Madaxweynaha Nigeria oo markii ugu horeysay sheegay in sharuud la'aan ay wada hadalo kula furayaan Boko Haram

0
Thursday December 31, 2015 - 11:48:37 in Wararka by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Nigeria oo markii ugu horeysay sheegay in sharuud la'aan ay wada hadalo kula furayaan Boko Haram

    Madaxweynaha Nigeria, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inay si sharuud la'aan ihi wada hadalo kula gelayaan Ururka Boko Haram, oo ku xoogan Waqooyiga Nigeria.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Nigeria, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inay si sharuud la'aan ihi wada hadalo kula gelayaan Ururka Boko Haram, oo ku xoogan Waqooyiga Nigeria. Muhammadu Buhari, ayaa sheegay in wada hadaladan ay ka dhalan doonaan, haddii Boko Haram ay cadeyso halka lagu haayo ugu yaraan 200 oo hablood, oo bishii April ee sanadkii 2014-ka laga qafaashay Magaalada Chibok Ee Waqooyi Bari Nigeria

Madaxweynaha oo ka soo muuqday Warbaahinta, ayaa hoosta ka xariiqay in gorgortan ay la gelayaan Boko Haram, haddii uu jiro hogaamiye sare oo Xukuumadda Abuja u xaqiijin kara, halka lagu haayo hablahaasi.

"Weli waxaan eegeynaa fursado fara-badan oo inoo furan, haddii uu jiro hogaamiye sare oo Boko Haram ka tirsan, laguna kalsoonaan karo, isla-markaana inoo sheegi kara goobta ay hablahaasi jooggaan, waxaan gorgortan la geli doonnaa si sharuud la’aan ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Muhammadu Buhari

Madaxweynaha Nigeria, ayaa cadeeyay in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada xaajood ay la gasho Boko Haram, waa haddii ay sii deynayaan hablaha ay maxaabiis ahaanta u haystaan.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Buhari, ayaa ku soo beegmaaya, xilli billo ka hor uu sheegay in ay soo gaba gabeen doonaan Ururka Boko Haram, inta aanu dhammaan sanadkan 2015-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip