HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA LUULYO 2018-KA

0
Monday July 09, 2018 - 09:40:09 in Wararka by
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA LUULYO 2018-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALAYA CALEEMOSAARKA MADAXWEYNE ERDOGAN.. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaa lada Ankara halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleema sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALAYA CALEEMOSAARKA MADAXWEYNE ERDOGAN.. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaa lada Ankara halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxwe ynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

         Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; "Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

               Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Max amed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Lataliyaha Arrimaha Diba dda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO KU BAAQAY IN LA TAAGEERO SOOMAALIYA

               Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmed AlOthaimeen ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii iyo Qaraxyadii daraad ka dhacay Otto Otto oo ah xarunta ay ku degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

               Dr. AlOthaimeen ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha iyo xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ururka OIC ay si weyn uga naxeen Weerarkaasi,islamarkaana taageero buuxda ay siin doonaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu uu ugu baaqay beesha caalamka  iyo wadamada gobolka in ay taageero dheeraad ah siiyaan Soomaaliya ayna xoojiyaan xiriirka wadankan si ay u cirib tiraan khatarta AlShabaab ay u geysaneyso nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

SHABAAB SHEEGTAY IN AY DILEEN TALIY IHII CIIDANKA KENYA EE DEGAANKA FAXFAXDHUUN

               Ururka AlShabaab ayaa sheegtay in ay weerar Madaafiic ah ay ku dileen taliyihii Saldhigga Ciidamada Kenya ee ku yaalla degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Degaanka Faxfaxdhuun ayaa 70 KM u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ururka AlShabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 7 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga,islamarkaana sidoo kale ay ku dhinteen Askar ka tirsan dowladda Kenya weerarkaasi.

"Taliyihii ugu sarreeyay saldhigga Ciidanka Kenya Ee Faxfaxdhuun iyo laba sarkaal oo kale ayaa la xaqii jiyay in ay ku dhinteen duqeyn daraad lagu qaaday xerada ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shab aab.

Ma jirto ilo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya geerida ku aadan Sarkaalkaan ciidamada Kenya u qaabilsanaa Xerada Deegaanka Fax faxdhuun.

DHALINYARO SOOMAALIYEED OO DHIBA ATO CULUS KU HEYSATO CUMMAAN

               Xabsiyadda dalka Cummaan waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed ,kuwaasoo lagu eedeey ay in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Dhalinyaradda ku xiran Xabsiyadda Cummaan ayaa qaarkood waxa ay ku sugan yihiin Xaalad adag sidda ay Risaala u sheegeen qaar ka mid ah dhalinyaraddaasi.

Dhalinyaraddaasi ayaa Maxkamad ku taalla dalka Cummaan ay horay ugu xukuntay mid 25 sano oo xabsi ah, waxaana hadda ay qaateen 9 sano.

Markii ciidamada dalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen ayaa tiradooda waxa ay aheyd 36 labo ka mid ah ayaa xabsiga ku dhimatay sidda ay inoo sheegeen dhalinyaradda.

shabaab-640x348 Waxaa xabsiga dhexdhiisa ku heysta Caafimaad daro daran,iyadoona kuwooda xanuunsadda aan isbitaal la geyn.

"Waxa nahay dhalinyaro ku eedaysan burcad badeednimo, waxaa ku xiran nahay xabsi ku yaala Cuman, waxaa nalagu xakumay 25 sano, waxaa hadda qaadanayy 9 sano,xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa nagu haysata halkan, waxaa nooga dhintay 2 naga mid ahaa oo tiradeena hore waxa ay ahayd 36, fadlan fariinteena dawladda iyo dad badan oo noo hiiliya” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradda.

Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ku heysta dalka Cummaan.

KULAN LOOGA HADLAYAY AMNIGA OO KA DHACAY MUQDISHO)

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay amniga Caasimada iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee Caasimada ka dhaca.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Was iirka amniga, Taliyeyaasha Bo oliiska, Nabad Sugida iyo maam ulka gobolka Banaadir.Kulanka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay dardar gelinta how laha amniga la xiriira iyo sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd shacabka iyo hay’adda ammaanka.

     Saraakiishii uu hogaaminaayay     Wasiirka amniga ayaa laga dhagey stay warbixin la xiriirta amniga caasi mada iyo howlgalada socda.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Ba naadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Xuseen Maxamed Nuur ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale Xarunta Aqalka Dowla dda Hoose ee Xamar waxaa lagu qab tay shir lagu soo gaba gabeyna yay qorshaha hormarinta gobolka Ban aadir 5 sano ee soo socoto.

Waxaa lagu balamay in shacabka gobolka loo soo bandhigo warbixin faah faahsan oo la xiriirta qorshaha hormarinta gobolka Ba naadir si ay talooyinkooda ugu daraan sida uu warbaahinta u sheeg ay Ku simaha guddoomiyaha gobolka banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Xuseen Maxamed Nuur.

ASKAR MARAYKAN OO DIL IYO DHAA WAC LOOGU GEYSTAY DALKA AFGANISTAN.

               Hadal ka soo baxay Ciiddamadda Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalkaasi ayaa lagu sheegay in la dilay Askari Maraykan ah, halka 2 kalena kalena lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Koonfurta dalka Afganistan.

               Toogashadda ayaa la sheEgay inuu geystay Askari ka tirsan kuwa Dowladda dalkaasi oo ay Ciiddanka Maraykanka wada hawlgalaan, mana kala cadda waxa sababay Toogashadaasi oo ah tii ugu horreysay ee sannadkan oo Askar Maraykan ah lagu dilo gudaha Afganistan.

               Isbahaysiga NATO wxa faahfaahin ah kama bixinin halka ay ka dhacday Toogashadaasi, balse, Sarkaal Bolis ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay Toogashadu ka dhacday Garo onka Diyaaradaha ee Caasimadgobaleedka URUZGAAN ee TARINKOT.

               Dhinaca kale, kudhawaad 14,000 oo Askar Maraykan ah ayaa ku sugan dalkaasi, kuwaasi oo tababar siiya Ciiddanka Dowladda Afganistan iyo taageero dhinaca Loojistikadda oo ay siiyaan  Isbahaysiga NATO o oay Dowladda Mraaykanka xubin muhiim ka ah.

QAAR KA MID AH WIILASHII KU GO’DOON SANEYD BOHOL KU TAAL THAILAND OO LA SOO BADBAADIYAY

               Afar kamid ah koox wiilal ah oo muddo labada toddobaad ah ku go’odoonsanaa bohol kutaal Waqooyiga dalka Thailand ayaa bannaanka loo soo saaray kadib markii koox badbaadiyaal ah ay ku howlanaayeen maalmihiila soo dhaafay.

               Hase yeeshee waxaa weli ku jira godka ay wiilashan ku go’odoomeen illaa siddeed wiil iyo macalinkooda.Madaxa howlgalka lagu soo badbaadinayo 12ka wiil iyo tababarahooda ayaa sheegay in si wanaagsan ay howlahooda u socdaan.

               Balse howlgalka ayaa muddo toban saacadood ah la hakiyay si badbaadiyayaasha ay haamaha neefta ogsijiintu ugu jirto ay u soo buuxsadaan.

Waxaa lagu wadaa in subaxnimada Isniinta howlgalka dib loo  bilaabo iyadoo lagu rajo weyn yahay in dhammaan wiil[asha iyagoo nool dibada loo soo saaro.

               Quusayaasha badda ayaa hagaya 12 wiil iyo tababarahoodii kuwaas oo go’doon ku ah meel mugdi ah oo ay biyo fadhiisteen oo ku taal afka hore ee bohosha Tham Luan ee dalkaas.

               Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya quusayaal dunida isaga yimid iyo ciidamada Badda dalka waxaa lagu tilmaamay howlgalkii ugu weynaa ee abid lagu badbaadinayo dad ku go’doomay Bohol ay biyo xireen.

               Wiilashan oo la la’aa ayaa Isniintii  aynu ka soo gudubnay waxaa helay quusayaal u dhashay dalka Ingiriiska iyagoo ku go’odoonsan meel dhulka hoostiisa ah oo u  jirta afka bohosha ay ku dhaceen illaa 4km.

               Kooxdan wiilasha ah ayaa da’adoodu u dhexeysaa 11 illaa 16 jir waxana ay ka mid yihiin koox ciyaarta kubbada cagta oo lagu magacaabo Wild Boars waxaana ay bohosha ku dhaceen iyagoo tama shleyn ku jira.Waxa ay qaadatay muddo sagaal maalmood ah in la helo halka ay wiilashan ku go’doome en.

               wiilal ku gonodoonsan dhulka hoostiisa

PROF AXMED ISMAACIIL SAMATER OO MARKII UGU HORREYSAY TEGAY DEEGANKA TUKARAQ OO AY XIISADO DAGAAL KA JIRAAN

               Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyan Ciidamo kala taabacsan maam ulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa Shalay halkaasi gaaray Prof Axmed Ismaaciil Samater oo bare sare ka ah jaamacado ku yaalla Dalka Mareykanka.

Safarka uu ku tagay Deeganaka Tukaraq ee Gobolka Sool Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa waxaa ku wehliya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo Saraakii Ciidan,waxaana uu Ciidamada gaarsiiyey deeq Xoolo ah oo uu ugu talo galay.

DHAAWACYADII QARAXII DARAAD EE OTTO OTTO OO LOO QAADAYO DALKA DIBADDIISA

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa balan qaaday inay daryeel caafimaad u fidinayaan dadkii ku dhaa wacmay qaraxii daraad ka dhacay xarunta Otto Otto ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

               Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu ka shaqeynayo sidii daryeel caafimaad loo siin lahaa dhammaan dadka ku dhawaacmay qaraxyadan, gaar ahaan dadka xaaladd oodu culust ahay ee aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

               "Dadkan dhammaantood waxa ay ku howllanaayeen nolal maalmoodkooda, balse cadowga ummadda Soomaaliyeed ayaa si gaadma ah u soo maleegay dhibaataynta, Maamulka Gobolka Bena adir waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii daryeelka caafimaad ee ugu habboon ay u heli lahaayeen.”

               Kusimaha Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkan uu ka tarjumayo sida argagixisadu ay u bartilmaam sanayso qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Benaadir oo dhibaato badan ay u geeysteen argagixisada Alshabaab.

"Bulshada Gobolka Banaadir waxaan kula dardaar maynaa in ay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amma anka, si looga hortago falalka argagixisada ay ku wiiqayaan nolasha shacabka iyo horumarka Gobolka.”

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay qaraxan iyo halyeeyadii ka tirsanaa Ciidammada Qalabka Sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee naftooda u horay badbaadinta shacabka.

URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO KU BAAQAY IN LA TAAGEERO SOOMAALIYA

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmed AlOthaimeen ayaa si adag u cambiareeyay weerarkii iyo Qaraxyadii daraad ka dhacay Otto Otto oo ah xarunta ay ku degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Dr. AlOthaimeen ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha iyo xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ururka OIC ay si weyn uga naxeen Weerarkaasi,islamarkaana taageero buuxda ay siin doonaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu uu ugu baaqay beesha caalamka  iyo wadamada gobolka in ay taageero dheeraad ah siiyaan Soomaaliya ayna xoojiyaan xiriirka wadankan si ay u cirib tiraan khatarta AlShabaab ay u geysaneyso nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

14 SARKAAL OO LOO XIRAY WEERARKII XARUMAHA WASAARADAHA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA

               Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay Xabsiga la dhigay 14 Sarkaal oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya 24 Saacadood kadib weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee daraad lagu qaaday Xarumaha Wasaaradda Amniga iyo Gudaha oo ku taalla Otta Otta ee M/Muqdisho.

               Kulan ay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga ,Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidammada Booliska iyo Nabadsugidda ayaa lagu amray in la xiro Saraakiishaas.

               Saraakiisha la xiray ayaa Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ay taliyayaal ka ahaayeen Koontoroolada laga soo galo Xaruntii la weeraray,iyo sidoo kale Wadooyinka soo gala Xarumaha la weeraray,sida Wadada Dabka iyo tan ka timaada degmada HowlWadaag ee G/Banaadir,waxa ayna isugu jiraan Boolis iyo Nabadsugid.

14ka Sarkaal ayaa waxaa la geeyey midka mid ah Xarumaha dambi barista,kadib amar ka soo abxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow,waxaana taasi ay ku soo beegantay xilli shaki la gelinayey cida fudueysay weerarkaas maadaama baaritaano xoogleh iyo taxadar badan ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Cali ibarahim Xildhibaan ayaa Shalay sheegay in dadka Soomaaliyeed aan lagu qancin Karin in dowladda ay samey

neyso kaliya islaxisaabtan,iyada oo Wadooyinka Muqdisho qaarkood xataa mararka qaar laga celiyo in ay maraan Gawaarida ay wataan masuuliyinta dowladda oo ay ku jiraan taliyeyaasha Ciidamada.

Weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada,ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday in ka badan 14 ruux oo ay ku jiraan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha halka in ka badan ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

WASIIRKII HORE EE AMNIGA ”CIIDAMA DA XASILINTA SHARCIDARRO AYAY KU DHISAN YIHIIN LAGAMANA SUGAAYO AMNI”

               Cabdirisaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga,Siyaasada iyo sida uu u arko dhismaha Ciidamada xaslinta Caasimadda ee ka howlgalla Muqdisho.

Wasiir C/rasaaq waxaa uu sheegay in waddooyin la xiro aan lagu keeni Karin Amniga Magaalada Muqdisho,loona baahanyahay qorshe lagula dagaalamayo Shabaabka weerarada Fulinaya,walina dowladda aysan la imaan qorshahaas,ciidamada Xasilinta oo aan u rooneyn shacabka ayuu sheegay inaan laga sugeyn amni xaqiijin maadaama ay dilal u geysteen dad maati ah oo aan waxba galabsan kadibna aysan jirin cid loo raacdo dhibka ay geystaan.

Isagoo kasii hadlaya arimaha Ciidamada xasilinta sharci ahaan ayuu sheegay inuusan jirin wax sharci ah oo ay ku dhisan yihiin Ciidankan islamarkaana jiritaankoodu uu xadgudub ku yahay qodobo dastuuri ah,sharciyad ay ku shaqeeyaan illaa loo helana aysan waxba soo kordhineyn sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga Amniga ee Baarlamaanka oo uu ka tirsanyahay ayuu sheegay wasiir hore C/rasaaq Cumar Maxamed in arinta sharci ahaan shaha dhismaha Ciidamada xasilinta ay kala hadleen wasiirka amniga oo u sheegay guddiga in Ciidankan ay yihiin KMG balse hadda waqtigii wasiirku KMGnimada uu ku sheegay la dhaafay ayna kula taliyeen in Ciidanka la sharciyeeyo walina ay dabagalayaan.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/rasaaq Cumar Maxamed Wareysiga uu siiyey Radio Dlasan waxaa uu ku sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ay qaraxyadu ka yaraadeen taasina aysan ku imaan waddooyin la xiray iyo ciidamo la keenay magaalada balse ay ku timid taliska Mareykanka ee ARFICOM oo kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee talisku ka geysanayo saldhigyada Shabaabka,dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ka faa’ideysan fursado u banaan oo ay kusii wiiqikarto awoodda Alshabaab.

Hadalka Wasiirkii hore ee Amniga ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhawr mar sheegtay in Ciidanka Xasilintu ay wax badan ka badaleen amniga Caasimadda muqdisho,waxaana ciidamadaas lagu eedeeyey inay tacaddiyo u geystaan dadka rayidka ah gaar ahaan wadayaasha Moota Bajaajta,dhinaca kalena wali waxaa xiran waddooyinka Muqdisho oo waxaa adag in si fudud la isaga kala goosho magaalada dhaxdeeda "Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo dhameystiran.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOOMAALIYA OO SHIR MUHIIM AH KUSOO XIRAY MAGALADA MUQDISHO

               Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo wada qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dast uurka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo miradhal noqday ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashoo yinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

"Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo bogaadiyay doorka labada Wasaaradood ee qabanqaabiyay shirka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa waxaa xigi doona shirar kale oo looga hadli doono arrimaha Hanaanka Cad aaladda Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO SHIR GUDOOMIYAY KULAN AY YEESHEEN GUDDIGA DHAQAALAHA DALKA

               Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuur aha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.Ugu horeyn Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka war bixiyay halka uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka, SMP3 iyo waxyaabaha la doon ayo in lagu guulaysto si Soomaaliya deynta looga cafiyo dibna ay ula fal gasho hey'adaha dhaqaalaha aduunka.

               Wasiirka qorsheynta xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa isna ka war bixiyay dhismaha qolaha dhaqaalaha oo maraya heer gebagebo ah kaas oo dawladda ka taageeraya ka shaqeynaya kobcinta dhaqaalaha.

               Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqaalahu uu yahay lafdhabarta dawladnimada Soomaaliya, dhibaatooyinka hor taagan hour marka dalkana ay ugu horeyso dhaqaala yarida, sidaas darteed muhiimadda 1aad ee xukuummaddu ay tahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo si caqabadaha hortaagan looga gudbo oo dawladdu ay awood ugu yeelato in adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed wax ka qabato sida horumarinta amn iga, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka iyo dhismaha wadooyinka.

               Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tubta horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaha lala tegayo shirka Brussels oo dhawaan uu ka qeyb gelayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). DHAMMAAD

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO KUL AN LA QAATAY MASUULIYIIN KA SOCDA DAWLADDA BELGIUM

               Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed "Ameeriko” oo uu wehliyey Taliyaha hoggaanka baarista Dambi baarista ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kadiye, ayaa shalay  kulan la qaatay Masuuliyiin ka socda Dawladda Belgium oo lagu kala magacaabo Micheal iyo Alfonso, kuwaasi oo magaaladda Muqdisho soo gaaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip