HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYU NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 3-DA LUULYO 2018-KA

0
Tuesday July 03, 2018 - 08:58:07 in Wararka by
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYU NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 3-DA LUULYO 2018-KA

    DUQ MAGAALLO OO LAGU DILAY DALKA FILIBIIN. Maayarkii magaalladda TANANUAN ee dalkaasi, ANTONIO HALILI ayaa shalayyto toogasho lagu dilay, xilli uu ka qeyb galayey Calansaarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DUQ MAGAALLO OO LAGU DILAY DALKA FILIBIIN. Maayarkii magaalladda TANANUAN ee dalkaasi, ANTONIO HALILI ayaa shalayyto toogasho lagu dilay, xilli uu ka qeyb galayey Calansaarka.

Maayarkaasi ayaa la sheegay inay hal xabbad laabta looga dhuftay, wuxuuna ku geeeiyooday Isbitaalka.

Dabley aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay Maayarka soo toogteen, mana kala cadda sababta loo dilay.

Antonio Halili waxaa lagu eedeeyn jirey inuu ku lug lahaa Ganacsiga Daroogadda, inkastoo uu beeniyey arrintaasi.

Kooxo ka ganacsada Daroogada ayaana ku xooggan magaalladdii uu Maayarka ka ahaa ee TANANUAN oo 70 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Manila.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO AMRAY IN LA BIXIYO DARAJOOYINKA CIIDAMADA

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku amray gudiga qiimaynta darajooyinka Ciidamada Darawiishta in ay qiimayn kasoo sameeyaan dhamaan deganada Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in mudo ay u xayirnaayeen darajooyinka Ciidamada SNA si iyaga loo dalacsiiyo kadibna Darawiishta la dalacsiiyo.

Waxaa kaloo uu sheegay in mudo dheer kadib ay lagama maarman noqotay in la dalacsiiyo qaar kamid ah Sarakiisha Ciidamada iyo Askarta dhamaan Degmooyinka Jubbaland ka howlgala iyadoo qaybtii ugu horaysay qiimaynta gudiga ay ka bilaabeen Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah waxaana ay tagi doonan dhawaan Gobolka Gedo iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowlada Federaalka ah in ay bixiso darajooyinka Ciidamada SNA ee ka howlgala Jubbaland.

AKHRISO: XILDHIBAAN CARTE OO EEDEYN KULUL U JEEDIYAY DOWLADDA SOOMAALIYA

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Maxamed Cumar Carte Waxaa uu dowladda dhexe uu ku eedeyay in ay burburisay Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladdii rasmiga aheyd ee la soo dhisay 2012 ay wada hadal la bilowday Somaliland, isagoo xusay in heshiiskii bishii January sanadkii 2014 lagu saxiixay Istanbul uu qeexayay in la sii wado wada hadalada, lagana dheeraado wax kasta oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada.

ildhibaanka waxaa uu sheegay In Dawladdu qaadato mas’uuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.

"Waxaa wax laga xumaada ah, in shalay iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda shalay jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wadahadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wadahadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland. Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimodoonka ah, ee muddada badan u soo dhabaradaygay dibusoocelinta qarankii”ayuu yiri Maxamed Cumar Carte

ENG. YARIISOW "AMNIGA CAASIMADDA WUU SOO HAGAAGAY, WAA KA XUNNAHAY HOOBIYEYAASHI WADAJIR”

yariisow-xasilin-696x464 (1) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in amniga Caasimadda uu soo hagaagay, kuna yimid iskaashi, wada shaqeyn dhex maray shacabka iyo Ciidamada.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay, kaddib kulan uu la qaatay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo, ayaa waxa uu ka codsaday shacabka ku nool Gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka cadowgu maleegayaan

"Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo iskuxirnaan bulsho iyo ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir”ayuu yiri Eng. Yariisow oo aan sheegin dadka wax ku noqday hoobiyeyaashii daraad ku dhacay degmada Wadajir.

Inkastoo Guddoomiye Yariisow uu sheegay in amniga Muqdisho soo hagaagayo, hadana waxaa magaalada ka dhacayay tan iyo bishii hore dilal qorsheysan oo qaarkood dadka la tooganayo muuqaalo laga duubayay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlin dilalka iyo dhibaatooyinka ay Ciidamada amniga u geystaan shacabka Muqdisho, gaar ahaan dilalka sii kordhaya ee loo geysanayo darawalada mooto bajaajka, waxaana ugu dambeeyay shalay oo wiil dhalinyaro oo Mooto bajaaj wadayay uu askari ka tirsan ciidanka dowladda ku dilay agagaarta Daarta Sey Biyaano ee degmada Hodan

HAWEENEY U DHALATAY TURKIGA OO LAGU XIRAY TEL AVIV.

Dowladda Turkiga waxay ugu baaqday Yuhuudda in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Haweeney Turkish ah, oo labo isbuuc ka hor lagu xiray caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv.

Haweeneydaasi oo lagu magacaao Ebru Ozkan waxaa bishii June 11dii lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Gurion Airport ee magaalladda Tel Aviv, xilli ay doonaysay inay dib ugu soo laabto dalkeeda hooyo ee Turkiga.

Hay’addaha Ammaanka ee Yuhuudda waxay ku eedeeyeen Haweeneydaasi oo 27jir ahinay xiriir la leedahay Urur Argagixiso, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maama dhashay Gabadhaasi oo lagu magacaabo Ayten Ozkan waxay beenisay Eedeymahaasi, iyadoo xarigaasina ku sheegtay mid aan caddaalad ahayn.

Maamadda oo ;a hadashay Wakaalladda Wararka ANDAOLU waxay sheegtay inay gabadheeda 2 jeer booqasho ku tegtay magaalladda Quddusta barakaysan ee ay Yuhuudda xoogga ku haystaan.

"Gabadheyda waxay aad u jeceshay Qudus, waxay kaloo jeceshahay dadka iyo carruurta haalkaasi ku nool” ayey tiri Maamaddaas oo intaasi ku dartay inaysan muddo 19 maalmooda wax xiriir ah ka helin gabadhooda ku xiran Yuhuudda.

Waxay sheegtay inay jeceshay inay gabadheeda noqoto Codka Reer Qudus iyo Masjidka Alaqsa iyo Hooyooyinka wadnaxanuunka qaba.

Ebru Ozkan waxaa la sheegay inay magaalladda Qudus u tagtay si ay ugu soo gudato Waajibaadkii Soonaka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxay horey u sii qaadatay Shumacyo, Balloonis iyo Buugaagta Ardayda ee wax lagu sawiro.

Waxaa la qorsheynayey in daraad la sii daayo, iyadoo ay Maxkamddu markii labaad dhegeysatay dacwadda lagu so ooogay Haweeneydaasi u dhalatay Turkiga ee lagu magacaabo Ebru Ozkan.

SACUUDI CARABIYA OO XAYIRAADII KA QAADAY XOOLAHA SOOMAALIYEED

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana Qaaday Xayiraaddii saarneyd Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Loo dhoofin Jiray Dalka Sucuudiga Taas Oo Lasaaray sanaddii 2016kii.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha Nool ayaa bishii September ee sanadkii 2017dii xayiraad saaray in loo dhoofiyo Xoolaha nool una sababeeyay in Xoolaha Soomaaliya ay qabaan Xanuunka Rift Valley,balse Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa xaqiijisay inaan xanuunkaasi aysan qabin Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay waxa kale oo uu ku sheegay in 24kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka,Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeenna oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudiga qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo xiriir wanaagsan ee dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya sanadaha soo socda la kordhin doono.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya wuxuu sheegay in la abuurayoSuuq Cusub oo Ganacsiga Xoolaha Ah.

XOGHAYAHA GUUD EE QM OO KUSII JEEDDA XERYAHA AY KU SUGAN YIHIIN ROHINGYA

Antonio Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku sugan dalka Bangladesh si uu u arko dhibaatada haysata kumannaanka qof ee qaxootiga Rohingya.

Waxa uu booqan doonaa qoysaska qaxootiga ah ee ku nool xerooyiinka si ay beesha caalamka wax badan uga qabato dhibaatooyiinkooda.

Mr Guterres ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo dalka Myanmar oo ah halka ay ka soo qaxeen qaxootigan Rohingya.

Waxa uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sheegay in xukuumadda Myanmar uu ku cadaadin doono in ay fahanto masuuliyada ka saaran dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Gobolkaasi Rakhine waxaa ka qaxay dad ay tiradooda gaarayso 700,000 oo qof oo ah Muslimiinat Rohingya.

Qaramada midoobay ayaa horey u sheegtay in xaaladda gobolka Rakhine aysan ammaan ahayn oo aysan qaxootoga ku laaban Karin.

INGIRIISKA OO AMISOM UGU DEEQDAY QALAB CULUS OO KU KACAYA £5.6 MILYAN

Dowladda Ingiriiksa ayaa qalab ay qiimahooda gaaraysa 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kalaguurka ah ee ku saleysan shuruudo.

Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka cagafta nooca xamuulka, cagafcagafta, nooca cagafta afka gadaal ku leh iyo kuwa horey ku leh, gawaarida alaabta baabur kale loogu wareejiyo, gaadiidka xamuulka, iyo kuwa kale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa Qaybta Koowaad, Labaad iyo Shanaad iyo Qaybta Xoojinta Hawlgalka ee saldhiggeedu tahay Muqdisho.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, David Concar, ayaa markii uu qalabka wareejinayay maalintii Sabtida waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ku faraxsan tahay in ay AMISOM kala shaqeyso dadaalladeeda ay ku dooneyso in ay xasiliso Soomaaliya, ayna nabad iyo amni waara ka dhaliso dalka.

"Waxa aan shalay sameyneyno, in aan qalab qiimahooda lagu qiyaaso 5.6 milyan oo baund in aan wareejinno, waxaan rajeyneynaa in ay si weyn gacan ka siiyaan AMISOM in ay nadiifiyaan waddooyinka, waddooyinka muhiimka ah iyo in ay sii wadaan xasilinta Soomaaliya, iyo in la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, xilli ay awooddooda sii kobceyso,” ayuu yiri Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Mudane Concar ayaa uga mahadnaqay ciidamada nabadilaalinta iyo waddamada ciidamada deeqay dadaalka ay geliyeen in ay xaqiijiyaan in ay Soomaaliya hesho xasillooni.

"Waan idin kaga mahadcelineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay Safiirka Ingiriiska.

Bogga 3aad

Asaga oo la wareegayo 49ka makiinado o oculus, ayaa Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, sheegay in qalabkan ay wax badan tari doonaan xilligaan oo ay ciidamada ku dadaalayaan in ay AlShabaab ka saaraan meelaha muhiimka ah oo ay wali gacanta ku haayaan.

"Waan uga mahadcelineynaa dowladda Ingiriiska taageerrada sida ay noogu taageertay qalabkan lagu xoojiyo ciidamada,” ayuu yiri Sarreeye Guud Owoyesigire.

Taliyaha Qaybta Koowaad, Sarreeye Guuto Paul Lokech, oo qaabilay 14ka makiinado oo loogu deeqay ayaa ballanqaaday in uu si wanaagsan u adeegsan doono qalabka si loogu guuleysto hannaanka kalaguurka.

"Waan garaneynaa qalabka, waan wanaajin karnaa awooddeenna dhinaca hawlgallada sidoo kale waxa ay nag caawin doonaan, anaga oo la kashaneyno Soomaalida, in aan ku guuleysanno wajiga koobaad ee kalaguurka.

Markii laga soo gudbo qaybta koowaad, 12 makiinado ayaa loogu deeqi doonaa Qaybta 2, Qaybta shanaand (12) iyo Qaybta Xoojinta Halwgalka (11).

Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa uu meelmariyay in si tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada AMISOM, isla markana mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

DOWLADDA MAREYKANKA OO KU BAAQDAY IN K/WAQOOYI AY BURBURISO NIYUKLEERKA

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi laga doonayo in ay muujiso wada shaqayn buuxda oo ku saabsan burburinta hubkeeda Niyukleerka.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton,ayaa sheegay in haddii Kuuriyada Waqooyi ay si buuxda ula shaqayso Mareykanka in muddo sanad gudaheed ah lagu burburin karo hubka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay ogaayeen halista ay yeelan karto in Pyongyang ay ka dhigto wadaxaajoodka mid waqti dheer qaata si ay ugu suuragsho in hormarin lagu sameeyo hubka Niyukleerka.

Mr Bolton oo la hadlayay telefishin ku yaalla dalka Mareykanka ayaa sheegay in xukuumadda Washinton ay wali sugayso in ay Kuuriyada Waqooyi shaaca ka qaado howlaheeda.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton,ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ka faaidayso in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u burburiso niyukleerka

Mr Bolton ayaa xusya Kuuriyada Waqooyi haddii ay arrintaa samayso laga qaadi lahaa cunaqabataynta lana siin lahaa gargaar.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO SHIRGUDOOMIYAY KULANKA TUBTA SIYAASADDA LOO DHANYAHAY

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shirgudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey'adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo bandhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

DOWLADDA SOOMAALIYA OO WAR SAXAAFADEED KA SOO SAARTAY MADAAFIIC KU DHACDAY WADAJIR

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar madaafiic ahaa oo daraad lagu qaaday xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo ku qornaa afka Englishka ayaa loogu tacsiyadeeyay dadkii noloshooda ku waayay, isla markaana dadkii ku dhaawacmay u rajeysay in alle uu si degdeg u bogsiiyo.

"Dowladda Federaalka waxay aad uga xun tahay falkan foosha xun ee fuleynimada ahaa oo lagu soo beegay maalinta Xornimada oo ah maalin u dabaal dagayaan shacabka iyo qaranka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Madaafiicda ayaa saddex ka mid ah ku dhacay xaafado u dhow Xarunta AMISOM ee Xalane, waxaana ku dhintay afar ruux, halka sideed kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah madaaficida uu ku dhacay Dugsi Qur’aan ay carruur dhiganeysay, kaasoo khasaaraha ugu badan geystay.

AlShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Madaafiicda ee daraad, waxaana ay tilmaameen inay la beegsadeen Xarunta AMISOM ee Xalane.

Madaafiicda daraad ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wadajir ayaa waxaa uu ku soo aaday, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdeen dabaal degga xuska 1da Luulyo oo ku beegan markii Gobolada Koofureed ay qaateen Xornimada iyo midowgii Gobolada Koofur iyo waqooyi.

ALSHABAAB OO FAGAARO KU TOOGTAY NABADOON CAANKA AHAA G/SHABEELLAHA DHEXE

Gelinkii dambe ee Shalay ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Gambole ee Gobolka Shabeellaha dhexe AlShabaab waxa ay ku toogteen Nin Oday ah oo ka mid ahaa Waxgaradka degmada Balcad ee gobolkaasi Shabeellaha dhexe.

Ninka Odayga ah ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo loo yaqaanay(Maliife),waxana sidoo kale uu ahaa Nin xoolo Dhaqato ah caana ka ah degmada Balcad iyo tuulooyin hoostaga.

Nabadoonka ayaa mudo ku dhow Afar Bilood waxa uu ku jiray Gacanta AlShabaab kadib markii uu deegaanka Gamboole ka qabteyn xilli uu ku guda jiray xalintaisqabqabsi u dhaxeeyey,waxana ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Maamulka HirShabeelle oo la soo xiriiray Radio Dalsan ayaa waxa ay cambaareeyeen falka toogashada ah ee loo geystay Nabadoon Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo loo yaqaanay(Maliife).

DOWLADAHA ITOOBIYA IYO ERITREA OO HESHIIS KA GAARAY COLAADII MUDDA DHEER U DHAXEYSAY

Colaadii mudda dheer u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dagaalki ugu weynaa oo hub casri ah la iisu adeegsado ee qaaradda Afrika ka dhaca, dadki ugu badnaana ay ku dhinteen.

Labada dowladood ayaa dagaalamay muddo ka badan 20sano waxaana ay iska dileyn ciidamo kor u dhaafaya Nus Malyuul.

Isbadalka cusub ee ka billaawday Itoobiya wuxuu horseeday inuu dalku hoggaamiyo ra’isal wasaare ka aragti duwan madaxdi dalka ka arrimineysay kaasoo ku baaqay dal iyo dibadba inuu wax walba oo ay nabad ku abuurmi karto iyo colaadna lagu soo afjari karo uu qaadayo.

Wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu soo afjarayo colaadda Itoobiya iyo Eritrea oo uu dalkiisu shuruud la’aan uu nabad u qaatay diyaarna uu u yahay inuu Eritrea la heshiiyo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Qodobadaan soo socda:

1Waxay ku dhawaaqday iney hirgelineyso heshiiski Algers ee 20 sana ka hor la gaaray.

2Dhulki la isku haystay iney Eritrea siineyso colaadda dhowr iyo labaatanka sano si loo soo afjaro.

3Labada shacab iney yihiin laba shacab oo walaala ah oo aan kala maarmin oo ay siyaasadda kala fogeysay dhulkooda hooya ee labaad oo Itoobiya ah iney ku soo dhawaadaan iyo

4Inuu wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed uu booqasho ku tagayo Asmar.

5Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airline) ay duullimaad toos ah oo ay ku tageyso Asmara ay billaabeyso booqashada ra’isal wasaaraha kaddib.

ROBOTKA SAFIYA OO LA KULANTAY ABIY AXMED

Safiya oo ah robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa ugu dambayntii kulan la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii dhawaan qaybo kamid ah robotka oo lumay dib loo helay.

rropt Safiya waxay kala hadashay Abiy Axmed arrimaha teknooloojiyadda iyo sidii loo ballaarin lahaa curinta fikaradaha casriga ah ee waxtarka u leh dunida halka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu dhankiisa sheegay in uu taageerayo sare u qaadidda barnaamijyada teknooloojiyadda ee qaaradda.

Mashruuca loogu magac daray ICogLabs ayaa ka qayb ah dadaalladii lagu sameeyay robotka Safiya.

Safiya waxay noqotay Roboktii ugu horreeyay ee la siiyo dhalashada dal kaddib markii Sucuudiga uu dhalasho siiyay sannadkii lasoo dhaafay.


OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISKA MARKA LAGA HELAY LAHAYN

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga sare (BON BON Logo Logo) waa hantida COLOMBINA S.A. ee shirkadda Colombia ee La Paila Zarzal Valle Colombia iyo calaamad isku mid ah oo loo isticmaalo alaabooyinka soo socda:

Fasalka 30aad: alaabooyinka macmacaanka.

OGAYSIIS WAXAA LAGA QAADAY COLOMBINA SA waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadda ganacsiga ee ku taala Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qof kasta ama dadka lagu helo inay isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ama calaamad kale oo ganacsi ama si khalad ah, ama haddii kale ku xad gudbay xuquuqdiisa.


OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

OGEYSIISKA MARKA LAGA HELAY LAHAYN

CINWAANI WAXAA KA HELAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan (COLOMBINA TIGER POPS Logo) waa hantida COLOMBINA S.A. oo ah shirkad Colombia oo La Paila Zarzal Valle Colombia iyo calaamad ganacsi oo isku mid ah ayaa loo isticmaalaa alaabta soo socda:

Fasalka 30aad: alaabooyinka qamiisiga.

OGAYSIIS WAXAA LAGA QAADAY COLOMBINA SA waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadda ganacsiga ee ku taala Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qof kasta ama dadka lagu helo inay isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ama calaamad kale oo ganacsi ama si khalad ah, ama haddii kale ku xad gudbay xuquuqdiisa.


OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaa loola jeedaa in ROLEX SA ee Rue François-Dussaud 3-5-7, Geneva, Switzerland ay yihiin Sole Proprietors ee Soomaaliya iyo dhammaan dalalka kale ee Markhaatiga Ganacsiga soo socda:

Iyadoo loo adeegsanayo alaabta iyo adeegyada soo socda:

Dharka, saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha aan lagu darin fasalada kale, saacadaha iyo qalabka kale ee loo adeegsado kronometerka, darawalada, dacaayado (saacad iyo saacid), qalabyada waqtiga dhacdooyinka cayaaraha , qalabka iyo qalabka lagu cabbiro iyo diiwaangeliyo waqtiga aan ku jirin fasallada kale; daawashada xarkaha, garaacista (saacad iyo saacid), kiisaska fiiri, sanduuqyada, kiisaska iyo kiisaska soo bandhigidda saacadaha iyo saacadaha iyo dahabka, daawashada dhaqdhaqaaqyada iyo qaybo ka mid ah; adeegga tafaariiqda ee saacadaha iyo saacadaha daawashada iyo alaabada dahabka; xayeeysiinta iibsashada iyo iibinta saacad-saac iyo daawashada iyo dahabka; hagaajinta, dayactirka, dayactirka, iyo naqshadeynta saacadaha iyo maqaallada samaynta iyo maqaallada dahabka.

Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soomaaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaatiyada been abuurka ah ee ganacsiga.


OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISKA GUUD

Bogga 5aad


NOTICE waxaa loola jeedaa in ROLEX SA ee Rue François-Dussaud 3-5-7, Geneva, Switzerland ay yihiin Sole Proprietors ee Soomaaliya iyo dhammaan dalalka kale ee Markhaatiga Ganacsiga soo socda:

ROLEX

Iyadoo loo adeegsanayo alaabta iyo adeegyada soo socda:

Dharka, saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha aan lagu darin fasalada kale, saacadaha iyo qalabka kale ee loo adeegsado kronometerka, darawalada, dacaayado (saacad iyo saacid), qalabyada waqtiga dhacdooyinka cayaaraha , qalabka iyo qalabka lagu cabbiro iyo diiwaangeliyo waqtiga aan ku jirin fasallada kale; daawashada xarkaha, garaacista (saacad iyo saacid), kiisaska fiiri, sanduuqyada, kiisaska iyo kiisaska soo bandhigidda saacadaha iyo saacadaha iyo dahabka, daawashada dhaqdhaqaaqyada iyo qaybo ka mid ah; adeegga tafaariiqda ee saacadaha iyo saacadaha daawashada iyo alaabada dahabka; xayeeysiinta iibsashada iyo iibinta saacad-saac iyo daawashada iyo dahabka; hagaajinta, dayactirka, dayactirka, iyo naqshadeynta saacadaha iyo maqaallada samaynta iyo maqaallada dahabka.

Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soomaaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaatiyada been abuurka ah ee ganacsiga.


OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaa loola jeedaa in Montres Tudor SA ee Rue Francois-Dussaud, Geneva, Switzerland ay yihiin Sole Proprietors ee Soomaaliya iyo dalalka kale ee soo socda:

TUDOR

Iyadoo loo adeegsanayo alaabta iyo adeegyada soo socda:

Dharka, saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha aan lagu darin fasalada kale, saacadaha iyo qalabka kale ee loo adeegsado kronometerka, darawalada, dacaayado (saacad iyo saacid), qalabyada waqtiga dhacdooyinka cayaaraha , qalabka iyo qalabka lagu cabbiro iyo diiwaangeliyo waqtiga aan ku jirin fasallada kale; daawashada xarkaha, garaacista (saacad iyo saacid), kiisaska fiiri, sanduuqyada, kiisaska iyo kiisaska soo bandhigidda saacadaha iyo saacadaha iyo dahabka, daawashada dhaqdhaqaaqyada iyo qaybo ka mid ah; adeegga tafaariiqda ee saacadaha iyo saacadaha daawashada iyo alaabada dahabka; xayeeysiinta iibsashada iyo iibinta saacad-saac iyo daawashada iyo dahabka; hagaajinta, dayactirka, dayactirka, iyo naqshadeynta saacadaha iyo maqaallada samaynta iyo maqaallada dahabka.

Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soomaaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaatiyada been abuurka ah ee ganacsiga.


OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaa loola jeedaa in Montres Tudor SA ee Rue Francois-Dussaud, Geneva, Switzerland ay yihiin Sole Proprietors ee Soomaaliya iyo dalalka kale ee soo socda:

Iyadoo loo adeegsanayo alaabta iyo adeegyada soo socda:

Dharka, saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha saacadaha iyo saacadaha saacadaha aan lagu darin fasalada kale, saacadaha iyo qalabka kale ee loo adeegsado kronometerka, darawalada, dacaayado (saacad iyo saacid), qalabyada waqtiga dhacdooyinka cayaaraha , qalabka iyo qalabka lagu cabbiro iyo diiwaangeliyo waqtiga aan ku jirin fasallada kale; daawashada xarkaha, garaacista (saacad iyo saacid), kiisaska fiiri, sanduuqyada, kiisaska iyo kiisaska soo bandhigidda saacadaha iyo saacadaha iyo dahabka, daawashada dhaqdhaqaaqyada iyo qaybo ka mid ah; adeegga tafaariiqda saacadaha-iyo alaab-raaca iyo alaabta dahabka; xayeesiinta iibsashada iyo iibinta saacad-saacad iyo saacado iyo dahab; hagaajinta, dayactirka, dayactirka, iyo naqshadeynta saacadaha iyo maqaallada saacadaha iyo waxyaalaha alaabta dahabka ah.

Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soomaaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaatiyada been abuurka ah ee ganacsiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip