Ka Cabasho wareegto.=Maqaal xiiso xambaarsan=

0
Friday July 06, 2018 - 21:54:41 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Cabasho wareegto.=Maqaal xiiso xambaarsan=

    Xoolaha ku dhaqan magaalada Muqadishu ayaa cabasha ka muujiyay wareegto dhawaan kasoo baxday xafiiska Dowlada hoose, iyaga oo ka cabanaya in xuquuqdoodii lagu xadgudbay, wareegtadana ogeysiis laguma siin wasaaraddii xanaanada xoolaha ee aan isku hale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoolaha ku dhaqan magaalada Muqadishu ayaa cabasha ka muujiyay wareegto dhawaan kasoo baxday xafiiska Dowlada hoose, iyaga oo ka cabanaya in xuquuqdoodii lagu xadgudbay, wareegtadana ogeysiis laguma siin wasaaraddii xanaanada xoolaha ee aan isku haleyneynay, og-na lama siin Xoolaha naftooda oo ah cida ay khuseyso, lagumana faahfaahin nuuca xoolaha laga mamnuucay dhaqdhaqaaqa ( Fiiri Sawirka 1aad).

Masuuliyiinta warqada cabashada ku saxiixan waxa ay ka kooban yihiin: Lo’da, Geela, Ari-somaliga iyo Ari-carbeedka, idaha, Dameeraha, Doorada, fardaha, Bisadaha, Eeyaha, iyo nafley kale oo la nool bulshad Xamar.


Horaba dhaqdhaqaaqeno waa u xadidnaa oo magaalada Dhagxaan waaweyn ayaa wadooyinka lagu gooyay, yaan xanibaad kale na loogu darin.

Waxaan qayb ka qaadanaa Nadaafda Magaalada, cuntada ka soo harta guryaha, Maqaayadaha, iyo Hotelada ee Doowlada hoose meel lagu ururiyo ayna u sameyn annagaa cunna, isla markii haddii kale cuduro ayaa ka dhalan lahaa, Bacyaasha lagu daadiyo wadooyinka kuwooda dufanka leh annagaa cunna ( F.S. 2 & 3aad) ) Waxaan qayb ka nahay dhibanayaasha magaalada oo xabbada wiiftaa iyo qaraxyadaba waan idinla wadaagnaa Ciidamaduna hadda nama fiiraan ee yaan nalagu dirin. ( F.S 4aad).

Taa waxaa noo dheer, beryahaan dambe xoola qalan iyo kuwa dhinac ka duleela ayaa xaafadaha lagu soo daadyaa , manaqaan sababta waa sixir ayaa la leeyahay. ( F.S 5aad).


Waa in la dhowraa xuquuqda xoolaha Transit ka ah oo Naq raaca ah oo waqtiga dabeeyshiga ee Jiilaalku bilawga yahay, habeenkii dhax mara magaalada oo aan Visa la weydiin ( F.S 6aad). Sidoo kale Dameeraha maalintii oo dhan shaqo ku jira oo habeenkii la soo baashaala Dameeraha kale oo maalintii ay isku bartaan Goobaha shaqo iyo suuqyada ( F.S 7aad). Hanna la ogaado Waxaa nagu tiirsan Nolasha qoysas badan oo aan shaqo loo abuurin( F.S 8aad).

Ari carbeedka ayaa ku doodaya in asagu uu ka tirsanyahay deegaanka oo uu magaalada ku dhshay, xaafadaha luuqyadooda sida looga dusana uu aad u yaqaan, Baadiyahana uu ka baqayo oo dadkii ka yimid ayuuba qaati ka taagan yahay. Ari carbeedka ayaa leh qaarkeen magaalada ayey caan ka yihiin sida Masuulkooda Cali Uraaye inkastoo naaneysta looga dheelay.

CODSI

1-Waxaan codsaneynaa, in aan la kala faquuqin Eeyaha, oo kuwa wadaniga ah kaliya aan la cadaadin, bacdamaa dowlada Hoose ayna wax ka qaban Karin Eeyaha AMISOM.( F.S.9aad).

2-In dhaqdhaqaaqa Doorada tix galin gaar ah hala siiyo, si milkiilayaashoodo aynan u dhibsan Guri ku heyntooda, kadibna aynan iskaga buriyaan.

3- kuwa duurkii xaalufiyay, dhuxushana dhoofiya oo wax laga qaban waayay, ee nagu Qasbay in aan magaalada u soo qaxno, in talaabo laga qaado.

4- In la simo xuquuqda Xoolaha ku nool magaalada kuwa Milkiilayaashuudu ay heystaan Dhalasho UK iyo kuwa ayna heysan.

5-Arrimo ka muhimsan in anaga nala xanibo ayaa dowlada hoose hor yaal, ee yaan anaga nalagu bilaabin wareegtooyinka Xayiraada.

6-Dad naga Nacfi yar ayaa jooga oo Magaalada, oo aan war maahine wax dheef leheyn ee iyagana halagu daro Xanibaada.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip