
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 31-KA DICEMBAR 2015-KA
Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha wasaaradda Bee raha uu yahay in la Horumariyo tayada Beeralayda Soomaaliyeed dalagyada ay soo saartaan.
" Waxaan rabnaa in Gobollada dalka Wasaaradohooda beeraha in inta laysku yeero laga wada hadlo tayada barnaamijka Horumarinta Beeralayda Soomaaliyeed si aan ula macaamiilno hay’adaha doonaya in ay naga caawiyaan arrimaha horumarinta beeraha” ayuu yiri Agasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha.
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkaan wad day qorshayaal lagu horumarinayo tayada iyo wax soo saarkaBeeralayda Soomaaliyeed.
MAAREEYE "SHARCIGA SAXAAFADA EE UU BAARLAMAANKA ANSIXIYAY WAA KAN UGU FIICAN ADDUUNKA”
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa soo dhoweeyay ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ee sharciga Sax aafadda, isagoo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan.
"Runtii waxaa rabaa inaan u mahad celiyo dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaa datay ka soo shaqeynta iyo dhameystirka xeerka saxaafadda oo ugu horeeyo Baarlamaanka Soo maaliyeed oo 28-kii bishan ansixiyay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka oo xoog badan geliyay inay kabaan sharcigii Golaha Wasiirkada ka soo gudbay ”ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigan uu yahay kan ugu fiican sharciyada saxaafad da ee Adduunka, isla markaana la filayo inuu noqdo midka ugu sareeyo, waxaa uu xusay in shar cigan uu dhowrayo xuquuqda saxafadiga iyo xoriyatul qowlka.
"maanta waxaa heysanaa sharci la dhihi karo waa sharciyada Saxaafadda kan ugu fiican ee Adduunka, lana filayo inuu noqdo kuwa ugu sareeya, sharcigan qiimo badan ayuu leeyahay, wuxuu maray dhamaan marxaladihii kala duwanaa ee sharci miisaan leh oo umad sidan war baahin xor ah u leh oo kale, wuxuuna muddo 9-sano ah ku dhex wareegayay qeybaha uu qus eeyo, sida warbaahinta madaxa banaan, wasaarada warfaafinta, kulamo badan oo looga arinsan ayay sharcigaas ayaa dhacay, ugu dambeyn waa lagu guuleystay in la ansixiyo.Wasiirka ayaa sheegay in Warbaahinta madaxa banaan la siin doono nuqulo ka mid ah sharcigaas, isagoo faah faahin ka bixiyay qaar ka mid ah qodobada ku jira sharcigan.
"Sharcigan wuxuu dhowrayaa xuquuqda iyo xoriyada saxaafada, dastuurka KMG ee dalka leeyahay qodobkiisa 18aad wuxuu qeexayaa in xoriyada saxaafada iyo xoriyatul qowlka inay he ystaan damaanad buuxa, sidoo kale qodobka 3-aad, 33-aad, 12-aad iyo 20-aad ee sharciga Saxaafada wuxuu damaanad qaadayaa saxaafada Soomaaliya inay tahay mid xor ah oo nidaam ku shaqeyneysa, ilaalineysa xuquuqda”ayuu yiri Wasiir Maareeye oo sharaxaad ka bixinayay qodobo ka mid ah sharciga. Sidoo ka le waxaa uu xusay in sharcigan waxta rkiisa uu yahay qod obka 6-aad farqadi isa 1-aad, kaasoo ah nidamainta howlaha kala duwan ee warbaahinta, lana hormarinayo nidaamka saxaafada iyo wada shaqeynta wasaarada iyo warba ahinta madaxa banaan.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigan uu sahli doono in si fudud in wariyeyaasha Soo maaliyeed ay awood ballaaran ku yeeshaan qabashada shaqadooda.
Inkastoo cabasho badan ay ka soo yeerayaan warbaahinta xorta, ayaa hadana qodobada xasaasiga ah la hadal haayo ayaa ah in ganaaxa faraha badan ee ku xusan Sharciga iyo cida Wariye noqon karta, oo ah in wariyaha looga baahan yahay inuu heysto shahaado jaamacadeed.
Si kastaba ha ahaatee sharciga Saxaafadda ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo Madax weynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO HESHIIS LA GASHAY SHIRKAD SHARCIYAQAAN CAALAMI AH
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxay ku faraxsan tahay in ay howlgalisey lataliye' yaal sharciyaqaanno caalami ah, si ay uga caawiyaan howlaha la xiriira diyaarinta habka Heshiis ka Wax Soosaar Wadaagga (Production Sharing Agreement, PSA). Ayadoo loo raacayo habka tartanka qandaraasyada furan, oo ay gacan ka geeysatay hay'adda African Legal Support Facility (ALSF), ayaa tartanka Mashruuca Wax soo saar Wadaagga ee loogu magac daray (PSA Soma lia Toolkit Project) waxaa ku guuleystaqy IMMMA Advocates, oo xubin ka ah DLA Piper Africa Group.
Hay’adda African Legal Support Facility (ASLF), oo ah xubin ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika howsheeduna tahay inay ka taakuleeyso dalalka Afrika gorgortanka heshiisyada ganacs iga ee la xiriira wax’soosaarka kheyraadka dabiiciga ah, ayaa waxay gacan ka siinaysaa Wasaar adda Batroolka iyo Macdanta diyaarinta Heshiiska Wax Soosaar Wadaagga. Xilligii lagu guda jir ay tartanka xulashada, shan shirkadood ayaa lagu soo koobay liiska xulashada, kuwaas oo laga dalbaday in ay soo gudbiyaan codsiyadooda.
15 October 2015, waxaa codsi u soo gudbistay ASLF saddex ka mid ah shanti shirkadood. Shirkadaha soo codsaday waxay kala ahaayeen: IMMMA Advocates – DLA Piper Group (Dar Es Salam), Clyde & Co LLP and Watson Farley & Williams LLP. Ka dib markii si taxadir leh loo qiim eeyay codsiyadda qandaraaska, IMMMA Advocates ayaa laga xushay maadaama ay buuxisey shuruudihii ugu fiicnaa marka loo eego waxqabadka iyo sicirka.
Mohamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa yiri: "Heshiiska Wax Soosaar Wadaagga waa nooca ugu habboon heshiisyada la xirrira sahminta shidaalka iyo soo saaridiisa, taasoo shirkadaha shidaalku ay ayagu qaadanayaan khatarta la xiri ira sahminta shidaalka, ayadoo Dawladduna lahaanayso khayraadka iyo agabka. Somaaliya wax ay heshiiska wax soo saar wadaagga geli kartaa keliya marka la diyaariyo habkan wax soo saar waddaagga (PSA model), isla markaana la helo sharuuc iyo siyaasad mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga kheyraadka.
NICHOLAS KAY: WAXAAN KU TALINAYAA IN 2016KA LASII WADO HOWLGALLADA KA DHANKA AH ALSHABAAB
Ergaygii Qaramada Midoobay ee Somaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa daraad ka dhoofay Muqdisho, iyadoo xilliga shaqadiisu ay ku egtahay Khamiista maanta ah ah, isagoo sheegay in guulo lagu tallaabsaday intuu ka howlgayay Somaliya.
Danjire Kay oo shalay ayuu u warramayay VOAda isagoo ku sugan Nairobi ayaa u sheegay in guulaha la gaaray inta uu xafiiska UNSOM joogay ay ka mid yihiin in la hirgeliyo qaybo badan oo ka mid ah nidaamka federaanka ee Soomaaliya iyo in laga saaro Alshabaab dhul badan oo ay gacanta ku hayeen.
Mar hore ayaa danjire Kay la weydiiyay su’aal ahayd sida uu dareenkiisu yahay maadaama lasoo gaaray dhammaadka xilligii Shaqadii Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, Wuxuuna ku jawa abay.
"Waa dhab; waxaa la gaaray xilligii dhammaadka howshii aan ka hayay Somaliya, waxayna Howsheydu ku egtahay 31-ka bisha December ee lagu jiro oo ah maalinta ugu dambeysa sannadka. Taasoo gabogabo u ah laba sano iyo bar aan ahaa Wakiilka Xoghayah Guud ee QM u qaabilsan Somaliya. Waxaana shaqada ka tagayaa anigoo qaba dareenno iskudhafan. Wax aana rumeysanahay in labadii illaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku Talla absatay hourmarro Siyaasadeed oo ballaaran iyo kuwo Ammaan oo macquul ah. Aad baanan u aaminsahay in Somaliya ay Sannadka soo socda ee 2016-ka ay ku taalsan doonto horumarro aan la ishortaagi karin oo dhinacyada siyaasadda iyo amaanka ah. Anigoo rajo qaba ayaan Somaliya howsha ka billaabay, waxaase tagayaa anigoo ay iga buuxdo rajo ah in Somalia ay tah ay dal soo kabanaya oo ay rajo weyni ka jirto.” Sidoo kale, Danjire Kay ayaa la weydiiyay sida uu u arko doorashada Soomaaliya ka dhici doonta sannadka soo socda iyo hannaanka uu u arko inuu dhinacyada oo dhan raalligelin karo, wuxuuna ku jawaabay.
"Runtii ma ahan mid aniga ila gudboon inaan soo bandhigo qaabka doorasho ee Somaliya ka dhici karta iyo sida la isugu tanaasulayo. Madaxda Somaliya ayaa ku kulmi doona bisha soo socoda magaalada Kismaayo. Balse bayaankii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu qabtay lagu soo bandhigay arrimo iyo mabaadi’i isku dhaf ah, kuwaasoo uu ka mid ahaa inuu jiro hannaan iskudhaf ah oo lagu soo dooranayo xildhibaannada baarlamaanka soo socda oo ay ka mid yihiin; in la isku daro Hannaanka qabaa'ilka ee 4.5-ka iyo Hannaanka Goboleysiga. Hadda iyagaa laga doonayaa inay ka Tashadaan oo ay soo bandhigaan sida ay arrintaasi u suurogalayso iyo sida ay u dhaqangalayso. Waxaan ku niyadsamahay in wadahadalka u dhexeeya uu sii socodn doo no. Waxaana ku rajoweynahay in markay kulmaan 10-ka bisha Jannaayo ay arrintan dhameystiri doonaan.”
Dhanka kale, Danjire Kay ayaa waxaa kaloo la weydiiyay sababta ay u guuleysan la’dahay istiraatiijiyadda dowladda federaalka Somaliya iyo ciidamada AMISOM ee la dagaallanka Alshab aab, maadaama kooxdani ay tahay caqabadda ugu ballaaran ee hortaagan fidinta maamulka xukuumadda Somaliya, wuxuuna ku jawaabay.
"Waxaan filayaa inuu jiro horumar la taaban karo iyo guul la gaaray labadii sano ee aynu ka soo gudbnay, adiguba waxaad xusuusan kartaa in sannad iyo bar ka hor ay Alshabaab maamul aysay magaalooyin muhiim ah… iminkase ma maamulaan, ugu yaraan 14 ka mid ah magaalooyi nkaas lagu soo celiyay howlgallo ay wadajir u qaadeen ciidamada dowladda Somaliya iyo kuwa AMISOM. Al-shabaab xilligaan dhul ahaan way ka itaal daran yihiin sidii ay ahaayeen… waxaana jira khliaaf soo dhexgalay kooxda oo garab uu taageeray ISIS iyo garab taageersan Al-Qaacida. Sidaas awgeed horumar ayaa laga gaaray dhanka amniga, waxaana filayaa inay muhiim tahay in lasii wado weerarrada millateri ee ka dhanka ah Al-shabaab si looga saaro deegaannada tirada yar ee ay joogaan.”
Ugu dambeyn, Danjire Nicholas Kay ayaa ku taliyay inay iyaduna muhiim tahay in la sii wa do horumarinta ciidamada booliiska Somaliya iyo kuwa milliteriga, sannadka soo socda ee 2016-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Danjire Nicholas Kay oo u dhashay Britain ayaa waxaa lagu bede lay ergay cusub oo isna Birtain u dhashay, kaasoo howsha xafiiska QM ee Somalia UNSOM la wareegi doona bisha Jannaayo ee sannadka soo socda oo maalin ka dib billaabanaya.
PUNTLAND OO SHALAY MAXKAMAD SAAREYSA LABO RUUX OO AJAANIB AH
Labo nin oo u dhashay dalka Indonesia, laguna eedeeyay inay si sharcidaro ah uga kall uumeysanayeen Xeebaha Deeganada Maamulka Puntland, ayaa oo Arbaco aheyd waxaa la fila yaa in la soo taago Maxkamad ku taallo Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal.
Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa shalay lasoo taagayaa Mohli Bati wawa oo ah 46-sano Jir u dhashay dalka Indonesia iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir u dha shay dalka Indonesia, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci daro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.
Labadaan nin waxa ay ka mid ahaayeen 14 Shaqaale oo la socday Doontaasi, waxaase la gu reebay Magaalada Garowe labadan ruux, maadaama Puntland ay sheegtay inay masuul ka ahaayeen labadan Shaqsi kalluumaysiga Sharcidarada ah ee Xeebaha Puntland ay ka wadeen.
Xilliga Doonta la qabanaayay ayaa waxaa saarnaa Kaluun dhan 46 tan oo si sharcidaro ay uga aruursadeen Xeebaha Maamulka Puntland sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland. Doonta ay wateen Dadkaan ayaa ka diiwaangashan dalka Yemen, laakiin waxaa laga leey ahay Waqooyiga Kuuriya.
SARAAKIISHA MILLATERIGA OO SHEEGAY MALEESHIYAADKII HUBAYSNAA IN LAGA SAARAY MAGAALADA MARKA
Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya, ayaa sheegay in Ma gaalada laga saaray ciidankii Maleeshiyaadka ahaa ee hubaysnaa, xilli Magaalada Marka ay dho wr mar ku dagaalameen ciidamo maleeshiyaad ah oo hubaysan.
Jeneraal Yuusuf Cageey oo ah Taliyaha ciidanka Millateriga ee la geeyay Magaalada Mar ka, ayaa sheegay ammaanka Magaalada inuu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ciidamadii Maleeshiyaadka ahaa la geeyay Daafaha Magaalada.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in hada la isku haleyn karo ammaanka Magaalada Marka oo ciidamada ay si adag amniga u xaqiijiyeen, wuxuuna intaasi hadalkiisa ku daray in Magaalada la ga dhigaayo mid amman ah.
"Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee Magaalada ku diriri jiray waan ka saarnay Magaalada, am niga waa la isku haleyna karaa ciidamada Millateriga ayaa gacanta ku haayo Magaalada Marka.” Ayuu yiri Jeneraal Cageey.
Maleeshiyaadka laga saaray Magaalada gudaheeda ayaa la geeyay Daafaha Magaalada Marka, si uusan isku dhac uga dhalan, haddii la geeyo hal meel ama meel isku dhaw.
Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Magaalada Marka oo kaashanaya Saraakiisha ciida mada Millateriga ayaa Magaalada ka wada dadaalo ku aadan sidii dib dambe uusan Magaalada uga dhici laheyn dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka hubaysan.
XILDHIBAAN MAAMULKA KOOFUR GALBEED KA TIRSANAA OO ISCASILAY
Xildhibaan Faarax Sheekh Cismaan Cabdi oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo shalay warfidiyeenada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu uga dhawaaqay in uu iska casilay Xildhibaanimadiisii uu ka hayay Maamulka Koofur Galbeed.
Mudanahayaan ayaa daboolka ka qaaday in Is casilaadiisa ay ka dambeysay ka dib markii dadka uu matalo ay ku qanci waayeen saamiga ay ka heleen Maamulka Koofur Galbeed.
" waxaan u aragnaa Cadaalad darro dadkeygana waa ay kala labteen kalsoonidooda ma amulka koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayuu yiri Faarax She ekh Cismaan.
Iscasilaada Xildhibaankaan ka tirsanaa Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmaya iyadoo muran uu maamulkaas kaga furan yahay degmooyin hoostaga Gobolka Bakool.
MAAMULKA DEGMADA BUULOBURDE OO KA HADLAY DAGAAL LAGU DILAY SARAAKIIL KA TIRSAN ALSHABAAB OO KA DHACAY DEGMADAASI
Gudoomiyaha Buula barde ee Gobolka hiiraan C/casiis Duuroow oo la hadlay Idaacada Ri saala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howl galo AlShabaab loogu saarayo Maga alada Buula Barde.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay dagaal ku dileen sarkaaal sare oo ka tirsan AlShabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Magaalada Buula barde.
Waxa uu tilmaamay in howlgalku uu bilowday isla markaana uu sii socon doono AlShaba abna ay ka saarayaan deegeenada hoos yimaada Magaalada Buula barde.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ay ka go’an tahay in AlShabaab ay ka saaraan Magaalada Buula barde.
Magaalada Buula barde ee Gobolka Hiiraan ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya u aqoo nsatay in ay noqoto Caasimada Maamulka lo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
SHABAAB OO AFDUUBTAY GAARI AMBALAAS IYO SHAQAALIHII SAARNAA OO KA SHAQEYNAAYAY ISBITAALKA DHUUSAMAREEB
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya Ururka Shabaab ayaa afduubtay gaari nooca gurmadka deg deg ah ee Ambalaaska, kaasi oo ka shaqeynaayay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolkaasi.
Afduubka loo geystay gaarigaan iyo Shaqaalihii saarnaa ayaa ka dambeeyay, kadib markii gaariga loo diray inuu dad xanuunsan ka soo qaado tuulo lagu magacaabo Yalaxoow oo dule edka Degmada Dhuusamareeb ku taallo. Gaariga Ambalaaska oo maraayay inta u dhaxey sa Tuulada Yalaxoow iyo Deegaanka Ceeldheer ayaa rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan jidka ay u galeen, kadibna ay qafaasheen gaarigaasi.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in gaariga ay saarnaayeen Darawalkii Baabuurka iyo Ruux Dhaqtar ah oo loo diray shaqada ku saabsan soo qaadista dadka Bukaanka ah ee Tuulada Yalaxoow ku sugnaa.
Darawalka Baabuurka ayaa magaciisa lagu sheegay C/kaafi Jabaan halka Ninka Dhaqtar ka ah ee gaariga la socday isagana magaciisa lagu sheegay Yaxye Cali Baari.
Ragii hubaysnaa ee Shabaabka ka tirsanaa ayaa gaarigaan la aaday dhanka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud oo ah Degmo ay maamulaan Ururka Shabaabka.
Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe weli kama aysan hadlin dhacdad aan shalay subaxdii Shabaabka ay ku afduubteen gaari Ambalaas ah oo ka shaqeynaayay Isb itaalka Degmada Dhuusamareeb.
MADAXWEYNAHA BURUNDI OO KU HANJABAY INUU DAGAAL LA GELI DOONO CIIDAMADA MIDOWGA AFRIKA
Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku hanjabay inuu dagaal la geli doono Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika dalkaas u soo diri doono, si loo joojiyo colaada galaafatay boqolaalka ruux.
Horaantii bishan ayaa Midowga Afrika ku dhawaaqay inuu ciidamo u diri doono Burundi, si ay u bad baadiyaan dadka rayidka, kadib qalalaaso muddo bilooyin socda oo ka dhashay markii Madaxweyne Nkurunziza bishii April ee sanadkan ku dhawaaqay in mar saddexaad xilka u tartamayo.
Madaxweyne Nkurunziza oo la hadlayay raadiyaha dowladda ayaa sheegay inay la dagaal ami doonaan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika hadii ay ku soo xadgudbaan xuduuda, isagoo yiri "Qof kasta waxaa uu leeyahay ixtiraam”, sida xuduuda Burundi.
"Haddii ay dhacdo in ay ku xad mabaadi’da kuwa, oo aad dalka soo weerartaan, waa ka jawaabi doonaa, qof walba oo Burundia ah wuxuu u istaagi doonaa inuu idinla dagaalamo”ayuu yiri Madaxweyne Nkurunziza.
Madaxweynaha Burundi ayaa dib loo doortay bishii May ee sanadkan, kadib doorasho mur an dhalisay, isla markaana uu wax ka bedel ku sameeyay dastuurka dalkaas oo dhigayay in aan mar saddexaad u tartami karin madaxtinimada dalkaas.
Boqolaal ruux ayaa ku geeriyooday rabshadaha ka taagan dalkaas tan iyo bishii April, iyadoo bishan kaliya wadooyinka caasimada Bujumbura lagu arkay meydadka kontameeyo ruux.
Bisha soo socda ayaa lagu wadaa in dowladda Burundi iyo kooxaha mucaaradka inay ku kulmaan magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si loo soo afjaro qalalaasaha.
DOORSHOOYIN SHALAY KA BILOWDAY DALKA AFRIKADA DHEXE KADDIB SANADO COLAADO AH ..
Doorashooyinka madaxnimo iyo tan baarlamaanka ayaa shalay ka billowday Jamhuur iyadda Afrikada dhexe oo ay sannado ka jireen colaado u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas kuwada nool.
Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u tartamaya 30-murashax, kuwaasoo mid uu dadaal ugu jiro sidii uu u bedeli lahaa madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas, Catherine SambaPanza oo xil ka loo magacaabay bishii Jannaayo ee sannadkii 2014kii.
Waxaa afar jeer oo isku xigta dib loo dhigay doorashooyinka shalay dalkaas ka billowday, kuwaasoo ay sabab u ahayd colaadaha u dhexeeyay kooxda Seleka ee muslimka ah oo ka tuu ray xilka madaxweynihii hore ee dalkaas oo masiixi ahaa bishii Maarso ee sannadkii 2013kii iyo kooxda masiixiyiinta ah ee AntiBalaka.
Saddex murashax ayaa la sheegayaa inay ku dhow yihiin in xilka madaxnimo ee dalkaas loo doorto, kuwaasoo kala ah; Martin Ziguele iyo Anicet Dologuele oo ka soo noqdaan dalkaas ra’iisul wasaarayaal iyo Karim Meckassoua oo isagaana soo qabtay jago wasiir.
Nabadilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ilaaliyaha goobaha codbixintu ka dhacayso ee caasimadda Bangiu, si aysan u dhicin rabsho inta ay codeynta dadweynuhu socoto.
"Halkan... waxaan u imid inaan codkeyga dhiibto, markaas kaddibna aan shaqada dib ugu labto. Midda kale ee aan doonayo in dalkeennu ka baxo colaadaha soo taagnaa muddada sanna daha ah,” ayuu yiri Gradias Vara oo ganacsade ah.
Degmooyin ay ka mid tahay PK5 ayaan weli codbixintu ka billaaban, taasoo sababa looga dhintay inaan weli la gaarsiin sanaadiiqda codbixinta iyo warqadihii codadka ay ku dhiiban lahaayeen shacabka ku nool, sida ay baahisay AFP.
Magaalada Bangui ee caasimadda u ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa la sheegay inay shcab badan u soo baxeen doorashada, kuwaasoo qaarkood warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in dalkoodu uu ka baxo colaaddii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u dhexeysa muslim iinta iyo masiixiiyiinta oo dhiig badan uu ku daatay.
Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa waxaa ku sugan 11,000 oo askari oo QM ka socda oo uu hoggaaminayo Jen. Bala Keita oo ballanqaaday inay ilaalinayaan goobaha codbixinta doorashada, si doorashadu ay ugu dhacdo si nabadgalyo ah.
Ugu dambeyn, doorashadan ayaa waxaa loo diiwaangeliyay inay codadkooda ka dhiibtaan 1.8milyan qof, kuwaasoo ka mid ah Shanta Milyan ee ruux ee dalkaas ku nool, iyadoo Hal milayn oo ka mid ah shacabka dalkaas ay colaadii ka dhacay ka cararay.
BOLISKA MARAYKANKA OO SHAACIYEY MAGACA NINKII SOOMAALIGA EE KU GEERIYOODAY SHILKA GAARI.
Boliska Degmadda Tukwila ee duleedka caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay in ay xireen Haweeneydii waday gaarigii geystay shilkii uu ku geeriyooday Nin Somali ah oo dhawaan u soo wareegay Maraykanka.
Shilkaasi ayaa habeen hore ka dhacay goobta loo yaqaano Sea Tac ee Degmadda Tukw ila.
Marxuumka geeriyooday ayaa la oran jirey Cabdulle Maxamed,waxaana la sheegay inuu dhawaan u soo guuray Maraykanka, si uu ugu sii noolaado.
Marxuumka gabadhiisa oo lagu magacaabo Amina ayaa sheegtay inay Boliska ku wargel iyeen inay gaariga waday Haweeneyda Khamri badan cabtay.
Geerida Marxuumkaasi oo 65 jir ayaa waxaa ka wada tiiraanyooday Dadka Soomaalida ee ku nool duleedka Washington, kuwaasi oo sheegay inuu Marxuumku ahaa Zaciim weyn oo mag ac ku dhex leh Mujtamaca Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Boliska waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Haweeneydii geysatay shilkaasi.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Katherine Ferguson, ayey Boliska tilmaamay inay cabsanayd Khamri ka tan badan inta loo oggol yahay in lagu kaxayn karo gawaarida.
Haweeneydaa ayaa muteysan doonta Xabsi mudaddiisa u dhexeyso 78 bilood ilaa 102 bilood, waxaana haatan lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan 50,000 oo Dollar.
KAFTAN SIYAASADEEDKA TAAGAN: GO’AANKA SOMALILAND U EKAA "GACAL KALA GOYN”.
Hadal haynta iyo Guuxa Dadweynaha waxa uu noqday mid madal kasta looga aragti dhiibto Go’aanka Somaliland ku sheegtay inay Soomaalida deggan Goball adda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya soo qaataan Baasaboor marka ay ka soo galayaan waxa ay ugu yee reen Sohdimaha Somaliland.
Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, wa xaan dalbaday Koob Kafey Nero ah, waxaan fariistay Kursi aad ugu dhow Odayaal aan mooday inay Shir Dhaqameed Khaas ah leeyihiin, waxaana dhegta u taagay Sheekeysigo oda iyo Arrinta ay gorfeynayaan.
Odayaasha oo da’ 50aadka iyo wax ka sarreeyo ila mu uqaal ekaa, waxay ka wada sinaayeen garka xiniga (Cila anka) la mariyey iyo Usha Baakooradda.
Cafateria 000 Intaan dhowr jeer laaacay Kafeygii ayaan mar kale jaleecay halka ay Odayaasha ku sheekeysan ay een, waxaa mar qura dhegahayga ku soo dhacay inay ka doodayaan Go’aanka Maamulka Somaliland ee ay ku soo rogeen Soomaalida ku nool Goballadda Kale.
Waxaan jeclaystay inaan Doodooda idiin soo koobo, iyadoo aan magacyadda Odayaasha u bix inay Qowdhan, Sugulle, Macruuf iyo Xaaji Dhoof. Cafeteria
Qowdhan:-War waxaan doonayey inaan u dhoofo Hargeysa, laakiin waan iska dhaafay ilaa ay dab ayshu ka degayso.
Macruuf:- Dabayl noocee ah, maxaa kuugu xiray Dab aysha, Diyaarad baad ku safraysaa.
Sugulle:- Dabayshu uu kuu sheegayo waa Dabaysha ka kacday Siyaasadda Somaliland ee miyaadan maqlin Go’ aanka ay Wasiiradu go’aamiyeen?
Xaaji Dhoof : Waxaasi go’aan ma ahee, waa Ismuujin iyo inay Warbaahinta farriinta gaarsiiy aan Caalamka oo dhegaha ka ootay Ictiraafka Somaliland.
Qowdhan:- Haa, Dabaysha waqti bay leedahay, Siyaasad duna xilli lagu awr kacsado ayey lee dahay. Sow maad gar anin? Anigu waxaan la yaabanahay Go’aanka Indha ku garaad laha ee la gu dhibayo dadka Ehelka iyo Xigtada ah. Ma Ummadda Soomaalida baa dhaqan u ahaa in loo go’aamiyo in la kala qoqobayo.
:-Macruuf. Dee, Ictiraaf baa la doonayaa, meel kastana waa lagu tijaabiyey, marka waa in xayir aad lagu soo rog naa Soomaalida kale ee aan u dhalanin Somaliland. Laga yaabee inay Beesha Caalamka taageeri doonaan go’aan kaasi, lana soo dedejin doono Aqoonsiga Somaliland.
Sugulle:- Looma wada dhamma Go’aankaasi, waana cambaaraynaynaa, waana ka dibad baxa ynaa. Waan awood naa inaan qaadano go’aan lagu joojinayo dadka dhoofaya iyo noocyadda khudaarta darayga ee loo dirayo Hargeysa.
Xaaji Dhoof:- Anigu waxaan u arkaa arrinta Somaliland mid iyaga u gaar ah, waxaase Su’aal iga ah Baasboor yaa qaata?, Inteese loo qaataa?
Qowdhan:- Waxaan maqli jirey Hees Hooriskeedu ahaa "Waa su’aal da’ weynoo madaxa daalinayso”, kollay go’aan kaasi waxa uu la barbar yahay Ra’yiga caana nuuga. Waa waxaan socon doonin ee Ictiraafku waa calaacasha oo ay timo ka soo baxaan.
Macruuf:- Horta yeysan cadiif na qaadin, Aqoonsi iyo Ictiraaf nama khuseeyo, waxa inoo dan in ay dadkeenna min Raas Casayr ilaa Raas Kambooni si madax bannaan ugu socdaali karaan. Waa maxay Baasaboorka, war iska ilaali kuwa weli rumeysan Fikirkii Gumeystihii laga wada xoro obay.
Sugulle: -Go’aanka Somaliland waxay kaga dhegan ta hay Soomaalida ku nool Goballadda kale, waayo Go’aan kaasi ma khuseeyo Dadka Itooyaanka ah ee Fiiso La’aanta ku soo gala, kagana baxa Somaliland. Malaha Somaliland waxay qeyb qarsoon ka tahay FederalkaItoobiya?.
Xaaji Dhoof:- Kaba soo qaad, Go’aan kasta oo ay Xukuummad soo saarto waxaa laga ansixiyaa Barlamaanka ee maxay la aamusan yihiin Golaha Wakiilladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ? Xitaa Dowladda Federalka kulayl iyo qabow midna kuma hayo Go’aanka Somaliland.
Macruuf:- Wallaahi waxaa maqli jirey Cimrigaaga oo raago Geel dhalaayuu ku tusaa, waa Mash aqo Cusub in qof Soomaali ah uu Baasaboor u qaato qeyb ka mid ah dalka Hooyo.
Sugulle:- Go’aankaasi waxaa la dhihi karaa waa Go’aan Gacal Kala goyn ah.
Qowdhan:- War waan ku daalnay, Aniga inaan baxo ay aan rabaa ilaa isbuucan, markaan ka dego Garoonka Hargeysa waan idin soo wacayaa, sidoo kale markaan tago Burco iyo Boorama baan si fiican idinkugu sheekeyn doonaa.
Xigasho :Radio Dalsan
BANKGA DHEXE SOOMAALIYA OO KU GUUL DAREYSTAY KA HORTAGGA NABAD GUURKA LACAGTA SHILING SOOMAALIGA…
Ummad weliba ee dunida ku nool waxa ay leedahay waxyaabo u gaar ah, sida Dhaqan, Luq ad iyo Lacag, dad ka Soomaaliyeed oo alle uu u gaar yeelay awood dhaqa alle, dhul barwaaqo ah, islamarkaana mar ay intaan ka tabar yaraayeen xagga dhaqaalaha sameystay lacag ay kaga soocan yihiin ummadaha kale taas oo ah Shiling Soomaal iga.
Dalka ayaa lahaa lacago kala duwan oo ku mideysan Shilin Soomaali una kala qeybsaneed Sidan :
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 31-KA DICEMBAR 2015-KA
WASAARADDA BEERAHA OO HORUMARINAYSA TAYADA BEERALAYDA DALKA Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya ayaa wadda kor u qaadista Dalagyada kala duwan ee dalka ka soo Go'a.