
Eng Saalax Shiikh Cismaan " Dhismaha Wasaaradda waxaa ku wadnaa si iskaa Wax u qabso ah"
"Dhaqaalaha ay noo keenaan Dowladaha caalamka, waxay ka soo uruurriyeen dadka sidiina oo kale marka maxaa naga hortaagan in aan dib u dhisano dhammaan Goobaha Danta guud si aan u gaarno Horumar Dhinac waliba leh ”.
"Haddii aan u shaqeyno si wadajir ah oo ay ku jirto ruux wadaniyadeed, ujeedka aan iskaa wax u qabso ugu dhiseyno Wsaaradda waa in aan ka maar anaa gacan shisheeye islamarkaa ay nagu deydaan Wasaaradaha kale si ay ugu dhiirradaan in ay dib u dhistaan goobahooda” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
Waxaa la arkayey Wasiirka oo Muruqmaalka dhisaya Wasaaraddiisa isagana dhankisa howsha ka wadey waxayna is waydaarsanayeen hal ku dhigii ahaa " Anna Dhagaxa adna Dhoobada ,dhisi weeyee kii ka dhuuntoow dhibka diidoow dhaxal kuma lihid" waxaana Wsiirka hareer taagnaa Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha kuwaa oo ku faraxsanaaa sida Wasiirka ay uga go’antahay Dhismaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
Wasiirka ayaa sidoo kale Shirkaas Jaraaid kaga hadley kulan uu Magaalada Qaahira kaga qayb galey Wasiirrada Howlaha Guud ee Waddammada Carabta isagoo sheegey in Shirkaas Soomaaliya looga ballan qaadey Dib u dhiska Dalka Soomaaliya ka dib markii la ogaadey in soomaaliya ay ka soo kabaneyso Dagaalladdii sokeeyey ee dalka soo marey.
Intii ay socotey Howsha Dhismaha Wasaaradda waxaa soo gaarey Masuul ka socdey Shirkad laga leeyahay Waddanka Turkiga wuxuuna halkaa ka ballan qaadey in Shirkadidisa ay dhiseyso ama Dayactireyso qaybo ka mid ah Wasaaradda taasoo uu si weyn u soo dhaweeyey Wasiirka isagoo mar kale ugu baaqey Ganacsatada iyo Shirkadaha kale in ay ka qayb qaataan dhameystirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wakaaladdii Hindisaha Soomaaliyeed.
wasiirka ayaa ah mid si weyn ugu hadlay horumarka dalka isagoo marar badan ka hadlayey xaflado sheegayana in dadka si isku duubni ah dalka wax looga qabto waana wasiirada fara ku tiriska ah ee howlaha dalka si weyn uga dhex muuqda waliba isagoo isku kalsoon oo howlihiisa dhabarka u xirto dalka kii wax tara taariikhdaa xusi doonta,
Eng Saalax Shiikh Cismaan " Dhismaha Wasaaradda waxaa ku wadnaa si iskaa Wax u qabso ah"
"Waa u jeedaan sida uu Dayactirka ugu socdo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wakaaladda Hindisha Soomaaliyeed,, Howshana waa mid iskaa wax u qabso ah" sidaa waxaa yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyeynta oo Shir Jaraa'id ku qabtey Wasaarad