Guus Hiddink: Chelsea Inta Ay Afarta Sarre Soo Gasho, Ayay Ku Guuleysan Kartaa Champions League Islamarkaana Qaadi Kartaa FA Cup.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:57:44 in Sports News by
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guus Hiddink: Chelsea Inta Ay Afarta Sarre Soo Gasho, Ayay Ku Guuleysan Kartaa Champions League Islamarkaana Qaadi Kartaa FA Cup.

    Guus Hiddink ayaa u dejiyay xiddigihiisa Chelsea bartilmaameed cajiib ah inta ka hartay xilli ciyaareedkan. Hiddink ayaa sheegay in Blues ay u soo bixi karto kaalimaha afarta sarre, ay ku guuleysan karo Champions League iyo FA Cup inkastoo ay si m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guus Hiddink ayaa u dejiyay xiddigihiisa Chelsea bartilmaameed cajiib ah inta ka hartay xilli ciyaareedkan. Hiddink ayaa sheegay in Blues ay u soo bixi karto kaalimaha afarta sarre, ay ku guuleysan karo Champions League iyo FA Cup inkastoo ay si musiibo leh ku bilowdeen xilli ciyaareedka. Tababaraha ku meel gaarka ah oo kooxdiisa ay maanta martigelineysa Watford ayaa yiri:

"Sida caadiga ah waxaan dejiyaa bartilmaameedyo, waxaana bartilmaameedka uu weli yahay inaan gaarno kaalimaha afarta sarre.

"Haddii bartilmaameedka uu yahay mid aan macquul aheyn ha sameynin markaas. Laakiin waan u sheegay iyaga taas. Ka dib Champions League. Ka dibna FA Cup.

Chelsea-Press-Conference
"Waxaa taas sii dheer ama aas aas u ah inay haatan soo bandhigay inay awoodaan inay howshaas qabtaan. Markaas ayaana tiigsan karnaa yoolkeena.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip