Puntland iyo Jubbaland oo looga digay inay dagaal ka huriyaan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

0
Monday December 28, 2015 - 09:46:54 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Jubbaland oo looga digay inay dagaal ka huriyaan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

    Maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa waxaa looga digay inay colaad ka abuuraan Degmooyinka Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya, xilli Puntland ay taageertay Maamul la magacbaxay Bakool Sare oo Degmada Ceelbarde looga dhawaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa waxaa looga digay inay colaad ka abuuraan Degmooyinka Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya, xilli Puntland ay taageertay Maamul la magacbaxay Bakool Sare oo Degmada Ceelbarde looga dhawaaqay. Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku eedeeyay Maamulada Jubbaland iyo Puntland inay dagaal ka abuurayaan Gobolka Bakool, ayna iska hor keenayaan Bulshada halkaasi degan.

Waxa uu sababta uga dhigay Maamulka Bakool Sare ku dhawaaqistiisa inay ka dambeeyaan oo gadaal ay ka riixayaan Puntland iyo Jubbaland, taasina ay muujinayso taageerada Puntland ay u fidisay maamulkaasi.

"Gobolka Bakool waxa uu ka kooban yahay Shan Degmo, Dadbaa doonayaa inay Gobolkaasi Dagaal ka abuuraan oo shacabka ay iska horkeenaan oo la kiciyo Bulshada, waxaana dadkaasi soo abaabulay Puntland iyo Jubbaland, sida Puntland hadaba ay u taageertay Maamul la sheegay Ceelbarde in looga dhawaaqay, waxaan ka digeynaa Dagaal sokeeye inuu ka dhaco Gobolka Bakool oo la mid ah kii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo kale.” Ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Xildhibaanka ayaa ka codsaday Beesha caalamka inay gacanta ku qabato Shaqsiyaad Xildhibaano iyo Siyaasiyiin isugu jira oo carqalad Siyaasadeed ka wada Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya.

Ujeedada ka dambeysay Carqalada Siyaasadeed ee Bakool ayuu sheegay inay tahay Hiigsiga 2016 inaysan ka qaybgalin Madaxda Koonfur Galbeed oo lagu furo Arbushaad iyo Dagaal, maadaama sida Xildhibaanka uu yiri qof dagaal ku furan yahay uusan shir ka qaybgali karin.

Maamulka Bakool Sare ayaa Jimcihii looga dhawaaqay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakoo, kadib Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Degmadaasi ka soo jeeda oo halkaasi muddo ku shiraayay.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip