
Ciidamada Kenya oo xiray xuduuda Somaliya iyo Kenya
Xuduuda, ayaa waxaa la soo dhigay ciidankii ugu xooganaa oo ka socda Kenya. Dadkii labada dal isugu kala gooshi jiray, ayaa lagu wargeliyay in si ku meel gaar ihi loo xanibay isu socodkii dadka ee labada wadan.
Warbaahinta Kenya, ayaa waxay maanta qortay in laga feejigan yahay weeraro ay soo qaadaan Xoogaga Ururka Al Shabaab, inta dadka reer Kenya ay ku hawlan yihiin soo dhawaynta curashada 2016.
Xukuumadda Nairobi, ayaa waxay walaac badani ka qabtaa in weeraro uu kaga yimaado Ururka Al Shabaab, xilliga dhalashada sanadka cusub looga dabaaldegaayo dalkaasi.
General Joseph Boinett, Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya, ayaa maanta sheegay in Xoogaga Boolisku ay u diyaargaroobeen suggida ammaanka, maadaama ay saacadu uun inaga xiggaan dhalashada sanadka miilaadiga.
Ciidamada Kenya oo xiray xuduuda Somaliya iyo Kenya
Waxaa ku si meel gaar ihi loo xanibay isu socodkii dadka ee dalalka Somaliya iyo Kenya, illaa iyo inta ay socdaan dabaaldegyada lagu soo dhawaynaayo sanadka cusub ee 2016-ka.