Arday Soomaali ah oo feer sanka kaga jebiyay Macalimad oo la soo taagay Maxkamad

0
Wednesday December 30, 2015 - 11:43:04 in Wararka by
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Soomaali ah oo feer sanka kaga jebiyay Macalimad oo la soo taagay Maxkamad

    Ridwaan Maxamuud oo 17-jir Arday Soomaali ah ayaa 21-kii bishan waxaa uu feer sanka kaga jebiyay Macalim wax ka dhigta Dugsiga sare ee Southwest High School ee degmada Green Bay oo ku yaalla Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ridwaan Maxamuud oo 17-jir Arday Soomaali ah ayaa 21-kii bishan waxaa uu feer sanka kaga jebiyay Macalim wax ka dhigta Dugsiga sare ee Southwest High School ee degmada Green Bay oo ku yaalla Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

Ardayga ayaa la sheegay inuu ka carooday Eray Kaftan ah oo ay Macallimadda dhowr maalmood ka hor ku tiri: "Ridwaan waad fool xun tahay”, balse markii dambe ay ka raalli-gelisay.

Ridwaan ayaa ka soo hor-muuqday Maxkamad, iyadoo dacwad oogayaasha ay ku soo oogeen dambi ah inuu si ula kac ah u feeray Macalimadiisa.

Waxaa laga yaabaa inuu muteysto xukun xabsi ah ugu yaraan saddex sano iyo bar ah, hadii lagu heli fal dambiyeedka.

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa sheegay inaysan Macallimadda wax iska caabin ah samaynin markii uu Ridwaan feerayey.

Hooyada dhashay wiilkan ayaa u sheegtay Maamulka Dugsiga iyo ciidanka Booliska in marar badan ay isku dayday in wiilkeeda inay maslaxeyso, kadib markii uu ka xanaaqay erayga ay macalimadiisa kula kaftantay, balse uusan dulqaan sameyn.

Warbaahinta Mareykanka ayaa si aad ah wax uga qorayay dhacdadan oo aheyd mida ugu hadal heynta badneyd maalmihii la soo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip