Hordhaca: Southampton Vs Arsenal: Gunners Oo Hogaanka Premier Leaque-ga U Dagaalamaysa Iyo Wiilasha Wenger Oo Xusuusan Guuldaradii Xili Ciyaareedkii Hore Ku Soo Gaadhay St. Mary's Stadium

0
Saturday December 26, 2015 - 15:02:53 in Sports News by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Southampton Vs Arsenal: Gunners Oo Hogaanka Premier Leaque-ga U Dagaalamaysa Iyo Wiilasha Wenger Oo Xusuusan Guuldaradii Xili Ciyaareedkii Hore Ku Soo Gaadhay St. Mary's Stadium

    Kulanka: Southampton Vs Arsenal Garoonka:St. Mary's Stadium Waqtiga:10:45 habeenimo ee saacada geeska Afrika Garsooraha:J. Moss

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Southampton Vs Arsenal Garoonka:St. Mary's Stadium Waqtiga:10:45 habeenimo ee saacada geeska Afrika Garsooraha:J. Moss

Arsenal ayaa u safri doonta kooxdaSouthampton oo kulankii xili ciyaareedkii hore ay garoonkeeda ku soo ciyaartay kala soo kulabtay guuldaro 2:0 ahayd, laakiin Gunners ayaaSt. Mary’s Stadium buuqan doonta iyada oo kalsooni buuxda qabta isla markaana guul muhiim ah kulankii ugu danbeeyay ka soo gaadhay Manchester City.

Arsenal ayaa rajo ka qabta in ay maalinta boxing day-ga ay guul soo gaadho iyada oo doonaysa in ay ugu yaraan kaalinta labaad sii haysato, waxayna sidoo kale fiirsan doontaa kulanka Anfield ee ay Leicester City la ciyaari doonto Liverpool. Guul ay gaadho Arsenal iyo guuldaro soo gaadhay Leiecester City ayaa keen karta in Gunners ay la wareegto hogaanka Premier Leaque-ga.

Ayaa Maqnaan doona, Ayaa Soo Laaban kara, ayuuse Shaki uu Ku jiraa?

Goolhayaha Southampton eeMaarten Stekelenburg ayaa waqtiga la tartamaya wuxuuna dagaal ugu jiraa in uu ka soo kabsado dhaawac suulka ah oo uu ku seegay kulankii ay Saints guuldarada kala kulantay Tottenham, laakiin tababareRonald Koeman ayaa rajo ka qaba in goolhayaha Fullham amaahda kaga soo maqani uu taam u noqon doono kulan Arsenal. Wax kale oo walwal dhaawac ahi ma haystoRonald Koeman.

Liiska Ciyaartoyda Southampton ee kulanka Arsenal:Provisional squad: Gazzaniga, K Davis, Stekelenburg, Soares, Caulker, Van Dijk, Bertrand, Clasie, Wanyama, Tadic, Mane, S Davis, Pelle, Yoshida, Long, Romeu, Martina, Ward-Prowse, Juanmi, Fonte.

Dhinaca kale Arsenal ayaan awoodin in ay dib usoo dhawayso xidigaha dhaawacyada kaga maqan, laakiin Arsene Wenger ayaa haysta kooxdii uu isniintii ku garaacay Manchester City.Alexis Sanchez ayuu dib udhac ku yimid ka soo kabsashadiisii dhaawacii uu la maqnaan waxaana la filayaa in uu seegi doono kulamada waqtiga ciid gaaleeda

.Sanchez

Waxa kale oo Arsenal ka sii maqnaan doona xidigaha waqtiga dheer maqnaa ee Jack Wilshere ,Mikel Arteta ,Francis Coquelin, Danny Welbeck, Santi Cazorla iyo Tomas Rosicky .

Liiska Kooxda Arsenal ee kulanka Southampton:Cech, Ospina, Monreal, Debuchy, Koscielny, Gabriel, Mertesacker, Bellerin, Chambers, Ramsey, Flamini, Ozil, Oxlade-Chamberlain, Reine-Adelaide, Iwobi, Campbell, Walcott, Giroud.

Ma Ogtahay?

  • KooxdaSouthampton ayaa raadinaysa in ay laba kulan oo xidhiidh ah garoonkeeda ku garaacdo Arsenal taas oo ay markii ugu horaysay samaysay April 1988, kulankii ugu danbeeyay ayay Saints 2:0 ku soo garaacday Arsenal bishii January. Arsenal ayaa 18 kulan ka guulaystay Southampton,9 kulan barbaro ayay galeen halka Southampton ay 5 kulan guulasytay.
  • Arsenal ayaa hal kulan oo kaliya guuldaro kala soo kulantay Southampton 11 kii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka Ingiriiska, 6 kulan way soo guulasytay, 4 kulan barbaro ayay soo galeen halka ay hal kulan guuldaro soo xambaaratay.
  • Southampton ayaa hal kulan oo kaliya soo guuldaraystay todobadii kulan ee ugu danbeeyay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay maalinta boxing day, 3 kulan way guulaystay, 3 kulan barbaro ayay gashay hal kulan way guuldaraystay.
  • Laakiin Arsenal ayaan waligeed hal kulan oo kaliya guuldaraystay maalinta Boxing day-ga, 12 kulan ayay soo guulaystay, 5 kulan barbaro ayay soo gashay waxayna sida aan soo sheegnay guuldaraystay hal kulan.
  • Arsenal ayaa sanadkan 2015 dhibcaha ugu badan ka soo heshay kulamada ay martida tahay, iyada oo 38 dhibcood ka soo heshay kulamo ay marti ahayd.
  • Mesut Özil ayaa haddaba sameeyay 15 gool caawineeda oo horyaalka Ingiriiska ah wuxuuna shan gool caawineed u jiraa rekoodhkii uu haystay Henry. Saints ma joojin doontaa Ozil?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip