Arsene Wenger Oo Ku Adkeysanaya Inuu Ku Saxnaa Inuusan Gooldhaliye Heer Caalami Soo Iibsanin Xagaagii.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:49:53 in Sports News by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Ku Adkeysanaya Inuu Ku Saxnaa Inuusan Gooldhaliye Heer Caalami Soo Iibsanin Xagaagii.

    Tababare Arsene Wenger ayaa aaminsan in tartanka ay Arsenal ugu jirto hanashada horyaalka Premier League inay cadeyn u tahay inuu ku saxnaa inuusan gooldhaliye kale soo iibsanin xagaagii intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Arsene Wenger ayaa aaminsan in tartanka ay Arsenal ugu jirto hanashada horyaalka Premier League inay cadeyn u tahay inuu ku saxnaa inuusan gooldhaliye kale soo iibsanin xagaagii intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.

Iyadoo taageerayaasha Arsenal ay ugu baaqayeen Wenger inuu lacag qaali ah ku qarashgareeyo xiddiga Real Madrid Karim Benzema ama xiddiga Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagii, ninka reer France ayaa kalsoonidiisa saartay Oliver Giroud.

Kalsoonida uu u muujiyay ninka ay isku wadanka yihiin ayayna ku faa’ideen, iyadoo Gunners ay haatan ugu cadcadahay hanashada horyaalka ka hor kulanka Boxing Day ee ay caawa la ciyaarayaan Southampton.

Arsenal-v-Manchester-City
Wenger ayaa yiri: "Ma fahmin karin sababta ay la careysan yihiin taageerayaasha.

"Waxaan heysanay Giroud, laakiin waxaan sidoo kale heysanay Theo Walcott oo aan aaminsanahay inuu yahay gooldhaliye heer caalami, waxaan heysanay Alexis Sanchez oo isna weeraryahan heer caalami ah, waxaana heysanay Danny Welbeck oo isna weeraryahan heer caalami ah.

"Waxaad ku qasban tahay inaad qarashgareyso lacag aad u badan si aad u keensato xiddig ka fiican afartaas ciyaaryahan. Giroud waxa uu qabaa kalsooni. Taasna wax badan ayaan sheegay. Waxa uu leeyahay maskaxiyada uu ku ciyaari karo booskiisa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip