
Kullamada maanta iyo caawa laga ciyaarayo koobka adduunka
Labada ciyaar ee Group A ayaa hal mar la baasan doonaa, waxaana la daawan doonaa 5:00 galabnimo.
Kullamada kale waxaa laga ciyaari doonaa Group B, mana jiro xul illaa hadda xaqiijiyay inuu soo gudbay.
Spain iyo Portugal oo kullankii ugu horreeyay ee Group-kan barbarro wada galay ayaa ugu sarreeya Group B, waxaana ay wada leeyhihiin min afar dhibcood.
Iran oo ka adkaatay Morocco ayaa saddex dibcood leh, waxaana tartanka isaga haray xulka qaranka ee Morocco oo labadii ciyaarood ee ay dheeshay darbaaxo lagu dhuftay.
Spainsh-ka ayaa la ciyaaraya xulka Morocco, halka Iran iyo Portugal ay wajahayaan, waxaana kullmada Group B la daawan doonaa 9:00pm.
Marka laga reebo Morocco, ma jiro xul haray ama soo gudbay, mid walba oo ka mid ah Iran, Portugal iyo Spain ayaa fursad u heysta inuu soo gudbo isagoo kaashanaya natiijadiisa.
FG: Saacadaha aan kor kusoo xusnay ee la daawan doono kullamada waxaa lagu cabiray xilliga geeska Africa.
Kullamada maanta iyo caawa laga ciyaarayo koobka adduunka
Xulalka qaar ayaa xaqiijiyay inay soo gudbeen labadii kullan ee lasoo dhaafay, maadaama ay wada adkaadeen, waxaana Group A banaanka is keenay xulalka Uruguay iyo Russia kuwaasoo soo guuleystay labadii kullan ee uu mid walba lasoo ciyaaray Masar iyo S