
Madaxweynaha Somaliya oo Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga kulan kula leh Saraakiisha ciidamada Millateriga
Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay, ayaa Saraakiisha ciidamada faray in ciidanka loo sheego ilaalinta Xuquuqda Muwaadinka iyo adkeynta ammaanka dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay mar waliba Saraakiisha in laga doonaayo inay ku hagaan ciidamada wadada toosan, maadaama ciidanka uu masuul ka yahay Qaranka Somaliyed.
Saraakiisha ciidamada Millateriga Somaliya ee kulanka ka qaybgalay ayaa dhankooda balan qaaday dar-daaranka iyo hadalada Madaxweynaha uu u soo jeediyay ciidamada Xooga dalka Somaliyed inay soo dhaweynayaan ciidamadana ay u gudbinayaan.
Kulanka oo hada ka socda Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa ammaanka xaruntaasi si weyn loo adkeeyay oo ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda intaba ay iska kaashanaayaan.
Ciidamada Xooga dalka Somaliyed oo u taagan nabadeynta iyo la dagaalanka Shabaab ayaanan si wanaagsan u helin xuquuqda ay Dowladda ku leeyihiin.
xigasho:-dhacdo.com
Madaxweynaha Somaliya oo Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga kulan kula leh Saraakiisha ciidamada Millateriga
Wararka laga helaayo Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu ka qaybgalaayo kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha ciidamada Millateriga iyo Madaxda Dowladda.