Brussels oo laga mamnuucay in lagu qabto Xaflado lagu soo dhaweynaayo 2016, sababo amni awgeed

0
Thursday December 31, 2015 - 14:50:16 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brussels oo laga mamnuucay in lagu qabto Xaflado lagu soo dhaweynaayo 2016, sababo amni awgeed

    Iyadoo ay caawa ku began tahay sanadka cusub ee 2016 oo caalamka looga dabaaldegaayo soo dhaweynta sanadka cusub, ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxa uu mamnuucay u dabaal dega sanadka cusub, sababo dhanka ammaanka ku saabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo ay caawa ku began tahay sanadka cusub ee 2016 oo caalamka looga dabaaldegaayo soo dhaweynta sanadka cusub, ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxa uu mamnuucay u dabaal dega sanadka cusub, sababo dhanka ammaanka ku saabsan. War ka soo baxay Maamulka Caasimada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa gabi ahaanba lagu mamnuucay in la dhigo munaasabadaha waaweyn ee loogu dabaaldegaayo sanadka cusub ee 2016.

Arrintan ayaa la xariirta cabsi laga qabo weeraro argagaxiso oo dalkaasi ka dhaca, iyadoo labo maalin ka hor la qabtay labo nin oo la sheegay inay qorsheynayeen weeraro Argagixiso oo dalkaasi ka dhaca.

Waxaa xalay baaritaano lagu sameeyey guryo ku yaal xaafada Molenbeek ee magaalada Brussels oo ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah, balse baaritaanadaasi ayaan wax natiijo ah kasoo bixin.

Ciidamada ayaa la sheegay inay weli baadi goobayaan nin lagu magacaabo Salah Abdisalam oo la sheegay inuu ka qeyb qaatay weeraradii ka dhacay Paris Bishii lasoo dhaafay.

Habeenkii Isniinta ayaa baaritaano laga sameeyey nawaaxiga magaalada Luik lagu soo qabtay labo nin oo la sheegay inay qorsheenayeen weeraro ay ka geystaan gudaha Belguim xiliga loo dabaal-degayo sanadka cusub.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay xubno ka ahaayeen kooxda loo yaqaan (Shariica For Belguim) oo horey dalkaasi looga mamanuucay.

Dowlada Belguim ayaa ciidamada militariga keentay caasimada Brussels si ay gacanta u siiyaan ciidamada Booliiska.

Wadamo badan oo caawa looga dabaal-degayo sanadka cusub ayaa la sheegay in sare loo qaaday roondooyinka iyo feejignaanta ciidamada amniga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip