
Qaybtii labaad ee Wakiilada Golaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo la Dhaariyay
Munaasabadda dhaarinta 57-ka xildhibaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Wasiirro ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed, xildhibaannadii horay loo dhaariyay, madaxweynaha maamluka, Shariif Xasan SheekhAadan, wakiillo ka socda UNSOM, IGAD, AMISOM iyo qaybo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Baydhabo.
Hadal uu xafladda ka jeediyay madaxa xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo, Vikram Parekh ayaa ku ammaanay maamulka Koonfur-galbeed Somalia inay soo af-jareen howshii xulista xildhibaannada iyo sida ay u xaqiijiyeen in haweenku ay 20% ku yeeshaan kuraasta uu ka kooban yahay baarlmaankooda.
Baarlamaanka Koonfur-galbeed Somalia oo ka kooban 146 xubnood ayaa waxaa sugaysa howl adag oo ay ka mid tahay inay marka hore doortaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo isaguna khudbad ka jeediyay xafladda dhaarinta ahayd ayaa sheegay inay guul weyn u tahay inay soo dhameystiraan xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa, wuxuuna Xildhibaannada ku boorriyay inay si daacadnimo ah uga soo baxaan howlaha horyaalla.
Ugu
dambeyn, Hawsha xulista Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka
Koonfur-galbeed Somalia ayaa soo socotay muddo ku dhow afar bilood,
iyadoo odayaashii xildhibaannadan soo xulay ayaa la sheegay inay
wakiillada kusoo xuleen aqoontooda iyo kartida ay hawlaha baarlamaanka u
leeyihiin.
Qaybtii labaad ee Wakiilada Golaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo la Dhaariyay
Waxaa maanta lau dhaariyay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, dufcaddii labaad oo ah 57 xildhibaan oo Baarlamaanka maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ka mid noqonaya.