
Maamulka oo amar ku bixiyay inaan la kirayn karin hoteelada, guryaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay
Maamulka, ayaa tallaabadan ku sheegay mid uun lagu suggaayo, laguna xaqiijinaayo amniga guud ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoona dhinacyadaasi lagu adkeeyay in ay awaamiirtan dhaqangeliyaan.
Sidoo kale waxaa dadka reer Jowhar loogu baaqay inay ka qayb qaataan xasiloonida Magaalada, soona sheegaan cid kastaa oo ay u arkaan inay caqabad ku noqon kareyso nabadgelyada.
Warkan, ayaa waxaa lagu sheegay Bayaan maanta ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada Ee Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Maxamed Cali Sugaal (Maqaney).
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), oo Isniintii booqasho ku tagey Magaalada Jowhar, ayaa kaga dhawaaqay in toddobaadka soo socdo uu shirka ka furmi doono.
Wasiir Odawaa, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Qalabka Sida lagala xisaabtami doono amniga Magaalada, mudada uu ka soconaayo shirka Maamulka loogu soo samaynaayo Shabellaha Dhexe & Hiiraan.
Xigasho:-Dhacdo.com
Maamulka oo amar ku bixiyay inaan la kirayn karin hoteelada, guryaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay
Maamulka Gobolka Shebellaha Dhexe, ayaa waxaa uu soo saaray awaamiir uu ku xoojinaayo amniga Magaalada Jowhar, maadaama sida la qorsheeyay ay Jowhar martigelinayso Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.