Booliska Jarmalka oo heegan la geliyay iyo labo saldhig laga raaco Tareenada oo la xiray

0
Friday January 01, 2016 - 18:23:30 in Wararka by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Jarmalka oo heegan la geliyay iyo labo saldhig laga raaco Tareenada oo la xiray

    Booliska Jarmalka ayaa heegankii ugu sareeyay la geliyay, kadib markii ay soo baxday cabsi laga qabo weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Munich. Labo saldhig laga raaco tareenada oo ku yaalla magaalada Munich ayaa la xiray, iyadoo xalay saqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Jarmalka ayaa heegankii ugu sareeyay la geliyay, kadib markii ay soo baxday cabsi laga qabo weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Munich. Labo saldhig laga raaco tareenada oo ku yaalla magaalada Munich ayaa la xiray, iyadoo xalay saqdii dhexe laga daad-gureeyay dadkii ku sugnaa.

Sirdoonka Faransiiska ayaa ku wargeliyay Sirdoonka Jarmalka suurta galnimada weeraro argagixiso oo Kooxda IS ka geysato dalkaas, inta lagu guda jiro dabaal dega sanadka cusub.

Macluumaadka la helay ayaa muujinaya in ilaa 5-7 ruux oo doonaya inay is qarxiyaan ay doonayaan goobaha dadka isugu yimaadaan.

Booliska ayaa baaritaan ku haya goobaha qaar, iyadoo la baadigoobayo dad looga shakisan yahay inay yihiin Ciraaqiyiin iyo Suuriyaan.

Wadooyinka magaalada ayaa la sheegay in ciidamo fara badan ka sameynayay howl galo iyo baaritaano adag, waxaana mar dambe la amray in dib loo furo labada saldhig ee laga raaco tareenada.

Inta badan magaalooyinka caasimadaha ee Yurub ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay, iyadoo sidii la filayay aan looga dabaal degin sanadka cusub, maadaama laga cabsi qabay weeraro argagixiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip