Nin askari ahaa oo laba qof ku dilay Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe

0
Monday December 28, 2015 - 07:21:55 in Wararka by
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin askari ahaa oo laba qof ku dilay Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe

    Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah Ciidamada Hay'adda Nabad Suggida uu Degmadaasi ku dilay laba qof oo shacab ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah Ciidamada Hay'adda Nabad Suggida uu Degmadaasi ku dilay laba qof oo shacab ahaa. Askarigan, ayaa labadaasi qof ku dilay boosteejada laga raaco gawaarida aadda Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe Ee Magaalada Jowhar. Dilka ayaa ka dambeeyay markii askarigaasi ay wada murmayn nin dhalinyaro ahaa.

Wararka waxay intaa ku darayaan in askarigu uu rasaas ku furay ninkaasi, taa oo dhalisay geerida ninkaasi dhalinyarada iyo nin kaloo oday ahaa, oo ka ag-dhawaa halkaasi.

Balcad

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Maamulka Degmada Balcad, C/laahi Maxamed Xasan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in askarigaasi uu 5-tii galabnimo ee shalay uu labadaasi qof ku dilay Degmadaasi.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladdu ay gacanta ku soo dhigeen dembiilaha, isla-markaana uu ku xiran yahay xabsi ku yaala Degmada Balcad.

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa qaarkood la tilmaamaa inaanay lahayn anshaxa ciidanimo, isla-markaana ay si khalafsan ula dhaqmaan shacabka ay u dhaarteen inay cadowga ka difaaci doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip