
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIL NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA LUULYO 2018-KA
Dilka ayaa goobjoogayaal waxa ay shegeen in uu si gaar ah uga dhacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha,isla markaana uu ka mid ahaa Dhalinyarada kabaha ku ku iibisa irida hore ee Masaajidka Daa-wada oo ah meel ay Bulshada aad ugu badantahay.
Rag hubeysan ayaa la sh-eegay in ay ugu tageen goobtiisa Ga-nacsi ee uu kabaha ku iibinayey,isla markaana dhowr xabadood ay ku dhufteen,xilli uu Salaadii Casir ku soo dukaday Masjidka Daawada ee Suuqa Bakaaraha ka dibna ay baxsadeen.
Sida caadada aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxeyna sameeyeen baarit-aano ay dhalinyaro laga shakisany-ahay ku soo qabteen,iyaga oo geeyey mid ka mid ah Xarumaha ay ku le-eyihiin Suuqa Baakaraha.
Majirto cid weli sheegatay masuuliyada dilkaas iyo sababta loo dilay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa ee qeybta Daawa suuqa Bakaaraha kabaha ku iibinayey,waxana uu qeyb ka yahay dilalka mar walba ka dhaca gudaha Magalada Muqdisho.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO QAABILYA SAFIIKA IMAARAADKA CARABTA EE MUQDISHO
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shalay xaf-iiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraa-dka carabta u fadhiya Muqdisho Ma-xamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal, wa-xaana jiray qadiyado kala duwan oo laga hadlay oo ay ka mid ahaayeen sidii Imaaraadka Carabta u dardar gelin lahaa taageerada Soomaaliya.
Inkastoo aan faah faahin laga bixin kulankan, hadana sawirada Safi-irka iyo Wasiirka ayaa la soo geliyay bogga Facebook ee Wasaaradda Arr-imaha Dibadda.
Wasiir Cawad ayaa muddo-oyinkii u dambeeyay waday dadaalo dib uu uga shaqeynayay xiriirkii mug-diga galay ee Imaaraadka iyo Soo-maaliya.
Dadaalada diblomaasiyadeed ee dib loogu hagaajinayo xiriirka So-omaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay-aa ka soo bilowday safarkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku yimid Muq-disho bishii hore iyo safarkii Dhax-alsugaha Imaaraadka Carabta ku tagay Addis Ababa.
Itoobiya ayaa door miisaan leh oo dhex dhexaadin ah ka qaad-aneysa sidii labada dhinac isugu soo dhoweyn laheyd, waxaana jiray ku-lamo diblomaasiyiin Imaaraadka ka socday ay Addis Ababa kula qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa ka maqnaa ma-gaalada Muqdisho labadii bilood ee la soo dhaafay, tan iyo dhacdadii 8-dii bishii April ka dhacday Garoonka diy-aaradaha Aadan Cadde, xilligaasoo diyaarad laga lahaa Imaaraadka Car-abta lagu xanibay, isla markaana Cii-damada Ammaanka ay la wareegeen lacag ku dhow 10-milyan oo u socotay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.
Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan hakiyay taageeradii iyo ta-babarkii Ciidamadii ku jiray Xerada Jen. Gordon, waxaana uu kala baxay dhamaan wixii agab ee xerada u ya-allay iyo Tababarayaashiisa.
MUWAADINIINTA SHIINAHA OO LOOGA DIGAY IN AY U SAFRAAN MAREYKANKA
Safaaradda Shiinaha ee ma-gaalladda Washington ayaa soo saa-rtay Digniin dhinaca Ammaanka ee Muwaadiniintooda u socdaalaysa dal-ka Maraykanka, waxayna Digniintan soo baxday xilii ay xiisad dhinaca Ga-nacsiga ka dhexeyso labada dal.
Safaaraddu waxay Dalxiisay-aasha Shiinaha uga digeen inay ku baraarugsanadaan arrimaha oo ay ku jiraan Kharajka Cafaimaadka ee qa-alliga ah, cabsida Toogashadda, dha-ca, qabsashadda Wakiilladda Canshu-uraha. Khiyaanadda dhinaca Isgaarsii-nta iyo Masiibooyinka Dabiiciga
Digniintaasi oo lagu soo da-abacay Websaytka Safaaradda Shii-naha ku leedahay Maraykanka waxaa kaloo Muwaadiniintooda looga digay inaysan keligooda habeenkii socdaalin iyo inay taxadar u yeeshaan waxa ka dhacayo hareerarhooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibe-dda Shiinaha oo wax laga weydiiyey Digniintaas waxay sheegtay inay ca-adi tahay in Muwaadiniinta looga di-gay dhacdooyinka ay la kulmi karaan, iyadoo ay Dalxiisayaal badan xilliya-dda Kulaylaha u soo socdaalaan Mar-aykanka
Digniintan waxay ku soo be-egantay iyadoo ay Dowladaha Shii-naha iyo Maraykanka isku maan-dha-afsan yihiin Canshuuraha laga qaado Badeecadaha loo ganacsi geeyo laba-daas Waddan.
BANNAANBAX BALLAARAN OO KA DHACAY MAGAALADA GAALKACYO
Banaanbaxani oo ahaa mid ballaraan, islamarkaana looga soo ho-rjeeday diidmada Lacagta shilinka So-omaaliga ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta go-bolka Mudug.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay gudaha magaaladaa-si, kuwaas oo cabasho xoogan ka mu-ujinayay dhibaatooyinkaasi.
Waxaana ay sheegeen in sicir barar ka dhashay diidmada Laca-gta shilinka Soomaaliga ah haatan uu ka taagan yahay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mud-ug.
Dibadbaxayaasha ayaa ugu baaqay madaxda maamullada Puntla-nd iyo Galmudug in ay wax ka qa-btaan dhibaatooyinkaasi.
R/WKHEYRRE OO KORMEERAY TALISKA CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYEED
Ra’iisul wasaraaha Xukuuma-dda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay ko-rmeer shaqo ku tagay Taliska guud ee Ciidanka Booliska, halkaasi oo uu ku-soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Bo-oliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Sara-akiil ka tirsan Ciidankaasi.
R/wasaare Kheyre oo ay we-hliyeen Guddoomiyaha Gobolka Ban-aadir Mudane C/raxmaan Cumar Yari-isoow, ayaa kulan looga hadlayey dar-dar gelinta Ammaanka la qaatay Sar-reeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska.
Ra’iisul wasaraaha Xukuu-madda federaalka Soomaaliya Mud-ane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in loo ba-ahan yahay in la sii adkeeyo Amniga dalka, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku ammaanay inay ku guuleysteen su-giga amniga maga-aladda Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay in la sii dardar geliyo sha-qada.
DFS, BANGIGA ADDUUNKA IYO BAHWADAAGTA CAALMKA OO KA WADA HADLAY BARNAAMIJKA CUSUB EE KAARARKA AQOONSIGA ..
Madaxa istaraatiijiyadda Xaf-iiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qey-bsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoons-iga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaal-ada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka hor-umarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda So-omaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii ka-arar aqoonsi oo elektarooniga ah loo-gu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Barnaamijka qaran ee aqoo-nsi u sameynta muwadiniinta Sooma-aliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqon-aya sameynta kaarar aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.
"Dowladda Soomaaliya wax-ay si dardar leh ugu howlantahay hirg-elinta dhismaha nidaam u qaabeysan fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga”, ayuu yiri Dr. Nuur Diiriye Xirsi. "Si la mid ah tab-bogelinta horumarkaas, waxaan u baahannahay inaan hubinno in muw-aadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada mu-hiimka ah oo ay ku jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan yahay wax ka qabashada aragtiyada caal-amiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal dambiyeedka”.
Soomaaliya waligeed ma ye-elanin nidaam lagu sameynayno aq-oonsi digital ah oo ay helaan dhamm-aan muwaadiniinta iyo dadka kale ee degaanka ku ah Soomaaliya, inkasta oo nidaamyada aqoonsi ee aan ele-ktrooniga ahayn ka shaqeynayn jiray Dowladdaha Hoose ka hor 1991.
Nidaamkan aqoonsiga cusubi wuxuu ujeedkiisu yahay in uu kor loo qaado xiriirka bulsho iyo qeybaha ad-eegayada bixiya iyadoo la adeegs-anayo nidaamka elektarooniga ah ee lagu aqoonsan karo macaamiisha ee ay adeegsadaan shirkadaha maaliy-adda. Waxay sidoo kale tani qeyb we-yn ka qaadan doontaa fududeynta ad-eegyadda bulsho sida xawilaadaha oo si aan shuruud lahayn ugu ogolaan doona muwadiniinta isticmaalka aqoo-nsigooda, middaas oo wax weyn ka tari doonta ammaanka iyo dimuqraa-diyeynta.
Dr. Fuursade wuxuu u shar-raxay qaabka farsamo ee bahwad-aagta dhanka horumarinta ay gacan uga geysan karaan nidaamkan, isa-goo faahfaahiyay hannaanka loo hir-gelin karo qorshahani sida kaabaya-asha lagama marmaanka u ah sam-eynta aqoonsiga, sida qorshe sharci iyo nidaam, jadwalka fulinta iyo qiy-aasaha miisaaniyadda ku baxaya hi-rgalinta nidaamkan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Xafiiska Madaxwey-naha Soomaaliya uu ku talagalayo hi-rgalinta hay’ad cusub oo heer federaal ah midaas oo maareeyn doonta nida-amka aqoonsiga.
Dr Nuur ayaa sidoo faahfaa-hiyay heshiiskii Isfahamka ahaa (M-oU) ee dhawaan Dowladda Feder-aalka Soomaaliya la gashay hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan. NADRA waxay soo bandh-igtay khibrad ku aadan abuurista iyo hirgelinta barnaamijadda aqoonsiga ee waddamadda jilicsan ama kuwa ka soo baxaya dagaaladda, oo ay ku jiraan meelaha miyiga oo ay adag-tahay si ay u gaaraan adeegyadda bulsho ee ay u baahan yihiin.
In kabadan 1.1 bilyan oo qof oo add-uunka ku nool ayaan awoodin in ay caddeeyaan aqoonsigooda, ayna sid-aa darteedna ku waayaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dary-eelka caafimaadka, xaquudooda dary-eelka bulsho, waxbarashada iyo tag-eero maaliyadeed.
Dadka intooda badan waxay ku noo-lyihiin Afrika iyo Aasiya. In ka badan saddex dalool waa carruurta aan dii-waangashaneyn. Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ahmiyad ga-ar ah oo istaraatijiyadeed saaray Hor-umarinta Aqoonsiga (ID4D) iyada oo Bangiga Adduunku uu ka tageero dh-anka maaliyadda hay’adaha ku how-lan sameynta aqoonsiyadda si loo xo-ojiyo afkaaraha caalamiga ah ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta.
"Bangiga adduunka isagoo matalaya caalamka, kaalinta kaga aa-ddan tageeridda horumarinta aqoon-siga waxay lagama maarmaan u ta-hay hirgelinta qorshahani aas-aasiga ah dowlad dhisidda Soomaaliya, iyada oo duruufaha gaarka ee Soomaaliya la eegayo taageerada nidaamkan uu caalamku u hayo ayaa lagama ma-rnaam ah in la hirgeliyo si loola jaan qaado adduunka intiisa kale” sidaasi waxaa yiri Dr. Fuursade.
Ugu dambeyntii, Dr. Fuurs-ade iyo kooxdiisu waxay soo jeedi-yeen dowrka Bangiga Adduunka ee hirgelinta Barnaamijka Aqoonsiga Qa-ran ee Soomaaliya, oo ay ka mid tah-ay in Bangiga uu ka taageero Dowlad Fedaraalka Soomaaliya sidii la iskugu keeni lahaa bah wadaagta iyo dan-eeyeyaasha kale, iyo sidii tageero fa-rsamo ay u heli lahayeen waaxda ku howlan mashruucan ee habeynta iyo fulinta nidaamka aqoonsiga ee NA-DRA. Shirkaqn waxaa ka qeyb-galay Dowladda Federaalka Soomaa-liya, Bangiga Adduunka, DFID, EU, Norway, Denmark iyo USAID.
RA'IISALWASAARIHII HORE EE MALEAYSIYA OO LA XIRAY
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa shalay la xiray ayada oo lala xiri-irinayo fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Najib ay shalay gurigiisa ku xireen wak-iilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia.
Xarigiisa ayaa waxa uu xiriir la leeyahay lacag lagala baxay hay’a-dda horumarinta dhaqaalaha dalkaas ee 1MDB.
Ra’iisul wasaaraha hore ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah dacwad loogu soo oogo maalinta arbacada.
Waaxda cadaaladda Mareykanka ay-aa horey u sheegtay in 4.5 bilyan oo dollar laga xaday hay’adda 1MDB, ay-ada oo qeyb ka mid ah lacagtaas ay ku dhacday sanduuqyada lacageed ee Najib.Fadeexaddan ayaa sidoo ka-le hogaamisay in isbaheysiga Najib ay lumiyaan doorashadii dalkaas ka dha-cday bishii May, taasi oo ahayd markii ugu horeysay oo xisbigiisa laga adkaado tan iyo xoriyaddii dalkaas ee 19-57-kii.
Najiib waa uu beeniyey eede-ymaha loo jeediyey.
KHEYRRE OO KULNA AMNIGA LOOGA HADALYAY LA QAATAY HEY'ADAHA AMMAANKA
Dar-dar galinta amniga caas-imadda ayaa looga hadlayey shirkan Ra’iisul Waasaaraha xukumadda fed-eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu la qaatay hay’addaha amniga iyo maamulka gobolka Bana-adir.
Shirkan oo ka qabsoomay xa-runta Taliska Ciidanka Booliska Soo-maaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay guulihi ay ku najaxeen shacabka Soo-maaliyeed ee xagga amniga ahaa oo ay soo hoyeen hay’addaha amniga bilooyinka la soo dhaafay, kana mid ahayd bishii Barakaysneyd ee Ram-adan iyo dajinta qorshaha Labaad ee bilooyinka soo socda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuu-madda federaalka Soomaaliya Mud-ane Xasan Cali kheyre oo shirka ka hadlay ayaa xusay in hay’addaha am-niga dalku ay shaqo wanaagsan qabt-een oo mudan in loogu Hambalyeeyo, loogana bahan yahay in Muqdisho ay noqoto maagalo nabdoon, islamark-aana Ciidanka Booliska ay la waree-gaan Amaanka guud ee Caasimadda, si ay ula jaan qaado Magaalooyinka ku horumaray xagga amniga iyo xas-iloonida.
Guddoomiyaha Maamulka G-obolka Banaadir ahna duqa Caasi-madda Soomaaaliya Mudane Cabdir-axmaan Cumar Cusmaan ayaa tilm-aamay guulaha amni ee caasimada ay ku timid wada shaqaynta hay’add-aha amniga iyo shacabka oo muujiyey in ay diyaar u yihiin ka qayb qaad-ashada sugida amniga.
MADAXWEYNAHA OO LA KULMYA GUDDIGII QABANQAABADA TODOBAADKA XORRIYADDA
Madaxweynaha Jamhuuriy-adda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxa uu Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.
Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goo-bta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaab-ada, oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle, sidii habsamida lahayd ee ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo igmaday.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan shak-hsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taar-iikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga dayd-aan waddaniyadda iyo dal jacaylka.
Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay Xarumihii Dowladda ee ay ka tirsan-aayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraa-kiishan in ay tusaale nool u yihiin wad-daniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.
Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badba-adiyay kaydka Xarunta Taliska Ciida-nka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku ha-yay kaydka heesaha ee Radio Muqd-isho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaa-liyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.
"Saddexdan sarkaal waxa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soo-maaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. Waa mahad-sanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doo-naa.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxa-med Cabdullaahi Farmaajo.
Cashadan mahadnaqa ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyay Gud-digii Qaban-qaabada maalmaha xorr-iyadda waxaa kasoo qeybgalay Ra’-iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa-alka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan Xukuum-adda, Guddoomiyaha Gobolka Bana-adir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yari-isow, xubnaha Guddiga Qabanqaab-ada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, Hobollada Waaberi iyo Horseed iyo marti sharaf kale.
YOONIS"WAXAAN SOO DHAWEYNAYAA WAREEGTADADA UU SOO SAARAY ENG. YARIISOW
Waxaan soo dhaweeynaya wareegtada uu soo saaray gudoom-iyaha gobolka Banadir ahna duqa ma-galada Muqdisho Mudane Abdiraxma-an Omar Osman Eng Yariisow oo ku soo saaray in Dib loo soo celiyo han-tida Qaranka.
Waxaan og nahay hantida Qaranka ee maqan ineey u maqan yihiin siyaabo kala duwan. Kuwo lagu helay heshiisyo dowladihii ka horeey-ay dowlada hada jirta iyo kuwa si sharciga wafaq saneen loo haaysto.
Kuwa lagu helay heshiisyo sharci ah waxaa jira qoraalo ku cad inta sano heshiiska la galay iwm, taas in la xaliyaa waa wax fudud. Tan sida xooga ama warqado been abuur ah loo heeysto waa lagama hadlaan.
Waxaan khaba xitaa in lagu soo dalaca canshuur inta la heeystay hantida Qaran, waayo waxaa iskaleh Ummadda Soomaaliyeed.
Dhaca iyo boobka hanti Qaran waxaa jira in la dhacay caruurtii dad usoo halgamay dalka sida AUN Ilmahii uu awoowga u aha Mudane Madaxweeyne Adan Abdulle iyo AUN Jeneral Salaad Gabeyre iyo kuwa badan oo halkan lagu soo koobi Karin.
Waxaa laga yaaba ineey im-aan doona kuwo dano gaar ah leh oo arinkaan u bedeli doona arin loo la dan leeyahay dad gaar ah, kuwaas waa kuwii uu horay uga hadlay Allaha xafido madaxweeyne Abdiqasim Sal-aad Hassan.
Waxaan kusoo gaba gabe-enaya waxaa la jooga xiligii danta gaarka laga hormarin laha tan guud. Soomaaliya ha noolaato.
Yoonis Khaliif
SHIR LOOGA HADALYEY DHISMAHA CIIANKA ILAALADA XEEBAHA SOOMAALIYEED OO MUQDISHO LAGU QABTAY
Shirka oo looga hadlayay dhi-smaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa shir Guddoo-minayay Wasiir ku xigeenka Wasaa-rada amniga ee Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Saciid, waxaana shirka ka qeyb galay Wasiirada amniga ee maamul goboleedyada iyo qubaro kale oo xaga amniga iyo Xeebaha ah, waxaana inta badan ay ka doodeen sidii loo dhisi lahaa Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya.
Dood dheer kadib waxa ay wasiirada amniga ay isku raaceen in la dhisayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka, waxaana war murtiyeedka war-baahinta u aqriyay Wasiir ku xigeenka amniga dowladda Federaalka Mudane cabdinaasir Saciid.
Wasiirka Amniga dowlad go-boleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, ayaa she-egay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha inuu ku yimid wada tashi iyo wadajir.
WASIIRKA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA OO KA HADLAY DHISMAHA MURANKA DHALIYEY HEY'ADAHA ISGAARSIINTA QARANKA
Wasiirka Boostada, Isgaarsii-nta iyo Teknoolojiyada Cabdi Cansh-uur Xasan ayaa ka warbixiyay guul-aha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yee-lanaysay dhinacyada uu sharcigu dh-igayo oo kala ah dawladda, dhinac-yada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhi-so guddi dhammeystiran. Wuxuu xus-ay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhamma-adkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid far-samo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.
Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaara-dda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isg-aarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo ba-ahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.
Isagoo ka hadlayay ahmiyad-da Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kul-may ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sa-nado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ans-ixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.
Wasiirka oo ka hadlayay farq-iga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansix-iyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sha-rciyaqaannada, ayaa sheegay in khal-adka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuu-maddu u gudbisay Baarlamaanka, ba-lse isbeddelkii uu sameeyay Baarla-maanka aan lagu xusin. "Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuse-yso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ay-uu yiri wasiirku.
Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasa-aradda uu u furan yahay ciddii taba-sho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. "Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeys-tiran waa in meel eber ah laga bill-aabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga bill-aabo 100%, waxaa cad inaan joogey-no halkii aan joognay intii aan shar-ciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray "waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka wax-aan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.” DHAMMAAD
DUQA MUQDISHO OO GEBI AHAANBA BAABI'IYEY HESHIISYADII LAGU BXIXIYEY JARDIINOOYINKA {AKHRISO}
Guddoomiyaha Gobolka Ban-aadir ahna Duqa Muqdisho ayaa shalay soo saaray wareegto dib loog-ala noqday, isla markaana lagu baab-i’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.
Eng. Yariisow oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in heshiisyadii lagu bixiyay jardiinooyinka ee ay bixiyeen maamuladii isaga ka horeeyay ay ahaayeen kuwo aan wa-afaqsaneyn sharciga.
Akhriso Wareegtad
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Ma-rkuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla mar-kaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir;
Markuu hubsaday in lacag-aha kirada ah ee dhulkaas lagu kiree-yay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale mud-dada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixi-ntooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras;
Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan ta-hay in dib loo soo celiyo billicda Maga-alada iyo hantida Ummadda ka dhe-xysa.
Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:
Qodobka 1aad.
Laga billaabo maalinta Xee-rkan la Saxiixo, waxaa dib looga noq-day, isla markaana baabi’yay dhama-an heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Ja-rdiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaa-lada Muqdisho, maadaama goobah-aasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo lo-ogu tala galay in Dadweynaha Soom-aaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dha-nka aragtida guud iyo dib u soo celli-nta billicda Magaalada Muqdisho;
Qodobka 2aad.
Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in mud-do 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiino-oyinka ah ee kor ku tilmaaman, maa-daama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, wax-eyna muddadu ka billaabaneysaa ma-alinta Xeerkan la Saxiixo;
Qodobka 3aad.
Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sha-rci ah oo arrimahooda waafaqsan, ha-ddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Go-balka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar. DHAMMAAD
G/G/BANAADIR OO XARIGGA KA JARAY SADHIGGA DEGMADA BOONSHEERE
Duqa Muqdisho Ahna Guddoo-miyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabd-iraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yari-sow) ayaa xariga ka jaray Saldhigga deg-mada Boondheere oo dib-u-dhis balla-aran lagu sameeyey, waxana munaasa-badda xarig jarka kala qeyb galay Tal-iyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Boondheere iskutashiga ay sameeyeen ee lagu dhisay saldhigga iyo sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta degmadooda.
"Saldhiggan wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadanayaa amniga iyo caddaaladda deegaanka, dadka Boond-heere waxaan ku ammaanayaa iskutas-higa ay sameeyeen iyo sida ay uga fek-erayaan horumarka deegaankooda, deg-mo walba oo ku taalla Caasimadda waa in ay iskutashataa oo la dhisaa mag-aalada.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Taliyaha Ciidanka Booliska Jen-eraal Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko ayaa boggaadiyey wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka Gobolka iyo Hay-’adaha ammaanka, isagoo xusay in dhi-smaha saldhigga degmada Boondheere tusaale u yahay isku xirnaanta shacabka iyo maamulka.
Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa dhinaca kale kormeer ku sameeyey MHC ka degmada Boondheere, isagoo la kulmay qaar kamid ah dadkii lagu daa-weynayey. Waxuna ku dhiirigeliyey maa-mulka in la sii xoojiyo dhismaha iyo hour-marinta adeegyada bulshada ee degm-ada.
MIDOWGA AFRIKA OO WALAAC KA MUUJIYEY WEERARADA AL SHABBAAB IYO DAACISH IYO DHIMISTA CIIDANKA AMISOM
War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Wasiiradda ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu lafa-guray Warbixinta Guddoo-miyaha Ururka Midowga Afrika ee dib-u-eegista Wadajirka ee QM iyo AU-da ee Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo cusbe-ynaysiin lahaa Fasaxa Hawlgalka ee AMISOM.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika (PSC) waxay Kulankoodii 782-aad ku yeesheen Caa-simadda dalka Kaamiruun ee Nawaks-hood, waxayna shirkooda ka soo saareen War-murtiyeed ka koobnaa 24 qoddob.
Goluhu waxa uu ku taliyey in loo baahan yahay in la hakiyo qorshaha 1,000 Askari oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM lagu dhimayo bisha October ee sannadkan 2018-ka.
Goluhu waxa uu walaac xooggan ka muujiyeen Awoodaha Alshabaab ee ay ku geystaan weeraradda ay la beegsadaan Ciiddanka AMISOM, kwua DFS iyo dadka rayidka ah, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay kaloo walaac ka muujiyeen Dagaalladda ay Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta ka wadaan Deegaanadda Puntland iyo K/Galbeed iyo Deganaansho la’aanta sii socota ee ka jira dalka.
MAXAA KA JIRA IN IS BEDELO LAGU WADO IN LAGU SAMEEYO GUDDOOMIYEYAASHA DEGMOOYINKA G/BANAADIR OO {5 DEGMO OO MISKA SAARAN YIHIIN ?}
Wararka laga helayo Xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu socdo qorshe is bedel loogu sameynayo qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo tan iyo daraad la hadal haayay in xilka laga qaadayo Guddoom-iyeyaasha dhowr degmo.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in qorshahan oo ah mid soo bilowday Bishii Ramadaan oo is bedelo lagu sameeyay Guddoomiye waa-xeedyada qaar ka mid ah degmooyinka.
Illaa shan degmo Guddoomiy-eyaashooda ayaa la filayaa inay saa-meyso is bedeladan, waxaana la sheeg-ayaa in arrintan ay ka socoto Xafiisyada sare ee Madaxda dowladda.
Guddoomiyeyaasha degmooy-inka oo sanad ka hor xilka loo magic-aabay ayaa soo wajahday xaalado deg-enaansho la’aan ah, kaddib markii ay ka war heleen is bedelka ku soo socda oo ah mid la sii saadaalinayay.
Gobolka Banaadir ayaa sadde-xdii sano ee la soo dhaafay ay isku bed-eleen Hoggaan kala duwan, waxayna ho-wsha maamulka ka dhigtay mid aan sal-dhigan.
XILDHIBAAN SHAACIYEY IN LA WAAYEY CIIDAMO SUGA AMNIGA DEEGAANKA HIR-SHABEELLE
Xildhibaan Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka hir-Shabeelle ayaa walaac ka muujiyey falalka amnidarro ee mararka qaar ka dhaca deegaanada Maamulkaas.
Xildhibaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Sha-beelle uusan laheyn Ciidamo u gaar ah oo suga amniga,isla markaana Ciidam-ada ka howlgalla ay yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxa uu hadalkiisa inatasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soom-aaliya meeshii ay horay u joogan ay weli ku sugan yihin,isla markaana aysan sam-eyn wax dhaq dhaqaaq,taasina laga doo-nayo Madaxda dalka in ay go’aan ka qaataan.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabelle uu yahay mid weli aan gaarin halkii la rabay,isla marka-ana looga baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay garab istaagto,kana saacido dhinaca tababarka Ciidamada.
JARMALKA OO LAGU XIRAY DIPLOMAASI IIRAANI OO ABAABULAYEY WEERAR QARAX
Diplomaasiga oo lagu magacaa-bo Asdollah Assadi iyo 6 kale ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Jarmalka, is-agoo lagu eedeeyey qorshe lagu qarxin lahaa Kulan sannadeed ay Kooxda Muca-aradka ku ah Dowladda Iiraan ee NCRI ku yeelan lahaayeen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Kulankaasi waxaa ka soo qeyb geli lahaa Qareenka Khaaska ee Madax-weynaha Maraykanka oo lagu maga-caabo Rudy Giuliani iyo dhow Wasiiro hore oo Carbeed iyo kuwo European ah.
Dowladda Iiraan waxay beenisay Eede-yntaasi, kuna sheegtay mid aysan wax ka jirin, waxayna ku baaqday in la sii daayo Diplomaasiga la xiray.
Dhinaca kale, Sirdoonka dalka Belgium waxay gacanta ku dhigeen 2 nin oo u dhalatay Iiraan, kuweaasi oo la sheegay inay haysteen 500 oo Garaam ee Kiimikada TATP oo si fudud looga samayn karo Bambooyinka nooca guryo-ku-samaynta ah.
Kooxda hubeysan ee Muhaaji-riin Qalaq ee ku kacsan Dowladda Iiraan waxay Bartooda Websaytka english.mo-jahedin.org ku soo bandhigeen in Dip-lomaasiga la xiray uu ka md ahaa Diplo-maasiyiinta Iiraan ee ku sugan caasi-madda dalka Austria ee Vienna.
Mucaaradka waxay sheegeen inuu Asdollah Assadi abaaulayey weera-rkii la qorsheynayey in lala beegsado Kulanka Mucaaradka Iiraan ku yeelan doonaan magaalladda Paris.
CAYAARAHA.
Quarter-finals (Fixtures)
QFJuly 6 05:00 Uruguay vs France? - ?
QFJuly 6 9:00Brazil vs Belgium? - ?
QFJuly 7 05:00Sweden vs England? - ?
QFJuly 7 9:00Russia vs Croatia? - ?
Kulamadii La Ciyaaray Iyo Natiijooyinkiisa
Colombia1 - 1England *
Radamel Falc 1 - 1 Harry Kane
Juan Cuadrado 2 - 2 Marcus Rashford
Luis Muriel 3 - 2J.Henderson{R.cunay}
Mateus Uribe{R.cunay} 3 - 3 K. Trippier
Carlos Bacca{R.cunay} 3 - 4 Eric Dier
Sweden 1 - 0 Switzerland
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIL NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA LUULYO 2018-KA
DIL KA DHACAY SUUQA BAKAARAHA IYO FAAH FAAHIN KA SOO BAXEYSA.. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Wiil Dhalinyaro ah oo Shalay Salaadii Casir kadib lagu dilay Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir.