Gaari ay leeyihiin Ururka Al Shabaab oo maanta lagu qabtay Degmada Qoryooley

0
Thursday December 31, 2015 - 15:50:26 in Wararka by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari ay leeyihiin Ururka Al Shabaab oo maanta lagu qabtay Degmada Qoryooley

    Gaari sida la sheegay ay leeyihiin Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa maanta lagu qabtay afaafka hore Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli ay hawlgal ka wadeen Ciidanka Nabad Suggida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari sida la sheegay ay leeyihiin Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa maanta lagu qabtay afaafka hore Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli ay hawlgal ka wadeen Ciidanka Nabad Suggida. Gaarigan oo noociisu uu ahaa SURF, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Shabaabku ay ku uruurin jireen Zakaawaat-ka. Shabaabku waxay bil kasta shacabka ay ka qaadaan lacago iyo xoolo Zaka ah.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Degmada Qoryooley, Cabdi Axmed Cali, ayaa sheegay in gaarigaasi la soo qabtay, xilli ay maanta Ciidanka Nabad Suggida ku guda jireen hawlgal ka dhan ah Shabaabka.

Gudoomiye Ku Xigeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa bidhaamiyay in gaarigaasi uu ahaa mid si wayn looga garanaayay duleedyada Degmadaasi, isla-markaana ay la wareegtay Dowladda Somaliya.

Wuxuu ka gaabsaday haddii ay jiraan dad lala soo qabtay gaarigaasi iyo haddii kalaba. Marka laga reebo in gaarigaasi ay ka soo qabteen afaafka hore ee Qoryooley.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duleedyada Degmada Qoryooley laga wado hawlgalo lagula dagaalamaayo Ururka Al Shabaab, wixii ka dambeeyay markii ay soo weerareen Degmadaasi, muddo saddex habeen laga jooggo.

Waa gaarigii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabto bannaanada hore ee Degmadaasi Qoryooley, xilli Shabaabku ay u adeegsan jireen hawlaha Zakaawaat-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip