Dhinaciisa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in Heshiiska ay wada Saxiixdeen Somaliya iyo Ethiopia uu Muhiimad weyn ugu fadhiyo Dadka Soomaaliyeed marka loo eego qodobada qaar oo sheegaya in la ilaaliyo midnimada iyo Madax banaanida umadda Soomaaliyeed iyo qodobka kale ee ku aadan la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada kuwaas oo ah qodobo ay aad ugu baahan tahay Somalia.



Sidoo kale Salaad Cali Jeelle oo soo hadal qaaday dadka duraya heshiiska ay wada Saxiixdeen Somalia iyo Ethiopia ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taageera Argagixisada kuna hor gudban la dagaalankooda sidaas daraadeed ay lagama maarmaan tahay in iyagana lagu daro sida uu hadalka u dhigay.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii dowladaha Somalia iyo Ethiopia ay hehiis kala saxiixdeed, kadib markii uu booqasho ku yimid M/ Muqdisho R/wasaare Abiy Axmed.