Mid ka mid ah garsoorayaasha xukunka riday ayaa goobta ka sheegay in shanta ruux ay u shaqeynayeen sirdoonada Mareykanka iyo dowladda Federaalka.
Shanta ruux ee lagu dilay fagaaraha ayaa magacyadooda kala ahaa:-
1-Axmed Cali Ibraahim oo da’diisu ay ahayd 22 jir
2-Cabdinaasir Cali Maxamed oo da’diisu ay ahayd 21 jir
3-Cabdinajiib Cusmaan Cosoble oo da’diisu ay ahayd 19 jir
4-Cabdullaahi Xasan Abuubakar oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir iyo
5-Aadan Max’ed Isaaq oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir.
Mid ka mid ah raggaas ayaa lagu gowracay fagaaraha, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa duqeyn diyaarad Drone ah ka fulisay Koofurta Soomaaliya oo dishay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Al-Shabaab ee fagaaraha ka hadlay ayaa dadka uga digay inay u basaasaan sirdoonada shisheeye iyo dowladda Federaalka.
Ma ahan markii u horeysay oo Al-Shabaab qeybo ka mid ah gobolada dalka ka fuliyeen xukuno dilal ah, iyadoo sanadkan sii dhamaanaya ay toogasho ku fuliyeen shaqsiyaad ay ku eedeeyeen inay basaasiin ku dhex jiray inay ahaayeen
Xigasho:-Jowhar.com
Al-Shabaab oo shan ruux ay ku eedeeyeen basaasnimo ku fulisay toogasho iyo gowrac
Al-Shabaab ayaa maanta shan ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin ku fulisay dil, halka mid ka mid ahna la gowracay, iyadoo dilkan lagu soo beegay maalintii u dambeysay ee sanadka 2015.