
C/Weli Sheekh Axmed oo magaalada Baydhaba kulan albaabada u xiran kula qaatay Madaxweyne Shariif Xasan
Soo dhoweyn iyo is arag guud oo dhex maray mas’uuliyiinta ayaa waxaa kulan gaar ah wada qaatay C/Weli Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Shariif Xasan, kulankaasi oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.
Warar aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca siyaasadda, bacdamaa dalka uu marayo marxalad kala guur ah.
C/Weli Sheekh Axmed waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay C/raxmaan Baadiyow oo ka mid ah xubnaha sarsare ee madasha wada tashiga iyo dimoqoraadiyadda, iyagoo sidoo kale isku afgartay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay hannaanka doorashooyinka ee dalka ka dhacaya bartamaha sanadka cusub ee 2016-ka.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed ayaa iminka ah guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimoqoraadiyadda, isagoona socdaalkiisa Baydhaba uu qeyb ka yahay ololaha ballaaran ee uu ku xoojinayo kalsoonida maamul goboleedyada dalka oo iyagu soo xulaya ergada magacaabeysa Baarlamaanka cusub.
xigasho:-somaliweyn.com
C/Weli Sheekh Axmed oo magaalada Baydhaba kulan albaabada u xiran kula qaatay Madaxweyne Shariif Xasan
Magaalada Baydhaba waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd C/Weli Sheekh Axmed, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.