
Ciidamada dowladda oo xiray wadooyinka Muqdisho
Isu socodka wadooyinka Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa kala xaniban, waxaana wadooyinka Magaalada dhan la soo dhoobay ciidan, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa shacab aad u fara badan, kuwaasi oo ka hayaamay goobohooda shaqo, lugeynayana wadooyinka, iyaga oo wata agab culus, una hooyanaya meelo fog-fog.
Dadka reer Muqdisho ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan, maadaama inta badan ay dhacdo in ciidamada dowladda ay xiraan wadooyinka, marka ay Madaxda meelo booqanayaan ama safaro dhanka dibadda ah aadayaan.
A Somali policeman stands guard along a road which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar
Ciidamada dowladda oo xiray wadooyinka Muqdisho
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, sababo ku aadan xuska 26-ka Juun oo ah markii Calan Soomaaliyeed oo xur ah laga taago gayiga Soomaaliya, waxaana