Hordhaca: Man United v Chelsea – Kooxdee Ayaa Caawa Ka Soo Bixi Doonta Godkii Ay Ku Dhacday Xilli Ciyaareedkan?

0
Monday December 28, 2015 - 09:29:38 in Sports News by
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Man United v Chelsea – Kooxdee Ayaa Caawa Ka Soo Bixi Doonta Godkii Ay Ku Dhacday Xilli Ciyaareedkan?

    Kulanka: Man United vChelsea Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika Inta badan sannadaha kale kulankaan waxa uu noqon lahaa kulanka ugu weyn ee sannadka lagu soo xirayo, laakiin inkastoo uu weli yahay kulan ay qasab tahay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man United vChelsea Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika Inta badan sannadaha kale kulankaan waxa uu noqon lahaa kulanka ugu weyn ee sannadka lagu soo xirayo, laakiin inkastoo uu weli yahay kulan ay qasab tahay in la daawado hadana tartanka ma ahan mid sarre ee waa kooxdii ka soo bixi laheyd godka mugdiga ah ee ay ku dhacday xilli ciyaareedkan.

Ka dib kulankiisii ugu horeysay ee uu markii uu Chelsea ku soo laabtay Guus Hiddink ayaa rajeynaya inay kooxdiisa soo bandhigto hami la mid ah kii ay kala hortageen Watford kulanka caawa ee Old Trafford.

Louis van Gaal ayaa isna wajahaya kulankiisii ugu danbeysay ee uu ku badbaadsan lahaa shaqadiisa, haddii ay guuldarro soo gaarto waxaa durbaba xafiiska Man United ka soo bixi karta warqadii lagu ceyrin lahaa haddiiba uusan isaga isku casilin shirkiisa jaraa’id.

MAXAA KA CUSUB?

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa dib loogu soo yeeri karaa shaxda kooxda ka dib markii uu kaliya bedel ku soo galay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Stoke City.

Xiddiga khadka dhexe Bastian Schweinsteiger ayaa ka soo laabanaya ganaax, halka daafaca Matteo Darmian uu diyaar noqon karo ka dib dhaawac muruqa ah uu qabay.

Chelsea waxaa ka maqnaan doona weeraryahankooda Diego Costa kaasoo ganaax ku seegaya kulanka caawa ka dib markii ay buuxsantay shan jaale xilli ciyaareedkan.

Eden hazard ayaa ku soo laaban kara shaxda kooxda ka dib markii uu kursiga keydka ku soo bilowday kulankii ay sabtidii barbaraha la galeen kooxda Watford.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester United:De Gea, Young, Jones, Smalling, Blind, Carrick, Herrera, Mata, Fellaini, Martial, Rooney.

Chelsea:Courtois, Ivanovic, Cahill, Terry, Matic, Mikel, Pedro, Willian, Hazard, Remy.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaan laga badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka iyo koobabka maxaliga ee ay la ciyaareen Manchester United iyagoo badiyay shan ka mid ah.
  • Kooxda Blues ayaa lix kulan oo Premier League ah ku badisay Old Trafford, waana kooxda ugu badan ee guusha ku gaartay Old Trafford tan iyo intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League.
  • Shan ciyaaryahan ayaa kaarka cas loo taagay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee labadaan kooxood.

SAADAASHAADA CIYAARTA:

Saadalin Ka Bixi Kooxda Guulaysan Doonta Man United Vs Chelsa.
VoteView ResultsPolldaddy.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip