
Shabaab oo caawa dagaal culus ku qaaday Degmada Qoryooley, lana wareegay Xaruntii Maamulka Degmada
Wararka laga helaayo Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ay caawa dagaal xoogan ku soo qaadeen Degmadaasi. Xoogaga Al Shabaab, ayaa waxay dagaal la galeen Ciidamada Dowladda
Somaliya, iyagoona ka soo gudbay dhammaan fariisimihii Ciidamada
Dowladdu, ay ka difaacayeen Degmadaasi.
Wararka waxay intaa ku darayaan in Shabaabku ay la wareegeen qaybo ka mid ah Degmada. Meelaha ay qabsadeen waxaa laga xusi karaa Xaruntii Maamulka Degmada Qoryooley.
Ciidamada Midowga Afrika oo goor dhow dagaalka ku soo biiray, ayaa waxay xilligan la dagaalamayaan mintidiinta Al Shabaab, si ay dib kaga riixaan Bartamaha Degmadaasi.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in dagaalka uu cuslaaday, ka dib markii ay ku soo biireen Xoogaga Nabad Ilaalinta Amisom.
Maxamed Xuseen Maxamed (Shiine), Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa uu sheegay in Shabaabku ay weerar gaadmo leh ku soo qaadeen Degmadaasi, balse ay khasaaro buuran ugu gaysteen.
Shabaab oo caawa dagaal culus ku qaaday Degmada Qoryooley, lana wareegay Xaruntii Maamulka Degmada
Wararka laga helaayo Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ay caawa dagaal xoogan ku soo qaadeen Degmadaasi.