WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Wednesday December 30, 2015 - 09:23:23 in Wararka by
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA DICEMBAR 2015-KA

    HANTIDHOWRKA GUUD "SHIRKADAHA FAVORI IYO ALBAYRAK WAA DIIDEEN IN LALA XISAABTAMO Hantidhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aa nay xisaabtiisa xirmi karin, ka dib markii uu ku dhaliilay in Hey'adda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HANTIDHOWRKA GUUD "SHIRKADAHA FAVORI IYO ALBAYRAK WAA DIIDEEN IN LALA XISAABTAMO Hantidhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aa nay xisaabtiisa xirmi karin, ka dib markii uu ku dhaliilay in Hey'addaha lagu wareejiyay ilaha dhaq aale ee dalka ay diideen yihiin in lala xisaabtamo. Dr.Nuur Faarax oo la hadlayay Baarlamaanka ayaa sheegay in Shirkadaha Favori oo Maa mu sha ku heysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Shirkadda AlBayrak oo gacanta ku hey sa Dekeda weyn ee Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo oo la ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kuwa ka baxa.

"Horta waddankan xisaabtiisa xirmi meyso, haddii shirkadaha lagu wareejiyay ilihii dhaqaalaha ee dalka aan la xisaabin karin, Shirkadaha Favori iyo AlBayrak waa noo diideen inaan la xisaabt ano, waxaa ka dhaadhacsan, inaan la xisaabin karin ama aan la hanti dhowri karin”ayuu yiri Dr.Nuur Faarax Jimcaale.

Waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda dowladda in arrintan wax ka qabtaan, inta aan la gaarin bisha Jannaayo, maadaama loo baahan yahay in sanadkan dhamma anaya ee 2015 in xisaabtiisa la soo xiro.

Shirkadda AlBayrak oo sanadkii 2014 lagu wareejiyay Dekeda Muqdisho ayaa bishii Novem ber ee 2014 soo bandhigtay bil gudaheed dhaqaalaha ka soo xarooday Dekedda oo gaarayay 1,582,000 (Hal Milyan Shan boqol sideetan iyo Laba kun oo dollar ah).

Inkastoo wixii markaas ka dambeeyay aanay Shirkaddu soo bandhigin dhaqaalaha bil walba soo gala Dekeda, waxaana loo arkayay tallaabadaas mid shacabka ay kula wadaageyso dhaqaal aha soo gala Dekedda oo aan hortii la ogeyn.

Sidoo kale Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan wali soo bandhigin dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka, inkastoo Shirkaddu dib u dhis ku sameysay garoonka, isla markaana si casri ah u dhistay horaantii sanadkan.

Shirkadahan ayaa laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana sanadkii la soo dhaafay dowladdu ku wareejisay Garoonka iyo Dekedda oo ah labada il ugu weyn ee dhaqaalaha ka soo xarooda.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku sameeya xafiisyada hey’adaha dowladda, waxaana marka la gaaro dhamaadka sanadka uu xispaab xir ku sameeyaa dhaqaalihii sanadkaas soo xarooday iyo kuwa baxay

SHARIIF XASAN OO LAGA YAABO INUU QAADACO KA QEYB GALKA SHIRKA MADASHA WADA TASHIGA EE KISMAAYO

Maamulkii looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa laga yaabaa inuu dhaliyo khilaaf hor leh oo ku aadan arrimaha federaalka iyo mushkiladiisa, ka dib markii Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay taageereen maamulka loogu magac daray Bakool sare ee lidiga ku ah maamulka koofur galbeed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan laga yaabo inuu qaadaco ka qeyb galka shirka madasha wada tashiga ee 10ka bisha Jan naayo ee 2016 ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigi doonaa go’aanada shirarkii wada tashi ee ka dhacay magaal ada Muqdisho, iyadoo madaxda Soomaalida ay isla qaadan doonaan nooc doorasho oo dal ka ka dhacda sanadka 2016.

Khilaafka Maamulka Koofur Galbeed oo dhinac ah, Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan waxyaabaha hareyn doona qabsoomida shirkaas, maadaama ay taageereen maamulka laga sameeyay Ceel Barde ee ka soo horjeeda Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u ambabaxay Addis Ababa, waxaana arrim aha loogaga yeeray ay qeyb ka tahay arrinta maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde, waxa ana suura gal ah in dowladda Itoobiya suura fara geliso arrimahan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koofur Galbeed ay aa sheegay in aysan suura gal aheyn inay tagaan Kismaayo, waxaana ay ku eedeeyeen Maamul ada Puntland iyo Jubbaland inay geed fadhi u yihiin qaska ka socda Ceelbarde oo maamul loogu magac daray Bakool Sare looga dhawaaqay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garowga ku aadan marti gelinta shirka mad asha wada tashiga, waxaana in la filayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada isugu tagaan.


GUDDIGA XUDUUDAHA IYO FEDERAALKA: WAX SAAMEYN AH KUMA YEELAN DOONTO SHACABKA ARIMAHA SOOHDIMAHA

KhaliifCabdikariin Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduuha iyo Fede raalka ayaa sheegay in ay aruurinayaan talooyin la xiriira hindisa Sharciyeedka Xuduudaha iyo Fed eraalka islamarkaana laga talo gelinayo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxuuna meesha ka saaray in cid gooni ay arintaasi latashi kala sameenayaan.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduuha iyo Federaalka waxaa uu tilmaamay in dhibaato badan la soo maray balse haatan la joogi sida uu sheeegay waqtigii laga gudbi lahaa isa goona carabka ku dhuftay markii ay u soo idlaato talo aruutintooda in ay ku soo gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si looga baxo mashaakilka haatan tagan.

Geesta kale, Guddoomiye Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in ay ka go’antahay guddigiisa ka shaqeynta howlihii loo igmaday.

Guddigan Madaxa banaan ee Xuduuha iyo Federaalka oo bilo jirsaday ayee aheyd in la dhiso inta aan la sameyn Maamul Goboleedyada haatan Dalka ka jira balse waxaa ka soo horumaray dhisida Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

WASIIRKA AMNIGA OO SHEEGTAY IN AY KA GO’ANTAHAY LA HESHIINTA AHLUSUNNA WALJAMAACA

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan ayaa sheegay in ay dar dar gelinayaan wada hadalla Maamulka Ahlusunna kala dhexeeyo.

Cismaan Taardhuleed ayaa ku nuux nuuxsaday in Muhiimada ay siinayaan wax weliba oo xal ka umadda Galmudug uu ku jiro.

Mr Taardhuleed ayaa ku booriyay Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca in ay ka qeyb qaataan wadahadallada nabadeed islamarkaana ay ku soo biiraan maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa dooneysa in Ahlusunna Waljamaaca ay ku soo biiriyaan safkooda si maamu lkaasi uu dhammaan deegaanada uu ku magacaabanyahay isugu ballaariyo.

Ahlusunna Waljamaaca oo sameystay Maamulka Gobollada dhexe la Magac baxay ayaa ka arrimiya Magaalada Dhuusamareeb oo loo asteeyay xarunta Maamulka Galmudug.

AXMED MADOOBE OO BAARLAMAANKA WEYDIISTAY IN LA SIIYO 3 BILOOD OO DHEERAAD AH, SI UU UGU SOO DHISO GOLAHA WASIIRADA

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa mar kii 3aad Baarlamaanka Jubbaland weydiistay in la siiyo fursad uu ku soo magacaabo Golahiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa horey Baarlamaanka u weydiistay in laba jeer dib loo dhiggo magacaabidda Golaha Wasiirada. Baarlamaanka oo xilligaa aqbalay codsiga Madaxweynaha, ayaa dib u dhigay illaa afar bilood, mudadii uu Madaxweynaha xaqa u lahaa inuu ku soo magacaabo Wasiirada.

Warqad codsi ah oo Madaxweynaha uu u soo qoray Baarlamaanka, ayaa waxaa Isniintii laga hor akhriyay kulan ay Magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu codsigiisaan uu sabab kaga dhigay, isagoo ku mashquulsan dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo inuu ka shaqaynaayo horumarinta Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Xildhibaanadu ka doodi doonto codsiga kaga yimid Madaxweyne Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha Guddiga Habdhawrka Baarlamaanka Jubbaland, Bashiir Maxamed Colaad, ayaa Saxaafadda u sheegay in kulanka ugu horeeyo ee Baarlamaanka looga doodi doono codsiga uu soo jeediyay Madaxweynaha.

XILDHIBAANO SI KULUL KAGA HADLAY DADKII AY CIIDAMADA KENYA KU DILEEN, KUNA DHAAWACEEN DEGMADA MANDHEERA

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa si ku lul kaga hadlay dadkii ay daraad Ciidamada Kenya ku dileen, kuna dhaawaceen Degmada Man dheera.

Xildhibaan Sacad Aba Janna oo ka hadlay labada qof ee lagu dilay Degmadaasi, ayaa shee gay inaanay jirin sabab ay u sheegeen Ciidamada Kenya, oo la xiriira dilka labadaasi ruux iyo dhaa waca saddex kale.

"Gaari lugta ka banjartay oo dhalinyaro ay la socotay, ayaa waxaa rasaas ku furay ciidan mili tari ah oo meesha yimid. Illaa iyo hadda wax ay noo sheegayaan oo macquul ah, kuna qanacno ma lahan.” Ayuu yiri Xildhibaan Sacad Aba Janna.

Xildhibaan Sacad Aba Janna oo la hadlay BBC, ayaa yiri "Adduunka oo dhan baan u she egaynaa, Dowladda Kenya waxay nagu hayso waa midab sooc caadi ah. Waxaa weeye dad dow lad leh oo dowladooda leynayso, dowlad dad ilaaliso baan arki jirnay, meel lagu arkay ma naqaano, dowlad dadkeeda leynayso.”

Waxa uu intaa ku daray "Waxaan uga fadhinaa inay noo sheegaan wixii kasbay in la’iska rasa aseeyo dad shacab ah, maxaa yeelay waxaan wax aan ku noollaan karno maahan. War baan uga fadhinaa Dowladda, wixii sidaasi yeelay in meel la saaro. Dadkaan xuquuqdoodii, naftoodii, sida lo ogu ciyaaray, Walaahi Billaahi aad baan uga xunahay.”

Xildhibaan Faysal Cabdi Nuur, ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay dilka iyo dhaawaca ay Ciidamada Kenya u gaysteen qaar ka mid ah bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan Degmada Mandheera.

"Wixii Mandheera ka dhacay waa wax nasiib darro ah. Wiilal gaari banjar baxsanaaya, ayaa waxaa u yimid Ciidamada Militariga, gaarigii ayayna rasaas ku furayn. Waan baarnay gaariga, illaa iyo hadda wax aan ka helnay oo loo rasaaseeyay ma jirto, waa nasiib darradii oo socoto oo keliya.” Ayuu yiri Xildhibaan Faysal Cabdi.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Gobolka Waqooyi Bari, ayaa wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay mid si kedis ahayd u dhacday, markii gaarigaasi laga shakiyay.

XILDHIBAAN CABDI XAASHI "ANAGA WAAN KA HORTAGNEY IN WARIYAHA LA’ISKA XIRO AMA XARUN WARBAAHINEED LAGU DUULO”

Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sheegay Baarlamaanka Soomaaliya in uu ka hortagey qodobo lagu dhibaateen karay bahda Saxaafadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Isniintii ansaxiyay Xeerka Saxaafadda Somali ya, oo in muddo ahba horyaalay Baarlamaanka, iyadoo marar badanna laga leex leexday meelma rintiisa.

Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka, ayaa wuxuu sheegay inaanan hadda ka dib la’iska xiri karin Suxufiyiinta, albaabadana loo laabi doonin Xarumaha Warbaahinta, haddii aan ay Maxkamadi ku helin wax dembiyo ah.

"Anaga waan ka hortagney in Wariyaha la’iska xiro ama Xarunta Warbaahinta lagu duulo. Had dii aysan Maxkamad cadayn Wariye lama xiri karo, Xarun Warbaahineedna lama xiri karo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Xildhibaan Cabdi Xaashi, ayaa xusay in markii hore la’iska xiri jiray Suxufiyiinta, lana joojin ji ray shaqooyinka Xarumaha Warbaahinta, xilli aanay wax dembi ah ku helin Maxkamad, hase ahaatee aanay hadda ka dib sii jiri doonin.

"Wariyaha iyadoo aysan dembiga ku cadayn Maxkamadda ayaa la’iska xiri jiray. Arrintaas dib uma dhaceyso, anagana ma’ogolaan in la’iska xiro Wariyaha, haddii Maxkamad aysan dembi ku he lin. Haddii Maxkamad la’aan shaqada Xarumaha Warbaahinta la joojin jiray, hadda way dhamaa tay.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi oo Warbaahinta u waramay.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Wa saaradda Warfaafinta ku wargeliyay in sida dhaqsiyaha badan ay ku dhaqangeliso Xeerkan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayiri (Maareeye), ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Baarlamaanku ku ansaxiyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

SARKAAL SARE OO KA TIRSAN AL SHABAAB OO ISKU SOO DHIIBAY CIIDAMADA DOWLADA EE GOBOLKA BAAY

Korneel Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, Taliyaha Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sakaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Maxamed Ibraahim Dhuuboow oo ka mid ahaa sida la sheegay Saraakiisha Ururka Al Shab aab ayaa Taliyaha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa uu xusay in galinkii dambe ee Daraad in uu isku soo dhiibay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, gar ahaan kuwa ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

Kornel Cabdulaahi Sheekh Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in muddo Wadahalo ay u socdeen Sarkaalkani ka soo goostay Xarakada Al Shabaab iyo Saraakiishooda Maamulka Koonfur Galbeed ugu dambeyna ay ku guuleysteen Wadahaladoodii ayna soo dhaweeyeen wax dhibaato ah aan loo geysan Sarkaalka ka soo baxsaday Xarakada Al Shabaab.

Kornelka ayaa intaa waxaa uu ku daray in Maxamed Ibraahin Dhuuboow oo ka mid ah Sar aakisha Al Shabaab ee ku sugnaa Degaano hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ma jiro Wax War ah oo ka soo baxay Xarakada Alshabab oo ku aadan Sarkaalka Sida la shee gay ka soo goostay Dhankooda

Maalmo kor ayee aheyd markii Sarkaal lagu magcaabo Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiisha Al Shabaab uu isku dhiibay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Bardheere islamarkaana ay u soo gudbiyeen Magaalada Muqdisho

BOOLIISKA KOONFUR AFRIKA OO BAADGOOB KU HAYA SADDEX DUMAR AH OO KU KACAY AFDUUB IYO KUFSI

Ciidamada Booliiska dalka Koonfurta Afrika ayaa billaabay baaritaanno ay ku baadigoobay aan saddex dumar ah oo afduub u gaystay nin 33jir ah, ninkan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu afduubay deegaanka Kwazakhele ee ka tirsan gobolka Port Elizabeth, iyagoo haw eenkani ay si awood ah ku kufsadeen.

Wararku ayaa intaas ku daray in saddexdaan haweenka ah ay ninkaan qori ku qabteen ayna khasab ku siiyeen daroogo, ka dibna ay arrin kufsi u muuqaal eg ay ninkan dhallinyarada ah kula kaceen.

Ninka la afduubtay ayaa ahaa Koonfur Afrikaan midabkiisu caddaan ahaa, iyadoo wararku ay sheegayaan in loo maleynayo in haweenkan ay rabeen in galmadiisa ay uur ku qaadaan si ay u dhalaan ilmo muqshabeel (Midabkoodu isku dheehan yahay).

Booliiska ayaa sheegay in Ninkaan dhibbanaha ah lagu tuuray deegaan qiyaastii 500km u jirta deegaankii laga qafaafay, sida ay baahisay jariiradda Mail Online.

Mncedi Mbombo oo ah sakraal booliis ayaa sheegay in qofkii dhibanaha ah uu wali naxsan yahay, isagoo intaas ku daray in dhacdadan ay la yaabeen , ayna tahay tii ugu horreysay oo ay abid la kulmaan.

Ugu dambeyn, booliska ayaa haatan baadigoob xooggan ugu jira saddexdaan haweenka ah oo faldambiyeedkan lala yaabay ku kacay ; haddii gacanta lagu soo dhigana ay u gudbin doonaan jeelka si maxkamad loosoo taago.

MAXKAMAD SARE EE ISRAA'IIL OO XABSI 18BILOOD AH KU XUKUNTAY RA’IISUL WASAARIHII HORE EE ISRAA’IIL

RWhii hore ee Israa’iil, Ehud Olmert ayay shalay maxkamada sare ee Israa’iil waxay ku xukun tay 18bilood oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay fadeexad laaluush uu qaatay ah, wuxuuna noq onayaa mas’uulkii ugu sarreeyay oo xil kasoo qabtay xukuumadda Israa’iil oo xukun noocan ah uu ku dhaco.

Olmert oo 70jir ah ayay maxkamadu sheegtay in xukunkiisa uu billaaban doono bisha 15ka bisha Feberaayo ee sanadka 2016ka. Waxaana maxkamaddu ay sheegtay in mas’uulkan ay damb iga ku heshay bishii Maarso ee sannadkii 2014kii; kaasoo la xiriiray inuu aqbalay laaluush inuu qa ato si sare loogu qaado dhismaha guryaha lagu muransan yahay ee Qudus.

Sidoo kale, Ehud Olmert uu diiday inuu wax khalad ah ku kacay, laakiin markii uu dhacay xuk unkii maxkamadda ee shalay ayuu sheegay inuu aqbalay xukunkiisa, wuxuuna xusay in shalay u tahay maalin madow.

"Xukunkan waa sidii dhagax wadnaha la iiga dhuftay oo kale,” ayu yiri Olmert oo intaa ku dar ay. "Horay ayaan u sheegay inaanay jirin wax laaluush ah oo aan qaatay, taas ayaana ku celinayaa shalay.”

Ehud Olmert ayaa si khasab ah isaga casilay xilka RWha Israa’iil horraantii 2009, ka dib mar kii lagu eedeeyay inuu ku kacay musuqmaasuq baahsan, iyadoo xilka uu la wareegay Benjamin Net anyahu oo isagana ku guuldarreystay inuu wax ka qabto muranka dhismaha guryaha ee ka taagan laga dhisayo magaalada Qudus.

Dhanka kale, Olmert ayaa xilka ra’iisul wasaarenimada Israa’iil qabtay Jannaayo 2006dii, ka dib markii RWhii ka horreeyay Ariel Sharon uu cudur halis ahaa ku dhacay; kaasoo uu u geer iyo oday markii dambe.

Olmert ayaa sheegay inuu horay u diiday dalab kaga yimid Falastiiniyiinta oo ahaa inay ka bax aan daanta galbeed, wuxuuse xusay in waqtigii uu iscasilayay uu heshiis dhameystiran oo ku sa absan Quddus uu xukuumadda ka talisa Falastiin la geli lahaa.

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa warbixin uu dhawaantan soo saaray ku sheegay in dadaalo badan lagu bixiyay sidii heshiis ay Ehud Olmert ula saxiixan lahaayeen, balse aysan waxba ka ogeyn sida uu qorshaha Olmert ahaa, wuxuuna sheegay inaysan jirin laaluush ay siiyeen mas’uulkan.

Ugu dambeyn, xaakinka maxkamada sare ee Israa’iil ayaa shalay sheegay in Olmert lagu hel ay inuu laaluush ahaan ugu qaatay barnaamijka guryaha ee Quddus lacag dhan 130,000 oo doollar oo u dhiganta 500,000 lacagta shekel loo yaqaan ee laga isticmaalo Israa’iil.

DOWLADDA ZIMBABWE OO SI RASMI AH U SHEEGTAY IN DALKEEDA LAGA ISTICMAALI DOONO LACAGTA SHIINAHA

Xukuumadda Zimbabwe ayaa ku dhawaaqaday in wixii hadda ka dambeeya dalkeeda laga ist icmaalayo lacagta YUANka ee dalka Shiinaha laga isitmcaalo, taasoo qayb ka ah qorshayaal uu Shiinuhu u soo bandhigay waddamada ku yaalla Koonfurta Afrika oo uu dhawaan hishiiyo taariikhi ah kula saxiixday Johannesburg.

Shiinaha ayaa u ballanqaaday dallakan haddii lacagta Shiinaha ee YUAN ay si rasmi ah u qaat aan ay ka dhaafi doono daymaha ay ku leeyihiin, haddaba dalka Zimbabwe ayaa hada hirgaliyay in dalkiisa laga isticmaalo lacagta Shiinaha ee YUAN.

Waddanka Shiinaha ayaa ah dalka ugu weyn ee maalgashiga ugu badan dalka Zimbabwe ku leh, kaddib markii dalkaas ay cunnoqabateyn ku soo rogeen dalalka reer galbeedka ah; lacagt iis ana ay noqotay mid aan qiimo lahayn.

Lacagta YUAN ee Shiinaha ayay dhawaan ogolaatay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF inay ka mid noqoto lacagaha caalamiga ah ee suuqyada caalamka laga isticmaalo; laakiinse wali si ras mi looma isticmaalin in wax la isugu xawilo.

Wasiirka Maaliyada Zimbabwe, Patric Chinamas ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid hir galay, isticmaalka lacagta Shiinahana ay tahay tallaabo loo qaatay ganacsiga u dhexeeya Shiinaha iyo Zimbabwe, iyadoo macaamiisha ku dhaqan dalkaas ay aqabaleen.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa waddanka Zimbabwe waxay heshay 1bilyan oo doollar oo ah daymo dulsaar ah oo Shiinuhu siiyay; sidoo kale Shiinaha ayaa ka dhaafaya daymo badan oo Zimabwe lagu lahaa, waana taas tan keentay in lacagta Yuan dalka Zimbabwe ay isitcmaasho.

Dhanka kale, dhaqaaleyahan dalka Zimbabwe u dhashay ayaa ku tilmaamay hadalka kazoo yeeray wasiirka maaliyadda dalkaas mid xujo ah. wuxuuna xusay in Shiinaha uu si dadban u dhaca yo khayraadka dabiiciga ah ee Zimbabwi; xilli dalkaas uu la daalaadhacayo culeys dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Si kasta ha ahaatee, arrintani waxay meesha ka saaraysaa cunnoqabateyn muddo haysatay waddankaas oo ay saareen dalalka Reer galbeedka, laakiinse hadda u muuqda mid ay kaga ba dbaadi doona xiriirka cusub ee uu la yeeshay Shiinaha oo tartan adag kula jira wadamada Reer gal beedka marka ay noqoto xiriirrada Qaaradda Afrika.

DOWLADDA IRAN OO BEENISAY INAY SOMALIYA KA WADO FAAFINTA MADHABTA SHIICADA

Markii ugu horeysay Xukuumadda dalka Iiran ayaa ka hadashay wararka ku aadan in dalka Somaliya ay ka wadaan faafnta Madhabta Shiicada, xilli Sabtidii la soo dhaafay Nabad Suggida Somaliya ay sheegeen in Rag u dhashay Iiran ay Somaliya ka wadaan faafinta Shiicada.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Iiraan, Xuseen Jaabir Ans aari ayaa hadalkaasi ku sheegay Shirjaraa’id oo Toddobaadle ah oo uu daraad ku qabtay caasi madda dalkaasi ee Tehran.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin muwaadiniinta u dhashay dalka Iiraan ee Nabad Suggida Somaliya ay ku xirtay magaalada Muqdisho inay faafinayeen Madhabta Shiicada.

Waxa uu sheegay inay jirto Isfahan waa taagan, balse Safaarada Iiraan ee Magaalada Mu qd isho ay ka codsatay Dowladda Somaliya inay si dhab ah u faahfaahiso, sababta ka dambeysay xar ig loo geystay labo Sarkaal oo ka tirsan Safaarada Iiran ee Magaalada Muqdisho.

Hadal qoraal oo uu soo saaray Taliyaha Nabadsugidda ee Gobalka Banaadir ayaa lagu she egay in Labadaasi qof ku xadgudbeen Martigelintii la siiyey, isla markaana ay faafinayeen Madh abta Shiicadda.

Safaarada Iiraan ee Magaalada Muqdisho ayaa aad looga xuntaa arimaha ku saabsan inay faafiso Madhabta Shiicada xilli dalka Somaliya dadka ku nool 100% ay yihiin Dad Islaam .

BOOLISKA BELGIUMKA OO GACANTA KU DHIGAY DAD QORSHEYNAAYAY WEERARO INAY KA GEYSTAAN DALKAASI..

Ciidamada Booliska dalka Belgiumka ayaa xiray dad looga shakiyay inay weeraro ka geysan rabeen dalkaasi, xilli ciidamada feejignaan adag la geliyay si weeraro aanan loola eegan goobaha ay ka dhacayaan Dabaaldegyada ku aaddan sanadka cusub.

Booliska waxa ay xireen labo ruux oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen inay Maga alada Brussels ka geystaan weeraro abaabulan.

Saraakiisha ciidamada Booliska Magaalada Brussels ayaa sheegay howlgalo si adag loo sameeyay Axadii iyo Isniintii in lagu soo qabtay labo ruux oo qorsheynaayay sida Saraakiisha ay sheegeen fulinta weeraro qorsheysan.

Labada ruux ee la qabtay ayaa looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ay ku qaad aan goobaha lagu xusaayo sanadka cusub ee 2016ka oo maalmo ay inaga xigaan iyo goobaha Booliska ay ku leeyihiin Magaalada Brussels.

Ciidamada Booliska waxa ay gacanta ku dhigeen Dhar Millateri oo suuragal ay tahay in loo adeegsan rabay weerarka, balse ciidamada ma aysan qaban hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Wixii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Dalka Faransiiska, gaar ahaan Magaalada Paris da lka Belgiumka waxaa la geliyay feejignaan sare oo ku aadan dhanka ammaanka.

TALIYAHA MILLATERIGA KENYA OO SHAACA KA QAADAY IN CIIDAMADOODU AYSAN KA BIXI DOONIN SOOMAALIYA

Taliyaha Ciidamada Millateriga Dalka Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ay Somalia sii joogi doonaan, isgaoo intaa ku daray inay ka tirsan yihiin AMISOM ayna sii wadi doonaan howgallada dhanka ka ah Alshabaab.

Jen. Mwathethe ayaa sheegay in dagaalka ciidamadoodu kula jiraan Alshabaab ee Somalia ay sii wadayaan illaa xuduudaha dalkooda uu la wadaago Somalia ay ka noqonayaan kuwo ammaan ah. Wareysi uu taliyuhu siinayay telefishinka NTV ee Kenya, isagoo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada ku sugan ayuu sheegay in Alshabaab ay tahay sidii abeeso ballaaran oo kale, ayna tahay in la ciribtiro.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka Kenya inay si dhow ciidamada millateriga ula shaqeeyaan, ayna sheegaan cid walba ku dhexdhuumanaysa, si ay ciidamadu gacanta ugu soo dhigaan.

Taliyaha millateriga Kenya ayaa dhawaan booqasho ku yimid Kismaayo oo ay ka Hawlgalaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM, iyadoo booqashadan lagu sheegay mid uu ku dhiirrigelinayo ciidamada Kenya ka socda ee Soomaaliya ku sugan.

JOWHAR WAA MAGAALO CEYNKEE AH ?

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa lagu wadaa in dhawaan uu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan sida ay shaaciyeen madaxda dowladda Federaalka. Waxaa magaalada booqday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo waxana la filayaa in dhawaan Jowhar ay tagaan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka,.Haddaba qormadan hoose waxaan ku faaqidayaa taariikhda magaalada Jowhar.

Jowhar waa magaalo ceynkee ah?

Jowhar waxa ay Muqdisho u jirtaa 90 Km dhanka Waqooyi .Waxaa magaalada dhex marta wadada isku xirta caasimadda Soomaaliya iyo gobollada dhexe ee dalka ,waxa sidoo kale maga alada labo u kala qeybiya wabiga Shabeelle bari iyo galbeed. Dhanka bari waxaa la oran jiray Buu ndo Bravo halka qeybta berri ee qadiimiga ahna lagu magacaabi jiray Bender Jadiid ama Benderka Hoose.

Jowhar sida isku raacsan yihiin inta badan odoyaashii hore waxa magaca ay ka heshay tuul ada Jowhar Eylo oo kacaankii uu u badalay Jowhar Soomaali.

Dadka ku dhaqan Jowhar badankood waa beeraley ama xoolo dhaqato . Jowhar waxa ay ka kooban tahay 4 xaafadood H/wadaag ,Horseed,Kulmis iyo Buulo Shiikh.

Imaanshihii Talyaaniga ee Jowhar

Marka ay taarikhdu u eheed 1917 waxa soomaliya yimid nin talyaani ah oo la oran jiray Ama dao Luigi Duca Degli Abbrizzi oo kamid ahaa khoyska boqortooyada dalka talyaniga.

Ujeedoda ugu weyn oo u yimid somaliya waxey eheeyd inow helo dhuul uu beerto.

Dhowr degaan ayuu tagay oo wabiga shabeele ku dhiriirsan si uu eego deegaan ku haboob tacabka iyo wax soosaarka.

Baaris dheer kadib waxaa usoo baxday in degaanka jowhar ee ugu haboon tahay beerashada dalagyada kala duwan, taaso ay ugu wacan tahay wabiga oo ka sareeya dhuul beereedka loona bahneyn matooro waraabka loo adeegsado

Waxa uuheshiis la galay dadka deeganka ee tuuloyinka jowhar Soomaali iyo Baalguri.

Heshiiskaas wuxa uu Duca ku helay dhul beereed baaxad leh oo ku teedsan wabiga Shabelle .

Ducawaxa uu dib ugu laabtay talyaaniga si maalgalin ugu helo dhul beereedkii loogu yab oohay . Xilligaa Koofurta Soomaaliya waxaa maamulayay gumeystihii Talyaaniga .

Marki uu tagay Italiya waxuu asaasay shirkad magaceeda la yiraahdo S.A.I.S (societa Agricola Italo Somalo) oo ay milkiilayaashu yihiin 61 saamiley oo Duca oo uu ahaa Gudoomiye.

Lacagtiuu ka soo qaaday saamileydii Talyaaniga ayaa waxa uu ku sooo iibiyay qalabka bee raha .Waxa uu la yimid shaqaale cadaan ah,waxana uu 1919kii dib ugu soo laabtay Jowhar.

Dalagyadii ugu horeysay ee uu beeray waxaa ka mid ahaa Suuf ,Qasab iyo lows. Waxaa u soo baxday sidoo kale Jowhar in ay si wanaagsan ugu bixi karto liinta noocyadeeda kala duwan sida Banbeelmada, Aranjo iyo Mandarino ,waxana xusuus mudan in Bambeelmadii Jowhar ka baxday ay noqotay tan ugu wanaagsan suuqii Talyaaniga ee waagaas qudaarta lagu iibin jiray Fiera di Milano

Waxow bilaabay si tijaabo ahaan inoow beero khaqsab kala duwan si’u uga xusho midka cimil ada ugu adkeysiga badan, biyo badan aan u bahneen, mizaan kiisuna culis yahay.

Markii ay guuleysatay tijaabadii beerista qasabka ayuu ku fekeray in uu dhiso warshad son korta soo saarta.

Warshadii sonkorta waxey howl gashay ay soo sartay sonkorta ugu horeysay 1926.

Marka ay taarikhdu eheed 1933 Duca waa uu xanuunsaday waxa uuna ku geeriyooday ma gaagada jowhar waxaana lagu aasay iisla magaalada jowhar qabuuro ayku lahayeen talyaniga .

Shirkada S.A.I.S waxaa majaraha u qabtay oo gudoomiye ka noqday niin kale oo talyaani ah oo la oran jiray AVV. Bruno.

Maka ay taariikhdu eheed 1963 sadax sano ka dib markii soomaaliya ay xornimada qaadatay ayaa shrkadi S.A.I.S iyo dowlada soomaaliya hashiis wada galeen oo ay shirka ku noqdeen war shada iyo beeraha.

Samiga dowlada waxaa uu ahaa 51% mida shirkada talyaniga 49% labada dhamba waxaa lagu wada heshiiyay in la balaariyo mugga iyo wax soo saarka warshada lana garsiiyo 4000 tan oo sonkor ah sanadki.

Magacii S.A.I.S halkaas ayoow ku haray. Shirkada cusubna waxaa loo baxshay SNAI.

Soo saida sonkorta ka sukow warshada waxey soo sari jirtay Alkolo oo laboa nooc ah Buon gusto oo logu tala galay in laga sameeyo khamriga, dawooyinka, barfunka,

Nooca labaad ee alkaholka waxa uu haa Cattivo gusto oo loogu tala galay dhayida iyo khal iinka.labadaas nooc ee alkaholka ah waxaa laga sameyn jiray dheecanka sonkorta ka hra (Malaso) oo dib loo warshadeeyay lagana soo asaro alkaholka.

Alkaholkan waxaa ugu yaraan 90% loo dhoofin jiray dalka fransiiska oo laga iibin jiray inta kala ee so harta wadaanka guda hiisa ayaa lagu istic maali jiray.

Marka ay taarikhdu eheed 1971 waxaa la qarameeyay warshadaha, bankiyada iyo waxii la mid ah.

Warshada sonkorta ee jowhar waxey ka mid eheyd warshadahii la qarameeyay marka ay taa rikhdu aheyd 1972 waxaa la aasasay warshada Isnaay Biyaasa oo eheyd warshad soo sarta ala abo kala duwan sida Oomada ,Kabo caag ah ,Kabaha roobka, jiirigaano, Garaafoyin, Barfuuno iyo Catarro kala duwan oo sameyntoda loo isticmaali jiray alkoholka warshada sonkorta..

Shaqaalaha guud ee joogtada ahaa ee isnaay iyo isnaay biyaaso waxey ahayeen 1800-qof.

Shaqaalaha an joogtada eheen ee ka shaqeyn jiray iyo beeraha khasabka (seasonal workers) waxey ehayeen 3500-qof shaqaalahaan dambe sanadkii waxey shaqeyn jireen marka lisku daro mudo 8-bilood ah.

Jowhar waxaa ay can ku noqotay wax soo saarka Bariiska waana goobta ay ku yaalleen ma shaariicdii waaweynaa ee Bariiska sidii kii Baarow weyne .

Magaaladu waxey leedahay 3 suuq oo waaweyn,labo waxaa lagu iibiyaa badeeco kala duwan sida rashinka, bagashka, iyo dharka ,halka kan sadaxaad uu ka ahaa suuqa xoolaha.

Jowhar waxa ay caan ku aheyd isboortiga waana magaalada kaliya ee laheyd naadi kubadda cagta oo heerka 1aad ah marka laga reebo caasimadda Muqdisho oo sagaal koox oo heerka 1aad ay ka dhisnaayeen.

Dhanka waxbarashada Jowhar waxa ay ka mid aheyd magaalooyinkii ugu horeeyay eeAme erikaanku ay ka dhiseen dusiyo waxbarasho oo macallimiin Mareykan ah ay wax ka bari jireen.

Jowhar ma aha magaalo dhismo ahaan qurux badan laakiin dadka ku dhashay waa dad na badeed oo reer Jowharnimadu ay kala weyn tahay tan qabiilka IWM waxaana taa daliil u ah isku xirnaanta dhalinyarada kuwa Yurub iyo Ameerika jooga ,kuwa Carabaha jooga iyo kuwa dalka joo ga .

F.GWaxaan u mahad celinayaa ustaad Mataaneey Abraa oo gacan ka geystay Macluumaad ka Maqaalkan.

Waxaa Qoray Maxamed Ibraahim Macalimuu

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip