HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 21-KA LUULYO 2018-KA

0
Saturday July 21, 2018 - 09:11:53 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 21-KA LUULYO 2018-KA

    QARAX GAARI OO SAAKAY KA DHACAY DHACAY MUQDISHO Qaraxaan gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere Gobolkaan Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QARAX GAARI OO SAAKAY KA DHACAY DHACAY MUQDISHO Qaraxaan gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere Gobolkaan Banaadir.

Gaari nooca Raaxada ah ee somaalida u taqaano Viller ayaa ku qarxay agagaarka taalada Boon dheere,waxana la sheegay in uu ahaa mid gaariga qarxay lagu xirey.

Darawalkii gaariga wadey ayaa geeriyooday,kaas oo qeybta dambe ee jirkiisa uu qaraxa ka haleelay halka laba qof kale oo midi haweeney tahay,isla markaana gaariga la saarnaa ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay Gabar yar oo ku sugneed Maqaaxi ku taalla agagaarka Goobta gaariga uu ku qarxay ee taalada Daljirka Daahsoon

9 Qof Oo Hal Qoys Ka Wada Tirsan Oo Ku Dhintay Dooni La Degtay

Maamulka gobolka Mussori ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 20 qof ay dhinteen ka dib markii dooni ay saarnaayeen oo dalxiis ay kula degtay halkaasi.

Dadka dhintay 9 ka mid ah waa kuwo hal qoys ka wada tirsanaa sidda ay sheegeen maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Mussori ayaa warbaahinta u sheegay in Doonta ay ku degtay balliga Missouri iney ku dhinteen 20 qof oo dalxiisayaal ah 9 ka mid ahna ay yihiin kuwo hal qoys ka wada tirsanaa.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhacdo xanuun badan ay dhacday,islamarkaana ay dadkii soo badbaaday la dhigay Isbitaal.

Gudoomiye Michael Parson ayaa yiri "haweeneyda shilkaasi 9 ka mid ah ku weyday qoyskeeda ka koobnaa 11 qof,uma helayo erey aan ku cabbiro masiibada qoyskan soo gaartay”

Dhacdada noocan ah oo ay doon ku degtay balli ku dhintaan waxay dhacday 1999, xilligaasi oo ay 13 qof oo 3 carruu yihiin ay ku dhinteen doon ku degtay balliga Hamilton.

URURKA AL SHABAAB OO DAGAAL LA’AAN LA WAREEGAY DEGAANKA AFURUR

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa baahisay dagaalyahano ururka ka tirsan in shalayy aroortii ay dagaal la’aan kula wareegeen gacan ku heynta degaanka AfUrur oo dhanka Koonfureed kaga toosan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shabaab qabsashadooda degaankan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii halkaasi daraad gelinkii dambe ay isaga baxeen ciidanka Puntland ee fariisimha ku lahaa degaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in Shabaab hubeysan oo laba boqol gaaraya ay la wareegeen degaanka, kuwaasi oo maalmihii dambe kulaalayay degaanka iyo hareerahiisa.

Shabaab waxa ay sheegeen in ciidankooda qaar ay tageen difaacyada ciidanka Puntland, halka qaarka kalena ay gaaf wareegayaan aagga degaanka, waxayna intaasi raaciyeen inay kulamo la yeesheen waxgaradka degaanka oo ay u sheegeen inaanay wadin wax dhibaato ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya ciidankii Puntland ee ka baxay degaanka inay u jiheysteen dhanka degaanka Carmo, halkaasi oo ay ka wadaan abaabul dagaal oo ku jeeda sidii markale ay u xaqiijin lahaayeen gacan ku heynta degaanka AfUrur.

Ilaa hadda saraakiisha ciidamada Puntland kama aanay hadlin warka Shabaab ee ku aadan qabsashada degaanka AfUrur, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay way inoo suurageli weyday inaan qadka ku helno.

Shabaab ayaa inta badan aroortii qaada hawlgalada ay la beegsanayaan ciidanka ka soo horjeeda, sanadkii hore degaanka AfUrur waxaa ka dhacay dagaalo culus, kadib markii Shabaab ay weerareen ciidanka Puntland

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO DIB UGU SOO LAABTAY DALKA KANA WARBIXIYAY NATIIJADA SHIRKII LUSAKA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka warbixiyay shir madaxeedka waddamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee lagu qabtay magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xubinnimmada Soomaaliya ee COMESA ay ka qeyb gaadaneyso dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta dalka, maalgashiga, shaqo abuurka, dhismaha wadooyinka iyo warshadaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada oo dhan.

"Ku biiritaanka COMESA waa qeyb kamid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee hadafyada dawladdu ay leedahay oo ah dib ula falgelidda hey'adaha noo sahlaya in aan dib u dhisno dhaqaalaheenna. Waxa ay cadaynesyaa horumarka iyo tillaabooyinka mugga leh ee dalkeennu sameynayo in naloo ogolaado Suuq ay ka ganacsadasaan in ka badan konton milyan dad tiradoodu gaareyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Waxa aan aad ugu hambalyaynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada oo arintaani ay fursad siineyso. Marka ay ganacsatadu fursad helaan waxaa fursad helaya dalkaan sababta oo ah qof waliba oo ganacsada ah oo bilaaba ganacsi waxa uu shaqaalaysiinayaa dad Soomaaliyeed waxa uu bixinayaa canshuur, canshuurtaas waxaa lagu daboolayaa adeegyada ay u baahantahay bulshadu”, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daraad magaalada Lusaka ee dalka Zambia ku saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, waxa ayna Soomaaliya noqotay dalka 21aad ee xubin ka noqda Suuqaas oo ay ka gacansato in ka badan 50 milyan oo dad ah

DOWLADDA MAREYKANKA OO SHARCIGA U CUSBOONEYSIIYAY SOMALI BADAN

Waaxda arrimaha gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano (Home Land Security) ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Somali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan.

Dadka sharcigan loo yaqaano TBSka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Somalida ku badan yihiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.

Boqolaal dad ah ayaa habeen hore farxad ku seexday, maadaama 18 bilood oo hor leh loo siiyay inay joogaan dalka Mareykanka, kana shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Waaxda arrimaha gudaha dalka Mareykanka ayaa diiday dadka dhawaan tagay Mareykanka ama kuwa hada galaya inay sharci siiso, balse keliya waxay cusbooneysiin u sameysay kuwa horey u heystay sharciga deganaanshaha.

Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Somali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha.

GUDDOOMIYE CIRRO OO DHALIILO BADAN USOO JEEDIYEY XUKUUMADDDA MUUSE BIIXI

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay dalkii godoon galisay,isla markaana siyaasaddii arrimaha dibadda hoos u dhac ku yimid.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkiii Soomaaliya loogu qabtay Brussels ee uu Guddoomiyaha xisbiga UCID kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya ay ka dambaysay xukuumadda Muuse Biixi .

Sidoo kale waxa uu dhaliilay wefti madax dhaqameed iyo ganacsato iskugu jirtay oo Garoowe u tagtay sidii loo joojin lahaa dagaalka Tuko raq ay xukuumaddu ka dambaysay taas oo uu ku tilmaamy mid ugub ku ah Somaliland in odayaal arrimo siyaasadeed loo diro.

"Xiligii aanu ololaha ku jirnay KULMIYE iyo Muuse Biixi waxay ku ololeeyeen dalka lagu aamino karo xisbiga WADDANI iyo Aniga, haseyeeshee gefkaasi ka dhacay kulmiye anigu raaci maayo wadadii ay raaceen waxaan leeyahay Muuse bixi iyo kulmiye dalka waynu ku aaminay waxaase aan leeyahay dalku wuxu ku jiraa xaalad dhaqaale oo adag, habacsanaan iyo kala qaybsanaan waxaanay masuuliyadaasi saaran tahay madaxweyne Muuse iyo xisbiga kulmiye jidka uu qaranku ku socdaana hadii aan laga leexin waa mid keeni kara inuu qarankani dumo.”ayuu yidhi Cirro.

Gudoomiye Cirro wuxu mar kale ku celiyey inuu kalsoonidii kala noqday Komishanka Doorashooyinka, waxaanu si weyn uga soo horjeestay inuu wali komishankii shaqaynayo maadaama oo uu ka maqan yahay xisbigii WADDANI, taas oo uu ku tilmaamay gef.

"sii joogi taanka komishanka doorashooyinka waxaanu aragnaa doorasho ma qabsoomayso masuuliyadeedana waxa qaadaya madaxweynaha Somaliland”ayuu raaciyey hadalkiisa

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in shirkii soomaaliya uga socday Brussels ee lagaga hadlayey arrimaha soomaaliya ay hore u sheegtay in aanay ka qaybgaleen xukuumaddu, haseyeeshee uu ka qaybgallay gudoomiyaha xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid xukuumaddu u dirtay ka qaybgalka shirkaasi.

Waxa kale ooo uu si weyn u dhaliilay siyaasadii arrmaha dibada ee Somaliland oo uu ku sheegay inay hoos u dhac ku yimid

TRUMP OO MADAXWEYNE PUTIN KU CASUU MAY INUU SOO BOOQDO MAREYKANKA

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ku imanayo dalka Mareykanka.

Hadalka aqalka cad ayaa wuxuu ku soo beeegmayaa xilli uu cambaareyn kulul uu la kulmay Trump kulanki Helsinki ee dalka Finland kula yeeshay Putin hadal uu ka sheegay kaddib.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo Sarah Huckabee, waxay sheegtay iney durbadiba billaawadeen wadahadallada la xidhiidho booqashada uu Putin ku imanayo Mareykanka.

Xubin sare oo ka tirsan aqalka sare ee Mareykanka oo ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga oo la yidhahdo Chuck Schumer, ayaa durbadiba booqashada Putin uu ku imanayo Mareykanka si weyn uga hor yimid.

Isaga oo sheegay iney hadda kaddib dhaceyn iney markale fool ka fool u kulmaan labada hoggaamiye ilaa ay shacabka Mareykanka ogaadaan wixi ay kaga wadahadleen labada dhinac shirka Helsinki ay ku yeesheen iyo wixi ka soo baxay.

Madaxweyne Trump oo wareysi siiyeey telefishiinka CNBC Mr Trump wuxuu markale difaacay inuu soo wanaagsananayo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay Ruushka, haddiise uu xiriirka uu wanaag uu ku socon waayo inuu Ruushka uu u noqon doono cadow uusan weli arkin.

Madaxweyne Trump wuxuu horay u diidday qorshe Ruushka uu ku codsaday muwaaddiniin u dhashay Mareykanaka inuu su’aalo weydiiyo.

WARIYE YOONIS CALI NUUR OO KU GEERIYO ODAY M/LONDON

yoooooonnnn Waxaa isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain habeen hore ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

Laakiin waayadii ugu danbeeyay yoonis waa uu ka fariista ka shaqeynta Warbaahinta isaga oo ahaa la taliye sare oo dhinaca Warfaafinta iyo guud ahaanba warbaahinta u ahaa xukuumadda Somaliland.

Marxuumka ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyayb uu xanuunsanaa isaga oo lagu daweynayay isbitaal ku yaala magaalada London oo uu ugu danbeyntii habeen hore ku geeriyooday.

Saciid Cali Muuse oo ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen Wariye Yoonis ayaa sheegay in mudo dheerba uu ka cabanayay marxuumka xannuun dhinaca beerka ah oo ugu danbeyntii uu u geeriyooday.

Yoonis waxaa uu ka mid ahaa wariyayaasha ugu qibrada badan mihnada saxaafadda guud ahaan, sidoo kalana waxaa uu ka mid ahaa marka laga hadlayo dhinaca tabinta Barnaamijyada iyo wararka wariyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara Soomaaliya

(WARBIXIN) DOWLAD LABAAD OO SHAACISAY IN WADAHADAL LA GALEYSO ERITREA

Dowladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea, sida ay faafisay wakaaladda wararka AP.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay heshiis nabadeed wada sixiixdeen Eritrea iyo Itoobiya kadib 20 sano oo ay dirir ka dhaxaysay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaaraan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

Tan iyo intii heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ay gaareen dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay boggaadinta caalamka ka imaanayso iyo baaqyada ah in nabbadda la adkeeyo.

Eritrea ayaa muran xudduuddeed kala dhaxeeyaa dhammaan dalalka dariska la ah, sida Suudaan, Yemen, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaase hadda muuqda saansaan ah in dublamaasiyadda ay shaqayn karto.

Xaqiiqda ah in Eritrea iyo Itoobiya ay ku kala baxayaan go’aankii guddigii Qaramada Midoobay ee magaalada Badme u go’aamiyay in ay Eritrea leedahay, ayaa waxa laga yaabaa in Jabuuti iyo dalal kalena ay u furantahay in ay Eritrea ku kala baxaan gogol caalami ah.

AABE IYO CARRUURTIISA OO MUDDO 16 SANO KADIB KU KULMAY MAGAALADA ASMARA

qoysas-dib-isu-helay-4 (1)Addisalem Hadigu oo ah saxafi u dhashay dalka Ethiopia ayaa 16 sano kadib dib ula midoobay labo gabdhood oo uu dhalay kuwaasoo ku noolaa dalka Eritrea.

smera iyo Danait oo ah gabhaha uu dhalay Addisalem ayaa ku kulmay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eritrea.Saxafigan ayaa ka mid ahaa qoysas badan oo ay kala geeyeen 20 sano oo dagaal iyo colaad u dhaxaysay dalalka Itoobiya iyo Eratariya.

Dib u kulmida qoyskan mudada dheer kala maqnaa ayaa noqday kulan farxad iyo oohin isugu jira. "Dhibaatadaydu way dhamaatay,waxaan la kulmay carruurteydii oo waan dhunkaday kuna qubay ilmo.”ayuu u sheegay saxaafada Addisalem.

Labada gabdhood ee Addisalem oo aan mataano ahayn ayaa waxaa ay aabahood is waayeen sanadkii 2002 kadib markii ay hooyadood oo u dhalatay dalka Eritrea ay kala gudubtay xadka kala qeybiya Ethiopia iyo Eritrea.

"Waxaan ahaa sida qof dhintey oo soconaya,nolosheydu qiimo ma lahayn,dhadhana ma lahayn. Xadka waxaa laga xirey dadka Itoobiyaanka ah oo kama gudbi karin.”ayuu yiri saxafiga dib ula midoobay caruurtiisa.

Waxa uu saxafigani qayb ka ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradii ugu horrey say oo u kala gooshta magaalooyiinka casmara iyo Addis ababa. Daraad ayay ahayd markii duulimaadkii ugu horeeyay oo ka tagay Addis ababa uu gaaray mag alada Casmara. Qoys dib u midoobay 16 sano ka dib

MAXAADAN OGEYN OO KA SOO BAXAY SHIR KII BRUSSELS?

Isniintii iyo Talaadadii waxaa magaalada Brussels isugu tegey madaxda Soomaalida (Madaxweynaha iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada) iyo wakiillo ka socday dalalka deeqaha bixiya.

Wuxuu daba socday shirar dhowrkii sano ee u dambeeyey ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Yurub, sida London, Brussels (shir midkan ka horreeyey) Copenhagen iyo Istanbul.

Waxay ujeedadoodu ahayd in dawladda Soomaaliya lagula xisaabtamo hadba wixii ka hirgala barnaamijyada lagu taageerayo dawladda ee uu dhaqaalaha ku bixiyo midowga Yurub.

Shirka waxaa markii hore lagu tala galay inuu dhaco qaybihii dambe ee bishii Juun, hase yeeshee codsi sida la sheegay ka yimid dhinaca Soomaalida ayaa dib loogu dhigay, ayagoo ujeedada ku sheegay in loo dabaaldegayo maalmaha qarannimada.

Dib u dhacaas wuxuu keenay in wasiirro badan oo shirka u meteli lahaa dalalka deeqaha bixiya aysan ka soo qayb galin shirka dhacay 1617 Luulyo, taa beddelkeedana ay dalal badan soo direen agaasimeyaal iyo safiirro.

Shirka waxaa loogu tala galay in lagu gorfeeyo sidii hore loogu sii socon lahaa ayadoo la eegayo wixii soo qabsoomay. Haddii si kale loo dhigo, deeq bixiyeyaashu waxay doonayeen in ay ogaadaan sida iyo halka ay martay lacagtoodii, iyo in ay ku baxday si waafaqsan barnaamijyadii lagu ballamay shirarkii midkan ka horreeyey.

Soomaalidana waxaa looga fadhiyey inay tafaasiil ka bixiyaan sidii ay uga soo baxeen ballamihii ay qaadeen.

Labadiiba midna ma dhicin sida ay sheegayaan dadkii shirka ka qayb galay ee ka socday bulshada rayidka.

"Dawladda Soomaliya waxaa la soo siiyey su’aalo ay u badan yihiin in aysan wakhtigeeda waxba ku darsan karin, inay arrinta amniga xoogga saaraan, inay dedejiyaan nidaamka hay’adaha sharci dejinta, inay hagaajiyaan wada shaqaynta maamul goboleedyada in la dhowro xuquuqda dumarka, in banaanka la keeno dhibaatada musuqmaasuqa iyo dadka samaynaya. Markaa warmurtiyeedka shirka ka soo baxay waa su’aalo la soo weydiiyey dawladda Soomaaliya, waana isla intii lagu weydiiyey shirkii London”, Sidaa waxaa yiri Maxamed Caalin oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, kana mid ahaa dadkii shirka ka qayb galay.

Arrimaha ay la yaabeen dadkii shirka la socday waxaa ka mid ahaa in madaxda Soomaalidu aysan la tegin wax qorshe ah oo la taaban karo, marka laga reebo warbixinno ay siinayeen deeq bixiyeyaasha.

"Shir noocaas ah inuu dalka dibaddiisa ka dhaco khalad ayey ahayd, hadduu ka dhacaayana waxay ahayd inuu ka dhaco dal Soomaaliya saaxib la ah. Maamul goboleedyadana iimaan kuma qabaan oo markii dibadda la isugu tago hal qorshe oo Soomaalida ay wadato ma laha. Soomaalida qudheedana caqabadda haysata waa iyaga oo aan heshiis ahayn oo aysan jirin cid go’aanka looga dambeeyo” Sidaa waxaa yiri Dr Ibraahim faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka.

Sidaasoo ay tahay waxaa shirka lagu kordhiyey Soomaaliya 200 oo Malyan oo Doollar oo dheeraad ah mashaariicda midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya, laakinse lacagtaas ma aha sida la sheegayo mid geli doonta gacanta dawladda Soomaaliya. Waxaa loo soo marin doonaa Qaramada Midoobay.

"Mushaaraadka shaqaalaha dawladda iyo kan ciidanka ayaa toos ugu soo dhici doona akoonka dawladda” ayuu yiri Caalin oo intaa ku daray in dhaqaalaha mashaariicda horumarinta loogu talay iyagana la soo marin doono NGOyo reer Yurub ah.

Laakin Dr Bursaliid ayaa qaba feker ah in deeq bixiyeyaashu ay marka horeba abuurayaan qaab ay hay’adahooda NGOyada ah ku hawlgalaan ee aysan si dhab ah ugu danaynayn in mashaariic horumarineed laga fuliyo Soomaaliya.

Arrimaha aan lagala gabban ee la hordhigay madaxda Soomaalida waxaa ka mid ah in "aysan wakhti dheereysi ku fekerin”, oo doorashooyinkana "la qabto xilligii loogu tala galay”.

Gunaanadkii shirka waxaa ka soo baxay warmurtiyeed ka koobnaa 81 qodob, kaasoo markiisii horeba uu suuqa ku sii jiray mid u dhow oo la sii qoray shirka oo aan la isugu imaan ka hor. Qodobbada qaarkood ayaa u muuqday kuwo wax laga beddelay, ama la kala hor mariyey.

"Tan iyo markii la bilaabay nidaamka geeddi socodka siyaasadda Soomaliya (Roadmap) xilligii dawladdii Sheekh Shariif ilaa shalay beesha caalamka waxay waddaa isla farriimihii ay soo siinaysay Soomaalida, Soomaaliduna isla ka go’naantii ayey muujinayaan, arrintuna halkeedii ayey taagan tahay waana Shimbirayahow heesa, ilaa la helo xukuumad Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay horumarinta dalka, iyo ka go’naan Soomaalida dhinaceeda laga helo oo ay siyaasad ahaan ka heshiiyaanna, waddo iyo wadiiqo kale oo loo baxayo iima muuqato” ayuu mar kale yiri Dr Bursaliid.

Shirkan oo ah mid sannadle ah, ayaa kan la qaban doono sannadka dambe waxaa ka soo horrayn doona mid kale oo dabayaaqada sannadkan ama horraanta sannadka soosocda dhici doona. Xigasho: BBC

GUDDIGA AMNIGA QARANKA OO KU AMRAY IN MUD DO 48 SAAC GUDAHOOD LA FURO JIDAD KA XIRAN EE MUQDISHO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalau kulan habeen hore degdeg ah isugu ueerau Guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee ku aadan waddooyinka xiran ee magaalada, kaasoo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa waxaa uu Guddiga boggaadiyay sida Ciidamada Amniga uga jawaabeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabaddiidka oo doonayey in ay shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan, sida lagu yiri war saxaafadeed Guddiga soo saaray.

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Alshabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Almukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaarada ha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maam ulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka wa ddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiid ka iyo Bajaajya da ee soo galeysa gobol ka Banaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaarad aha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaa deen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqd isho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka Guddiga Amniga Qaranka uu xalay yeeshay ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka ay ka maqan yihiin xubnaha Guddi gaas sida Ra’iisul Wasaaraha oo safar saacado qaatay daraad ku tagay dalka Zambia, isla markaana u gudbay Kenya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sugan Sweden iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada oo safar shaqo ku maqan

MAREYKANKA OO LIISKA ARGAGIXISADA KO OXDA ALHIJRA OO AH LAANTA ALSHABAAB EE KENYA

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagi xisada Caalamiga ku dartay Koox Islaami ah oo ka howl gasha Soomaaliya iyo Ken ya, taasoo xiriir la leh Kooxda AlSha baab.

Kooxdan oo lagu magacaabo Jamaacatu Al Hijra ayaa waxaa hoggaamiya Ninka lagu magacaabo Axmed Iimaan oo u dha shay Kenya, kaasoo horay Mareykan ka madaxiisa u dul dhigay mallaayiin do ollar ah.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in wax ka bedel ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Ururka AlShabaab oo Soomaali ya ku metesha Al Qaacidda, iyadoo bala arisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah.

Al Hijra ayaa la aas aasay sanadkii 2008dii, isla markaana ah Laanta AlShabaab ee Kenya, waxaa la sheegay inay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Kenyan ka ee ku biiray AlShabaab, sidoo kale waxay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisan imo.

Tallaabada cusub ee liiska argagixisada loogu daray Al Hijra ayaa ka dhigan in la xanibo dhaq dhaqaaqyada socdaalka ee caalamiga iyo in la xanibo dhaqaalaha ay ku leeyihiin caalamka.

DUQA MUQDISHO OO GAARAY DALKA SWEDEN

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Soma lia Partnership Forum) ee ka dhacay magaalada Brussels ayaa gaaray Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden, kadib, Casuumaad ay u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Stockholm ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo xusay inta uu joogo Sweden ay Jaaliyadaha iska war eysan doonaan horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagade eda isku taago, gaar ahaan horumarrada ka jira Caasimadda dalka oo hadda dibusoo kabanaysa.

"Waxaan idin kaga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad noo sam eyseen, inta aan halkaan joogno waan kala warqaadan doonnaa, maadaa ma aad tihiin bulsho lafdhabar ah oo leh halabuur lagu horumarin karo dalka, magaalada Muqdishona ay ku jirto xilli soo kabasho ah fursaduhuna badan yihiin waa in dib loo soo laabtaa oo maalgashi laga sameeyaa Caasimadda, waana midda aan halkan u nimid sidii aan uga wada hadli lahayn.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay maadaama mas’uuliyiinta dawladda ay intooda badan ka yimaadaan qurbaha, isla markaana gurmadka dadka ay dhibaatadu gaarto had iyo jeer intiisa badan uu ku yimaado taageerrada qurbejoogta, sidaas daraade edna ay muhiim u yihiin horusocodka dalka iyo dibusoo kabasha Caasimadda.

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxm aan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa safarka ku weheliyey Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax).

(WARBIXIN) DOWLAD LABAAD OO SHAACIS AY IN WADAHADAL LA GALEYSO ERITREA

Dowladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea, sida ay faafisay wakaalad da wararka AP.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay heshiis nabadeed wada sixiixdeen Eritrea iyo Itoobiya kadib 20 sano oo ay dirir ka dhaxaysay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Mid oobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wux uuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaaraan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qab sadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

Tan iyo intii heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ay gaareen dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay boggaadinta caalamka ka imaan ayso iyo baaqyada ah in nabbadda la adkeeyo. Eritrea ayaa muran xudduudde ed kala dhaxeeyaa dhammaan dalalka dari zska la ah, sida Suudaan, Yemen, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaase hadda muuqda saansaan ah in dublamaasiyadda ay shaqayn karto.

Xaqiiqda ah in Eritrea iyo Itoobiya ay ku kala baxayaan go’aankii guddigii Qaramada Midoobay ee magaalada Badme u go’aamiyay in ay Eritrea leedahay, ayaa waxa laga yaabaa in Jabuuti iyo dalal kalena ay u furantahay in ay Eritrea ku kala baxaan gogol caalami ah.

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka iyo howladeennada wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper waxaay tacsi u dirayaan ehelada {MARXUUMAD CALSEEY MAXAMUUD CALI,} Safiyo Xuseen Maxamuud ,Sahro xuseen Maxamuud {sahruuni} ,Habaryar Faadumo Cali Maxamuud,Abti Maxaddiin Jabbaan,ayadoo ku geeriyooday Degmada Shibbis ee M/Muqdisho waxayna leeyihiin Alle ha u Naxariisto    Aamiin Aamiin Aamiin

Tacsi Tiiraanyo Leh

Dhammaan reer axmed jimcaale oo tacsi tirayo,Salaado Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda ,Xaawo Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda, Madiino Axmed Jimcaale, Sh. Cali Cumar Maxamuud iyo Caruurtoodda Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Abti Yuusuf Ismaaciil Axmed {Carrabeey}, Ruqiyo Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda ,Maryan Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda ,Safiyo Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda Muuse Abshir Maxamed Axmed Jimcaale, farxiyo Maxamed Axmed Jimcaale, Sahro Maxamed Axmed Jimcaale, Faadumo Maxamed Axmed Jimcaale, Cabdi Maxamed Axmed Jimcaale, Aamino Maxamed Axmed Jimcaale, Ilmo Sayd Cismaan Axmed Jimcaale, C/laahi Sayid cismaan axmed Jimcaale,Sakariye Saydi cismaan, Xaliimo Sayid Cismaan, iyo hooyadooda batuulo Nuur hadaafoow,, Cabdi Axmed Jimcaale oo kala ah Maxamed Cabdi Axmed iyo Axmed Cabdi Axmed, ,Ilmo Faadumo Axmed , Jimcaale , Yuusuf Axmed Maxamed Jimcaale, Cismaan Maxamed Axmwed Jimcaale, Cacasiis Cali Ilikbayle, , Ilmo Xaliimo Axmed Jimcaale,C/qaadir Maamuud hadaafoow, Hindiyo Maamuud Hadaaoow,

Dhammaan Dadkaasi waxaay tacsi u dirayaan ehelada {Marxuumad Calseey-,-Maxamuud Cali,} Dr.Cismaan Axmed jimcaale {Dr.Jimmy},Safiyo Xuseen Maxamuud ,sahro xuseen maxamuud {sahruuni} ,Habaryar Faadumo cali Maxamuud,Abti Maxaddiin Jabbaan,ayadoo ku geeriyooday Degmada Shibbis ee M/Muqdisho waxayna leeyihiin Alle ha u Naxariisto

Aamiin Aamiin Aamiin

 

 

SOMALIA

DIGNIINTA MARKA - OGEYSIISKA QALABKA

_______________________

 

BARILLA

 

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

 

Barilla G. e R. Fratelli - Società per Azioni, shirkadwadaag ah oo ay abaabuleenoo ay ku jiraan sharciyada Italy, Via Mantova 166, Parma, Italy

 

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

 

Hilibka, kalluunka, digaaga iyo ciyaarta; cunnada hilibka; khudradda la qaboojiyay, la qaboojiyay, la kariyay iyo khudradda iyo khudradda; jellies, jams, dheeli tir; ukunta; caanaha iyo caanaha; saliid iyo raashinka la cuni karo; Kafeega, shaaha, kookaha iyo kafeega macmalka; bariis; tapioca iyo sago; bur iyo diyaar garow laga sameeyey badarka; rootiga, baastada, buskudka, keega iyo macmacaanka; Calaamadaha la cuni karo; sonkorta, malab, khiyaamo; khamiir, dubista budada; cusbo; mustard; khal, suugo (burin); dhirta; baraf; Adeegyada bixinta cunto iyo cabitaan; hoy ku meel gaara.

 

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kastaoo la midabtakooro ama kuwa kale ku xad gudbo xuquuqda shirkaddaas

BOGGA CAYAARAHA

LIVERPOOL OO KU DHAWAAQDAY SAXIIXA GOOLHAYE ALISSON BECKER!

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay dhameystirto saxiixa Alisson Becker

Reds ayaa heshiiskan kusoo gabagabeysay €72.5m oo ay kaga soo qaadatay kooxda AS Roma isagoo noqday goolhayihii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta.

25-jirkan ayaa laad ku jebiyey rikoor u yaallay halyeygii hore Juventus ee Gianluigi Buffon balse hadda ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain kaasoo ahaa goolhayaha ugu qaalisan kubadda cagta ka dib markii uu 2001 kaga soo biiray Juve dhanka kooxda Parma.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa loollan kula galay liverpool saxiixa xiddiggan reer Brazil, hase ahaatee hadda waa ciyaar yahan Liverpool ah, isagoo xilli ciyaareed ka soo aaddan kasoo muuqan doono Anf el goolkiisa.

Alisson ayaa Roma ay kaga soo qaad tay kooxda reer Brazil ee Internacional lacag dhan €7.5m si uu u kabo Wojciech Szc zesny, balse bandhig cajiib ah ka dib waxa uu noqday goolhayaha koowaad ee Giallorossi.

Waxaana Alisson uu sameeyay badbaadi nta ugu badan ee Serie A iyo Champions League-ga xillo ciyaareedkii lasoo dhaa fay.

MANCHESTER CITY OO GUULDARO KU DAAH FURATAY TARTANKA SAAXIIBTINIMO EE INTERNATIONAL CHAMPION CUP.

Naadiga difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa bilaawday kulamada ay isugu diyaarineyso xagaaga cusub ee 2018/19.

City ayaa qeyb ka ah tartanka saaxiibtinimo ee International Champion Cup oo inta badan la qabto xiliya fasaxa waxayna guuldaro 1-0 kala kulmeen kooxda Borussia Dor-tmund.

Goolka qura oo ay guusha ku gaartay kooxda reer Germany ayaa dhashay qeybta hore cayaarta waxaana rigoore ugu dhaliyay Mario Gotze.

Inta badan safka kooxda Manchester City waxaa ka-soo muuqday xiddigo da’yar ah iyadoo uu kulankiisii u horeeyay naadiga u cayaaray Riyad Mahrez oo kooxdu ay dhawaan la saxiixatay.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip