Ciidamada Uganda oo si weyn u adkeeyay ammaanka dalkaasi iyo Cabsi laga qabo weerar Al-Shabab.
Michael Odongo Afhayeenka Boliska Uganda ayaa sheegay inay Ciiddamo badan dhigeen xuduudaha laga soo galo ee degmooyinka Busia iyo Malaba ee Bariga Uganda, xilli loo diyaar garoobayo Dhalashadda sannadka cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ka taxadirayaan weeraro laga cabsi qabo inay Dagaalyahanada Al-Shabaab ku soo beegaan Dabaaldegga sannadka cusub.
"Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addaha kale ee Ammaanka waxay xoojiyeen Sirdoonka, si ay u ilaaleeyaan deegaan kasta, waxaana ugu baaqayaa Milkiilayaasha goobaha dadku isugu yimaadaan inay hubiyaan Ammaanka goobahaasi” ayuu yiri Michael Odongo Afhayeenka Boliska Uganda .
Dhanka kale Al-Shabaab waxay horey u sheegeen inay weerari doonaan dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Soomaaliya, oo ay Uganda ku jirto, waxayna Al-Shabaab weerar iyo is qarxin ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala sannadkii 2010-kii.