HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-ka 2018-KA

0
Tuesday June 19, 2018 - 10:07:57 in Wararka by
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-ka 2018-KA

    XUSEEN CAYDIID 10 SANO KA HOR: "ANAGA IYO ITOOBIYA WALAALO AAN NAHAY HAL BAASABOOR…" "Inaga iyo Itoobiya Walaalo ayaan nahay hal Baasaboor ayaana yeelaneynaa,sidoo kale hal ciidan ayaan yeelanaynaa, xuduuda inaga dhaxeysana w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XUSEEN CAYDIID 10 SANO KA HOR: "ANAGA IYO ITOOBIYA WALAALO AAN NAHAY HAL BAASABOOR…" "Inaga iyo Itoobiya Walaalo ayaan nahay hal Baasaboor ayaana yeelaneynaa,sidoo kale hal ciidan ayaan yeelanaynaa, xuduuda inaga dhaxeysana waan baabi'naynaa"

Sidaas waxaa yiri mudo haatan toban sano ka badan laga joogo Xuseen Ceydiid oo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha gudaha soo noqday sidoo kalena ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku hadlayay afka Amxaariga ayaa isaguna sidan yiri:

"Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”

Haddaba Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo midka uu horey u sheegay Xuseen Ceydiid waxaa ka muuqata in qorshe mudo dheer laga shaqeynayey uu jiro oo Soomaaliya lagu darayo Itoobiya waana arin halisteedu ay aad u culus tahay shacbiga soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay aad ugu baraarugaan kana hor tagaan arintan.

Jawaabta Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya arintan uu ka bixiyey kuma filna ummaddu, sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya shacbigiisa ula hadlay waa in Madaxweyne Farmaajo uu isaguna shacbiga soomaaliyeed soo hor istaagaa oo uu si faah faahsan uga hadlaa arintan xasaasiga ah. Oo aan bartiisa fc an ka soo qatay wariye ruk cadaa ah Cabdulaahi Nuur kolombo Dabacadii bashiir jiidaal baroow

 

DR. AXMED CALI DAAHIR  OO MAKAMADDA HAGUE U GUDBISAY JAWAABTA GALDACWADEEDKA MURANKA BADDA

            Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan gudaha Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, ayaa gudbiyay jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

            Axmed Cali Daahir iyo qareenada la socda oo ay ka mid yihiin Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi ayaa la filayaa inay la hadlaan Warbaahinta, si ay faahfaahin uga bixiyaan Jawaabta Gal dacwadeedka ay gudbiyeen.

            Galka Dacwadeedkan ayaa waxaa lagu balansanaa in Ergadan mataleysa Soomaaliya ay Maxkamadda ku wareejiyaan shalay oo ay ku beegantahay Taariikhda 18/06/2018 saacadu Bariga Afrika markey aheyd 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.

            Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo dhawaan Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn Wada xaajood Dacwada Badda oo ay la gasho Kenya, wuxuuna xusay Wadada kaliya ee Murankan lagu xalin karo inay tahay go’aanka ay soo saarto Maxkamada Hague

WASAARADDA ARIMAHA DIBADDA NORWAY OO KU SOO DHAWEYSAY MAGAALADDA OSLO  RAISULWASAARE XASAN KHAYRE  .

            Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway.

            Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway.

            Shirkaan oo qorshuhu yahay in uu socdo 1920 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

            Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

            Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

            Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.

DIYAARADO DAGAAL OO DAD KA QABSATAY DEEGAANADA AWDHEEGLE IYO BARIIRE

            Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo saacadihii la soo dhaafay dad ka qafaashay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

            Wararka laga helayo Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in habeen hore diyaarado aan heybtooda la garaneyn ay ku dagteen tuulooyin hoos yimaada deegaanada Awdheegle iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolkaasi.

            Waxaana la sheegay in halkaasi ay ka qafaasheen illaa 7 ruux oo Rag ah, halka 2 qof kalena ay dileen, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

            Meelaha diyaaraduhu ay ku dagteen aya waxaa ka mid ah tuulada Shangare oo hoos timaada deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

            Waxaana gacanta ku haya deegaanadaasi Xarakada Al Shabaab, inkasto illaa iyo hadda wax war ah aysan ka soo saarin arrintaasi.

            Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya K/ Soomaaliya oo weli ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab.

MUWAADINIIN AY SOOMAALI KU JIRTO OO XABSIGA  TANZANIA LA DHIGAY

            Ciidamada Booliska dalka Tanzania ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeyn dhalinyaro qaab aan sharci aheyn ku soo galay dalkaasi isla markaana baaritaan xoogan uu ku socdo dadkaasi.

            Laamaha amniga dalkaasi ayaa Dadkan lagu eedeeyay sida sharci darada ah iney ku galeen Tanzania ayaa waxaa tiro ahaan lagu sheegay 6 ruux kuwaa oo kasoo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaa oo haatan ciidamada amaanka dalkaasi ay sheegeyn in ay gacanta kuhayaan.

            Dhanka kale liiska magacyada raggan lagu eedeeyay falkan aya magacyadooda lagu kala sheegay   Abraham Adoise (24), Abete Eramo (23), Beyene Abute (25)  Abshir Aboulah (17), Mahad Ahmad (14) iyo sidoo kale  Ahamed Mohamed (26) sano jir ah .

            Taliyaha ciidamada Booliska dalkaasi Jonathan Shanna oo shir jiraa’id qabtay ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in lixdaasi qofood lagu qabtay magalada Msalabani ee dagmada Bagamoyo ee Tanzania.

            Taliyaha oo sii hadlayay aya carabaabay in uu aad ugu mahad celinayo ciidamada amaanka ee dalkaasi ee gacanta kusoo dhigay raggan documentiyada been abuurka ah kusoo galay dalkaasi isla markaana su’aalo laga weydin doono sababta rasmiga ah ee ka dambeesa arintan.

            Guud ahaan waxaa bishii Ramadaan ee aynu ka soo gudubnay aad loo adkeyay amniga iyo dhanka soo galootiga dalkaasi kadib markii saraakiisha amaanka dalkaasi ay digniino kala duwan udireen ciidamada amaanka guud ahaan Tanzania in si wanagsan loo’ilaaliyo amniga guud ee dalkaasi

R/W KHEYRRE OO NORWAY KALA HESHIIYAY SIDII DUGSIYADA QUR’AANKA LOO XAKAMEYN LAHAA!!

            Inkastoo warbaahinta afka Soomaaliga wax ku qora aanay hadal heyn, haddana kulankii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo dhiggiisa Norway Erna Solberg wuxuu ahaa mid dhinacyo badan tabanaya.

            Warbaahinta Norway Today oo kamid ah warbaahinnada loogu aaminidda badan yahay gudaha dalkaas ayaa qortay in qorshayaasha ay kawada hadleen labada dhinac ay ku jirtay sidii dugsiyada Qur;aanka loo hubin lahaa islamarkaana loo xakameyn lahaa.

            "Wax badan kama ogin, diyaar uma ahin in caruurteenna lagu burburiyo dalka ay mustaqbal ahaanta u leeyihiin, sidaa darteeda waan baaari doonnaa oo aan hubin doonnaaa” ayuu Kheyrre u sheegay Erna January sannadkan markii lagu sugnaa Davos.

            Solberg ayaa ku andacootay in caruurta SOomaalida loo baahan yahay in laga ilaalliyo xagjirnimada maaddaama ay yihiin kuwa u baahan ku noolaashaha nolol istaraaxo ah.

            Kheyrre ayaa ahaa muwaaddin iyo qaxooti ku nool Norway tan iyo sannadkii 1989kii, markaas oo uu ka cararray Soomaaliya ka dib burburkii ay lugaha la galeysay xilligaas.

NIN KA TIRSANAA DARIIQADDA SUUFIYADDA OO LAGU DALDALAY DALKA IIRAAN…

            Ninkaasi oo la oran jirey Maxamed Salas ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee shalay la daldalay, sida lagu xaqiijiyey Websaytka Garsoorka dalkaasi.

            Eedeysanaha oo 51jir ahaa waxa uu horey u sheegay inuu si kama’ ah gaariga ku jiirsiiyey Askartaasi, xilli uu ka cararayey Dibadbaxyo rabshado watay oo u dhexeeyey Boliska iyo Taageerayaasha Hoggaamiyaha ka soo jeeda dadka haysta Dariiqadda Suufiyadda ee dalkaasi, Nuuraali Tabandeh.

            Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty ee Xuquuqda Aadanaha waxay shalay soo saartay qoraal ay ku muujisay inay ka naxeen, kana tiiraanyeysan yihiin dilka Marxuumkaasi.

            Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay ka walaacsan yihiin xukunkiisa oo aan si Xaq ah ku dhicin.

            Dadka ku nool Iiraan waxay badankooda yihiin Shiico,kuwaasi oo ay ku dhex nool yihiin  dadka Sunniyiinta, gaar ahaan kuwa Dariiqadda Suufiyadda.

DALKA MACEDONIA OO MAGACA LAGA BEDDELAYO

            Dowladda Macedonia ayaa ku dhawaaqday in uu socdo qorshe ku aadan in Magaca dalkaasi laga badello oo loo bixiyo magac kale.

            Wasiirada arrimaha dibedda dalalka Greece iyo Macedonia ayaa saxiixday heshiis taariikhi oo horudhac ah oo ku saabsan in magac laga beddelo dalka Macedonia.

            Nikos Kotzias oo ka socda Greece iyo Nikola Dimitrov oo ka socda Macedonia ayaa heshiiska waxay axaddii ku saxiixdeen degmada Prespa Lake ee xuduudda labada dal kala qeybisa.

            Ra’iisul wasaaraha Greece Alexi Tsipras iyo dhiggiisa Macedonia Zoran Zaev, ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska oo magaca Macedonia ku beddelaya magac cusub ee Jamhuuriyadda Waqooyiga Macedonia.

            Macedonia ayaa ogolaatay inay magac iska beddesho, si Greece ay u qaaddo xayiraadda ay dalkaas ka saartay ka mid noqoshada ururada NATO iyo Midowga Yurub.

            Sharcidejiyayaasha labada waddan ayey qasab tahay inay heshiiska taageeraan, taasi oo qaadan karta bilo.

            Labada dal ayaa arrintan ku muransanaa tan iyo markii ay Macedonia xorriyadda qaadatay 1991kii.

            Dad badan oo Greek ah ayaa rumeysan in isticmaalka magacaas uu aflagaado ku yahay tariikhda dalkaas, ayna la macno tahay qeyb ka mid ah dhulka Greece oo la sheegtay.

KHASAARE BADAN OO KA DHASHAY DHULGARIIRKII KU DHUFTAY JAPAN

            Dhul gariir xooggan oo ku dhuftay magaalada labaad ee ugu wayn dalka Japan ee Osaka, ayaa waxaa ay korantida kaga go’day tobonnaan kun guri.

            Waxaa sidoo kale dhul gariirkan ku dhintay saddex qof oo ay ku jirto gabar yar oo 9 jir ah iyo nin 80 jir ah.

            Dhul gariirkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof.

            Dhul gariirkaan oo cabirkiisu ahaa 6.1 cabirka dhul gariirada lagu qiyaaso ayaa dhacay xilli ay dadka shaqooyiinka u kalahayeen.

            Tobannaan qof ayaa ku xannibmay goobaha tareenada laga raaco.

            Waxaa jira warar sheegaya in dhul gariirkan uu waxyeelo gaarsiiyay dhismooyiin iyo dhuumaha qaada biyaha.

            Dhul gariirada ayaa ah kuwa ku badan dalka Japan.

            Xukuumadda Japan ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay xoojisay xeerarka la xiriira dhulgariirada.

FALASTIINIYIINTA OO U ADEEGSADAY AABITEEY LAGU XIRAY QARAXYO IYO YUHUUDDA OO ....

            Waaberigii hore ee shalayyto waxay Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen 9 bartilmaameed oo ay Dagaalamayaasha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga Marinka Qasa.

            Hadalqoraal oo ka soo baxay Askarta Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay Duqeyntaasi jawaab u ahayd weerar ay XAMAAS ka geysteen Koonfurta Yuhuudda.

            XAMAAS waxay adeegsadeen Abiteey (kites to carry petrol bomb) iyo Baloono lagu xiray waxyaabaha qarxa iyo ololka dhaliya, kuwaasi oo aragagax ku abuuray dadka deggan Koonfurta Yuhuudda.

            Wasiiro Yuhuudi ah ayaa ku baaqay in laga hortago xeelladda cusub ee a yXAMAAS adeegsadeenm halka Jeneral kale sheegay inay diyaarinayaan Drones beegsan kara Abiteydadusha ee ay XAMAAS qaraxa ku soo xiraan.

            Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay,  waxay Askarta Yuhuudda dileen ugu yaraan 125 Falastiiniyiin aan hubeysnayn, kuwaasi oo si joogto ah dibadbaxyo uga dhiga Deegaanadda Marinak Qasa ee u dhow Xuduudka Yuhuudda.

            Dibadbaxayaasha waxay doonayaan inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda oo ay Yuhuudda xoogga uga soo barakiciyeen sannadkii 1948kii oo haatan laga joogo 70sanno.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO KULAN DEG DEG AH LA LEH SARAAKIIL CIIDAN

            Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwa Amisom iyo kuwa Jubbaland.

            Kulankan oo hada ka socda Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaasi.

            Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa Dhacdo.com u sheegay in kulanka uu yahay mid xasaasi ah oo diirada lagu saarayo arrimaha ammaanka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Mintidiinta ururka Alshabaab.

            Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu saraakiisha ku amray in ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaab si looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

            Dhawaanahan ayaa qaar ka tirsan deegaanada Jubbaland waxaa ka socday hawlgallo Shabaab lagula dagaalamayo, kuwaasi oo ujeedkooda uu yahay sidii loogala wareegi lahaa goobaha ay maamulaan.

KENYA OO SHAACISAY TIRADA ASKARTA LOOGA DILAY QARAX KA DHACAY WAJEER

            Dowladda Kenya ayaa waxay shaacisay tirada askartii uga dhimatay weerar qarax ah oo daraad gelinkii dambe ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka NFD.

            Charles Owino oo ah afhayeenka Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dhinteen qarraxaasi 8 askari oo ay saraakiil ku jiraan.

            Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamadan iyaga oo wada hawlgallo amni sugid ah miino lala eegtay gaarigii ay saarnaayeen.

            "Argagaxisada ayaa qarax la eegtay ciidan Boolis ah, waxay dileen Sideed askari oo saarnaa gaari Roondo sameynayey, waxaan ku dedaaleynaa sidaan uga hortagi lahayn weerarada sidaan oo kale ah” ayuu yiri Afhayeenka.

            Dhanka kale, Afhayeen Owino ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga deegaannada NDF, ulana dagaallami lahaayeen Alshabaab.

            Xoogaga Shabaab ayaa qaraxyada Miinooyinka ee jidka la galiyo waxa ay u dhigaan askarta Kenyanka ah ee hawlgalada ka sameeya Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

SADDEXDII DHALINYARADA EE HABEEN HORE MUQDISHO LAGU DILAY OO LA AASAY

            Allaha u naxariistee waxaa shalay Magaalada Muqdisho lagu aasay saddexdii wiil ee isla dhalatay ee habeen hore lagu dilay Muqdisho.

            Saddexda marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Jeyte, Cabdullahi Jeyte, Xuseen Jeyte.

 

 

 

            Saddexdaan wiil oo isku aabe iyo isku hooyo ah ayaa waxaa habeen hore dilay wiil askari oo ay ilmo adeero ahaayeen.

            Dilka saddexdaan wiil ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Kaaraan waaxda Jamhuuriya, gaar ahaan Xaafadda Al cadaalla.

            Gacan ku dhiiglihii dilay dhalinyaradan ayaanan illaa hadda gacanta lagu soo dhigin sida qaar ka mid ah ehelada ay xaqiijiyeen.

            Dilka loo gaystay saddexdaan dhalinyarada ah ayaa wuxuu salka ku haayo arrimo ku aadan muran dhuleed.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO DIYAARISAY SHARCIYO LAGU MAAREEYO KHAYRAADKA BATROOLKA IYO MACDANTA DALKA

            Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay sharciyo lagu maareeyo khayraadka batroolka iyo macdanta dalka, gaar ahaan marka loo eego lahaanshaha iyo wadaaga dakhliga.

            Heshiiska waxaa sameeyey dowladda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka ee Golaha Amniga Qaranka waxayna fududeeyeen oo ay gacan ka geysteen Baanka Adduunka iyo Golaha Iskaashiga Goboleedka.

            Heshiiska, oo lagu dhisay caasimadda kumeelgaarka ah ee Baydhabo 5tii Juun, ayaa soo gabagabeynaysa hannaan saddex sano ah oo uu hogaaminayo wasaaradda si loo abuuro qaab lagu horumariyo warshadaha shidaalka, waxaana u oggolaanayaa wasaaradda in ay soo saarto ruqsadaha iyo maamulidda batroolka iyo hawlaha macdanta ee Soomaaliya.

            Guddiga Iskaashiga DowladGoboleedka, Guddi farsamo oo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Dowladda Federaalka ayaa hoggaaminayey geeddisocodka wadatashiga baahsan oo dhan iyo dhammaan dhinacyada waxsoosaarka leh.

            Madaxweynaha Soomaaliya, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha H.E. Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sugay heshiis siyaasadeed oo heer sare ah oo ku saabsan mabaadi’da hagaya maareynta qaybaha.

            "Dhammaystirka heshiiskan waxa uu tilmaamayaa cutub cusub oo ku saabsan horumarka iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri H.E. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.

            "Wasaaraddu waxay si wada jir ah ula shaqeyn doontaa wadamada xubnaha ka ah federaalka si dhaqso ah u hirgeliyaan dhammaan sharciyada iyo siyaasadaha, kormeerka iyo kormeerka dhammaan liisamada la soo saaray ka hor heshiiskan.”

xidasho: Africa Business

INKABADAN 50 RUUX OO KA MID AHAA SHAQAALIHII MADAXTOOYADA OO SHAQADA LAGA ERYAY

            Inkabadan konton ruux oo isugu jira rag iyo dumar kana mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar qura laga eryay kadib sanado badan oo ay ka shaqeenayeen qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada.

            Shaqaalahan laga eryay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeynayay qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada sida Nadaafada, Cunto kariyaal iyo qeybo kale oo kamid ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

            Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in  shaqaalaha laga eryay Madaxtooyada Soomaaliya ay hore ugu soo shaqeeyeen xiliyo adag.

            Shaqaalaha laga eryay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu lagu armay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya in ay u wareejiso Wasaarado iyo Hay’adaha kale ee dowlada Soomaaliya.

            Qoraal kasoo baxay Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu amray in shaqaalaha laga eryay xarunta Madxatooyada si deg deg ah kusoo celiyaan kaararka aqoonsiga Madaxtooyada hadii kale laga qaado doono talaabo sharciga Waafaqsan.

SHIRKADDA TWITTER OO AQOONSATAY SHARCI AHAANSHAHA CINWAANKA NUSOJ EE @ NUSOJ_SOMALIA

            Twitterka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ @ NUSOJ_Somalia ayaa dib loo soo celiyey, sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha NUSOJ, Maahir Jaamac.

            Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ ayaa lagu shaaciyey inay ku guuldeysteen inay dib u soo celiyaan Twitterkooda Sharciga ee loo aqoonsan yahay ee  @ NUSOJ_Somalia

            Twitterkaasi ayaa horey loo hakiyey (suspended), kadib, markii la isku dayey in lala wareego.

            Shirkadda Twitterka waxay cinwaanka @ NUSOJ_Somalia u aqoonsatay Ururka NUSOJ, isla markaana waxay gaashaanka ku dhufteen sheegasho la been abuurtay.

            Hakadka horey loo geliyey cinwaanka Twitterka ee NUSOJ ayaa timid, kadib, markii ay Qareeno ku sugan Europe oo la marin habaabiyey ay buuxiyeen Kiis ka dhan Ururka Suxufiyiinta Qraanka Somalia ee NUSOJ.

            Warsaxaafadeedka NUSOJ ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay shaaciyaan in dib loo soo celiyey Twitterka NUSOJ, iyadoo Shirkadda Twitterka ogaadeen sheegashaddii Omar Faaruuq Cismaan inay tahay mid aan asaas lahayn oo aan sal lahayn.

            Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka NUSOJ, Maahir Jaamac waxa uu daraad oo Axad ahayd sheegay in Cinwaanka NUSOJ haatan shaqeynayo, isla markaana ay dadka ka heli doonaan wararka ugu dambeeyey ee Xaalladaha Suxufiyiinta Soomaalida.

            Sidoo kale, Shirkadda Twitter waxay horey u hakiyeen Cinwaanka Khaaska ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu (@MOALIMUU), balse dib ayaa loo furay, kdaib, markii ay Shirkadad Twitterka yaqiinsadeen  runta, kana daba tageen Sheegashadda been abuurka ee uu isku soo duway Cumar Faaruuq oo sheegta xilka Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ oo horey cod looga qaaday Xafiiska bishii March ee sannadkii 2011kii.

MARADII GADUUDNEYD MA LA TABEY MISE WAA LA HILMAAMAY?

            Boqor Thabit, kabtanka G/Banaadir, Ra’iisul Wasaaraha soo socda, siyaasiga Soomaaliya, xiddiga Xamar, miskiin u kaalmeeyaha Muqdisho iyo ereyo kale oo amaan u badan ayay huwan jireen taageerayaashiisa, waa la koolkoolin jirey, sacab iyo sawaxan ayaa lagu soo dhaweyn jirey marka muuqiisa la arko, farxad, jaceyl iyo kalsooni ayaa loo muujin jirey.

            Wax ka yar Hal sanno ayuu hogaaminayay maamulka G/Banaadir hase yeeshee taariikh wanaag u badan ayuu ka tagey, shaqooyin lagu amaani karo ayuu qabtay intii uu xafiiska joogay, isbadalo maamul ayuu ku dhiiradey, dhismayaal ayuu ka taabagaliyay Muqdisho, waddooyin ayuu dhisay, hiil ayuu u noqday haweenka waxaana uu ku taxay xillal badan, magac iyo mamauus balaaran ayuu ku kasbadey sidii uu ugu damqaday dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay Masiibadii Isgoyska Zope.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip