Baarlamaanka Somaliya oo ansaxiyay miisaaniyadda dowladda sanadka 2016, oo ah 246 milyan oo dollar

0
Friday January 01, 2016 - 00:05:16 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somaliya oo ansaxiyay miisaaniyadda dowladda sanadka 2016, oo ah 246 milyan oo dollar

    Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu khamiistii ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu khamiistii ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Miisaniyadda dowladda ee la ansaxiyay oo ah 246 milyan oo lacagtra Mareykanka ah, ayaa waxaa qayb ka ah qarashka lagu bixinayo mushaaradka ka maqan shaqalaha dowladda iyo ciidaamada qalabka sida ee sanadka 2015-ki, waxaana sanadka 2016-ka hal kudhig looga dhigay miisaniyadda Qaranka waa ku tiirsanaanta dhaqalaheena.

Wasiirka Maliyadda ee xukumadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti)oo hadalka ka jeediyey kulanka Baarlamaanka, ayaa sheegay in anxisanta misaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalle Cawad oo kulanka barlamanka shir guddoominayey, ayaa ku dhawaaqay natiijada codka lagu meelmariyey miisaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka.

Samaynta miisaniyadda ay yeelato dowladda Federaalka, ayaa sahlaysa habka isla xisaabtanka hufan ee hay’addaha kale duwan ee dowladda, taas oo horseedaysa in dalku ka mid noqdo dalalka ku horumaray hagaajinta maamulka wanaagga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip