Booliska Jabuuti oo xabsiga dhigay Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

0
Thursday December 31, 2015 - 23:50:16 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Jabuuti oo xabsiga dhigay Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

    Booliska Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo 21-kii bishan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo 21-kii bishan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Jabuuti.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku geeriyooday illaa 19 ruux, inkastoo dowladda Jabuuti ay tirada ku dhimatay ku sheegtay todobo ruux, waxaana ay ku eedeysay rabshadahaas kooxo argagixiso ah oo hub watay.

Afhayeenka Dallada Mucaaradka Jabuuti ee USN Dahir Axmed Faarax ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in Ciidamada Booliska ay shalay ka qabteen Xaamud Cabdi Suldaan irida hore ee Isbitaal uu leeyahay milateriga Faransiiska, halkaasoo lagu daweynayay markii dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii Booliska ku fureen.

Waxaa uu sheegay inuu aad uga walacsan yahay xaalada caafimaad ee Mr Xaamud, isla markaana aanu wali ka bogsoon dhaawicii soo gaaray, isla markaana u baahan yahay maalin walba inuu dhaqtar arko.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jabuuti ayaa xaqiijiyay in la xiray illaa 32 ruux oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, waxaana uu ku eedeeyay dadkaas inay ka dambeeyeen rabshadaha.

Si kastaba ha haatee rabshadihii ka dhacay Jabuuti ayaa waxaa cambaareysay dowladda Mareykanka, iyadoo ugu baaqday dowladda Jabuuti inay sii deyso xubnaha mucaaradka ee xiran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip