Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo isna ka hadlay goobta waxa uu aad u ammaanay shaqada ay wadajirka u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan waxaana uu dhanka kale xusay in Wasaaraddana ay wadashaqeyn dhow la leedahay.
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad uu Guddoonka Baarlamaanka u dejiyey in dar dar ay ku socdaan howlaha Baarlamaanka taasina ay marqaati ka tahay shuruucda iyo qaraarrada uu Golaha meel mariyey inta lagu jiro Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa isna dhankiisa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan waxaana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” oo gebagebadii u jeediyey hadal dar daaran iyo bogaadin isugu jiray labadan guddi ee sida wadajirka ah uga shaqeynaya iney cutub cutub u eegaan dastuurka dalka waxaana uu sharaxay in shaqadan sida ay ku socoto ay Guddoonka Baarlamaanka uga gol leeyihiin in laga gun gaaro muhiimadda dib u eegista Dastuurka ayadoo markii shaqadan ay soo gebagebowdana la horgeyn doono dib u eegistaasi kulanka Baarlamaanka.
Kulan howleedkan qeybta ka ah dib u eegista Dastuurka dalka ayaa waxaa fududeyneysa hay’adda Max Planck Foundation ee dalka Jarmalka ayadoo kulankana ay goobjoog ka yihiin islamarkaana wax ka bixinayaan quburro Soomaali ah oo ka tirsan isla hay’addan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo R/Wasaaraha oo Nairobi kaga qeyb galay kulan ku saabsan dib u eegista Dastuurka
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo uu wehliyo kuxigeenkiisa Koowaad iyo Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta ka qeyb galaykulan howleed m