
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA LUULYO 2018-KA
Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa diirada lagu saaray, si aad ahna loogu falanqeeyay arrimaha ammaanka, Ganacsiga, Xalinta Khilaafaadka iyo hanaanka Doorashada 2020ka.
"Waxaan magaalada Brussels kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), waxaanu ka hadalnay arrimaha u xeendaaban shirkan, waxaanu aad iskula soo qaadnay arrimaha ammaanka, Ganacsiga, Xalinta Khilaafaadka & Doorashada 2020ka.” Ayuu yiri Wakiilka QM ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kale oo arimaha Soomaaliya looga hadlayay wuxuu la qaatay Gudoomiyaha Nabadgelyada iyo amniga Midowga Afrika Ismael Chergue, waxayna ka wada hadleen xoojinta ammaanka Soomaaliya iyo horumarka dalka.
Sida uu qorshaha yahay magaalada Brussels shalay waxaa lagu soo gaba gabeynayaa shirka Somali Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka.
QM OO DOWLADDA UGU BAAQDAY IN AY HAGAAJISO XIRIIRKA DOWLAD GOBOLEEDAYDA
Rosemary DiCarlo oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shirweynaha Arrimaha Somalia ee haatan ka socda Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.
"DFS waxaa looga baahan yhaay inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan Dhisida Xiriir xooggan oo waxtar leh oo ay la yeeshaan Maamuladda oo dhan, Barlamaanka Federalka,. Dowladaha xubnaha ka ah Federalka, Kooxaha Siyaasadda iyo Ururadda ulshadda Rayidka, kuwaasi oo la faa’ideysan doona Hoggaaminta DFS ” ayey tiri Rosemary DiCarlo
Waxay intaasi ku dartay inay arrimahaasi taageero ka geysan doonaan Deganaanshaha Siyaasadda iyo in la qaado Dadaallo dheeraad oo lagu xoojinayo kahortagga cadaadisyadda khatarta leh ee wax u dhimaya Midnimadda.
Dhinaca kale, Kaaliyaha Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo ka hadlay Shirka Brussels waxa uu ku booriyey Beesha Caalamka sidii Somalia loogu dhowri lahaa Ajendaha Shirka.
Waxa uu intaasi ku daray in Nidaamka loo dhan yahay ee Siyaasadda Somalia u baahan tahay Dhismaha Kalsoonida sidii loo kordhin lahaa dhismaha Ammaanka Qaranka,
Shirka Brussels ee looga hadlayo Arrimaha Somalia waxaa la filayaa in shalay la soo gebagebeeyo, iyado olaga soo saari doono Warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin Beesha Caalamka, Madaxda DFS iyo kuwa Maamulgobaledyadda.
DHACDO NAXDIN LEH: WIIL AABIHII KU GOWRACAY DULEEDKA KISMAAYO
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah uu aabihii ku gowracay deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30KM u jirta Kismaayo.
Aabaha la gowracay ayaa lagu magacaabi jiray C/llaahi Shariif Kalar, kaasoo si weyn looga yaqaanay deegaanka Buulo Gaduud.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wiilka uu gowracay aabihii daraad gelinkii dambe, kaddib markii uu madaxa baangad kaga dhiftay, dabadeedba uu gowracay.
Wiilka iyo aabaha ayaa murmay ka hor inta aanu gowracin, waxaana la sheegay in wiilka uu subax walba kalihi jiray, isla markaana soo daahi jiray, waxaana xilliyada qaar uu imaan jiray habeenkii, iyadoo dhowr mar uu aabaha ka diiday inuu albaabka ka furo.
Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay gowracay aabihii, waxaana ku socda baaritaan ku aadan sababaha uu aabihii u gowracay.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhow dhow.
BAARLAMAANKA MASAR OO ANSXIIYAY XEERAR CUSUB
Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti daraad ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.
Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu fursad u helayo inuu noqdo Masri haddii uu akownkiisa bankiyada Masar uu muddo shan sano ah uu dhigto 7 milyan oo giniga Masar ah isla markaana uu muddaaasi daganaato Masar.
Xeerkaan oo u baahan inuu saxiixo madaxweyne Abdel Fattah elSissi ayaa qeylodhaan xoog leh ka dhaxdhaliyay gudaha baarlamaanka iyo sidoo kale baraha bulshada.
Haitham elHariri oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iibineyso dhalashada Masar si ay usoo jiidato maalgeliyaasha ajnabiga ah.
Sidoo kale baarlamaanka Masar ayaa daraad ansixiyay xeer diidaya in aanan wax maxkamad ah lasoo taagi karin saraakiisha sare ee millatariga dalkaasi gaar ahaan kuwi hagayay ciidamada qalalaasihi dalkaasi ka dhacay sannadki 2013ki ee lagu afganbiyay madaxweynihi hore Mohamed Morsi.
Muddadaasi ayaa waxaa la dilay boqolaal ruux oo ka mudaaharaadayay afganbigi xakunka looga tuuray Mursi.
MADAXWEYNE GAAS OO SHAACIYEY WAXA SABABA KHILAAFKA DOWLADDA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magalada Brussles ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga,guulaha Puntland ay gaartey iyo khilaafka Siyaasadeed ee dowladda iyo dowlad Goboleedyada.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in khilaafka marwalba soo laab laabta uu sabab u yahay Madaxda soomaalida oo ah dad Siyaasad weyn ay ka dhaxeyso,taasina ay keeneyso in la’is khilaafo.
Waxa uu sheegay in khilaafka mararka qaar yimaado uusan noqon abuuro caqabad horleh oo wax dumiya balse uu noqdo mid wax dhisa,waxa uuna rajo ka muujiyey in wax wanaagsan ay ka soo baxaan shirka Magalada Brussles.
Dhowr mar ayaa waxaa khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,khilafkaas oo soo ifbaxay wixii ka dambeeyey khilaafkii Wadamada Khaliijka.
DFS OO SOO BANDHIGTAY WAQTIGA LA SOO DAABACAYO LACAGTA SHILLINKA SOOMAALIGA
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qorshihii ugu dambeeyey ee ku aadan soo daabicista lacagta Shillinka Soomaaliga oo dowladda Federaalka ay horay u shaacisay.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in shuruudii ay la galeyn Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta ay ka soo gudbeen taas oo u sahli karta in ay lacag Cusub soo daabacaan.
Waxa uu sheegay Wasiir beyle in weli loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa maadaama dowladda Soomaaliya lacag farabadan oo deyn ah lagu leeyahay,waxa uuna sheegay in Sanadkaan gudihiisa ay lacagta Cusub ee Shillinka Soomaaliga ah lasoo daabici doono.
Hadalkan ayaa Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay ka dib kulan uu Magalada Brussles kula qaatay Mas’uuliyiin ka kala socotay Bamkiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta,kas oo ahaa mid ay uga wad hadleen qorsha DFS ay lacagaha Cuusb kusoo daabaceyso.
11 RUUX OO KU DHIMATAY ROOBAB XOOGGAN
Ilaa 11 qof ayaa dhintay roobab culus oo ku dhuftay gobollada Koonfurta Hindiya ku yaalla 24kii saacadood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta goboladaasi.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua, dhimashada ayaa ka dhacday degmooyinka Kozhikkode, Malappuram iyo Kollam.
"11 qof ayaa ku dhintay roobabkii mihiigaanka ahaa, ee Kollam, Kozhikkode iyo Malappuram,” sidaa waxaa yiri sarkaal maareynta musiibooyinka ka tirsan ee Hindiya.
Marka laga reebo saddexdaan gobol, shan degmo oo kale ayaa sidoo kale jira in roobabkan culus ay ku dhufteen, halkaas oo sababtay in dugsiyada qaar la xiro.
Telefishinada maxalliga ah ayaa sheegay in roobabkaan ay saameyn ku yeesheen jidadka tareennada iyo waddooyinka gawaarida.
Waaxda cimilada ee Hindiya ayaa ka digtay cimilo khatar ah 48da saacadood ee soo socda.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO BOOQDAY SAFAARADDA SOMALIYA EE BRUSSELS…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Somaliyed ee Brussels.
Booqashada Wasiirka uu Ku tagay Safaaradda waxaa Ku wehliyay Safiirka Somaliya ee Biljimka, Holland, Luxembourg iyo Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi.
Intii lagu jiray booqashada, Wasiirka waxa uu xog waran ka dhageystay Danjiraha Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi oo Wasiirka ugu xog waramay howlaha ka socda Safaaradda iyo adeegga ay u qabato jaaliyadda Somaaliyed ee Ku dhaqan halkaasi.
NICOLAS MADURO; AFRIKA AYAA KU GUULAYSATAY KOOBKA ADDUUNKA
Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku tilmaamay guusha uu ka gaaray xulka Faransiiska inay ku timid ciyaartoyda asalkoodu yahay qaarada Afrika.
Maduro ayaa sheegay in Afrika Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska, isagoo ugu baaqay wadamada qaarada Yurub in ay joojiyaan faquuqa ka dhanka ah dadka soo galootiga ah.
Telefeshinka dawladda ayaa ka soo xigtay madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya magaalada Caracas oo leh:”Xulka Faransiiska ayaa ku guulaystay, inkastoo ay u ekayd in Afrika ay ku guulaysatay. Xaqiiqatan Afrika ayaa ku guulaysatay – waana Afrikaankii soo galootiga ah ahaa ee Faransiiska tagay. Waxaan rajaynayaa in Fariintaas ay Yurub gaarto,” hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afriko ka dhanka ah
"Ha la joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afrika ka dhanka ah, hala joojiyo cunsurinimada ka dhanka ah dadka soogalootiga ah”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Maduro.
Dalka Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka kaga badiyay Croatia 42.
Xulka Faransiiska oo 23 ciyaartoy ka koobnaana 15 ka mid ah wuxuu faracoodu ka soo jeedaa Afrika, waxayna u badan yihiin dalalkii uu Faransiisku gumaystay.
NIN XAASKIISA OO UMUL AHEYD KU DILAY GOBOLKA GALGADUUD
Gudoomiyaha Degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilkaan argagaxa leh inuu gaystay ninkaan oo aan lagu ogeyn inuu xanuunsanaayay.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in la soo qabtay ninkii gaystay falka, islamarkaana Saldhiga Booliska lagu wareysanaayo, waxaana uu tilmaamay inay la yaaban yihiin falka dhacay.
"Ninkan xaaskiisa waa u dilay Umul ayeey aheyd, illaa hadda ma naqaan sababta rasmiga uu u dilay, waxaana soo qabtay ciidamada amniga oo baaritaan ku haayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Balanbale.
Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiyaha "Afar Carruur ah oo ay u dhashay ayeey u haysay, Bool iska Isbitaal ayeey geynayaan ninkaan si loo soo baaro caafimaadka, marka waa arrin musiibo ah.”
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILEY..
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Burhaan Maxamed oo ku soo guuleystay tartanka Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.
Kulanka oo ahaa mid qado ah ayaa waxa ku wehlinaayay Aabe Burhaan Maxamed, Macalin Cabdinaasir Maxamuud Faarax oo ah macalinkiisa Qur’aanka Kariimka iyo Sheekh Maxamed C/llaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu aad ugu farxay guusha uu Axmed Burhaan ka gaaray tartankii Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.
" Waxa idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad iga aqbasheen casuumaada aan idiin fidiyay, guusha aad gaartay waa guul weyn oo Soomaali dhan farxad gelisay, waan kaaga mahad celinaya dadaalka aad sameysay” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in muhiimada kulankan uu yahay mid dhiira gelin ah, guushaana ay tahay guul Qaran.
" Runtii golaha shacabka aad ayuu usoo dhaweeyay guushan, waxan ka shaqeynaya sidii maamuus sare loogu sameyn lahaa dhalinyarada guulaha noocaan oo kale ah Qaranka usoo hooyay” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.
Axmed Burhaan Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka iyo casuumaadda guddoomiyaha golaha shacabka.
" Waa ku faraxsanahay sida la ii casuumay oo la ii sharfay shalay, kulankan Waxaa ku qiyaasaya maamuus iyo ixtiraam aad u badan oo la ii sameeyay, dhiira gelin weyn ayay ii tahay”. ayuu yiri Axmed Burhaan Maxamed.
Kulanka waxa gooboog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan " Nuux " iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.
Axmed Burhaan ayaa ku guuleystay abaal marinta Dubai ee caalamiga ah, isagoo ka guuleystay in ka badan 100 qof oo ka kala yimid dalal badan.
DUQA MUQDISHO "SHIRKA BRUSSELS WUXUU XAQIIJIYEY HORUMARKA BALLAARAN EE DALKA KA JIRA”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ayaa sheegay in beesha caalamku ay aad u soo dhoweeyeen una xaqiijiyeen horumarka ballaaran ee dalka ka jira, iyadoo la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya.
Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay in mudadii 10ka sano ee uu siyaasada ku soo jiray ay tahay markii ugu horreysey oo beesha caalamku ay si wadajir ah u waafaqeen horumarka jira ee dhanka maamulka iyo maaliyada, amniga, u diyaar garowga doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sida loogu baahanahay in Soomaaliya maalgeshi xoogan loo helo.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayey shirka SPF ayaa sheegay in Dowladiisu ay ka go’antahay dardargelinta horumarka jira si shacabka loogu adeego loona gaarsiiyo doorashooyin halcod iyo hal qof ah oo talada loo celiyo shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Eng. Yarisow oo daraad shirka amniga khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey horumarka caasimada ee dhanka amniga, sida shacabka ay maalin walba ugu tallaabsanayaan horumar joogta ah oo dhan walba ah, sheegeyna adkeysiga shacabka inuu yahay kan keena horumarka. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey barnaamijka sugidda amniga caasimada Muqdisho, isagoo u mahadceliyey hay’adaha amniga iyo shacabka oo kaalin weyn ka geystay sugidda amniga, iyadoo maamulka gobolka Banaadir hirgeliyey barnaamijka dariseynta oo shacabka, maamulka iyo hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir uu diyaariyey Qorshaha Horumarinta Caasimada, Siyaasada Barakacayaasha, Qorshaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, hirgelinta doorashooyinka 2020ka ee dowladhaa hoose iyo hirgelinta qorshaha sugida amniga caasimada. Horumarka jirana u baahanyahay in la joogteeyo iyadoo bulshada laga qeybgelinayo wadatshiyada iyo ka qeyb qaadashada horumarka caasimada iyo kan guud ee dalka.
Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay inay AMISOM isku afgarteen in Garoonka Muqdisho la baneeyo oo la rajeynayo in tartanka cayaaraha Gobolada ee dhammaadka sanadka lagu qaban doono. Sidoo kale Yarisow ayaa sheegay in la bilaabi doono dayactirka garoonka iyadoo lagala shaqeynayo Wasaarada Isboortiga.
WASIIRU DOWLAHA MAALIYADDA OO KA HORYIMID WARQAD UU QORAY WASIIRKA MAALIYADDA (AKHRISO)
Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ka horyimid warqad uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, kaasoo Kusimaha Wasaaradda Maaliyadda looga dhigay Wasiir kuxigeenka Mr C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow, inta uu Wasiirku dalka ka maqan yahay.
Qoraal uu Wasiiru dowlaha Maaliyadda u qoray Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Hanti dhowrka Guud, kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sheegay in aanay sharciga waafaqsaneyn warqada uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa warqad uu qoray 13kii bishan, ka hor inta aanu ka dhoofin dalka waxaa uu Kusime uga dhigay Wasaaradda Maaliyadda Wasiir kuxigeenka, taasoo awood loogu siiyay saxiixyada iyo socodsiinta howlaha Wasaaradda inta uu Wasiirka dalka ka maqan yahay.
Loolanka u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee ku aadan shaqada Wasaaradda ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer arrimo ay isku qabteen ku baxay Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Inta badan Wasiirada, kuxigeenadooda iyo Wasiiru dowlayaasha ayaa dhex mara loolan dhanka awoodaha shaqada, waxaana xafiiltanka ka dhex jira Wasaaradaha Xukuumadda ay xilliyada qaar banaanka soo dhigaan warqado iska hor imaanaya oo ay isugu jawaabaan
HADALJEEDINTA MADAXWEYNAHA EE KULAN KA WAKIILLADA GANACSATADA MADASHA ISKAASHIGA SOOMAALIYA
Mudanayaal iyo marwooyin, martida iyo saaxiibbada sharafta leh,
Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan shalay halkan ku suganahay aniga oo idin kala hadlaya dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, si loo gaaro sookabasho dhaqaale, iyadoo loo marayo hannaan maalgelin oo casri ah.
Soo kabashada dhaqaale waa qodob mudnaan u leh dawladdayda oo ay aaminsan tahay in uu xoojinayo deganaanshaha, maalgashiga, shaqoabuurka iyo soo celinta guud ahaan rajada shacabka.
Soomaaliya waxa ay abaal u haysaa dhammaan qaybaha caalamka ee nagala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanna caddaynaynaa, dawlad ahaan, in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay qayb muhiim u ah horumarka.
Ugu horreyntii, waxa aan garwaaqsanahay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin soo kabashada Soomaaliya. Waqtiyadii adkaa, ganacsato dhiirranaan leh ayaa maalgashaday adeegyada asaasiga ah, taas oo dadkayaga u suurtagalisey in ay caalamka ku xirnaadaan. Dadaalladaas haatan waxa ku soo biiray qorsheyaal ganacsi oo lagu ballaarinayo saaxadda dhaqaale, iyadoo lala imaanayo hal abuur iyo aragti cusub. Sidaas oo ay tahay, waxa weli loo baahan yahay in la maalgaashado kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka ah, si loo kordhiyo waxsoosaarka iyo fursadaha dhaqaale.
Dawladdani waxa ay ganacsiga gaarka ah u aragtaa mid lafdhabar u ah horumarka iyo dibusookabashada dalka. Waxaa naga go’an inaan noqonno maamul u roon ganacsiga iyo ganacsatadaba, annaga oo abuurayna deegaan maalgashi oo habboon, si ganacsatadu, kuwii hore iyo kuwa danbeba, ay u guuleystaan.
Soomaalidu dabeecad ahaan waa dad ganacsi, dawladduna waxa ay u suurtagelinaysaa fursadaha ugu badan si loo gaaro guul bulsho iyo mid dhaqaale. Sidaasi darteed, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka ah waa yool lagama maarmaan ah oo aan ku kalsoonahay in lagu gaari karo iskaashi.
Laga soo bilaabo kulankeennii London ee sannadkii hore, waxaa la ansixiyay Sharcigii Maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la aasaasay Guddiga Maalgashiga Qaranka. Xeerkii Isgaarsiinta sharci noqday, waxaana dhidibbada loo taagey hay’addii maamuli lahayd.
Dawladdda Federaalku waxa ay xoojisay wada hadallada kala dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyada oo ujeedkeedu yahay in dhaqaalaha la kobciyo, lana kordhiyo kalsoonida maalgashadaha. Waxaa kale oo la hagaajiyey siyaasaddejintii la xiriirtay dhaqaalaha iyo cashuuraha. Waxaa hubaal ah in dadaalladani ay keeni doonaan adeegyo badan, isla markaana kordhin doonaan dakhliga dawladda ee gudaha, si dib loogu maalgaliyo isbeddelka Soomaaliya.
Waxaan ogsoonnahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashu ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo hantidooda iyo halabuurkooda, si ganacsiga gaarka loo leeyahay uu doorkiisa oo buuxa uga ciyaaro soo kabashada Soomaaliya. Waxa kale oo ay u baahan yihiin inay helaan bangiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo uu u maalgeliya ganacsiyadooda, una ilaaliya hantidooda.
Dawladdani waxa ay samaynaysaa dadaal kasta oo ay kor ugu qaadayso tartanka ganacsiga, hal abuurka iyo in la sameeyo iskaashiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo lagu dardargelinayo maalgashiga qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliya sida ganacsiga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo tamarta.
Iskaashiyadani waxa ay faa’ido weyn u leeyihiin maalgashadayaasha iyo dadka labadaba, gaar ahaan, haddii ay abuuraan hannaan oggolaanaya in badeecado iyo wax soosaar badan lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, loona iibgeeyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa caalamka.
Ganacsigu waa uu ka jiritaan iyo sharaf badan yahay kaalmada. Tani waa xaqiiqo aannu si fiican u fahansannahay, waxaana xoogga saaraynaa in dadaalladani ay miradhalaan. Ilaa iyo markii ay xukumaaddani la wareegtey talada dalka, waxaanu heshiisyo la saxiixannay saaxiibbo muhiim ah, si loo kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa aannu ka shaqaynaynaa dib ugu biirista Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga, Ururka Ganacsiga Waddamada Koonfurta iyo Bariga Afrika (COMESA), waxaan kale oo qiimaynaynaa sidii aannu uga faa’idaysan lahayn isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol. Sidoo kale, waxa aan ku rajaweynahay in heshiisyadani ay Soomaaliya dib ugu xiri doonaan suuqyada caalamiga ah.
Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin maalgashi, waxa ayna mudan yihiin taageero si ay u kobcaan. Dhinacayaga, waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa Bangiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay inay sii wadaan taageeridda ganacsiyadii hore iyo kuwa cusub, maxaa yeelay taas ayaa xasilinaysa Soomaaliya, kordhinaysa fursadaha, abuuraysana barwaaqo waarta.
Ugu danbayntii, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay si soo kabasho dhaqaale loo gaaro waxa ay u baahan tahay aragti, dhiirranaan iyo iskaashiyo micno leh.
Waa inaan fursado u abuurnaa da’yarteenna si ay jiilkooda iyo kuwa ka danbeeyaba ugu abuuraan mustaqbal barwaaqo leh.
Haddii aan iska kaashanno gaarista yoolkan, waxa aan abuuri karnaa rajada ay da’yar badani ka baadigoobayso dibadaha, taasi oo naga luminaysa ka faa’idaysiga awoodda dhallinyaradaas.
Taas ayaa ah waddo la hubo oo ay Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ahi si wadajir ah ugu faa’idayaan. Waa idiin mahad celinayaa idilkiin. DHAMMAAD
MAQAAL: XILKA SANKA U MARI !!!
Tan sidii loo ridey Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Mudana Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Xukuumada Dardargelisey oo si Xawaare leh u socda Xil ka qaadis iyo Xil u Magacaabid taasoo ay si aad ah ugu Wareereen Bulshada Soomaaliyeed kuna Tilmameen Xil Ka Qaadistaan mid sii ragaadineysa Horusocdkaa Dowladda Kalsoonida Shacabka
Qaar ka mid Xubnaha Xilka laga qaadey oo aan wax ka weydiiyey habka Xil ka qaadista ayaa waxay ii sheegeen in Dowladda aysan faaiido ugu jirin Isbedelka Xilalka ee Deg deg ah iyagoo intaas raaciyeen "Waxaa heshiisyo Hirgelin Mashaariic la galney Dowlado , Shirkado iyo Hayado kuwaas Lagu hormarin lahaa dalka ayey Xil ka qaadisteena ay keentey in Dib loola laabto Heshiisyadaas”
Sidoo kale waxaa wax ka weydiiyey Xil ka qaadistaan Deg dega ah mid ka mid ah Dadkii Xilka laga qaadey oo diidey in magaciisa la Xuso waxaana uu yiri "Ma xuma In Xilka la iska qaado hase yeeshee Waxaan Bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in Xilka qaadista Dowlada ay salka ku hayso sidii loo qancin lahaa Xildhibaanada Mooshinka ka keeney ama u ololeeyey Xil ka Qaadistii Mudane Jawaari” waxaa uu intaa ku darey.
" Xildhibaanada ka qayb qaatey Ridistii Jawaari ayaa Xukuumada ku wargelisey in ay soo eeegtaan Boosas ama Waxyaabo kale oo lagu abaalmariyo waxaa la yaab leh in Xajkii sannadkaan uu u Xayiran yahay Qancinta Xildhibaanada Jawaari ee sida xaqdarada u ridey marka waxaa Xaqiiqo ah Xukuumada aaney Xiligaan rabin in ay u shaqeyso Bulshada Soomaaliyeed” waxaa uu intaa ku darey.
"Waxaa si cad nalagu sheegey Hadii aan nahay Golaha wasiirada ee aan ka mid ahaa in wasiir kasta uu keeno Sadex ama Laba Xildhibaan oo Xilka ka qaada Mudane Jawaari waxaa la yaab leh in Xubnihii aan keeney mid ka mid ah in aniga la igu badeley oo sidaa aan ku waayey Xilkii aan hayey muddo Shan bilood ah waa ayaandaro soo wajahdey Bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn ugu Kalsoonaa Dowladooda marka yaan lagu Cayaarin Ummada oo aan ogahay shalay in qaarkood Baahi Guryahooda la jiifaan ” .
Gabar ka mid ah kuwa laga qaadey Xilka ayaa iyana Tiri "Waan Garanayaa Xildhibaanka Xilka iga qaadey waxaan ku sheegaaa in kuwaan ay Beri tagi doonaan oo waxa isku soo hari doona ay tahay aniga iyo adiga sidaa darteed taariikhda ayaa ku Xusi doontaa, qofka aad shalay keentey isagana beri baa la eryayaa marka "Waa la Doogiye yaan la Dacaroon
"Waxaan ku talin lahaa in Dadka Doonaya in ay Xil Waqtigaan ka raadiyaan Dowladda in aysan ku kaadsoomin waa laga gudbey Hebel Xilka waxaa uu yahay Lix Bilood, Sadex Bilood , Laba Bilood, Hal bilood shalay waxaa uu taagan tahay "XILKA SANKA U MARI” oo marka uu sidaa u Carafsado ka qaad sidaa darteed Qancinta Xildhibaanada waxaa ka sii daran haddii aadan NACAMLEEYE noqoneyn waa adag tahay in aad ku sii jirtey Dallada Xukuumada Nabad iyo Nolol” ayuu yiri Xubin Xilka laga qaadey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
EMail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Tel 00252615532494
BOGGA CAYAARAHA
MAXAY TAHAY WAXA KALIYA EE KAKA KA YAABIYAY INTII AY ISKU KOOX AHAAYEEN CR7? ISAGAA KASHIFAY
Kaka ayaa wuxuu tilmaamay in waxa kaliya ee Cristiano Ronaldo ka yaabiyay mudadii Afarta sano ahayd ee uu la shaqeynayay ay tahay inaanu ahayn mid marnaba niyad jaba.
Ronaldo iyo Kaka ayaa Real Madrid wada joogay muddo afar sano ah, waxaana dhinac walba uu hadda yahay mid aan ku sugneen kooxda reer Spain, xili CR7 uu ka dhaqaaqay xagaagan.
"Wuxuu waxay utahay sharaf inuu la dheeli isaga, ama uu daawo, aniga ahaan waxaan u arkaa inay tahay sharaf inaan isaga la tababarto, oo aan maalin walba oo kamid ah afar sano la joogay,” ayuu yiri.
"Waxaan arkaa inuu yahay mid heer sarre ay tahay xirfadiisa, waana xoogan, oo aan niyad jabin, waana shaqsi dhiir-gelin badan.
"Sida ay maskaxdiisa u xoogan tahay, ayaan arkayay maalin walba, waana mida usahashay inuu talaabsado.
"Waxaan aaminsanahay in Ronaldo uu noqon doono mid kamid ah ciyaartoyda dunida ugu wanaagsan ee la xasuusan doono,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Kaka
TABABARIHII HORE EE ARSENAL ARSENE WENGER OO KA HADLAY MEELAHA UU KA LIITO LIONEL MESSI
Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in dhamaan ciyaartoyda aduunka ay leeyihiin cillado iyo meelo ay ka liitaan, tusaale ahaan Lionel Messi.
Arsene Wenger ayaa wareysi uu bixiyay waxaa wax looga weydiiyay xidiga uu ugu jecel yahay kubada cagta.
"Ma jiro ciyaaryahan dhameystiran, dhamaan ciyaartoyda waxay leeyihiin meelo ay ka liitaan, tusaale ahaan Messi waa ciyaaryahan fiican”.
"Wuxuu ka dhigi karaa ciyaartoyda kale in ay si fiican u ciyaaraan, wuxuu dhalin karaa goolal, hadana waxaa jira meelo uu ku liito”.
"Messi kuma fiicna kubada sare, sidoo kale si xoogan uma difaactami karo, laakiin wuxuu sidoo kale ku noolyahay awoodiisa kale, waa in tababaraha uu dhinac dhigaa ciyaartoy kale si ay u daboolaan meelaha uu ka liito, si uu diirada u saaro awoodisa”.
"Marka ay guuleysato Barcelona isla markaana uu bixiyo qaab ciyaareed cajiib ah, waa xiliga iigu farxada badan aniga ahaan, waxay ahaayeen kuwa ugu sareeya heerkooda, waxay ahaayeen koox aan marnaba la garaacin”.
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA LUULYO 2018-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN GAAR AH LA QAATAY MICHAEL KEATING Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farma ajo) ayaa kulan gaar ah magaalada Brussels kula yeeshay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha