HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA JUUN 2018-KA

0
Thursday June 28, 2018 - 07:06:59 in Wararka by
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA JUUN 2018-KA

    TARSAN "MADAXDA GOBOLADDA TAARIIKH XUN HA U HORSEEDINA JIILKA MUSTAQBALKA…" Taariikh laguma galo dal la kala gooyo, ummad lakala qoqobo, bulsho isir lagu kala sooco. Waxaan leeyahay madaxda gobolada Somaaliyeed in ay ka fekeraan t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TARSAN "MADAXDA GOBOLADDA TAARIIKH XUN HA U HORSEEDINA JIILKA MUSTAQBALKA…" Taariikh laguma galo dal la kala gooyo, ummad lakala qoqobo, bulsho isir lagu kala sooco. Waxaan leeyahay madaxda gobolada Somaaliyeed in ay ka fekeraan taariikhda ay rabaan in ay ka tagaan, ma waxey noqoni mid la iska iloobo mase mid ummadu ay nacalad ka daba tuurto mase mid ummadu ay mahdido oo ay meel kasta ku xusto?

Bal South Afrika fiirsha xageebey ku dambeeyen kuwii ummadda kala qoqobijirey? Yaa wax ka xasuusta? Bal arka ninkii 27 Sano xabiska ugu jire y diidmada siyaasada kala qoqobka oo markii uu awoodii hantiyey ka fogaadey in dib u xasuusto wixii lagu sameyey kana doorbidey in uu ummadda mideyo intii uu aar gudsi ku dhaqaaqi lahaa. Shalay meel kasta ayey taariikhdu ku xustaa wuxuuna ka taaganyahey Barlamaanka Ingiriska hortiisa asaga oo dhagax laga qorey.

Waxa Somaaliya ka socda ee dowlad qabileysiga waa qoqob siyaasadeed oo lagu qeybinahayo bulshada Somaaliyeed ummaddana dan uguma jirto inta aan ka aheyn kuwa madaxda ka ah dowlado qabileysiga iyo kuwa ku wareegsan oo ku daneysanahaya.

Waxaan leeyahay bulshadu waxey u omantahey madax isu keenta oo mideysa xooga iyo talada. Waxaan kula dardaarmi in madaxdu doorato in ay ka tagto taariikh wanagsan oo lagu xasuusto marka ay ka tagaan aduunka aan shalay joogno.

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA DIGAY IN CIIDAMADA AMISOM KA BAXAAN SOMALIYA

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay qorshaha AMISOM looga saarayo Soomaaliya,iyo natiijada ka dhalan karta maadaama weli falal amnidarro ka dhacayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hore dhowr mar uu sheegay in ciidamada shisheeye uusan dalka Soomaaliya waxba u tareyn laakin loo baahan yahay in u dhis lagu sameeyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in AMISOM dhaqaalo badan uu ku baxo laakin ay u baahan tahay in waqti yar lasiiyo si Ciidamada dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan amniga Guud ee dalka.

Waxa uu ugu baaqay Dowladaha dhinaca dhaqaalaha ka taageera AMISOM in ay siiwadan taageerada dhinac walba si waqtiga yare e u harsan ay u dhameystaan.

SHIRKADDA DIYAARADAHA ETHIOPIAN AIRLINES OO 20 SANO KADDIB BILAABEYSA DUULIMAADKEEDA ERITREA

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa muddo labaatan sano kaddib bilaabeysa duulimaadyadeeda Eritrea, kaddib markii labada dal ay soo afjareen colaadii xadka ee u dhaxeysay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo daraad ku qaabilay Addis Ababa wafdi sare oo ka socda Eritrea ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay bog cusub u furto xiriirka labada dal.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay diyaaradda Ethiopian Airlines u bilaabi doonto duulimaadyadii dalka Eritrea oo ay joojisay sanadkii 1998dii, xilligaasoo uu bilowday dagaalka labada dal.

"Dadka Itoobiyaanka ee muddo dheer sugayay inay tagaan magaalada Massawa ee Eritrea, waxaa ugu baaqayaa inay isu diyaariyaan in diyaaradda Ethiopian Airlines ay bilaabi doonto adeegyadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Is bedelada uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo tallaabooyinkii uu qaaday ayaa suura gal ka dhigay in labada dal uu muddo 20sano colaad u dhaxeysa ay isku soo dhowaadaan.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ka mid diyaaraddaha ugu waa weyn caalamka, gaar ahaan Afrika, iyadoo sanado ka hor ay ku guuleysatay diyaaradda ugu wanaagsan Afrika.

Eritrea ayaa sanadkii 1993dii xornimada ka qaadatay dalka Itoobiya, waxaana labada dal oo isku qabsaday lahaanshaha deegaan u dhow xadka ka dhashay dagaal socday ku dhowaad labo sano oo lagu tilmaamay mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee soo mara Afrika, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan ruux.

DAB XOOG LEH OO KA KACAY XAAFADD SOOMAALIDA DEGAAN K/AFRIKA”

Wararka naga soo gaaraya dalka Kooonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad Soomaali uu ka kacay dab xooggan.

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in dabkaas uu ka bilaawday mid ka mid ah ganacsiga ugu weyn ee magalada Cape Town.

”Dabka wuxuu uu ka kacay Dukaanka weyn ee OK Furniture ee Alaabada guryaha lagu iibiyo ee ku yaalla kasoo horjeedka KFC ee bartamaha Bellville,waxaana gurmad baaxad leh sameeyey Kooxaha Dabdamiska oo goobta soo gaaray, iyadoo ay u muuqato inuu gabi ahaanba baabi’iyey Dhismaha Dukaanka iyo agabkii yiilay.

Alxamdulillaah ma jiro wax khasaare ah oo Soomaalida halkaasi ganacsiga ku leh ama guryaha ku dheggan deggan Dabkaasi kasoo gaaray.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsi ku leh,kuwaas oo mararka qaar loo geysto dil iyo boobka hantidooda.

WASIIRKA DIFAACA DF OO LA KULMAY SARAAKIIL KA SARE”

Kulanka dhexmaray Wasiir Difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dardar gelinta howlaha tabbarada ee Midowga Yurub ee siiyo ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ka tirsan Midowga Yurub gaar ahaan qeybta tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee loo yaqaaano EUTMS EUROPEAN UNION TRAINING MISSION OF SOMALIA, ayaa wasiirka gaashaandhiga dalka u sharaxay halka uu marayo howlaha tabbabarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guulaha arrintaas laga gaaray.

Mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, ayaa Midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa, ka codsaday Howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka Soomaaliya in ay labo laabaan howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale la wadaagay qorshaha cusub ee uu doonayo in lagu hago dhabbaha loo marayo tayeynta ciidanka xoogga dalka, maadaama uu dhowaan xilkaas uu qabtay.

Saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhankooda Wasiirka Difaaca uga mahadnaqay wada shaqeynta cusub ee u balan qaaday, ayagoo tilmaamay in ay sii wadayaan taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa kormeerey waaxyaha Wasaaradda isagoo la kulmay shaqaalaha ka howlgala wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka ayaa shaqaalaha ku booriyay shaqada Qaranka u hayaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo waqtiga shaqada la soo galay iyo marka laga baxayo.

Kormeerka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga, agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda iyo howl wadeeno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

JUBBALAND OO KU DHAWAAQDAY HOWLGALLO CUSUB

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah AlShabaab oo ka bilaaban doona degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda lagu amray in ay qaadaan dagaal ka dhan ah AlShabaab.

Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay degaanaddii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Ammaanka ay ka qabsadeen dagaalyahanada AlShabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in AlShabaab loogu taggo saldhigyadooda.

Ciidamada Ammaanka ayuu ugu baaqay in ay ilaaliyaan dadka Shacabka ah Xilliyadda ay ku jiraan howlgallada.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday abaabul dagaal oo ka dhan ah AlShaabab ka dib markii ay kordheen Weerarada AlShabaab ee degaanada maamulka Jubbaland.

ALSHABAAB OO BEENIYAY WARARKA SHEEGAYA INUU GEERIYOODAY ABUU CUBEYDA

Warbaahinta taageerta AlShabaab ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu geeriyooday Hoggaamiyaha AlShabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, iyagoo ku tilmaamay wararkaas kuwo aan sal laheyn.

Sida uu qoray bogga Somalimemo oo taageera Shabaab ayaa sheegay in wararka ay qoreen warbaahinta ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah, iyagoo soo xigtay mas’uul sare oo ka tirsan AlShabaab oo aan magaciisa sheegin.

"Warka ka soo yeeray kooxda Farmaajo ee ku aaddan in uu geeriyooday Sheekh Abuu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waa waxba kama jiraan, waxaa looga danleeyahay in lagu daboolo dekedaha dadka Soomaaliyeed ee lagu wareejiyay Itoobiya”ayaa lagu qoray bogga taageera AlShabaab.

Sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlayay Idaacada codka ciidamada ayaa sheegay in Hoggaamiyaha AlShabaab uu u geeriyooday Isniintii xanuun dhanka Kelyaha ah.

Warbaahinta taageera AlShabaab ayaa dhowr jeer oo hore beeniyay warar sheegaya in la dilay sarkaal ka tirsan ururkaas.

Hoggaamiyaha alShabaab Abuu Cubeyda ayaa bishii December ee sanadkii 2014 loo doortay inuu hoggaamiyo kooxda, kaddib dilkii Hoggaamiyahooda hore Axmed Godane, waxaa horay Mareykanka uu madaxiisa u dul dhigay illaa 6milyan oo dollar

DOWLADA KOOFURTA SUDAN IYO MUCAARADKA OO HESHIIS XABAD JOOJIN AH GAARAY …

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah oo si dhaqaso ah u dhaqan galaysa kadib dagaal burbur xoog leh u geystey dalka Koofurta Sudan.

Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Sudan AlDirdiri Mohamed Ahmed ayaa sheegay in heshiiskan u dhaqan galayo 72 saacadood kadib markii kulan ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Sudan shalay qalinka lagu duugay heshiiskan.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha dalka Sudan Omar AlBashiir inkastoo heshiisyo ay hore u gaareen dowlada iyo mucaaradka Koofurta Sudan ay u burbureen.

Dadaal xoog leh oo ay sameyeen hogaamiyaasha dalalka Bariga Afrika ayaa suurtogeliyay in ay oggolaadaan Salva Kiir iyo Machar in ay heshiis gaaraan.

Heshiiskan ayaa dhaqan gelkiisa waxaa kormeeri doona ciidamo ka socda Midowga Yurub iyo weliba ciidamo kale oo ka imanaya dalalka ku bahoobay urur goboledka IGAD.

Dagaalada sokeeya ee ka dhacay dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa ku dhintey tobanaan kun oo ruux waxaana ku barakacay dad lagu qiyaasay illaa afar malyan tan iyo markii uu dagaalkan bilowday bishii December 2013.

ASKARI KA TIRSAN CIIDANKA DOWLADDA OO LAGU DILAY MUQDISHO IYO QORIGII UU WATAY OO LAGA QAATAY

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa shalay barqadii lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Siinaay, halkaasoo uu ka howl galayay.

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa toogasho ku dilay askariga, waxaana ay ka qaateen qori AK47 oo uu watay.

Goobjoogayaal ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay baxsadeen, waxaana wararka qaar sheegayaan in mooto ay wateen ku baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howl gala Saldhiga degmada Warta Nabadda ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, iyagoo ka qaaday meydka askariga.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo 24saacadood ee la soo dhaafay ka dhaca Muqdisho, iyadoo habeen hore nin oday ah lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Magaalada Muqdisho ayaa bishii Ramadaan ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilalkii ugu badnaa, waxaana dadka la dilay bishaas lagu qiyaasay inay ka badnaayeen sodomeeyo ruux.

WADA HADALKA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND OO DIB U BILAABANAYA

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Abuukaate Mahdi ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Wuxuu kaloo sheegay in ay dhageysanayaan tabashooyinka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq, si horey loogu sii socdo.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.

TABABARKA WAXBARASHADA MADANIGA EE DIBUEEGISTA DASTUURKA OO GAROWE LAGU SOO GABAGABEEYAY

Waxaa magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gabagaboobay Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dibueegista Dastuurka oo socday muddo afar maalin ah.

Tababarka oo ay ka soo qeybgaleen xubno katirsan Hay’adaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Bulshada Rayidka Puntland ayaa looga gonlahaa in wacyiga dadweynaha ee ku aadan dibueegista Dastuurka kor loo qaado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland Yuusuf Ibraahim Saalax oo xiritaankii tababarka ka hadlay ayaa ballanqaaday in tababarka ay gaarsiin doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, Xamse Cabdi Barre oo kamid ah Lataliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee DFS oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ee DFS ay ka go’antahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed loo sahlo sidii ay uga qeybgeli lahaayeen Ololaha dibueegista Dastuurka, tababarkana uu yahay mid bulshada u sahlaya ka qeybqaadashada dibueegista Dastuurka.

AMNESTY INTERNATIONAL OO XAQIIJISAY XADGUDUBYADA BULSHADA ROHINGYA LOO GEYSTAY

Hay’adda Xuquuqal insaanka caalamiga ee Amnesty International oo la hadashay boqollaal ka mid ah qoxootiga Rohingya isla markaana sawirro satelitka lagu qaaday kaashaneyso ayaa waxay sheegtay iney ciidamada dowladda Burma iney bulshada Rohingya bishi August ay ku qaadeen weerarro isirtirtirid ah lagu bartilmaameedsanayo bulshadaasi.

Waxay hay’adda Amnesty inta ku dartay olole qorsheysan oo dil iyo kufsi isugu jiro in bulshadaasi lagula kacay hay’adda oo carrabka ku dhufatay 13 sargaal oo ka mid militariga dowladda Burma oo mas’uul ka aheyd dhibkaasi dhacay.

Saraakiishaasi oo uu ka mid yahay abaanduulaha ciidanka dalkaasi Min aung Laing.

Isaga iyo ciidamada Bruma waxay diideen iney sameeyeen tillaabbo ay si gaar ah ugu beegsanayeen bulshada Rohnigya iyo bulshada rayadka toona.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ee ku taal Hague ayaa waxay eegeysaa in dowladda miyaanmaar lagu sameeyo baaritaan ku saabsan xadgudbyo bani aadaminimo oo ka dhacay dalkaasi.

Milatariga Myanmar ayaa diiday in uu bartilmaameedsaday shacabka iyo bulshada Rohingya.

Dowladda San Suu Kii, ayaa iyaduna shaaca ka qaaday baaritaannada cusub ee ay dowladda barma hormuudka ka tahay ay tahay sida u wanaagsan oo lagu ogaan karo xaqiiqada qarsoon.

BOOLISKA SOMALIA OO NOQDAY BOOLISKA UGU WANAAGSAN AFRIKA

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shir Caalami ah waxaa uu uga qeyb galay dalka Mareykanka.

Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed loo aqoonsaday midka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika.

"Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo "Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska ugu wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka kaliya ee ka socda Afrika ee shirkaasi ka qeyb galay.

"Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Markale taliye Bashiir.

WASIIR CAWAD OO LA KULMAY AMIIRKA KUWAIT

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliyaoo booqasho ku joogga dalka Kuwait ayaa kulamo kala duwan , waxaa uu la qaatay Madaxda dalkaasi,isagoona kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo dowlada Kuwait.

Amiirka Kuwait iyo Wasiirka ayaa kulan ku yeeshay Aqalka looga taliyo dalkaasi, Waxaana Wasiirka ugu horeyn amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale la kulmay, Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo Waxbarashada Kuwait .

Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, oo ay ka wada hadleen mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso dalkeenna.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah dowladaha carbeed oo xirirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,iyadoo kulankan uu si gaar ah u dhiirogelinayo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

DUQA MUQDISHOOO KALA HADLAY HORUMARINTA CAASIMADDA INJINEERO IYO KHUBARO KA SOCDAY TURKIGA

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiikiisa ku qaabilay khubaro iyo Injineero ka socday dalka Turkiga, waxana uu kala hadlay sidii ay dawladda hoose uga caawin lahaayeen dibudhiska Caasimadda.

Yariisow-2-2 Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in ujeedka injineerada iyo khubaradan u casuumeen ay tahay sidii ay dib ugu howlgelin lahaayeen xarunta gaadiidka iyo dayactirka Warshadda sameysa laamiyada, Interlogga, bulukeetiga iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Qorshaha magaalada (Master Plan).

Bogga 4aad

"Waxaa shalay Muqdisho nagu soo booqday Injineero iyo khubaro ka socday Turkiga, ujeedkuna waxuu yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta Caasimadda, gaar ahaan fulinta mashaariic horumrineed iyo in dib loo howlgeliyo xarunta Gaadiidka Gobolka Banaadir oo muddooyinkaan aan shaqeyn, sidoo kale waxaan isla garanay in warshadda sameysa laamiyada, Interlogga iyo Bulakeetiga oo dhammaantood muhiim u ah dib u soo kabasha Caasimadda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho iyo khubarada ka socotay Turkiga ayaa isla qiray baahida loo qabo in mashaariic horumarineed Caasimadda laga hirgeliyo sida dhismaha wadooyinka, guryaha iyo mashaariico kale oo shaqo abuur u noqoneya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

QM OO KENYA KA DALBATAY QAXOOTIGA INAY SIISO XORIYAD AY KU GANACSADAAN

Qaramada Midoobay ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbatay iney u ogolaato Qaxootiga dalkeeda ku sugan dhaqdhaqaaqa xorta ah oo awood u siinaya iney ganacsi ka sameeyaan dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb. Maxamed Affey ayaa sheegay in xorriyadda awood buuxda siin doonto dadka magangalyo doonka ah.

Mr. Affey wuxuu sheegay in Qaxootiga loo arkayay iney culeys ku yihiin wadadamada martida loo yahay, hase yeeshee wuxuu dhanka kale tilmaamay iney faa’ido yeellan karaan haddii xoriyad la siiyo.

"Qoxootiga waa raasumaal meel kasta oo ay joogaan, in lagu darana horumarinta dhaqaalaha waa mid ka mid ah xalalka,” Ayuu yiri Affey.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Aduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kenya ayuu sheegay iney martigelisay Qaxooti fara badan oo kala yimid wadamada deriska la ah Kenya sida Soomaaliya, Burundi iyo Koonfurta Suudaan, kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay colaado sokeeye, Amnidaro iyo isku dhacyo hubeysan.

Ugu danbeyntii Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Patrick Ntutu ayaa u sheegay qaxootiga inay u hoggaansamaan sharciyada Kenya ee nabadda ee Bulshada martida loo yahay.

GUDDIGGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA OO SI KULUL UGA HADLAY DHIBAATADA KA TAAGAN WADADA …

Kulanka Guddiga joogtada ah Mursal-Guddoomiye-300x194ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo uu shir guddoominayay kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay guddiga joogtada ah ee golaha.

Sidoo kale dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, ayaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, waxaana sidoo kale inta uu kulanka uu socday aad looga hadlay dhibaatooyin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ay kala kulmaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in wadadaasi dhibaatooyin kufsi ah loogu geystay gabdho ka badan 10, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dad ku safrayay wadadaasi.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa sidoo kale kormeeray dayacir lagu sameynayo xarunta golaha shacabka oo hadda heer gaba gabo ah maraya.

Marka la dhameeyo dhismaha xaruntan ayaa Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay usoo wareegayaan xaruntan, waxaana dhismo lagu bilaabayaa xarunta weyn ee Golaha shacabka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

SARAAKIISHA CIIDANKA XOOGGA OO SHEEGAY INUU ISA SOO DHIIBAY SARKAAL SHABAAB AH

Xuseen Maxamuud oo Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Ramadaani, kanamid ahaa ururka Alshabaab, ayaa isusoo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shabaab-2 (1) Xuseen, ayaa Shabaab waxa uu u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha Zakawaadka loo yaqaano oo Shabaab ay ka qaadaan dadka shacabka ah, sidoo kale waxa uu madax u ahaa qeyb ka mid ah raga amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyaddoo Shabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf.

Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Sarkaalka isku soo dhiibay Ciidanka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Shabaab.

CIIDAMADA AMMAANKA OO TOOGTAY NIN TOOREY KU DILAY QOF SHACAB AH

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waaxda Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee deegaanka Garasbaaley, Ciidamada ammaanka ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaankaasi waxa ay ku toogteen nin Toorey watay oo qof shacab ah dilay.

Ninka Tooreyda sitay oo dadka deegaanka ay sheegeen in Madaxda looga jiray ayaa markii hore qof shacab ah ku dilay Tabeellaha Sheekh Ibraahim, intaasi kadib ayaa waxaa ku baxay ciidamada ammaanka, si ay ula socdaan xaalada dhabta ah.

Ciidamada ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay ninkii ku hubeysnaa Tooreyda ku amreen in Tooreyda uu soo wareejiyo, balse wuu ka dhega adeegay, wuxuuna ku dhaawacay Askari ka tirsan ciidamada ammaanka, taasi oo ugu dambeyn qasabtay in la toogto.

Maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay warkan, waxayna tilmaameen in halkaasi ay ka dhalatay dhimashada laba qof, hadana xaalada ay tahay mid degan.

MUXUU KA DHIGANYAHAY SHIRWEYNAHA JABHADDA ONLF UGA FURMAYA ERITREA?

Iyada oo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay bilaabeen wadahadalo toos ah oo miiska lasoo wada fariistay, wafuudna is dhaafsadeen, ayaa waxa ay u egtahay in isbadalada siyaasadeed ee Geeska Afrika ka dhacaya uu meelo badan saamaynayo.

Muddo dheer dowladda Itoobiya waxa ay tan Eritrea ku eedeyneysay in ay taageerto jabhadaha la dagaalansan, sida ONLF oo xarumo ku leh dalka Eritrea.

Balse wadahadalada labada dal kadib, waxaa dalka Eritrea ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan xubnaha ONLF oo ah jabhad u dagaalanta madaxbanaanida gobolka Ogaden.

BBCda ayaa wareysi la yeelatay afhayeenka jabhadda Cabduqaadir Xasan Caddaani Hirmooge oo Asmara ku sugan, shirkana ka qeybgalaya, wuxuuna sheegay in shirkani uu yahay kii seddexaad, islamarkaasna uu ka mid yahay kuwii caadiga ahaa ee jadwalka ku jiray.

Mar uu ka jawaabay su'aal ahayd in hoggaanka jabhadda oo hal qof ahaa markan la badalayo, ayuu kaga jawaabay "Shirweynaha ayay u taalaa, isaga ayaa awood u leh wax ka badalka xeerarka iyo ururkaba".

Afhayeenka ayaa dhanka kale yiri "Isbadalada waan soo dhaweyneynaa, balse waxaan weli dhawreynaa in ay noqdaan kuwa asaasi ah ee ay Itoobiya isku khilaafsantahay, anaga Soomaali ahaan aan Itoobiya ku khilaafsanahay, in isbadaladaas ay taabtaan baan aaminsanahay, diyaar baanu u nahay in aan wadahadal la galno".

Sanadkan horaantiisa ayay wadahadalo yeesheen ONLF iyo dowladda Itoobiya oo uu markaas matalayay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Tan iyo intii Ra'isulwasaaraha cusub uu la wareegay dalka Itoobiya, waxaa xal laga gaaranayay inta badan mashaakilaadkii dalkaas ka jiray, oo ay ka mid tahay in jabhado hubeysnaa ay sheegeen in ay hubka , halka kuwa kale oo mucaarad aan hubeysnayn ah ay Itoobiya ku laabteen.

Haseyeeshee Jabhadda ONLF oo aragti ahaan ka duwan kuwaas, una dagaalamaysa xoriyad iyo madaxbanaani ay helaan dadka degen gobolka Ogaden, ayaanan weli wax wadahadal ah la galin maamulka cusub, balse Afhayeenka waxa uu sheegay in saansaan wanaagsan ay ka arkeen maamulka, diyaarna u yihiin in ay la macaamilaan.

Caadi ahaa marka labo dal heshiiyaan, waxaa meesha ka baxa haddii ay jireen jabhado ay kala taageerayeen, kuwaas oo ku sugnaa gudaha dalalkaasi.

BOGGA CAYAARAHA

MURAN: KA HOR KULANKA SPAIN VS RUSSIA, WARIYE DALKA RUUSHKA U DHASHAY OO ERAYO AFLAGAADO AH KU SIFEEYAY DIEGO COSTA & SERGIO RAMOS.

Martigaliyaasha koobka aduunka ee Russia ayaa axada July 1,2018 waxay kulankii ugu xamaasada badnaa la ciyaari doonaan xulka qaranka Spain oo ka mid ah xulalka ilaa hadda koobkan loo saadaalinayo laakiin ka hor kulanka axada wariye dalka Ruushka u dhashay ayaa xamaasad iyo muran hor leh ku sii abuuray kulankan.

Ka hor kulanka Russia iyo Spain waxaa shir jaraa’id qabtay xidiga xulka qaranka Russia ee Sergei Ignashevich laakiin hal su’aal ah oo uu wariye dalkiisa Ruushka ka soo jeedaa uu waydiiyay ayaa su’aalo erayo xun ugu sifeeyay Diego Costa iyo Sergio Ramos taas oo aan saxaafada iyo jamaahiirta Spain si fiican uga dhaadhicin.

Wariyaha dalka Russia u dhashay ee Kirill Snastin oo ka hawl gala Sport Den Za Dnem ayaa xidiga xulka qarankiisa Sergei Ignashevich waydiiyay qaabka ay ula tacaali doonaan Diego Costa uu ku tilmaamay mid "Ciyaartoy Wasakh ah” iyo Sergio Ramos oo uu ku tilmaamay ” Xabaal qodihii Mohamed Salah”.

Laakiin xidiga xulka qaranka Russia ee Sergei Ignashevich ayaa su’aashan kaga jawaabay in wixii Costa iyo Ramos sameeyaan hadda lagu arki doono muqaal caawiyaha garsooraha ee VAR wuxuuna sheegay in ay si taxadar leh u ciyaari doonaan.

Sergei Ignashevich oo su’aasha muranka dhalisay ee wariye Kirill ka jawaabaya ayaa yidhi: ” Waxaan aaminsanahay in ficilada ka cadhaysiintoodu ay in badan ka yaraan doonto, sababtoo ah hadda waxaanu haysanaa VAR”.

Laakiin Sergei Ignashevich waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in xulkiisu uu taxadar ka muujin doono weerarka iyo difaaca oo ay Costa iyo Ramos ka ciyaarayaan wuxuuna yidhi: "Waxaa waajib kugu noqonaysa in aad in badan taxadar uga ciyaarto difaaca iyo weerarka labadaba”.

Xulka qaranka Russia ayaa laba ka mid ah saddexdii kulan ee heerka groupyada koobka aduunka soo guulaystay laakiin waxay guuldaro kala kulmeen kulankii Uruguay laakiin waxay halis wayn ku noqon karaan Spain oo xaalad aan fiicnayn ku soo martay kulankii ugu danbeeyay ee Morocco.

XULKA QARANKA BRAZIL OO U SOO BAXAY WAREEGA 16KA XUL EE KOOBKA ADUUNKA, PUALINHO & THIAGO SILVA OO SERBIA QUUSIYAY XILI SWITZERALAND AY BOOSKEEDA RAHMATAY.

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay wareegii saddexaad ee Group E waxaana kaalinta kowaad ee groupkan ku soo baxay xulka qaranka Brazil oo guul 20 ah ka gaadhay Serbia waxaana kaalinta labaad ee Group E ku soo baxay xulka qaranka Switzerland oo barbaro 22 ah la gashay Costa Rica halka Serbia ay lumisay fursad wayn oo ay ku soo bixi kartay.

Paulinho ayaa goolka furitaanka u saxiixay Brazil laakiin iyada oo Serbia xaalad adag ku haysa Brazil ayuu Thiago Silva dhaliyay goolka labaad ee ay Brazil sida buuxda ciyaarta maamulkeeda ugu qabtay.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

Brazil XI (433): Alisson; Fagner, Thiago Silva, Miranda, Marcelo; Paulinho, Casemiro, Coutinho; Willian, Gabriel Jesus, Neymar.

Kaydka: Renato Augusto, Marquinhos, Ederson, Roberto Firmino, Cassio, Filipe Luis, Fernandinho, Fred, Geromel, Taison.

Serbia XI (4231): Vladimir Stojkovic; Antonio Rukavina, Nikola Milenkovic, Milos Veljkovic, Aleksandar Kolarov; Sergej MilinkovicSavic, Nemanja Matic; Dusan Tadic, Adem Ljajic, Filip Kostic; Aleksandar Mitrovic.

Kaydka: Marko Dmitrovic, Predrag Rajkovic, Milan Rodic, Nemanja Radonjic, Luka Jovic, Marko Grujic, Aleksandar Prijovic, Andrija Zivkovic, Luka Milivojevic, Uros Spajic, Branislav Ivanovic, Dusko Tosic.

Xulka qaranka Brazil ayaa kulankan ciyaarayay iyaga oo wax badan ku soo qaatay ceebtii Germany kala kulmay South Korea waxayna doonayeen in ay markooda ka dheeraan waji gabax kale oo aduunka laga dareemo maadaama oo Serbia iyo Switzerland ay Brazil si toos ah ula tartamayeen.

Qaybtii hore ee kulankan Brazil ayaa ciyaar ahaan iyo natiijo ahaanba uga saraysay Serbia oo xaalad adag ku jirtay waxaana Serbia dhibaato kale ku sii ahaa in xulka qaranka Switzerland uu qaybtii hore gool kaga hor maray Costa Rica taas oo rajadii Serbia ee koobka aduunka halis wayn ku ahayd.

DAQIIQADII 10 AAD Brazil ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uu Marcelo awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo wuxuuna garoonka ka baxay isaga oo dareenkiisa maamuli kari waayay isla markaana ay murugo wayni ka muuqataay waxaana difaaca bidix lagu soo buuxiyay Filipe Luis.

DAQIIQADII 36 AAD Xulka qaranka Brazil ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii ciyaareed ee waqtiga badan soo jiray kadib markii uu Pualinho si fiican oo qurux badan u dhamaystiray kubbad uu Philippe Coutinho ka dulqaaday difaaca Serbia wuxuuna Pualinho ciyaarta ka dhigay 10 ay Brazil culayskii saarnaa iskaga yaraysay.

Haddii intii aanu koobka aduunku bilaaban la filayay in Neymar Jr uu yahay xidiga Brazil ugu fiican waxaa taas beeniyay Philippe Coutinho kaas oo saamayn layaableh ku yeeshay Selecao wuxuuna ahaa xidigii goolkii Switzerland soo dhaliyay, waxa uu ahaa xidigii dhaliyay kulankii furitaanka ee kulankii Costa Rica halka uu markan sameeyay caawinta goolka Paulinho ee muhiimka u ahaa Brazil.

Brazil ayaa shaqo badan qabatay qaybtii hore ee kulankan laakiin waxay samaysay laba bartilmaameed oo kaliya kuwaas oo mid ka mid ah uu Paulinho goolkan ku dhaliyay laakiin Serbia ayaa laba darbo oo kaliya u tuurtay dhinaca goolka Brazil laakiin labaduba bartilmaameedka ayay seegeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Brazil 10 hogaanka ciyaarta ku haysay taas oo Serbia ka saaraysay tartanka koobka aduunka maadaama oo Switzerland ay iyaguna 10 hogaanka kaga hayeen Costa Rica.

Markii layskugu soo laabtay qaybti labaad ee ciyaarta ayuu xulka qaranka Serbia soo laabtay isaga oo dhaarsan oo diyaar u ah in ay wax walba u huraan sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen waxayna cadaadis wayn saareen difaaca Brazil.

DAQIIQADII 62 AAD Serbia ayaa fursad fiican heshay kadib markii uu Tadic kubbad ku soo tuuray xerada ganaaxa Brazil laakiin qalad difaac oo ay sameeyeen waxaa gool iska dhalin gaaray Miranda oo dirqi halistan kaga badaaday.

DAQIIQADII 63 AAD Markale Serbia ayaa fursad fiican iska lumisay iyada oo MilinkovicSavic uu darbo ku tuuray goolka Brazil balse Allison ayaa joojiyay waxayna Brazil dhinaceeda raadinaysay goolkii ay culayska iskaga dulqaadi lahayd iyada oo kubbad layaableh oo Coutinho, Willian iyo Gabriel is dhaafsadeen uu Gabriel ka badbaadiyay goolhayaha Serbia.

DAQIIQADII 66 AAD Tababare Tite ayaa markii uu xulkiisa u cabsaday waxa uu kaydka uga yeedhay Fernandinho si uu deganaasho ugu soo dabaali karo khadka dhexe wuxuuna saaray Paulinho oo ahaa xidiga goolka furitaanka Brazil u saxiixay.

DAQIIQADII 68 AAD Xulka qaranka Brazil ayay neef wayni ka soo baxday markii uu Thiago Silva gool madax ah u saxiixay isaga oo caawin ka helay Neymar Jr oo kubbad koorne ahayd soo tuuray wuxuuna Silva ka baxsaday Matic isaga oo goolhaye Stojkovicsi buuxda u garaacay waxayna ciyaartu noqotay 20 ay Brazil hogaanka ku dheeraysatay.

Intaa kadib ciyaarta ayaa noqotay mid raaxo u ah Brazil maadaama oo ay Serbia ku aamusiisay goolka labaad waxayna Brazil bilawday in ay kubbada si buuxda lugta ugu dhigto isla markaana ay goolka saddexaad raadiso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 20 uu xulka qaranka Brazil kaga soo talaabsaday Serbia isla markaana ay ugu soo baxeen wareega 16ka xul ee koobka aduunka. Guushan ayaa Brazil ka caawisay in ay kaalinta kowaad kaga soo baxday Group E halka Switzeraland oo barbaro 22 la gashay Costa Rica ay kaalinta labaad kaga so baxday taas oo la micno ah in Serbia iyo Costa Rica ay groupkan ka hadheen.

World Cup Group F June 27

Mexico 0 3 Sweden

South Korea 2 0 Germany





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip