan oo kale lagu guda jiro waqtiga Bad xiranka, taas oo Qatar ku keeneysa Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda

MADAXWEYNAHA OO FARAY LAAMAHA AM MAANKA IN AY DIB U HABAYN KU SAMEYA AN ISTARAATIIJIYADDA SUGIDDA AMNIGA CAASIMADDA

Madaxweynaha JF,Soomaaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ga-nacsiga bulshada, iyagoona sii joogt-eynaya dadaallada ay ku sugayaan naba-dgelyada caasimadda.

Madaxweynaha oo Guddoomin-ayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isd-hexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ti-lmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri "Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay wad-dooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, wax-aana idinku baaqayaa inaad la shaqee-ysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-ge-lisdaan ciidammada.”

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshay-aasha guud ee la xiriira dagaalka ka dha-nka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciid-anka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Gud.G. Shacabka Md.Maxamed Mursal Sh. C/maan, R/Wasaaraha XFS.Md .Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan G.X-ukuumadda oo uu ugu horreeyaan W/Maal iyadda iyo Amniga, Wasiiru Dow-laha G/ dhigga, Kusimaha W/W/faafinta ahna Wa siir K/Xige enka, Taliyeyaaasha CQS iyo Kusimaha G/G/Banaadir ahna Kuxigeen kiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda. DHAMMAAD

WIILKA NABADOON AXMED DIIRIYE OO LOO CALAAMO SAAREY AFHAYEENKA BEE LAHA HAWIYE

Magalada Muqdisho waxaa Sh-alay lagu qabtey munaasabad lagu Cale-emo saa ray Afhayeenka Cusub ee Bee-laha Haw iye,waxana ka qeyb galay mun-aasabad aas,Wasiiro,Xildhibaan Siyaa-siyiin,Culumo,Odayaasha Dhaqanka,Ha-ween iyo marti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa Afa-hayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye saarayay Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye oo ah Wiil uu dhlay Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo dhowr Bilood ka hor geeriyooday.

Wasiiru dowlaha Wasaaraha Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaahiye (Qoorqoor) ayaa sheegay in dhaqanta soomaaliyeed ay yihiin kuwo kaalin weyn ka qaatay dowladnimada soomaaliya,isla markaana weli doorkoodii uu u banaan yahay lagana doonayo in ay ka qeyb qaataan.

Afhayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye ee Shalay la Caleemo saaray Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye ayuu ugu baaqay in dadka uu metelo uu si wanagsan ula Shaqeeya,isla markaana ay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in ay la Shaqeyso.

Sidoo kale waxaa munaasabada Goobjoog ka ahaa dad ay ka mid yihiin Siyaasi Salaad,Cali Jeelle,Guddoomiye yaashii G/Banaadir,Yuusuf Xuseen Jim caale, Xasan Maxamed Xuseen Muun gaab iyo Cadde Gaabow,waxayna dha mmaantood u hambalyeeyeen Afhayeen ka Cusub ee Beelaha Hawiye.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sidoo kale munaasabada ka qeyb galay waxa ka mid ahaa,Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaan Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Senator Yuusuf Geele Ugaas iyo Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer

Gaba gabadii waxaa Munaasabada soo xirey Afhayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye saaray Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye waxa uuna Waxgaradka,siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye in ay la garab galaan xilkaan Culus ee loo dhiibey.

WARARKII UGU DAMBEEYAY DAB KHASAARE NAEFEED GEYSTAY OO KA KACAY DEGMADA BOONDHEERE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, Dab khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed geystay ayaa gelinkii dambe ee Shalay ka kacay guri ku yaalla degmadaasi.

Gurigan ayaa waxaa ku noolaa Laba qof oo Da’ah iyo Todobo caruur ah, iyada oo qoyska gurigan deganaa ay ahaayeen dad Sabool ah, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Dab uu shiday Wiil Saddex sano jir ah, kadibna wuxuu qabsaday dhamman qeybaha kala ee guriga.

Gaadiidka Dab damiska ah ayaa goor dambe tagay goobta, waxayna ku guuleysteen daminta Dabkaasi, iyaga oo ka hortagay inuu ku faafo guryaha kale ee halkaasi ka akdhaw.

Maamulka degmada Boondheere ayaa waxa ay sheegeen Dabkan inuu ku geeriyooday Hal caruur ah, oo ka mid ahaa qoyska guriga, iyada oo sidoo kale Dabka uu baabi’iyay qeybo ka mid ah guriga.

14 RUUX OO ISKU QOYS AH OO DUQEYN LAGU DILAY

Kadib duqeymo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay Afar iyo toban ruux oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, duqeyntaas oo ka dhacday gobolka waqooyiga Afghanistaan ​​ee Kunduz.

Si gaar ah waxa ay uga dhac-day degmada Chahar Dara oo ay shee-geen Mareykanku in ay xarun weyn u tahay dagaalyahanada Taliban oo weera-ro ku qaada Maraykanka iyo Afghanist-aan.

Isbahaysiga ayaa markii hore beeniyay in dhibanayaashu ay ahaayeen dad rayid ah, waxayna sheegeen in ay yihiin dagaalyahanno Taliban, sida ay sh-eegayaan wararka.

Ma jirto khasaare kale oo ka dh-ashay oo ka dhashay duqeyntaan, balse Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ayaa si aad ah u cambaareeyay duqeyntaa ay halka mar ay ku geeriyoodeen 14-ka ruux ee isku qoyska ahaa.Saraakiisha Afgha nistan iyo kuwa Mareykankana wali kama aysan hadlin duqeyntaan, iyo halka uu ahaa bartilmaame edkooda.Tirada dhima shada ayaa gaartay 1,692 tan iyo markii Hay’adda Kaalmaynta QM ee Afqaanista an ​​(UNAMA) ay bilawday diiwaan-galinta dadka ku dhimanaya Afghanistan sanad kii 2009-kii.

SHACABKA REER MUQDISHO OO SOO DHAWEEYAY WADOOYINKII XIRNAA EE DIB LOO FURAY

Inta badan waxaa dib loo furay Wadooyinkii xirnaa ee magaalada Muqd-sho kuwaas oo xirnaa maalmihii la soo dhaafay.

Wadooyinka Xirnaa ee dib loo furay ayaa waxaa ka mid ah isgoyska Sanca, KPP, isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho iyo kuwoo kalaba, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu faray laamaha amniga in muddo 48 gudaheed lagu furo Wadooyinka xiran ee magaa-lada.Shacabka reer Muqdisho oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan sida ay u arkaan Wadooyinkaan dib loo furay Shalay.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha iyo laamaha amnigaba ay ka dalbadeen in la furo jid cadayaasha magaalada oo qaar wali xiran.

WASIIRKA QORSHEYNTA OO DAAH-FURAY TAB ABAR KU AADAN AAS-AASKA XOGAHA IYO TIRAKOOBKA DALKA..

Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dal-ka ayaa Shalay tababar ku aadan aas aaska xogaha iyo tiro koobka dalka ee (Basic of Statistics) ugu qabatay Magaal-ada Muqdisho shaqaaale ka kala socday Wasaaraddaha dowladda iyo hay’adaha.

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha agaasinka Tira koobka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir, Wasiirka Wasaaradda Qo-rsheynta Jamaal Maxamed Xasan, iyo Dr. Ben Hadji Abduliatifa oo aqoon korarsiga baxinayay.

Ujeeadada laga leeyahay aqoon kororsigan ayaa waxaa ay tahay sidii ha-y’adaha dowladda loo gaarsiin lahaa in xogta ay ka aruurin karaan hay’adahooda iyo in la helo aqoon yahano ku xeel dh-eer arrimaha Xogaha iyo Tiroobka dalka ee (National Statistics).

Agaasimaha Guud ee Agaas-inka tirakoobka ee Wasaaradda Qorsh-eynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dha-qaa laha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir ayaa sheegay in tababarkan muhi imadiisa tahay sidii aan u heli lahayn sha-qaale leh aqoonteeda xogaha iyo tiro-oobka dalka,

"Ma ahan tabababarkan mid kan ku eg waa kii ugu horeeyay balse waan joogteen doonaa sidii aan tayada iyo aqo onta shaqaalaha hay”adaha dowladda aan kor ugu qaadi lahayn, Waxaan u ma-hadcelinayaa Wasiirka iyo Bankigga Hor-umarinta Africa (African Development Ba-nk)”. Ayuu yiri agaasimaha

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo furay taababrkan ayaa kula dar da-armay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay”adaha dowladda in ay ka faa-”idey staan tababarkaan qiimaha badan mudada Saddax maalmood ah.

"Waxaad hesheen fursad wan-aagsan waxaana loo baahan yahay in aad si wanaagsan cashirada iyo qibrada Dr. Abdulatif ka faa”ideysataan dadka xirfaadan leh ayaa tahiin Sida uu sheegay Agaasime Cabdiraxmaan waa la joogteyn doonaa tababarkan”. Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta

Agaasinka xogaha iyo tirako-obka dalka ayaa wado dadaalo fara ba-dan oo ku aadan soo bandhigidda isba-dalka Badeecadaha suuqyada oo bishii mar la soo bandhigo, warbaxin ku saab-sna korarka dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha Agaasinka iyo kuwa Dowladda.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BILAABAY QA ABILAADA ODAYAASHA IYO DUUBABKA DHA QANKA BEELAHA

Madaxweynaha Soomaaliya M-axamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qaabilaada iyo la kulanka Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee beelaha, waxa-ana uu xalay la kulmay Odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda Beesha Muddullood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay odayaasha iyo waxgaradka ku qa-abilay Xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga oo maalmo ka hor uu guuray, isla markaana u raray howl maalmeedkiisa shaqo.

Wararka ayaa sheegaya in ku-lanka xalay uu ahaa mid is xog wareysi ah iyo xaaladaha dalka, iyadoo ay jireen Odayaasha qaar tabashooyin ay dowl-adda ka qabeen, gaar ahaan arrimaha ka jira Caasimadda iyo xirnaanshaha wadd-ooyinka.

Kulankan oo saacado badan qa-atay ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin, hase ahaatee qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale waxaa Habeen Hore lagu wadaa in Madaxweynaha la kulmo duubabka dhaqanka beelaha kale, waana markii u horeysay Madaxweynuhu bilaabo qaabilaada odayaasha iyo duubabka dha-qanka oo aan looga baran mudadii sana-dka iyo bilaha ee u xafiiska joogay.

Dhinaca kale waxaa iyana Dor-raad dib u dhac ku yimid kulan Ra’iisul Wasaaraha la qaadan lahaa odayaasha dhaqanka Muddullood, lama oga saba-baha kulankan loo baajiyay, hase aha-atee qorshaha ayaa ahaa in kulanka uu dhaco ka hor inta uusan Madaxweynaha la kulmin. XIGASHO:-JOWHAR.COM

GUDOOMIYE MURSAL OO LA KULMAY GUDD IGA AMNIGA BAARLAMAANKA

Guddoomiyaha Golaha Shaca-bka ee Baarlamaanka Federaalka Soom-aaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Shalay kulan la qaatay Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

kulanka ayaa waxaa looga hadl-ay dardar gelinta sharciga xaqsiinta cii-damada qalabka sida, furitaanka wadada leego ee gobolka Sh/Hoose iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhameystirka sharciyada ay diyaa-rinayaan guddiga iyo barnaamijyada aqo-on kororsiga ah oo ay guddiga u aa-dayaan dibadda.

Xubnaha guddiga ayaa guddo-omiyaha ugu warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay oo ay qabteen iyo qorshaha guddiga ee bilaha soo socda.

Guddoomiyaha golaha shaca-bka ee Baarlamaanka Federaalka Soom-aaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga difaaca kaga mahad celiyay howlaha wanaagsan oo ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo furista wadooyinka gobo-lka Sh/hoose gaar ahaan wadada leego.

" Runtii shaqo wanaagsan ayaa qabateen waana idiin kaga mahad celi-naya warbixinta tifaftiran ee aad isoo gu-dbiseen, waa muhiim in si deg deg ah lo-ogu shaqeeyo sharciga xaqsiinta ciida-mada iyo inan joogteyno kulamada aan yeelaneyno ”. ayuu yiri guddoomiyaha go-laha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal iyo guddiga difaaca ayaa isku raacay in la bilaabo, lana xoojiyo kula-mada aqoon kororsiga ah si shaqooyinka guddiga loo hormariyo.

R/WASAARIHII UGU HORREEYAY OO ITOOBI YAAN AH OO TAGAYA MINNEAPOLIS

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Ethiopia Abiy Axmed ayaa booqanaya magaalada Minneapolis ee dalka Marey-kanka 30-ka July, waxaana masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada uu ka dal-baday inay kala qeyb qaataan dhameynta Khilaafka u dhaxeeya Oromada iyo So-omaalida.

Abiy Axmed ayaa xafiiska qa-btay bishii April ee lasoo dhaafay, waxa-ana safarkaan uu noqonayaa markii ugu horeysay oo ra’iisul wasaare Ethiopian ah booqasho ku tago magaaladaasi..

Isku dhacyada Soomaalida iyo Oromada ayaa sanadihii u dambeeyay ta-agnaa, waxayna sababeen dhimashada boqolaal rayid ah, iyo inay kumanaan ku barakacaan colaadaha.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ay-aa lagu amaanay qaabka uu u wajahay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan qa-abkii uu u wajahay colaadii muddo 20 sa-no kataagneyd xuduuda Ethiopia iy Eri-trea. Cabdi Warsame oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Minn-eapolis ayaa ka codsaday ra’iisul wasa-araha Ethiopia inuu qaado talaabo kasta oo lagu dhameynayo xiisada Soomaalida iyo Oromada, taasi oo khasaaro badan sababtay.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ay-aa maalmo ka hor amray in la xaliyo xiisadda labada qowmiyadooda u dhaxe-ysa, waxaana uu ciidamada federaalka Ethiopia amray inay kala dhex galaan, iy-adoo kadib guddi odayaal ka kooban 40 xubnood loo saaray xalinta xiisadahaasi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BILAABAY QAABILAADA ODAYAASHA IYO DUUBABKA DHAQANKA BEELAHA

Madaxweynaha Soomaaliya M-axamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qaabil aada iyo la kulanka Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee beelaha, wax aana uu xalay la kulmay Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Muddullood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay odayaasha iyo waxgaradka ku qaa-bilay Xarunta Wasaaradda Gaashaandh-igga oo maalmo ka hor uu guuray, isla markaana u raray howl maalmeedkiisa shaqo.

Wararka ayaa sheegaya in kul-anka xalay uu ahaa mid is xog wareysi ah iyo xaaladaha dalka, iyadoo ay jireen Odayaasha qaar tabashooyin ay dowl-adda ka qabeen, gaar ahaan arrimaha ka jira Caasimadda iyo xirnaanshaha wad-dooyinka.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid albaabada u xirn-aa, iyadoo aan wax war ah laga soo sa-arin, hase ahaatee qaar ka mid ah oday-aasha dhaqanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay isku afgarteen dhama-an waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale waxaa Habeen Hore lagu wadaa in Madaxweynaha la kulmo duubabka dhaqanka beelaha kale, waana markii u horeysay Madaxweynuhu bilaabo qaabilaada odayaasha iyo duubabka dha-qanka oo aan looga baran mudadii sana-dka iyo bilaha ee u xafiiska joogay.

Dhinaca kale waxaa iyana Dorr-aad dib u dhac ku yimid kulan Ra’iisul Wasaaraha la qaadan lahaa odayaasha dhaqanka Muddullood, lama oga saba-baha kulankan loo baajiyay, hase ahaa-tee qorshaha ayaa ahaa in kulanka uu dhaco ka hor inta uusan Madaxweynaha la kulmin.

MAXAY TAHAY SABABTA MADAXWEYNAHA SHIINAHA UU SHALAY U TAGAAYO RWANDA?

Shiinaha ayaa Rwanda u soo bandhigtay hadiyado, iyadoo raadinaysa khayraadka dabiiciga ah iyo saamaynta siyaasadeed ay kordhinayaan dadaalko-oda ku aaddan Afrika ee ka hooseeya Saharan.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jin-ping ayaa Rwanda booqasho ku tagaya Shalay oo Axad ah, booqashadaas oo qaadan doonta laba maalmood, ayaa ujeeddadii sa lagu sheegay sidii uu hesh-iisyo dhowr ah uu kula saxiixan lahaa Madaxweyne Paul Kagame, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshi-isyo dhowr ah oo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha iyo difaaca.

Inkasta oo khabiiradu ay tilm-aamayaan in Shiinaha uu si weyn diyaar ugu yahay maalgashiga dalalka Afrika, uuna bartilmaameedsanayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaha dhaqaale ee wada-mada Africa.

"Ujeedada booqashadu waa hormarinta iyo kor u qaadida xiriirka laba-da dal, iyo arrimaha Maalgashiga khayra-adka dabiiciga ah ee Rwanda ama dalal kale ee Afrika ku yaalla” ayuu yiri danj-iraha China ee Rwanda, Rao Hongwei.

Saadaasha Ganacsiga ee u dhexeeya Rwanda iyo Shiinaha ayaa ku baxday, lacag dhan $ 157 milyan san-nadkii 2017, waxa uuna kor u kacay 11 boqolkiiba marka la barbardhigo 2016.

Waxaana la rajeynayaa in maalgashiga sanadan uu kor uga kaco, sanadii lasoo dhafay

DOOD WADAAG KU SAABSAN SHAREECADA ISLAAMKA IYO DASTUURKA OO LAGU QABTAY MUQDISHO

Wasaaradda Arrimaha Dastuu-rka ee Xukuumadda Federaalka Soomaa-liya ayaa Shalay Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan qeyb-aha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaara-dda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Ca-bdi Cilmi, Sheekh Cali Wajiis iyo Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa si qoto dheer u sharxeen Shareecada Islaa-mka iyo iyo Dastuurka waxayna ka jawa-abayeen su’aallo ka imaanayay ka qey-bgalayaasha.

Wasiir Ku-Xigeenka oo ka ha-dlayay qodobada aas-aasiga u ahDast--uurka ayaa sharxay sida Datuurka uu u waafaqsan yahay Shareecada.

"Sida aad ogtihiin Dastuurka So-omaaliya waxa uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, sida Dastuurka ku qoran wax walba oo Shareecada Islaa-mka ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan. Waxaa la rabaa in dadka Soomaa-liyeed ay sidaa ula socdaan oo ay Das-tuurkooda ilaashadaan” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Sidoo kale Sh Cali Wajiis ayaa aad u sharxay taariikhda Dastuurka oo uu sheegay inay soo bilaabatay xiligii Nabi Maxamed (NNKH), waxuuna sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsanyihiin dib-u-eegista Dastuurka ee xiligan socota isagoona tilmaamay in uusan jirin qodob Dastuurka ku jira oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

Dhanka kale, Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa isagana ka hadlay arag-tida Qareenada ee Dastuurka.

Ugu dambayn, sida uu sheegay Agaas-imaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Wasaaradda ayaa sii wadi doo-nta qabashada Doodaha ay shacabka fur-sad ugu helayaan in su’aallahooda ku saabsan Dastuurka looga Jawaabo.

MAXAABIIS MUDDO KU XIRNAA BOOSAASO OO LAGU SOO WAREEJIYAY MAAMULKA HIRSHABEELLE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa lagu wareejiyay dhalin-yaro muddo ku dhow sanad ku xirnaa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kaddib markii lagu eedeeyay inay caawi-yeen ururka Alshabaab.

Agaasimaha Wasaarada Arri-maha Gudaha Hirshabelle Maxamed Ca-ruush Diirow ayaa sheegay in Puntland uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ee ay u aqbaleen dalabkooda ah in la soo daayo maxaabiistan oo aan dambi lah-ayn, isla markaana lagu soo wareejiyo Maamulka, isagoo tilmaamay iney yihiin xor, islamarkaana aanu jirin xabsi kale oo u dhimman.

Guddoomiyaha Hiiraan C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa isna dhanki-isa u mahadceliyey maamullada Puntland iyo Hirshabelle, isaga oo sheegay in tani ay tahay bog cusub oo u furmay Labada maamul.

Maxaabiistan ayaa sanadkii 20-17 lagu xiray Puntland, kadib gaari ay wadeen laga helay kartoomo ay ku jiraan walxaha qarxa iyadoo maamulkaasina ku xukumay xukun xabsi daa’in ah.

MACALIN DUGSI QUR’AAN OO MUQDISHO KU DILAY MID KAMID AH ARDAYDIISA

Warar aan ka helnay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wartanabada ayaa waxa ay sheegayaan in Macalin dhiga Dugsi Quraan uu dilay mid ka mid ah Ardayda Dugsigiisa oo Gabar yar aheyd.

Dilka Gabadha ayaa la sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii uu Ga-badha Madaxa kaga dhuftay ul,sida ay sheegeen dad ku sugan Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada.

In kastoo Maamulka degmada iyo ehelada Gabadha geeriyootay asyan wax faah faahin ah ka bixin falkaas ayaa hadana,waxaa wararka qaar ay sheeg-ayaan in dhacdadaani ay tahay markii labaad uu Macalinku dilo Gabar dhiga-neysay Dugsigiisa.

Dhacdooyinka isdilka ah iyo kuwa layaabka leh ayaa bilihii u dambe-ysay waxa ay ka dhacayeen Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya,waxana dad badani ay aad ula yaaban yihiin.


HAY’ADAHA AMMAANKA GARASBAALEY OO GACANTA KU DHIGAY RAG BURCAD AH

Hay’adaha ammaanka degaan-ka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Saddex nin oo ay sheegeen inay soo dhaceen Xoolo nool, oo dad shacab ah ay lahaayeen.

Raggan iyo xoolaha ay soo dhaceen ayaa waxaa Shalay lagu soo bandhigay xarunta degaanka Garas-baaley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Gudoomiyaha cusub ee Garasbaaley Ibr-aahim Maxamed Rooble iyo Ku-xige-enkiisa Cali Xasan Cali.

Hawlgalka raggan lagu soo qab-tay ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Garasbaaley C/laahi Axmed Cali Fanax, waxaana xoolaha ay yihiin 19 neef oo Arri ah iyo Laba Dam-eer.

Gudoomiyaha Garasbaaley Ibr-aahim Maxamed Rooble oo warbahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in xoo-lahan meelo kala duwan laga kala kee-nay, wuxuuna dadka xoolahan leh ku wargeliyay in xoolahooda oo ammaan ah ay ugu imaan karaan maamulka Gara-sbaaley.

Guddoomiye Ibrahim ayaa sha-cabka Garasbaaley uga mahadceliyay si-da ay maamulka ugala shaqeeyeen ha-wshan, isaga oo sidoo kale ku ammaanay Hay’adaha ammaanka shaqada ay qab-teen.

"Sida aad aragtaan Shalay hal-kan waxaa noo jooga xoolo nool oo 19 neef oo Arri ah iyo Laba Dameer oo laga soo xaday dadkii lahaa, xoolaha qaar-kood waxaa laga keenay meelo kala du-wan, hawshan waxa qabtay ciidamada amniga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska, waxaan umahadcelinayaa shac-abka iyo ciidamada amniga, dadka iska leh xoolaha waxaan leeyahay xoolihiina gacan ammaan ayay adin kugu jiraan, waxaadna kala xiriiri doontaan Hay’adaha ammaanka, eedeysanayaasha waxay ku jiraan gacanta Hay’adaha amniga sha-rciga ayaana la marsiin doonaa.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Garasbaaley.

Ibraahim Maxamed Rooble, Gu-ddoomiyaha cusub ee Garasbaaley ayaa 17-kii bishan wuxuu la wareegay xilka guddoomiyenimo, kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore (Garyare), wuxuuna laba jibaaray hawlaha ka socda degaanka.

AMISOM OO TABABAR U SOO GABA GABEYS AY BOOLIS KA TIRSAN K/GALBEED

Ciidanka Amisom ayaa tababar socday toban maalmood u qabtay 30 ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Maamu-lka Koofur Galbeed.

Askartaasi waxaa la baraayay uganda-696x461hanaanka maamulka dadweynaha ,wax-aana lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed.

Waxyaabaha sida gaarka ah loo baraayay waxaa ka mid ah ka hortagga rabshadaha, xakameynta dibadbaxyada, maamulka dambiyada iyo wixii la mid ah.

Tresphord Kasale, oo ah Taliy-aha qaybta Booliska Amisom ee Koofur Galbeed ayaa sheegay kadib tababarka Ciidamadaas lagu qalabeynaayo agabka ay u baahan yihiin .

Laba ka mid ah saraakiisha Bo-oliska ee tababarka ka qeyb qaatay oo kala ah Xasan Maxamed C/raxmaan iyo Aadan Maxamed Bashiir ayaa sheegay in ay xirfado muhiim ah ka barteen tabab-arka loogu qabtay Baydhabo kuna dhaq-mi doonaan.

Waxa ay sidoo kale madasha ka ballan qaadeen in ay xirfaddooda uga faa’iideyn doonaan saaxiibada kale ee ay wada shaqeeyaan.

DOWLADDA SHIINAHA OO KAALMO DHAQA ALE UGU DEEQDAY SOMALIYA

Hadal ka soo baxay Dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay inay 1.5 million oo Dollar ugu deeqday Somalia, si wax loogu qabto dadka ay dhibaatoo-yinka ka soo gaareen Fatahaadda Web-iyadda Shabelle iyo Jubba ee ku hab-saday qeybo ka mid ah Koonfurta Som-alia.

Danjiraha Shiinaha u jooga So-malia, Qiyaan Jiyaan ayaa sheegay inay Dowladiisa gio’aansatay inay DFS ku wareejiso Lacagtaasi, si loogu taageero Dadka waxyeelladda kala kulmay Daa-dadka Webiyadda.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in ay Shiinaha ka go’an tahay inay Soom-aalida is-garab taagaan xilliga adag oo ay ku jiraan, maadaama uu Labada Waddan ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer.

Deeqdan ayaa timid, kadib, markii uu Xafiiska QM ugu qaabilsan Is-ku-xirka Hawlaha Samafalka Somalia ee OCHA ku dhawaaqeen inay 718,000 oo Soomali dhibaato ka soo gaartay daa-dadkii dhaawaan ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Somalia.

WARARKII UGU DAMBEEYAY DAB KHASAARE NAFEED GEYSTAY OO KA KACAY DEGMADA BOONDHEERE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, Dab khasaare naf-eed iyo mid hantiyadeed geystay ayaa gelinkii dambe ee Shalay ka kacay guri ku yaalla degmadaasi.

Gurigan ayaa waxaa ku noolaa Laba qof oo Da’ah iyo Todobo caruur ah, iyada oo qoyska gurigan deganaa ay ah-aayeen dad Sabool ah, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Dab uu shiday Wiil Saddex sano jir ah, kadibna wuxuu qabsaday dhamm-an qeybaha kala ee guriga.

Gaadiidka Dab damiska ah ayaa goor dambe tagay goobta, waxayna ku guuleysteen daminta Dabkaasi, iyaga oo ka hortagay inuu ku faafo guryaha kale ee halkaasi ka akdhaw.

Maamulka degmada Boondhe-ere ayaa waxa ay sheegeen Dabkan inuu ku geeriyooday Hal caruur ah, oo ka mid ahaa qoyska guriga, iyada oo sidoo kale Dabka uu baabi’iyay qeybo ka mid ah guriga.

ABIY AXMAD: WAA KHASAB IN ITOOBIYA AY QAADATO NIDAAMKA XISBIYADA BADAN

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmad, ayaa sheegaya in Itoobiya ay kh-asab ku tahay in ay qaadato nidaamka xi-sbiyada badan si loo gaaro nabad waarta iyo horumar.

Abiy Axmad ayaa hadalkan jee-diyay mar uu magaalada Addis Ababa kula kulmayay hoggaamiyeyaasha in ka-badan 50 xisbi siyaasadeed, xilli isbadal weyn oo siyaasadeed uu ka socdo dal-kaasi.

Muddo sanada ah ayaa xisbiga haya talada dalkaasi waxa uu adeegs-anayay cabburin shacab si uu u siihayo hoggaanka dalka, waxaana markastaa dhacayay in guud ahaan kuraasta baar-lamaanka uu xisbigaasi ku guuleysto mar kastaa oo ay doorasho dalkaasi ka dha-cdo.

Cabburinta iyo xarigga kumann-aanka qof ee ay dowladda ku dooneysay in ay xukunka ku sii haysato ayaanan u suurtagelin in ay ka hortago muddahar-aadyo ka dhan ah dowladda oo soc-onayay muddo laba sano ah.

Balse tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay ra’iisalwasaare Ab-iy, waxaa dalkaasi ka dhacayay isbadallo xoogan oo ay ka mid ahaayeen in oodda laga qaado maxaabiista u xirnaa arrimaha siyaasadda iyo in uu heshiis nabadeed la galo dalka deriska ah ee Eritrea.

WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKA MIDEYNTA CANSHUURAHA DALKA

Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta iyo dhammeystirka hab-ka mideynta canshuraha dalka oo Muq-disho laba maalmood uga socday, wasi-irka maaliyadda xukuumadda FS iyo Wa-siirada Maaliyadda Gawlad Goboleedy-ada ayaa dhammaadkiisa laga soo saa-ray war murtiyeed ku aadan waxyaabahii la isla meel dhigay, waxaana ka mid a-haa. in madasha wasiiradda maaliy-ada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habsami usocodka hawlaha guddiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta Ma-amulka Maaliyada ee dalka.

In la mideeyo sharuucada caa-nshuraha iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golayaasha dowlad goballeedyada ka hor inta aan la hor-geynin golayaasha Dowladda waana in-uu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad goballeedyada.

in shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha Augost dhexde-eda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.

In la casiriyeeyo dhammaan ma-amulka iyo maaraynta canshuuraha (Aut-omation of Inland Revenue).

In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaasoo noqon-aya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka.

Ku simaha guddoomiyaha Go-balka Benaadir ahna Gudomiyaha ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Xus-een Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam Maaliyadeed oo daah fu-ran, islamarkaana samaynaya kobac dha-qaale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliya-dda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr C/-raxmaan Ducaale Beyle ayaa shegaay iney diyaar u yihiin dhammeystirka mide-ynta caanshuraha dalka, taasoo horuma-rineysa nidaamka dhaqaale ee dalka.

TACSI

TACSI LOO DIRAYO QOYSKII AY KA GEERIYOOTAY MARXUUMAD CALASEEY MAXAMUUD CALI

Maamulka iyo howladeennada wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper waxaay tacsi u dira yaan ehelada {MARXUUMAD CALSEEY MAXAMUUD CALI,} iyo Carruuteeda oo kala ah Safiyo Xuseen Maxamuud ,Sahro Xuseen Maxa muud {Sahruuni} iyo Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimy} oo ay Sodoh u hayed Marxuumadda waxaayna 20-ka luulyo 2018-ka ay ku geeritooyay Degm-ada Shibbis ee M/Muqdisho waxayna leeyihiin Alle ha u Naxariisto Marxuu-madda Samir iyo iman saadaq ahna alle ha idinka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin Tacsi Tiiraanyo Leh Dhammaan Reer Axmed jimcaale oo ka ah Maxamuud Axmed Jimcaale, Xaaji Shitaar iyo Carruurtiisa, Xuseen Axmed Jimcaale iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa,Aamino iyo Caruurteda,Salaado iyo Caruurteeda Madiino iyoSh. Cali Cumar Maxamuud iyo Carruurtooda ,Xaawo Axmed Jimcaale iyo

Caruurteeda, Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}, Yuusuf Ismaaciil Axmed {Carrabeey}, Ruqiyo Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda ,Maryan Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda ,Safiyo Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda IlmoMaxamed Axmed JimcaaleMaxamuud M.Axmed Qasaaye,Cabdi M.Axmed,Abshir Maxam ed Axmed Jimcaale,Axmed Maxamed Axmed Jimcaale , farxiyo Maxamed Axmed Jimcaale, Sahro Maxamed Axmed Jimcaale, Faadumo Maxamed Axmed Jimcaale, Cabdi Maxamed Axmed Jimcaale, Aamino Maxamed Axmed Jimcaale, Ilmo Sayd Cismaan Axmed Jimcaale, C/laahi Sayid cismaan axmed Jimcaale,Sakariye Saydi cismaan, Xaliimo Sayid Cismaan, iyo hooyadooda batuulo Nuur hadaafoow,, Cabdi Axmed Jimcaale oo kala ah Maxamed Cabdi Axmed iyo Axmed Cabdi Axmed, ,Ilmo Faadumo Axmed , Jimcaale , Yuusuf Axmed Maxamed Jimcaale, Cismaan Maxamed Axmwed Jimcaale, Cacasiis Cali Ilikbayle, , Ilmo Xaliimo Axmed Jimcaale,C/qaadir Maamuud hadaafoow, Hindiyo Maamuud Hadaaoow,

Dhammaan Dadkaasi waxaay tacsi u dirayaan ehelada{Marxuumad Calseey Maxamuud Cali oo shalay ku geeriyootay Xaafadda Shibis ee M/Muqdisho iyadoo looga tacsiyadeynayoQoyska ay ka baxday iyo carruuteeda oo kala ah Safiyo Xusen Maxamuud, Sahro Xuseen Maxamuud iyo Dr.Cismaan Axmed jimcaale {Dr.Jimmy}, oo ay soddoh u aheyd Marxuummadda

sidoo kale waxaa tacsi taa la mid ah u diraya qoyska marxumaddu ka geeriyotay dadka Kala ah Faadumo Cali Maxamuud,Abti Maxaddiin Jabb-aan iyo walaalihiis iyagoo utacsiyadeynaya walaalahood safiyo iyo sahruuni waxaayan leeyihiin hooyo alle ha iidnka samir siiyo iyadan jannada alle haka waraabiyo aamiin aamiin.

Aamiin Aamiin Aamiin

BOGGA CAYAARAHA…

ALISON BECKER OO KA WARBIXIYAY SIRTA KA DAMBEYSA INUU OGOLAADO DALABKA KOOXDA LIVERPOOL

Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Alison Becker ayaa sheegay doorka uu ku laha xidiga kooxda Reds go’aankii uu ku qaatay inuu yimaado garoonka Anfield.

Alison Becker ayaa wareysi xiiso badan uu ku bixiyay wargeyska "Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay in go’aanka uu ku yimid kooxda Liverpool uusan ahayn mid sahlan.

"Ma ahayn wax sahlan in la sameeyo go’aan noocan oo kale ah, waxaan si fiican ugu noolaa Roma, waxaana ku lahaa saaxiibo badan”.

"Roberto Firmino wuxuu ahaa furaha imaatinkeyga Anfield, waxaan la hadlay isaga, wuxuuna ii sheegay inaan ku farxi doono Liverpool hadii aan u dhaqaaqo”.

Alison Becker ayaa Liverpool kaga soo biiray Roma, isagoo heshiis rikoor ah oo gaaraya 75 milyan euro, taasoo ka dhigtay inuu noqdo goolhaayihii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta aduunka.

OZIL OO UGU DAMBEYN AFKA FURTAY ISAGOONA SI AAN GAMBASHO LAHAYN U CADDEEYAY SABABTA UU ULA KULMAY MADAXWAYNAHA TURKIGA ERDOGAN

Mesut Ozil ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah isagoona sheegay inuu dareemayo in la isir Faqooqay isla markaana la xushmad darreeyay.

Laacibka Arsenal ayaa sidoo kale si aan Gambasho lahayn daaha uga rogay sababatii uu ula Kulmay Madaxwaynaha dalka uu Asala ahaanta ka soo jeedo ee Turkiga Erdogan.

Ozil ayaa soo qoray Warqadan dheer:

"Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaan helay waqti aan kaga fikiro wixii dhacay bilihii la soo dhaafay, si joogto ah, waxaan doonayaa in aan dareenkayga idinla wadaago oo ku saabsan wixii dhacay. sida dad badan oo anigoo kale ah, waxay ka soo jeedaan wax ka badan hal waddan, waxaan ku bar baaray Jarmalka, qoyskaygana waxay asal ahaan ka soo jeedaan Turkiga.

‘Waxaan leeyahay laba qalbi, mid Jarmal ah iyo mid Turkish ah, caruurnimadeydii hooyadey waxay mar walba i bari jirtay in aan noqdo mid ixtiraam leh oo aan illoobin halka aan ka soo jeedo, kuwaasina waa qiimaha aan ku dhaqmo illaa maanta. Bishii May, waxaan Madaxweyne Erdogan kula kulmay London, isagoo ka qayb qaadanayay barnaamij taakuleyn iyo waxbarasho. Markii ugu horreysayna waxaan kulannay 2010 kaddib markii isaga iyo Angela Merkel ay wada jir Berlin ugu daawadeen ciyaartii Jarmalka iyo Turkiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip