Kulammada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka June 30, 2018

0
Saturday June 30, 2018 - 20:20:38 in Wararka by
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulammada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka June 30, 2018

    Kadib markii lasoo idleeyay wareega Group-ka koobka adduunka ee kasocda Russia, waxaa maanta la bilaabi doonaa ololaha wareega 16ka, iyadoo Argentina ku wajaheyso kulanka ugu horeeya galabta xulka qaranka France oo tartankaan hantay 1998.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii lasoo idleeyay wareega Group-ka koobka adduunka ee kasocda Russia, waxaa maanta la bilaabi doonaa ololaha wareega 16ka, iyadoo Argentina ku wajaheyso kulanka ugu horeeya galabta xulka qaranka France oo tartankaan hantay 1998.

Kazan Arena ayaa marti gelin doona lix kulan oo ka tirsan Russia 2018, waxaana ku jira kulamada wareega 16ka iyo quarter-final-ka.

Garoonkaan waxaa la dhisay sanadkii 2013 waxaana lagu qabtay ciyaarihii Confederations Cup ama koobkii qaaradaha ee sanadkii 2017

"Waa kabtan, hogaamiye, hal door … waana muhiim in la arko isagoo kale, taaasoo siineysa xulka kalsooni iyo dhiirogelin "ayuu yiri Federico Fazio, oo si gaar ah kaga hadlayay xaalada Messi uu ka muujiyay kulankii Nigeria.

Maalin ka hor kulanka galabta Argetina ay wajahayaaan France xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina Benega ayaa u dabaaldegay dhalashadiisa 30aad.

Ciyartaan waxaa la daawan doonaa 5:00 Galabnimo ee maanta

Dhinaca kaleSouth America iyo Yurub weerarka ugu xooga badan ee Suarez iyo Ronaldo, tababarayaasha ugu fiican labadaas qaarad ee Tabarez v Santos ayaa ku dagaalami doona caawa magaalada Sochi.

Tababaraha Portugal Fernando Santos ayaa doonaya inuu gaaro wareega 8da koobka adduunka marka uu wajahayo xulka qaranka Uruagay.

Todoba ciyaaryahan oo ku lug leh ciyaartaan ayaa halis ugu jira inay ganaax ku seegaan kulanka wareega sideeda haddii xulkooda uu soo gaaro.



Xiddiga Ugurugay Rodrigo Bentancur iyo ciyaaartooyda Potygal ee Portugal ee Bruno Fernandes, Adrien Silva, Raphael Guerreiro, Ricardo Quaresma, Cristiano Ronaldo iyo Cedric ayaa dhamaan jaale u jira in laga ganaaxo kulanka quarter-finals.

Ronaldo ayaa kusii jiri doona caawa dagaalkiisa uu ugu jiro abaalmarinta Golden Boot oo uu haatan hogaaaminayo Harry Kane oo shan gool dhaliyay.

Ciyaartaan waxaa la daawan doonaa caawa 9:00 Fiidnimo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip