Hordhac: Arsenal v Bournemouth – Gunners Miyay Ka Soo Kabsan Kartaa Jugtii Boxing Day Ka Soo Gaartay Southampton Caawa?

0
Monday December 28, 2015 - 09:31:51 in Sports News by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v Bournemouth – Gunners Miyay Ka Soo Kabsan Kartaa Jugtii Boxing Day Ka Soo Gaartay Southampton Caawa?

    Kulanka: Arsenal v Bournemouth Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika Guuldaradii weyneyd ee Arsenal ka soo gaartay Southampton ayaa mar kale banaanka soo dhigtay sida ay uga liitaan dhanka daafaca waxaana ay hoos u dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Arsenal v Bournemouth Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika Guuldaradii weyneyd ee Arsenal ka soo gaartay Southampton ayaa mar kale banaanka soo dhigtay sida ay uga liitaan dhanka daafaca waxaana ay hoos u dhigi kartaa hamigooda horyaalka haddii ay qaladaadkaas oo kale ku celiyaan mar kale.

Gunners ayaa kubada heysatay boqolkiiba 64.8. Waxa ay xitaa abuureen fursado. Laakiin Long ayaa tusay sida la isaga dhexmaro daafacooda iyagoo kooxda Southampton ay duleysatay khadka dhexe ee Arsene Wenger.

Bournemouth casharo ayay ka baratay laakiin waa ay inay ka tagaan qaab ciyaareedkooda u gooniga ah si ay u minguuriyaan taatikadii ay Southampton ku wajahday Arsenal/

Kooxda Gunners ayaa ku qasban inay lix dhibcood ka hesho kulanka caawa iyo kulanka sabtida ee Newcastle. Bournemouth iyadana waxa ay faa’ido u arki kartaa dhibic ay hesho caawa.

MAXAA KA CUSUB?

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa isbedel ku sameyn kara shaxda kooxdiisa ka dib guuldaradii xanuunka laheyd ee ka soo gaartay kooxda Southampton.

Xiddigihii bedelka ku soo galay Alex Oxlade-Chamberlain, Calum Chambers iyo Alex Iwobi ayaa dhamaantood soo jiitay Wenger kulankaas.

Tababaraha kooxda Bournemouth Eddie Howe ayaa go’aan xilli danbe ah ka gaari doono haddii uu ciyaarsiinayo Harry Arter kaasoo waqtigii nasashada la bedelay kulankii Boxing Day madaama uu dhabarka ka xanuunsanayay.

Lee Tomlin ayaa dhaawac gumaarka ah ka soo laaban kara laakiin Josh King ayaa isna weli dhaawac ku maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal:Cech, Bellerin, Gabriel, Koscielny, Gibbs, Chambers, Flamini, Oxlade-Chamberlain, Ramsey, Walcott, Giroud

Bournemouth:Boruc, Smith, Francis, Cook, Daniels, Surman, Ritchie, Gosling, O’Kane, Tomlin, Murray

MA OGTAHAY?

  • Kulankoodii kale ee ay abid ciyaareen labada kooxood waa kulan ka tirsanaa League Cup oo dhacay sannadii 1987dii markaasoo ay Arsenal 3-0 ku badisay iyadoo la joogay gurigii hore ee Arsenal ee Highbury.
  • Bournemouth ayaa noqon doonta kooxdii 80aad ee ay Arsenal ku wajahdo horyaalka Ingariiska abid.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip