Dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan
Dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa dib uga soo cusboonaaday gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada ay ka dhaceen deegaanka Buq-goosaar oo Beledweyn kaga beegan dhanka Galbeed.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan oo socday tan iyo shalay ayaa xoogeystay maanta, kadib markii labada maleeshiyo beeleed ay gurmadyo ciidan u yimaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu daba socdo dagaalkii xalka laga gaaray ee bishii hore ka dhacay xaafada howl-wadaag ee degmada Beledweyn.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku adag tahay in deegaanka lagu dagaalamayo ay gaaraan, waxaana socda dadaalo la doonayo in dagaalka lagu xaliyo.
Labada beeleed ee dagaalamaya ayaa dhowaan waxaa heshiis xabad joojin kala dhex dhigay wafdi wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda Soomaaliya.
Dagaal beeleedyada ku soo noq noqday gobolada dalka ayaa la sheegay inuu salka ku haayo arrimaha federaalismka ee maamulada dalka oo beel walba ay saluugsan tahay in saami ku filan aanay ka helin amaba laga sad badsatay.