Wasiirka Maaliyadda oo maanta lagu wado inuu hor-tago Baarlamaanka

0
Thursday December 31, 2015 - 11:51:17 in Wararka by
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo maanta lagu wado inuu hor-tago Baarlamaanka

    Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa lagu wadaa inuu hor-tago Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo hor-yaala Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa lagu wadaa inuu hor-tago Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo hor-yaala Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meel mariyay xisaab xirka miisaaniyada sanadka 2015 00 maanta ku eg, waxaana lagu wadaa in Xildhibaanada su’aalo weydiiyaan Wasiirka.

Miisaniyadda sanadka 2016 ayuu Wasiirka faah faahin ka bixin doonaa qarashaadka dowladda ku bixi doona, gaar ahaan Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qeybaha kale.

Sidoo kale waxaa Wasiirka wax laga weydiinayaa dhaqaalaha dowladda soo gala Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan shirkado laga leeyahay Turkiga.

Hanti dhowrka Guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa maalmo ka hor ka hor-sheegay Baarlamaanka in Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak oo gacanta ku haya Garoonka iyo Dekeda ay diideen in lala xisaabtamo.

Dekeda iyo Garoonka ayaa ah labada il ee ugu weyn dhaqaalaha ka soo xarooda, lamana oga bil walba inta uu la eg yahay dhaqaalahaas, inkastoo sanadkii hore Shirkada Al-Bayrak ay soo bandhigtay dhaqaalaha ka soo xarooday bishii November sanadkii 2014 oo gaarayay illaa hal milyan oo dollar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip