
Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar oo isbedel laga dareemaayo Sawirada Daawo:-
Dhalinyarada Maxaabiista ee Xabsiga ku jirta ayaa barta farsamooyin kala duwan oo kolka ay xabsiga ka baxaan naftooda ku maarin doono, waxaana farsamooyinkaasi ka mid ah Barashada Dawaarka/Harqaanka iyo Farsamada Al-Waax Jeexida, maadaama Xabsiga dhexe ay yaallaan qalabkaasi.
Taliyaha ciidamada Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa horay u sheegay in Xabsiga laga hirgelinaayo arimo kala duwan oo faa’iido u noqonaysa Maxaabiista.
Dhalinyarada qaar ayaa wax barta oo waxaa xabsiga laga bixiyaa casharo kala duwan, taasi oo Dhalinyarada Maxaabiista u noqonaysa Dhaqan celin iyo helida Aqoon ka maqneyd intaba.
Tani waxa ay muujinaysa in Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyed ay ka go’an tahay horumarinta Xabsiga Dhexe Dhalinyarad ku xiran, laakiin muhiim ay tahay dib u eegida Dadka Xabsiga ku xiran iyo cadaalada ay u baahan yihiin.
Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar oo isbedel laga dareemaayo Sawirada Daawo:-
Waxaa isbedel weyn laga dareemayaa Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib markii Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) uu dadaal badan ku bixiyay isbedel inuu ka hirgeliyo Xabsiga.