Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka ku sii jeeda Jowhar
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa" iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu goor dhow gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah wasiiru-dowladaha maaliyadda mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Booqashada wafdigan ayaa waxa ay la xiriirtaa u gogol xaarida shirka maamul u sameynta labada gobo loo lagu wado in dhowaan uu ka furmo magaalada Jowhar.
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in uu ka socdo diyaargarow lagu soo dhoweynayo wafdiga uu horkacay wasiirka arrimaha gudaha iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu wasiirka arrimaha gudaha uu booqdo magaalada Jowhar.
Wafdigan ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan maamulka gobolka SH/dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sh/dhexe.