
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA JUUN 2018-KA
in ay tahay maalin weyn oo farx ad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shacab ka Soomaaliyeed meel walba oo ay jooga anba ku guugaabiyay inay muujiyaan mid nimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaa shadaan qarannimadooda.
"Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taar iikh ay tixraacaan, waxaan ka shaqeyney naa horumarka Soomaaliya, waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga Soomaaliya, wa xaa waajib inagu ah wax walba oo aan sa meyneyno in aan ka fiirinno waxa naga haraya oo taariikh iyo dhaxal ah si dadka naga dambeeya ay u tixraacaan." Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirrada Xukuu madda FS,Gudoomiyaha G/Banaadir ah na Duqa Muqdisho, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne. DHAMMAAD
XAFIISKA HAY,ADA SOCDAALKA IYO JINSIYA DA OO BIXINTA BAASABOORADA KA BILAWDAY BULLO BURTE
Adeega hay,ada oo ka mid ah bixinta Baasaboorada ayaa Salay qeybtii ugu ho reysay dad reer Buloburte ah oo loo same eyay Baasaaboor lagu gudoonsiiyay xaf lad galinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xafiiska hay,ada Dadkii Baasaboorada loo sameeyay iyo Shcabka Magaalada ay aa soo dhaweeyay furitaanka iyo shaqa da Xafiiska iyagoo sheegay inay dhibaato badan u qabeen hiltaanka Baasboorka meesha ugu dhow oo ay adeeg ka heli kareen ayaa ah Magaalada Baledweyne oo 115 km u jirta.
Duqa degmada Buloburte Maxamed Axmed Rooble (Juray) ayaa goobta xafl ada ka sheegay in Haatan ay tahay maa lintii ugu horeysay Taariikhda Buloburte oo laga furo xafiis ay leedahay Hay,ada socdaalka iyo Jinsiyada iyadoo Buloburte ay tahay Magaaloyinkii ugu horeyay ee xiligii Gumeysiga degmo loo aqoonsado.
Agaasimaha Hay,ada Socdaalka iyo Jins iyada Somaliya laanta Maamulka Hirsha belle Ibraahim Xuseen Yuusuf ( Sheelare) ayaa sheegay in qorshaha Hay,adu uu ya hay in dhamaan degaanada Hirshabelle laga Hirgaliyo Xafiisyo ay leedahay hay,a da Socdaalka iyo Jinsiyada Somaliya
Furitaanka xafiiska hay,ada Socdaal ka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayka furtay Dagmada bullo burte ee Gobolka hiiraan ayaa waxa uu ku so beegmayaa xili ay in kabadan 4 sano ay go’doon tahay Bullo burte.
MUUSE BIIXI "WAXAA ISU KEENA QABAN LA’A SOOMAALI HA MIDOWDO IYO CAALAM KA INUU KU CAAWIYO MA OGOLIN”
Madaxweynaha Somaliland Muuse Bii xi ayaa ku eedeeyay dowladda Federaal ka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada inay Somaliland ku hayaan dagaal cunaq abateyn ah.Isagoo habeen hore ka hadla yay Hargeysa munaasabadda 26-ka June ee 58-guuradii ka soo wareegatay markii Gobollada Waqooyi Xornimada qaateen iyo Calan Soomaaliyeed markii la taagay ayuu sheegay in aan labo ujeedo isku qaban karin in dagaal lagu soo qaado iyo in la dhaho Soomaali ha midowdo.
"Waxaa nagu socda weerar colaadeed oo aan kala har laheyn, maalin hore Ra’ iisul Wasaaraha ayaa waraaq soo saaray oo caalamka ku oranayo Somaliland yaa la caawin, waxaa kaloo soo baxay war qad kale oo ay soo saareen maamul go boleedyada oo ay leeyihiin Somaliland yaa la caawin”ayuu yiri Muuse Biixi.
Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan is ku qaban karin in la dhaho Soomaali ha midowdo iyo Midnimada waa muqadas iyo in la cunaqabateeyo oo kaalmadii So maliland ay ka helayeen caalamka la dha ho in la hakiyo.
"Waxaan isu kaanya qabaneyn Soom aali ha midowdo, midnimada waa muqad as, Soomaali makala maaranto iyo xaba da waa kugu garaacayaa, caalamka had duu ku caawiyana ma ogolin, labadaas ma isu keena qabato”ayuu yiri Muuse Biixi.
Mar uu ka hadlayay dagaalka Gobolka Sool, gaar ahaan Xiisada Tukaraq ayuu sheegay in mar walba ay Somaliland ku baaqeyso nabad, oo aanay dagaal u ba ahneyn, isagoo xusay in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu raadinayo in la bo sano loogu daro, isla markaana dag aalka uu sii wado.
Dowladda FS ayaa dhowaan u qortay Beesha Caalamka qoraal ay ku dalbaney so in la hakiyo nidaamka gaarka ee Bee sha caalamka kula macaamisho Somalil and, kaasoo ah mashaariicda horumarine ed ee Soomaaliya in qeyb laga siiyo, ka dib heshiiskii sanadkii 2013 ee New Deal-ka ee Somaliland loogu qoondeeyay in kaalmada caalamka ee Soomaaliya qey bteeda laga siiyo.
GANACSATO KHASAARO KALA KULMAY XUD UDKA WELI XIRAN EE SOMALIA IYO KENYA
Ka dib, markii ay Dowladda Kenya xi rtay xuduudka ay la leedahay Somalia sa nnadkii 2014-kii waxay inta badan dadka ku nool Mandera rumeysnaayeen in ay Askarta Kenya si fudud uga guuleysan karaan Weeraradda ay Alshabaab ka gey staan gudaha dalkaasi.
Laakiin, xiritaanka Xuduudka waxa uu saamayn ku yeeshay Dhaqdhaqaaqa dad ka iyo Xamuulka isaga kala gudbi jirey lab ada dhinac ee Xuduudka, waxayna taasi waxyeelo weyn u keentay Ganacsigii sharciga ahaa ee Mandera.
Ka hor sannadkii 2014-kii, inta badan Ganacsatadda ku sugan Mandera iyo Ce el-waaqoo ah Labada Xarumo Gan aac si ee ugu weyn waxay ku tiirsanaay een Badeecadaha uga imaan jirtay Mag aala dda Muqdisho oo masaafo ahaan uga dhaw marka loo eego Nairobi.
Xasan Cali Xasan oo ka mid ah Gana csatada Magaaladaasi waxa uu sheegay inay dadka Deegaanka xayiraadaasi khas aaro kala kulmeen Ganacsigooda.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Ba deecadaha ay Dukaamadda ku iibiyaan kala soo degaan Dekedda Magaaladda Ki smaayo, isla markaana ay Canshuurta ku bixiyaan Kontorooladda ugu waa weyn ee magaalooyinka Ceel-waaq iyo Mandera.
Ganacsadaha waxa uu sheegay inay ma saafadda dhow ee u dhexeysa Mandera iyo Muqdisho sababtay inay Ganacsatda muhiimad siiyaan Badeecadaha uga yima ada gudaha Somalia.
"Waa 600 KM oo keliya masaafadda Mandera iyo Muqdisho, lamana jecla in Badeecaddaha Dukaamadda laga keeno Magaalada Nayroobi ooMandera u jirta masaafo dhan 1,200 KM” ayuu yiri Gana csade Xasan Cali Xasan oo intaasi ku dar ay in Badeecadda laga keeno Muqdisho ka raqiisan tahay Badeecadaha laga ke eno Nairobi. Waxa uu xusay inay xaalla dda Ganac siga haatan isbedshay, isla markaana uu Deegaanka noqday mid dhi baato badan.
Guddoomiyaha Mandera, Cali Robo wa xa uu ugu baaqay Dowladda Kenya in dib lo o furo Xuduudka, si ay Badeecada ha sha rciyeysan uga soo gudbaan. Wa xa u qiray in Badeecadah Mandera u ga ti maada Somalia ka jaban yihiin kuwa laga keeno magaalladda Nairobi. "Ka hor inta aan la samynin Waddad an, waxaa waa jib nagu ah inaan la gana csano Somaliya ,ka dib, markii uu Mad axweyne Uhuru Ke nyatta tilmaamay in dib loo furo Xarum aha Canshuuraha ee Xuduudka iyo inay dhammaan Saraakiis ah wada yimaadaan Mandera” ayuu yiri Cali Robo. Qeylo-dhaantaasi ayaa timid, xilli ay Dowladda Kenya shaacisay inay Kharaj la’aan u jooj iyeen Derbigii laga dhisayey Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia oo dhismihii la bilaabay sann adkii 2015-kii Si kastaba haahaatee, Derbigaasi waxaa ilaa iyo haatan la dhisay 8 KM oo qeyb ah 270km
MD. GAAS”WAXAAN RAJEYNAY NAA IN SOOMAALIYA ISKU TIMAADO”
Madaxweynahaa Puntland Dr. Cabd iweli Maxamed Cali Gaas ayaa Shalay oo Taariikdu tahay 26 june kuna beegan ma alintii ugu horeysay ee calan Soomaaliye ed la taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliye ed gaar ahaan Shacbka gobolada Waq ooyiga Soomaaliya, maalintaas oo ay ka soo wareegtay sanad guuradeeda 58 sano kuna weyn umadda Soomaaliyeed dhammaantood.
Md.Gaas ayaa kutilmaamay maalin taas inay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanay so waligeed, loona baahan yahay in um madda Soomaaliyeed ka hormariso mid nimadeeda wax walba, Madaxweynaha oo ka hadlya maalintaas ahmiyadeeda waxaa uu yiri.
"Waxaan Shalay oo ah 26 june 2018 aan rabaa in aan halkaan hambalyo uga diro dad weynaha Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan shacab we ynaha gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo ah maalintii ugu horeysay ee calan So omaaliyeed laga taago gayiga Soomaali yeed oo Shalay ay kasoo wareegtay 58 sano, calankaas oo loosoo maray dhib ba dan, xoriyadaas oo qarniyaal iyo sanado tira badan ummada Soomaaliyeed ay u hurtay dhiig iyo dhacaan in ay noqdaan dal xor ah, xoriyad taama hela aayoho oda ka tashada, waxaan u dirayaa hamb alyo dadkaas meel kasta oo ay joogaan, waxaa larabaa in aan is xasuusino calan ka maalintaas lataagay waxa uu ahaa cal anka baluuga ah ee cirka u eg, dhexda xidigta cad ee shanta geesood leh ku leh, ma ahayn calan kale kaas ayuu ahaa wa xaan rabnaa inaan dadka u sheegno ku na baraarujino ” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
"Waxaan rajeenaynaa idin Alle wakhti aan dheerayn in Soomaaliya isku timaa do, midnimadeedii iyo wadajirkeedi ay is ku soo laabato, karaamadeedii, sharftee dii iyo Dowladdnimadeedii oo taama ay wakhti dhow dib u hesho aayaan rajeen ayaa Inshaa Allaah, farxad ku ciida sa nadkan sandkiisa kale, waxaan ku gaa raynaa wadajir, midnimo iyo Soomaalin imo dhaba Inshaa’Allaah” ayuu hadalkiisa intaasi kusii daray Madaxweyne Gaas.
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMA ALIYA OO BOOQDAY XARUNTA BAARLAM AANKA JABUUTI
Guddoomiyaha golaha shacabka Mud ane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Shalay booqday Xarunta Baarlam aanka Jabuuti iyo dekeda weyn ee Ma gaalada Jabuuti.Kormeerka guddoomiya ha waxa ku wehlinaayay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa xa runta baarlamaanka Jabuuti kulan kula ye eshay guddoomiyaha iyo Xildhibaanada baarlamaanka Jabuuti. Kulanka ayaa ah aa mid lagu xoojinaayay xiriirka walaaltin imo ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada baarlamaan.
Wafdiga guddoomiyaha golaha shacab ka Mudane Maxamed Mursal waxa ka mid ah Xildhibaano, Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi "Buux” iyo howl wadeeno ka tirsan golaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sooma aliya ayaa Dorraad gaaray caasimada Ja buuti waxaana uu ka qeybgalayaa xuska maalinta xoriyada dalka Jabuuti oo ku beegan 27kabisha Juun oo Maanta ah Kula nka ayaa ahaa mid lagu xoojinaayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya laba da dowladood iyo labada baarlamaan.
XILDHIBAAN ZAKARIYE”JANERAAL GABRE WAA DAMBIILE XASUUQAY SHACAB SOOM AALIYED WAA IN MAXKAMAD..
Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyey in
xilkii uu Ururkaas ka haayey ay ka qa adeen Janeraal Gabre oo u qaabilsnaa
Soomaliya dhanka la talinta Siyaasada, waxana durba soo dhaweeyey Xildhibaa nno
ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Habeen hore Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waa uu sheegay in Go’aanka xilka qaad ista ah ee Gabra lala soodahay,isla mar kaana mar hore loo baahnaa.
Waxa uu sheegay in Gabre uu ahaa Nin dhibateeyey dad Soomaaliyeed,isaga oo xiriir la lahaa Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada.
Runtii mar hore ayay aheyd in la eryo, an aga bishii Janaury ayaan erinay,laakin dad uu u taliyo ayuu heystay isaga oo ma daxweyne isku hesytay,wuxuu xukumay ey laga soo bilaabo lowya-cade,marka IGAD weey la daahday,laakin waxan kuu sheegayaa in aan loo dhaafi doonin wixii dil iyo hanti bur burin ka dhacay soom aaliya.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay xil dhibaan Zakariye in dhibaatadaas uu shacabka soomaaliyeed u geystay Jane raal Gabre in ay noqon doonto mid aan looga hari doonin,isla markaana uu raj eynayo in la soo taago Maxkamada Caa lami ah,waxa uuna sheegay in uu sabab u ahaa in Boqolaal Ruux lagu dilo dal ka,dad badana uu barakaciyo.
Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta aadka u neceb dowladda Itoobiya, waxana la xasuustaa in xilligii doorashada Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Ma daxweyne Farmaajo uu si dadban u she egay in ay goobta fadhiyaan madax aan dooneyn Nabada Soomaaliya.
SHARIIF XASAN OO LA KULMAY SARAAKIIL KA KALA SOCOTAY MIDOWGA AFRIKA IYO QM )
Madaxweynaha maamulka Koonfur Ga lbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa M/Baydhabo ee xarunta G/Baay kula ku lmay Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsan UNSOM. Kulankan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Wasiirka am niga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eel aay) ayaa waxaa intiisa badan diirada la gu saaray ammaanka guud ee deegaa nada maamulka.
Md .Shariif Xasan ayaa kulanka markii uu soo idlaaday hadal uu warbaahinta siiyay wuxuu ku sheegay in saraakiishan ay isku afgarteen sidii ay AMISOM ay qe yb weyn uga qaadan laheyd hawlgalada lagu dagaalamayo ururka Al-shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo dib u furista wadooyinka go’doonsan.
"Safarka ay noogu yimaadeen xubna han waanu soo dhaweyneynaa, arrimaha aan ka wada hadalnay dhammaan waan isku fahanay, in amniga la sugo iyo sidii loo furi lahaa jidadka, waxaanu rajeyney naa in waxa dhiman la dhameystiro, wax yaabo badan ayaa la qabtay.” Ayuu yiri Md.Shariif Xasan.
Amb. Francisco Madeira Wakiilka gaar ka ah Midowga Afrika ayaa dhankiisa Ma daxweynaha Koonfur Galbeed uga mah adceliyay qabsoomidii shirkii Golaha Amn iga Qaranka ee Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in AMISOM ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dagaalka lagula jiro Shabaab.
Saraakiishan oo ka kala socday Mido wga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa Dorraad waxa ay gaareen M/Baydhabo, iyaga oo isla Dorraad la kulmay xubno ka kala tirsan dowladda Ingiriiska iyo AMI SOM oo ay kala hadleen arrimaha amma anka, inta ay magaalada Baydhabo ku su gnaayeen waxay kormeereen saldhigya da ciidan iyo xarumaha uu maamulka ku shaqeeyo.
CIIDAMADA XOOGA OO SHEEGAY INAY GAC ANTA KU DHIGEEN DAGAALAMAYAAL KA TIR SAN AL-SHABAAB.
Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciida mada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaa nnada jubboyinka ay waxay ku guuleest een xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose. Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha ay ka qaado shacabka isticma ala buundada Araare.
Taliyaha ururka 58Aad ee guutada 11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo la hadlay Waka alada Wararka ee SONNA ayaa sheegay in shalay Al-shabaab laga saaray buund ada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha.
Gaashaanle dhaxe Cabdi Ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaal ay laga leyn Al-shabaab ay ugu dileyn 7 dagaa lame sidoo kalane ay ka furteen hubkii ay wateen xubnahaasi.
Sidoo kale mas`uulkaan ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ayaa nolosha ku qabteen labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buu ndada Araare ee G/Jubbada Hoose.
Buundada Araare ayaa 7km u jirta degma da Jamaame ee G/Jubbada, waxayna cii damada xoogga dalka sidoo kale u ruqa ansade degmada jamaame oo xarun u ah nabadiidka Al-shabaab, taasoo la filayo in dhawaan lagala wareego Alshabaab wa siduu hadalka u dhigaye
MADAXDA GALMUDUG OO LAGU DHAX DHAXAADINAYO MUQDISHO
Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxaa soo gaaray madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug kuwaas uu ka dha xeeyo khilaaf ka dhashay isku dhafka maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.
Madaxda ugu sareysa ee Galmudug ee wadahadalka uu ugu furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Madax weynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamaan ka, Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno kale.
Kulama lagu doonayo in xal looga ga aro khilaafkaasi ayaa waxaa garwadeen ka ah waxgarad ka soo jeeda deegaana da Galmudug, dowlada Dhexe iyo xubno ka socda beesha caalamka. Madaxweyna ha Galmudug ayaa doonaya in aan dib lo oga laabanin Isku darka Galmudug iyo Ahlusuna, halka dhinaca kalane Mdaxwe yne Xaaf ay ku dhaliileyn in uu doonayo in waqti dheeri ah uu ku darsado mudda da uu haynayo xilka madaxtinimo Galm udug.
CIIDAMO KA TIRSAN KUWA AMISOM OO QARAX LAGULA EEGTAY SHABEELAHA DHEXE Warar dheeraad ah ayaa ka soo bax aya khasaaraha ka dhashay qarax Ciid amo ka tirsan kuwa AMISOM lagula ee gtay Shalay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa barahooda ku baahiyay in ay ku dileen illaa iyo 2 Askari oo ka tirsa naa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM ee Soomaaliya , hal ka ay ku dhawaaceen 15 kale.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxan ay ku burburiyen gaari Gaasha aman oo ay lahaayeen Ciidamadaasi, si da ay hadalka u dhigeen.
Warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxaasi lagu weeraray Ciidanka Burundi, xilli ay gurm ad u fidinayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo Dorraad qarax miino lagula eegtay nawaaxiga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.
Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo ba xay dhanka Ciidamada AMISOM oo la xariira qaraxaasi. Muddooyinkii dambe ay aa waxaa Waddada dheer ee xiriirisa de gmooyinka Balcad iyo Jowhar ka dhaca yay weeraro jidgal ah oo Al Shabaab ay ka fulinayeen Waddadaasi.
MUWAADIN SOOMAALIYEED OO LAGU DILAY KOONFUR AFRIKA
Muwaadin Ganacsade Soomaaliyeed ah ayaa habeen hore fiidkii degaan u dhow Magaalada Derban ee dalka Koo nfur Afrika lagu dilay, sida ayxaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.Kooxo burcad ah ayaa la sheeg ay in weerar ku qaadeen Muwaadinkan oo ku sugnaa irida goobtiia ganacsi, wa xaana kooxdan ay ku fureen rasaas, isla goobta ayuuna ku geeriyooday.
Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen oo Da’diisa lagu qiya asay 57 sano, iyada oo markii dam be ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Bo oliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee dilka Muwaadink an ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu naf-gooyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee koofur Afrika u nolol iyo shaqo tagay.
Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaali da ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacs iyo kala duwan leh, dableyda dilalka gey sata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.
Marxuum Sheekh Xuseen ayaa waxaa lagu aasayaa Qabuuraha Muslimiinta ee M/Derban gelinka dambe ee maalinta waxaana aaskiisa ka qeyb galaya Masuul iyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaali yeed.
DOWLADDA QATAR OO GARGAAR GAARSIISAY QAXOOTIGA SOOMAALIYEED EE KU NOOL KENYA
Dowladda Qadar ayaa sheegtay in de eqo kala
duwan ay la gaareen Qoxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxoo tiga ee
Dhadhaab dalka Kenya halkaa oo lasheegay in dhibaatooyin kala duwan ay heysatay
qoysas kaasi kunool xeradaasi.
Hay’ad samafal oo laga leeyahay dalk aasi qadar islamarkaana kashaqeysta ari maha samafalka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan (QC) ayaa she egtay in kudhawaad 1,000 qoysas sooma ali ah oo mudo kunoolaa xeradaasi ay lag aareen gar gaar bani’aadanimo oo ay ka mid yihiin cunooyin kala duwan.
Hay’adan laga leeyahay dalkaasi qadar ayaa sheegtay in arintani ay lakaa shadeen hay’adda qaramada midoobay uqaabilsan arimaha qaxootiga ee (UNH CR) maadama ay sibuuxda umaamulaan xeradasi ay kujiraan qaxootiga soomaali yeed ee mudo dhowr iyo labaatan sano kunoolaa xerada ugu qeyn dunida ee dalka Kenya.
Dhinaca kale hay’adan fadhigeedu ya hay magaalada Doha ee dalka qadar ay aa carabowday laga soo bilaabo bartami hii bishii April ay qarash gareeyeen lacag dhan 9.6 million oo dolarka marekanka ah kuwaa oo lagu caawinayay qaxootigaasi.
Qaar kamid ah qaysaskii la siiyay deeq dan ayaa aad ugu mahad celiyay dowla da qadar gar gaarka ay waqti kasta lagab taagan tahay qaxootiga soomaaliyeed iyagoona dhanka kale sheegay in deeq dan ay isugu jireen bariis, sokor, bur, sal iid, iyo caano, oo ay sheegeen in ay aad ugu baahnaayeen deeqdan.
BOQOLAAL TAHRIIBAYAAL AY SOMALI KU JIRTO OO LA QABTAY
Ciiddanka Ammaanka ee Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 241 Mu haajiriin Shisheeye ah oo si sharci-darro ah ugu sugnaa dalkaasi. Ilo ka tirsan Ci iddanka Jandarmiiga Turkiga ayaa u she egay Wakaalladda Wararka ee ANAD OLU in Muhaajiriintaasi lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay GoballaddaEDIRNE, Kirklareli iyo Mugla ee W/galbeed ee dalkaasi.
Dhinaca kale, Turkiga waxa uu marin muhiim u yahay Muhaajiriinta Shisheeya ha ee doonaysa inay tahriib ku galaan dal alka ku yaalla Galbeedka Europe, si ay u ga helaan Nolol, Nabad iyo inay qaataan Dhalashadda dalalkaasi.
MAXKAMADA SARE MARAYKANKA OO KU TAAGEERTAY GO’AAN
UU TRUMP KU MAMNUUCAY SAFARKA
MUWAADINIIN
Maxkamada Sare ee Maraykanka ay aa ku taageertay Madaxweynaha Maray kanka Donald Trump go’aankii uu ugaga mamnuucay inay dalka Maraykanka u soo safraan muwaadiniin ka soo jeeda qaar ka mid ah dalalka Islaamka.
Maxkamada ayaa diiday in go’aanka Trump uu yahay mid aan sharci ahayn da stuurka Maraykankana ka horimaanayo iyadoo sheegtay in Maxkamada Hoose ay keeni waayeen sababo macquul ah oo la gu jebin karo go’aanka Madaxweyne Trump.
Shan ka mid ah garsoorayaasha Max kamada Sare ee Maraykanka ayaa go’ aanka Trump taageeray halka afar kalana ay ka soo horjeesteen,waxaana go’aanka Maxkamada Sare ee Maraykanka ay gaartay uu soo afjarayaa dagaal xoog leh oo ka dhex socday maxkamadaha Maray kanka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada ay gaartay waxana uu ku tilmaamay Guul weyn oo u soo hoyatay shacaba Ma raykanka iyo Dastuurka. Go’aanka ayaa waxaa uu u diidayaa dadka qaxootiga ah iyo kuwa haysta dal ku galka Maraykanka ee ka soo jeeda wadamada Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen sidoo kale wa xaa uu saameynayaa sharcigan muwa adiniinta dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela.
MAXAA KA JIRA IN SOOMAALIYA OO KAALMA HA HORE KASOO GASHAY 10-KA WADAN EE DUMAR LAGU DHIBAATEEYO?
Quburo
ka kala socda dowr jaamacadood oo ku yaala caalamka ayaa soo gaba gab eeyay
daraasad ay wa deen laga soo bila abo sanadii 2011 kii taa oo ay ugu ku ur ga layan wadama da lagu dhi baateeyo
du marka ku nool caalam ka. Tho mson oo ka mid ah qu buradan daraa sadan waday
ay aa she egay in kabadan 550 dumar ah ay si go oni gooni ah u wareysteen
islamar kaana shalay oo Talaada aheyd ka soo saasaar een warbixin ay ku mujinayaan 10
wadd an ee ugu horeeyo dalalkaasi dhiba atoo yinka joogtada ah loogu geesto haw
eenka. Dad fara badan ayaa isla markiiba
isw eydiinaya tolow soomaaliya numberkee kaga jirtaa tobankaasi wadan. Maxeyse
ka jira in soomaaliya ka mid tahay dalalka asi: warbixinta ka wargey ska qoraya
ayaa lag sheegay sidatan: 1.Dalka india ayaa kaalinta 1aad kagalay dalalka lagu
dhi baateeyo dumarka ha lkaa oo la sheegay inay sare u sii kacay aan gabood
falada la gu haayo dumarka iyadoona warbixinta la gu muujiyay in 5 sano ka hor
dalkaasi uu ka dhacay gabar dhigata mid kamid ah xa rumaha wax barasho ee
dalkaasi halkaa oo garigii ay saarneyd lagala dagay kad ibna dil iyo kufsi
loogeystay gabadhaasi iyadoona wa qtigaasi dowladu ay balan qaaday in ay
gacanta kusoo dhigi doona an dadkii kadambeeyay dhacdadaasi bal se wax war
ahaan laga helin masuliyiinta dalkasi
Kaalinta 2aad waxaa galay dalka afgh anistaan halkaa oo dumarka kunool ay la kulmaan rabshado dhanka galmada ah, caafimaad la’aan, iyo tacadiyo kala duw an oo lagu hayo dumarkaasi kunool Afg ahanstan.
kaalinta 3aad waxaa cariirsatay dalka suuriya halkaa oo ay ka taagan yihiin dagaalo inka badan 7 sano. numberka 4aad waxaa lagu sheegay warbixinta in ay gashay soomaaliya oo lasheegay burb urkii ka dib 1991 dii in dumarka kunool ay dhibaatooyin kala duwan hareeyeen.
Quburadaan ayaa warbixintooda kusoo koobay dalalka kale ee haweenka ay tac adiyada kala duwan la kulmaan oo ay ka mid yihiin 5.Sacuudi Carbia, 6.Pakistan, 7.Jamhuuriyada dimuqaraadiga ee Con go 8, yemen, 9, Nigeria, 10, iyo dalka mar ekanka.
ODAYAAL KU SHIRAY MUQDISHO OO DALBAD AY IN LA SII DAAYO SHEEKH CAAN AH OO GAALKACYO LAGA AFDUUBTAY
Odayaal Shalay ku shiray M/ Muqdisho ayaa ka hadlay Wadaad caan ka ahaa Gobolka Mudug oo ay sheegeen in Koo furta Gaalkacyo laga afduubtay. Kulanka oo ka dhacay Degmada Kaxda ee Go bolka Banaadir waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, Aqoonyahano iyo Dhalinyaro, waxeyna kaga arrinsadeen Afduub ay sheegeen in loo geystay Sheekh Xuseen Cali Muuse.
Odayaashan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Sheekha ay Koofurta Ga alkacyo ka afduubteen Rag ka soo Jeeda Deegaanada Puntland, Sababta Afduub ka ayey ku sheegeen in raga wax qafaa shay ay ku Qanci waayeen Go’aan ka soo baxay Maxkamad ay maamusho Dow lad deegaanka Somalida Itoobiya. Maa mulka Puntland, Boqortooyada Bo qor Cismaan iyo Dowlad Deegaanka Soo maalida ee Itoobiya ayey ka codsadeen inay kaalin ka qaataan sidii loo sii deyn lahaa Daacigan maadaama maadaama ay Muujineyso Dhaqan aan wanaagsan eyn oo xad gudub ku ah Dhaqanka Suu ban ee Somalida.
Nabadoon C/llaahi Waamo oo ka mid ah Odayaashii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wadaadka la Afduubtay xili gan lagu heysto Xuduuda Ismaamulka So malida Itoobiya ee dhanka Puntland, Dhowr jeerna ay fariimo udireen Madaxda Puntland waloow aan wali Jawaab laga helin.Ugu dambeyn waxaa Kulanka ka hadlay Suldaan C/qaadir Gabyaa, isagoo madasha ka sheegay in Sheekh Xuseen Cali Muuse Todobaadkii hore Maleeshiy aad hubeysan ay ka kexeysteen Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo
WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDA ERITREA OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYAY ADDIS ABABA
Wafdi heer sare ah oo ka socda dow ladda
Eritrea ayaa shalay gaaray M/ Add is Ababa ee caasi madda Itoobiya, wa xaa
wafdiga hogga am naya Wasiirka Arrima ha Dibadda Eritrea Osman Sa leh iyo La
Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebre ab. R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo uu
wehliyo Wasiirkiisa Arrimaha Dib adda iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diy aaradaha
Bole ku soo dhoweeyay Wafdigan ka socda Eritrea. Imaanshaha Wafdiga ayaa ka
dambeeyay markii Ma daxweynaha Eritrea Isias Afwerki uu go’ aansaday inuu ergo
u diro Addis Ababa, si ay wada hadalo ula furaan dowladda Itoobiya, loona soo
afjaro colaadii u dha xeysay, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu
aqbalay go’aankii guddiga xa deynta Qaramada Midoobey ee sanad kii 2002,
kuwaasoo Eritrea u xukmiyay dhu lkii la isku hayay ee colaada ka dhalatay.
R/Wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii April la soo baxay siyaasad furfurnaan iyo is bedelo uu ka hirgeliyay gudaha dalkiisa iyo gobolkaba, taasoo wax ka bedeshay hab dhaqankii Itoobiya looga bartay 20-kii sano ee u dambeeyay.
Labada dal ayaa xilligan diyaar u ah inay dardar geliyaan heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Algeria sanadkii 2000.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa u dhaxe ysay colaad soo socotay muddo 20 sano, Intii u dhaxeysa 1998 illaa 2000 waxaa dhex maray mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika soo mara. Waa wafdigii u horeeyay oo Eritrea ka socda oo gaara
M/Addis Ababa muddo 20 sano ah .
DALKA JABUUTI OO U DABAAL DEGAY 27-KA JUUN
Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti xalay waxaa lagu qabtay Mu-naasabad loogu dabaal degayay sanad guuradii 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii Faransiiska.
Munaasabo kala duwan oo loogu dabaal degayay 27-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay meelo badan oo ka mid ah dalka Jabuuti, waxaana isugu soo baxay dadeyne fara badan.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka dalkiisa.
Sidoo kale Madaxweyne Isma-aciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in ma-suuliyad weyn ay ka saaran tahay qof ka-sta oo Jabuuti ah xaqiijinta hiigsiga soo jireenka ah ee ku qotoma Jabuuti xor ah oo mideysan.
Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee ma-gaalada Jabuuti ayaa sheegay in maal-inkan ay aad ugu faraxsan yihiin, waxa-yna tilmaameen in dalkooda uu horey u sii socon doono.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh-eekh C/raxmaan ayaa laba maalmood kahor gaaray dalka Jabuuti si uu uga qe-yb galo Munaasabadda lagu xusayo 27-ka Juun.
HAWEENEY SOOMAALI AH OO ISKU EKEYS IISAY WALAASHEED OO DACWAD LOO HEYSTO
Boliska magaalladda Mombasa ayaa la sheegay inay xireen Cabdiyo Aadan Cali, taasi oo la sheegay inay do-onaysay inay iska dhigto Walaasheeda oo lagu magacaaboXaliimo Aadan Cali, taasi oo ay dacwad kaga socoto Maxka-madda Mombasa.
Shabakadda hivisasa.com ee Kenya ayaa qortay in Cabdiyo Aadan Cali isku-dayday inay hor tagto Maxkmadda, iyadoo isku muuqaal ekeysiisay Wala-asheeda oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan tahay Alshabaab.
Cabdiyo Aadan Cali ayaa Max-kmaadda tegtay, iyadoo xiran Indha-sha-reer, iyadoo Maxkamadda dhegsyigii ugu dambeeyey ka yeelan lahayd eedeynta loo haysto Walaasheeda oo aan Maxk-amadda soo xaadarin.
Xaliimo Aadan Cali waxaa ma-rkii ugu horreysay lagu xiray Mombasa bi-shii April 3-dii ee sannadkii 2015-kii, wax-aana lagu soo oogay inay ka tirsan tahay Alshabaab, balse waxaa Xabsiga Shimo La Tewa ee magaalladda Mombasa damiin ahaan looga sii daayey bishii April 23-dii ee sannadkii hore ee 2017-ka.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA JABUUTI
Guddoomiyaha Golaha Shaca-bka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magaa-lada Jabuuti kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali.
Labada Masuul oo kulankooda waqti badan uu qaatay ayaa xaqiijiyay in ay sii xoojinayaan iskaashiga walaalti-nimo ee u dhaxeeya labada dhinac ee Ja-buuti iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacab-ka ayaa kulanka kadib yiri "Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Baarlam-aanka Jabuuti, marti qaadkan oo uu inoo sameeyay, waxaan ka qeyb galeynaa Munaasabadaha 27-ka Juun, Jabuuti waa dalkeena labaad”
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali ayaa dhan-kiisa sheegay labada dal in ay wadaa-gaan waxyaabo badan, wuxuuna tilmaa-may in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadan doonto nabadda lagu soo dabaalayo Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qa-sriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarl-amaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee u dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya.
BOGGA CAYAARAHA
FARANSIISKA IYO ARGENTINE, XULKA CROA TIA IYO DENMARK OO WADA CIYAARA YA WAREEGGA 2AAD EE CIYAARAHA ADDUUNKA
Wadamada ku jira guruubyada C iyo D ayaa kulamadoodii ugu dambeeyay ee wareegga koowaad ciyaaray maanta iyadoo ay soo gudbeen wadamada Faransiiska, Argen-tine,Croatia iyo Denmark halka ay hareen xulalka Peru, Australia,Nigeria iyo Australia oo haray.
Wareegga Labaad ayaa waxaa isku soo beegmay Xulalka Faransiiska iyo Argentine sidoo xulka Croatia iyo Denmark ay wada ciyaari doonaan wareegga 2aad ee Ciy-aaraha Adduunka
Xulka Faransiiska iyo xulka Denmark oo kulmay ayaa ciyaartoodii ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah halka uu xulka Peru 2-0 ugaga badiyay xulka Australia.
Wadanka Fransiiska ayaa kusoo baxay kaalinta 1-aad,halka Denmark ay ku soo baxday kaalinta 2-aad.
Guruubka D ayaa kulamadii ay ciyaareen caawa ayaa waxaa si dirqi ah ku soo badisay xulka Argentina kadib markii ay 2-1 ugaga badisay xulka Nigeria oo barbaro ku soo bixi karay caawa.
Hase yeeshee xulka Croatia ayaa sii dheereystay kaa-linta koowaad kadib markii ay 2-1 ugaga badisay xulka Iceland oo ku haray wareegga labaad.
Xulalka ka socda qaarada Yurub ayaa ah kuwa ugu badan ee haatan u soo gudbay wareegga labaad iyadoo shalay ay soo gudbeen xulalka Ruushka,Portuqal iyo Spain halka xul-alka Faransiiska,Denmark iyo Croatia ay soo baxeen.
Qaarada Afrika dalalka metelayay ayaa waxaa wareega koowaad ku haray xulalka Masar,Tunisia, Morroco iyo Nigeria.
"WAAN GARAACI DOONAA CID KASTA EE NAGA HOR TIMAADA”… DANNY ROSE
Difaaca xulka qaranka England Danny Rose ayaa badalay inuu haatan ka fekerayo inuu ka laabto go’aankii uu qoyskiisa ugu diiday inay ka qeyb galaan koobka aduunka 2018 ee haatan ka soconaya dalka Russia.
Danny Rose ayaa badalay go’aankiisa badalay kadib markii uu ilaa iyo haatan arkin muuqaal cunsurinimo ah ee ka dhacay marti galiyaasha koobka aduunka 2018 ee Russia.
Rose oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu u sheegay saxaafada. Waxay ku xiran tahay haddii aan ciyaaro, laakiin haatan qoyskeyga waxaa u furan in ay kasoo qeyb galaan daawashada koobka aduunka”.
"Aan aragno waxa dhaca waxaan dooneynaa inaan guul gaarno khamiista, kadibna waan garaaci doonaa koox kasta aan la ciyaarno bal aan aragno waxa dhaca”.
Group E
June 27 11:00 Serbia vs Brazil? - ?
June 27 11:00 Switzerland vs Costa Rica? - ?
Group F
June 27 07:00 Mexico vs Sweden? - ?
June 27 07:00 South Korea vs Germany? - ?
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA JUUN 2018-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO "WAXAA WAAJIB NAGA SAARAN YAHAY IN AAN JIILKA NAGA DAMBEEYA UGA TAGNO TAARIIKH AY TIXRA ACAAN" Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taalla da Daljirka Dahsoon ee magaalada Muq disho, waxa u