
HORDHAC: Japan vs Senegal

Labada xul ayaa guulo gaaray kulamadii daah furka, Japan xili dambe ayay 2-1 kaga badisay Colombia. Halka Senegal iyaguna ay guul qurux badan ka gaareen dhigooda Poland.
Ogeysiiska cayaarta
Tartanka: Koobka Adduunka
Waqtiga: 06:00 pm Saacada Geeska Africa
Garsooraha: Referee: Gianluca Rocchi (Italy)
Garoonka: Central Stadium
Wararka Labada Koox
Laacibka qadka dhexe Japan Keisuke Honda ayaa waxaa soo gaartay dhibaato bowdada ah kadib markii uu badal kusoo galay kulankii guusha 2-1 ka gaareen Colombia, iyadoo la hubin doona xaladiisa.
Weeraryahanka Shinji Okazaki wuxuu ahaa mid shaki uu ku jiray kulankii furitaanka sababtoo ah wuxuu ka dhibtoonayay kubka laakiin wuxuu cayaaray shantii daqiiqo ee u dmabeysay dheesha, sidaa darteed dood ayaa ku jirta.
Yeelkeede, Okazaki ayaa la hubin inuu badalo booska Yuya Osako, kasoo si wacan uga cayaaray weerarka kaliya kulankii u dambeyay.
Senegal ayaa sido kale guuleysatay kulankii kowaad iyadoo laga yaabo in aysan badalin safkooda.
Weeraryahanka Stoke Mame Diouf ayaa kusoo bilaawday kulankii Poland laakiin ma uusan diiwan galin xitaa hal shuud, isagoona la badalay saacad kadib.
Hadii Senegal ay doortaan isbadal dhinaca weerarkaa, Moussa Konate iyo Moussa Sow ayaa noqonaya dhan xulasha.
Xaqiiqooyinka cayaartan
Senegal waa guuldaro la’aan seddax kulan oo ay la cayaartay Japan, dhamaantoodna waa kulama saaxiibtinimo.
Xulka Senegal ayaa adkaaday labadii kulan ee u dambeysay , waxayna ahaayeen kuwa shabaqa ilaashtay labada dheel oo ku dhamaaday 2-0 sanadkii 2001 iyo 1-0 2003.
Hadii ay guul gaarto Japan waxa ay noqon doontaa dalkii u horeysay ee qaarada Asian ee badiya labada kulan ee furitaanka koobka adduunka.
Halka jeer oo ay hore u sameyaan Japan waxay laba kulan xariir ah badisay koobkii adduunka ee 2002, kaaso ay si wada jira u marti galiyeen Japan iyo Korea.
Xiligaas waxay garaaceen Russia iyo Tunisia kulankoodii labaad iyo seddaxaad ee heerka Group-ka.
Senegal ayaa leh qiimeynta ugu wanaagsan ee dhanka guula koobka adduunka mar loo eego xulka kasta oo Africa waxay badiyeen seddax kamida lix kulan oo ay tartanka cayaareen guuldahoodana waa 50% boqolkiiba.
Kaliya labada dal ee Africa kuwaa oo badiyay labadooda kulan ee furitaanka koobka adduunka – Cameroon 1990 iyo Nigeria 1998.
Tani waa markii horeeysay oo ay Senegal wajaheeyso xulka qaarada Asia tartanka cayaaraha adduunka.
Shaxda macquulkaa ee Japan vs Senegal.
GoolFM.
HORDHAC: Japan vs Senegal
Japan iyo Senegal ayaa isaga hor imaan doona dheesha labaad Group H ee cayaaraha adduunka.